Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Jen. Daahr Aadan Cilmi indhaqarshe oo Hambalyo u Diray Ciidamada..

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa Hambalyo Kal iyo Laab ah u Diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Xili Maantay ay Ciidanka Xooga ay u Dabaal Dagayaan 53 Sanad Guuradii ka Soo Wareegatay Aas Aaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Jen. Indha-qarshe taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn quluubta ciidanka xooga dalka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Jen. Daahr Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa daboolka ka qaaday iney dib u soo celin doonaan kaalintii iyo cududii ciidanka xooga dalka.

“Waxaa naga go’an inaan mar walba kasoo baxno kaalinta ay nooga fadhiyaan shacabkeena Soomaaliyeed,mana ka gaabin doona difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi.

Dhanka kale hambalyo taa lamid ah ayaa waxaa ciidanka xooga dalka hawada usoo mariyey taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka Jen. Maxamed Cali Samatar oo ku sugan wadanka Mareykanka Jen. Samatar ayaa ugu baaqay ciidanka Cusub ee Soomaaliya soo celiyaan sharaftii iyo sumcadii ciidanka xooga dalka.

Wuxuuna kula taliyey in ciidanka xooga dalka ee hada jira ay ku daydaan isla markaane ay raacaan dhabbihii ciidamadii hore ay qaadeen oo uu sheegay iney ahayd  mabda’ ku salaysan Soomaalinimo kana hufan wixii intaa kasoo hara,53 guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka xooga dalka ayaa maanta laga xusayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo qaybo ka tirsan gobolada dalka.

Munaasabad lagu Xusayey 53 guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Ciidanka xooga dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho(Moment Media Group) 53 guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho waxaana madasha munaasabada joob joog ka ahaa dhamaan saraakiisha ciidamada dowlada,golaha wasiirada xukuumada,mudanayaasha baarlamaanka,maamulka gobolka Banaadir iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Wasaarada gaashaandhiga oo ahayd halka ay ka dhacday munaasabada xuska 53 guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa gaada ka ciyaar ay wada jeclaysteen ka qayb galayaashii munaasabadu kusoo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada xooga dalka.

Xuska maanta ee maalinta 12-ka April ayaa waxaa ka qayb galay gaadiidka dagaalka iyo dabaabaad ay leeyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaas oo goobta socod ku maray,waxaana ugu horeyntiiba munaaasabada hadl ka jeediyey taliyaha ciidanka xooga Jen. Daahir Aadan Cilmi.

Jen. Daahir Aadan taliyaha xooga ayaa sheegay in dhismaha ciidanku uu hada marayo meel wanaagsan oo laga amba qaadi karo,wuxuuna hambalyo u diray dhamaan ciidamada xooga dalka,isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey iney waqtiyada dhow soo noqon doonta cududii ciidanka xooga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud oo soo xiray munaasabada xuska maalinta 12-April aas-aaska ciidanka xooga ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka xooga wuxuuna  sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay qalabeynta ciidamada xooga sida ugu dhaqsaha badan.

Wuxuuna daboolka ka qaaday in dowladu ay kordhin doonto mushaharaadka ciidanka xooga marka ay loo dhameystiro qalabkooda Milaterine ay u diyaar garoobi doonaan duulaamo ay ku qaadaan goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin ururka alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya.

Munaasanada oo ku bilaabatay jawi nabdoon ayaa waxa ay kusoo gabagabowday mid taa lamid ah waxaana xusid mudan in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay maanta gabi ahaanba xanibeen isku socodka gaadiidka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Mana jir wax gaadiid ah oo maanta lagu arkayey wadooyinka Muqdisho marka laga reebo gaadiidka ciidanka xooga oo sugayey nabadgalyada magaalada Muqdisho intii ay socotay munaasabada xuska aas-aaska ciidanka xooga kama dhicin magaalada wax carqaladeynaya amniga caasimada.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.