Hawiye in modern Somalia

Taariikhdii Maxamed.Ibraahiim (Liiqliiqato) 

Bar AMA Baro – Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamad Ibraahim (liiqlii-qato), waxa uu ahaa halgamaa Soomaaliyeed, waxa uu ka mid ahaa halyeeyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo halgamey nasiibkana u yeeshay in uu kaalin lama ilaawaan ah ka qaato dhismaha iyo hogaaminta ciidamadii ugu horeeyey ee uu dalka Soomaaliya yeesho, waxa uu ka mid ahaa raggii sida ilayska qoraxda oo kale uga dhex muuqday dowladihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya soo maray.
Waxaa uu ka mid ahaa raggii fara ku tiriska ahaa ee aqoonta Milatari, mida Diimeed iyo mida Maadiga ahba ilaahay u kulmiyey ee maskaxdooda umadda uga faa’iideeyey.

Waxa uu ahaa aqoon yahan iyo indheer garad aanu shacabka Soomaaliyeed halmaami doonin, wuxuu ahaa geesi ku sifoobay hawl karnimo, hal adayg, daacadnimo iyo deeqsinimo durugsan, wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanii la kowsaday dhidibadana u taagay calanka iyo sharafta umadda Soomaaliyeed harsanayno laguna hantiyey madaxbanaanidii Soomaaliyeed ee dhiiga faraha badani ku daatay.

Hadaba anigoo og in Jananku ku suntan yahay quluubta dadka Soomaaliyeed oo idil ayaan jeclaystay in aan wax yar oo xusuusin ah ka iraahdo taariikhdii Jananku lahaa iyo xilalkii kala duwanaa ee uu dalka Soomaaliya kasoo qabtay intii uu noolaa, anigoo ka cudur daaranaya in aanay suuragal ii ahayn in aan maalin iyo asbuuc toona ku soo koobo sooyaalkii taariikheed ee Jeneraal Maxamad Ibraahim (Liiqlii-qato) uu lahaa, waxaana igu kalifay in aan wax ka iraahdo taariikhdii Jananku lahaa ka dib markii aan aqriyey Buug uu qoray Janaraalku oo aan jeclaystay in ay ila qaybsadaan
da’yarta bulshada Soomaaliyeed ee aan horay u aqrin buugaas iyo in ay ila qaybsadaan macluumaadka faraha badan ee ku jira buugaas si ay xusuusintaasi dhiiri galin ugu noqoto dad badan oo Soomaliyeed oo daneeya in ay wax ka ogaadaan Taariikhda dalkooda iyo dadkooda.

Allaha u naxariistee Maxamad Ibraahim (Liiq-liiqato), wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadku markuu ahaa 1921. markuu yaraa wuxuu dhigtay dugsiga qur’aanka kariimka ah ka dibna wuxuu qortay askartii Ingiriisku lahaa ee la oran jiray Gendermaagii Ingiriiska sanadii 1939-1945- wuxuu isteeshimada Xamar mid ka mid
ah ka noqday (O.P). sarkaal qora wixii habeenkaas dhaca ama dacwa ah, ka dibna wuxuu darajada Booliiska ee Gendermaariiga ka gaaray Isbatoore.

1950- wuxuu ka mid noqday Booliiska Soomaaliyeed ee Talyaaniga dalka maamulkiisa qabtay (Amministrazione Fiduciaria Italo Somala A.F.I.S), wuxuuna waqtigaas noqday Isbatoore Laba Alifle ah.

1952-kii asaga iyo saraakiil xigeeno kale oo Soomaali ah ayaa loo diray dalka talyaaniga si ay usoo kororsadaan culuum la xiriirta tababarada ciidamada, 1954 ayuu kusoo noqday dalka asagoo ah hal xidigle, waxaa kale oo uu kasoo shaqeeyey magaalooyin kala duwan oo dalka gudihiisa ah sida Gaalkacyo oo uu ka soonoqday
taliyaha saldhiga booliiska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sanadii 1960-kii wuxuu noqday Gaashaanle Sare iyo taliye ku xigeenki ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, sanadii 1964 ayaa loo wareejiyey ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna noqday Janan iyo taliye ku xigeenka ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed,
sanadii 1969 oo ku beegnayd markii ciidamadu dalka la wareegeen wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalkii la oran jiray Midowga Sovietka.

Sanadii 1971 wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Jarmalka Galbeed, sanadii 1974 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirkii Beeraha ka dibna wuxuu noqday Wasiirkii Ganacsiga ee Soomaaliya, ayadoo wixii waqtigaas ka danbeeyey loo badalay xarunta dhexe ee xisbiga hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed, asagoo markaas ka dibna noqday Gudoomiyihii Hogaanka Dhaqaalaha.Sanadii 1983-dii ayaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyihii Holaha Shacbiga ( President of the National Assembly), wuxuuna jagadaas hayey ilaa ay ka dhacdo dowladii milatariga ahayd ee uu ka tirsanaa marxuumku.

Sanadii 1991 markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaliya waxa uu isku dayey Marxuumku in uu ka shaqeeyeyo heshiis dhex mara beelihii U.S.C-da ee khilaafku ku dhex maray magaalada Muqdisho, wanaana xusuustaa marxuumka iyo Macalin Nuur Maxamad Siyaad oo Baabuur calamo cad cad ku xidhan yihiin la dhex mari jiray
meelihii ay isku hor fadhin jireen maleeshiyadii Cali Mahdi iyo Caydiid.

Buugan uu qoray Jen. Maxamad Ibraahim (Liiq liiqato), waxaa uu ugu magac daray Punt, waa buug xanbaarsan taariikh farabadan oo aan filayo in ciddii aqrisaa ay ka heli doonto macluumaad badan oo aysan horay u ogayn, buugani wuxuu ku qoran yahay luuqada afka
Soomaaliga laguma amaanayo koox gaar ah ama deegaan gaar ah ee wuxuu si faahaahsan uga sheekaynayaa taariikhda dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomalaiyeed oo idil.

Intii aan aqrinayey buugan kuma arkin amaan iyo buun buunin qoraagu isku amaanay ama beeshiisha uu ku amaanay sida ay sameeyaaan qorashaaya Soomaaliyeed oo intooda badani si xamaasadaysan uga hadlaan deegaanada ay kasoo jeedaan ayagoo qabiilkooda ka dhiga kan ugu badan ee Soomaaliya dega inta kalena ka dhiga dad yar oo aan nabad iyo colaad midna Soomaaliya u keeni Karin.

Buugan oo aan cad la tuuro lahayn meelaha ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah markii Jeneraalka oo Booliis ah loo badalay in uu
ka mid noqdo Milatariga, waxaana arintaasi timid ka dib markii ay is qabteen Jeneraalka iyo Maxamad Abshir Muuse oo markaas ahaa Taliyihii ugu sareeyey ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wuxuu qoraagu buugiisa tusmooyin badan oo ka mid ah kusoo qaadanayaa taariikhda Soomaaliyeed iyo halka ay kasoo jeedo Soomaalidu, waqtigii diinta islaamku ay soo garay Soomaaliya iyo dhamaqada umadda Soomaaliyeed lagu yaqaano ee ay kaga duwan tahay dadka aduunka ku nool ayuu si dhamays tiran uga hadlayaa.

Wuxuu qoraagu buugiisa kusoo bandhigay sida loo kala dagan yahay magaalada Kismaayo ee inta badan muranku ka yimaado, wuxuuna sheegay in beesha Majeeteen ay deegaan ku leedahay magaalada Kismaayo asagoo si gaar ah u yiri:-

“Aabahay ayaa igu oran jiray markaan yaraa oradoo dukaamadaa Hartiga wax nooga soo iibi”.

Intuu uu noolaa Jeneraalku ayaa dadkii ay siyaasadda Soomaaliya isku qabteen waxaa ka mid ahaa Col: Axmed Cumar Jees iyo Jen. Aadan Gabyoow oo labaduba sheegan jireen in ay ku dhasheen magaalada Kismaayo, laakiin Jeneraal Liiqliiqato wuu ku gacan sayray arintaasi, asagoo sheegay in Jen. Gabyoow 
uu ahaaaskari kasoo goostay ciidamada dowlada Kenya isla markaana uu asagu (Liiqlii-qato) Maxamad Siyaad kala hadlay in la dalacsiiyo Gabyoow si ay u soo goostaan askar badan oo Soomali ah oo dowladaha dariska ah u adeega, asagoo Jeneraalku markaas cadeeyey in Ina Cumar Jeesna uu ka yimid magaalada Jigjiga ee caasimadda Kililka Shanaad ee Soomaalidu degto.

Allaha u naxariistee Jen. Maxamad Ibraahim Liiliiqato wuxuu ahaa halyey si weyn ay u xasuusan doonaan bahda ciidamada Soomaaliyeed, wuxuuna kaalin lama ilaawaan ah kasoo qaatay
halgankii lagula dagaalamayey jahliga iyo gumaysiga waxa uu guursaday laba xaas intii uu noolaa, wuxuuna ifka kaga tagay laba caruur ah oo wiil iyo gabar kala ah.

Allaha u naxariistee Jeneraal Liiqliiqato, wuxuu ahaa shakhsi xishood badan, ahlu diin ah, cibaado badnaa, qur’aan ruug ahaa oo carabkiisa laga nabad gali jiray, wuxuu ahaa nin farxad badan, samo talis ahaa oo dadka oo dhan wanaag la jeclaa mar kastana xaqa u hiilin jiray, wuxaana kasoo jeeday qoys ahlu diin ahaa oo magac iyo
maamuus ku lahaa deegaanka magaalada Kismaayo isla markaana wuxuu ahaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel asagoo aan dalka meelna uga bixin waayadii dagaaladu socdeen asagoo heli karay in uu ku noolaado wadamada nabada ah ee madaxdii ay isku
waqtiga ahaayeen ku noolaayeen.Dhaxalka ugu muhiimsan ee jeneraal liiqliiqato uga tagay dadka soomaaliyeed ayaa noqonaysa taariikhda sugan ee uu ka qoray dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo runtii noqon doonta dhaxal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed
faa’iido weyn u leh.

Allaha u naxariistee jeneraalku wuxuu geeriyooday taariikhdu
markay ahayd May 30keedi 1998, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaana lagu aasay degmada Kax Shiiqaaleed, waxaana leenahay allaha u naxariisto Jeneraal Maxamad Ibraahim (Liiqlii-qato) janada
fardowsana allaha galiyo eheladii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo AAAmiin.

 —————————————————————————————————-

ibrahim21

Taariikhdii Max’ed Ibraahiim “Liiqliiqato”

Maxamad Ibraahim (Liiq-liiqato), wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1921kii. Yaraantiisii wuxuu dhigtay dugsiga qur’aanka kariimka ah ka dibna wuxuu qortay askartii Ingiriisku lahaa ee la oran jiray Gendermaagii Ingiriiska sanadkii 1939-1945- wuxuu isteeshimada Xamar mid ka mid ah ka noqday (O.P). sarkaal qora wixii habeenkaas dhaca ama dacwa ah, ka dibna wuxuu darajada Booliiska ee Gendermaariiga ka gaaray Isbatoore.

1950- wuxuu ka mid noqday Booliiska Soomaaliyeed ee Talyaaniga dalka maamulkiisa qabtay (Amministrazione Fiduciaria Italo Somala A.F.I.S), wuxuuna waqtigaas noqday Isbatoore Laba Alifle ah.

1952-kii isaga iyo saraakiil xigeeno kale oo Soomaali ah ayaa loo diray dalka Talyaaniga si ay u soo kororsadaan culuum la xiriirta tababarada ciidamada, 1954 ayuu ku soo noqday dalka isagoo ah hal xidigle, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey magaalooyin kala duwan oo dalka gudihiisa ah sida Gaalkacyo oo uu ka soo noqday taliyihii saldhigga booliiska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sanadkii 1960-kii wuxuu noqday Gaashaanle Sare iyo taliye ku xigeenkii ciidamada boliiska Soomaaliyeed, sanadii 1964 ayaa loo wareejiyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna noqday Janan iyo taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sanadkii 1969 oo ku beegnayd markii ciidamadu dalka la wareegeen wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalkii la oran jiray Midowga Soviet-ka ama USSR.

Sanadii 1971 wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Jarmalka Galbeed, sanadkii 1974 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirkii Beeraha ka dibna wuxuu noqday Wasiirkii Ganacsiga ee Soomaaliya, ayadoo wixii waqtigaas ka dambeeyey loo badalay xarunta dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, asagoo markaas ka dibna noqday Guddoomiyihii Hoggaanka Dhaqaalaha.Sanadkii 1983-dii ayaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyihii Golaha Shacbiga ( President of the National Assembly), wuxuuna jagadaas hayey ilaa sanadkii 1989kii.

Markii ay riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu isku dayey marxuumku in uu ka shaqeeyo heshiis dhexmara beelihii U.S.C-da ee khilaafku ku dhex maray magaalada Muqdisho, waxaana xusuustaa marxuumka iyo Macallin Nuur Maxamad Siyaad oo baabuur calamo cad cad ku xiran yihiin la dhex mari jiray goobihii ay isku hor fadhin jireen maleeshiyadii Cali Mahdi Max’ed iyo Gen. Max’ed Faarax Ceydiid.

Buugan uu qoray Jen. Maxamad Ibraahim (Liiq liiqato), waxaa uu ugu magac daray Dalkii Filka weynaa ee Punt, waa buug xambaarsan taariikh fara badan oo aan filayo in ciddii aqrisaa ay ka heli doonto macluumaad badan oo aysan horay u ogayn, buuggani wuxuu ku qoran yahay luqadda afka Soomaaliga laguma amaanayo koox gaar ah ama deegaan gaar ah wuxuuna si faahaahsan uga sheekaynayaa taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo idil.

Allaha u naxariistee General Max’ed Ibrahim “Liiqliiqato” wuxuu geeriyooday taariikhdu markay ahayd 30kii bishii May sanadkii 1998, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaana lagu aasay deegaanka Kax Shiiqaaleed oo ka tirsan degmooyinka Wadajir & Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Source:General Max’ed Ibrahim “Liiqliiqato”

 ——————————————————————————————————–

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s