Suntow Zanaawi Sameeyay Nin Safar ahaa Sida Maanta

 geedizanawi

August 13, 2013 | Moment Media Ethics – Originally Posted on February 08, 2005 | Dadkiisow Dabkasaaray, Daalun Amxaar jecel waaye, Dulmigow Daadihiyaa,Dagaalka Ehel-kow Ku Farxaa , Doqon Deen Galay Waaye, Duqa  Daa-lunkaa, Dulmigaad Maanta Ku Raacday Difaaciisa lahow.   EE  …. Haddaad Amxaar Dalka Keento   Nin Ka Damqaayaa Dalka Joogee, soomaali   Waa  magaceey , muslim  Waa  asalkeey. Ama soor ha  ku Siiyo, Ama Sariirta u Jiifo ,Suntow  Zanaawi  Soomaali u Ku Beenay  Rabigeey Ma rumeeyo.

Laba Cali kala nasiib badan,Cali Khaliik waxaa uu yimid xamar asagoo reisulwasaara ah,waxaa uu ka soo jeeday Cali  gobolka Laascaanood laakiin waxaa lagu soo dhaweeyay xamar asagoo loo arkaayay in uu yahay nin wataa heybada iyo sharfta dowladnimo, halka Cali Geedi oo u dhashay xamar uu ka baqaayo in uu yimaado xamar,waa kal nasiib iyo rag kala dheeri umada eey isdheertahay,war hadaad timaado xamar oo aad ku dhimato waxaad tahay shahiid waayo waxaad u dhimatay dadkaaga iyo diintaada sidii loo dejin lahaa,ogow in eeyan mooryaan wax dilin laakiin uu Ilaah wax dilo. Darajada aad maanta sidato waxaad ku siiyay umad ku dhaqan magaalada aad u dhalaty ee muqdisho runtiina waad garan weeyday. Cali Khaliif waxaa uu weli taagan yahay muqdisho waa Caasimadii dalka Amxaaro ma rabno,halka Geedi uu la soo taagan yahay  ciidamo safka hore ha la keen, caasimadana ha si ahaato Baydhabo. labada nin kala nasiib badan kalana raganimo badan. Shariifka xasan gudoomiyaha baarlamaanka waxaa uu xamar yimid asagoo C/aahi uusan raali ka aheeyn asagoo og in uu yahay nin ka soo jeedo G/bay waxaa uu naftiisa u huray in uu caasimada socodka ka bilaabo,halka Geedi uu jaclaaday in uu Jawhar ka bilaabo,waxaa uu u dhaqmay sidii nin mooryaan ah.Ilaahiw dadnimo nooyeel oo aan ku kala garano sharfta uu qofwalba uu hugsan yahay.

Waxaa soo baxday ceebaha iyo waxa eey u imaan waayeen muqdisho  Geedi iyo C/aahi waayo Mooryaan dheere ayaa wax walba cadeeyay,waxa soomaali hortaagan ayaa ah in weli eey jirto colaad iyo xumaan u dhaxeeysa rag qaas ah kuwaas  waxaa eey salfadeen dhamaan waan waantii iyo wada hadalkii socday 2,5 sanno,Maxed dheere waxaa uu sheegay in uu nacxeeyb xoog leh u haayo qabiil qaas ah maaha oo kaliya asaga ee waxaa la qaba naceeybkaa xooga leh C/aahi iyo Geedi,waxaa uu sheegay in eey ka yimaadeen gobolada dhexe iyo mudug,waxaa eey suáasha eey tahay mooryaan dheere marka uu qabsanaayay gobolka shabeelada dhexe yuu ka qabsanaayay heebta uu yahayse imisa ayeey ka yihiin umada ku dhaqan gobolka shabeelada dhexe,waxaa uu mooryaanan dheere ku hadaaqay in umada w/muqdisho iyo G/sh.hoose in eey ku jiraan gumeeysi, suáasha waxeey tahay gobolka aad maanta xooga aad ku haaysato  sow kama jiro tacadi iyo dhib ? sow adiga gumeeysi kuma haaysid ? umada gobolkaa sow kuma jiraan cagtaada hoosteeda ?

Waxaa xusid mudan mooryaan dheere kuwa uu hada necebka u qabo  sow gargaare uma aheeyn xiligii dagaalada sokeeye,sow Caydiid ma daba joogin markii la gumaadaayay heebta aad sheegato ,maxaa keenay in eey maanta noqdaan dambiilayaal adna aad noqoto nin saliim ah, xabisigaa la dhigaayaa ayaa erayadiisa ka mid aheeyd adiguse yaa ku cafinaayo ? sow maadan gubin tuulooyin faro badan gobolka sh/dhexe.Wax walba waa la ogyahay adaase daboolka iska qaaday kol haddii aad rabtid in umada soomaaliyeed aad ku celisid dagaal sokeeye.Waxaa dalka hogaanka u haya maanta Al-azhari,Bari Bari iyo mooryaan dheere,intaba xukuumada kuma jiraan laakiin waxeey shidaan dabka soomaali waxeeyana wataan taraq iyo bansiin aan la arkeeynin,Al-azhari waxaa uu u dhaqmaa ayaa ah mid umada kala fogeeynkarta markuu dhahay muqdisho waxaa ku dhaqan umad aan loo tagi karin waana in la cunaqabateeyaa kuwa diidan dowlada amrkeeda, weli waxaad moodaa in lagu jiro xiligii Siyaad Bare uu amarada bixin jiray.

Haddii C/aahi iyo Maxed dheere iyo Geedi uu  naceeybkaasi ku jiro  waxaa dhumeeysa in dalkaan marnaba uu ka hirgalo nabad iyo maslaxad umada soomaaliyed,waxaan la iloobay in umadaan eey tahay isku diin isku dhaqan isku dhiig,waxaan weli la garan in dalkaan eey burburiyeen kuwa wata danno gaar ah, kuwaasi runtii ma kala garan karaan waxa saxda ah iyo waxa qaladka ah, waxaa eey wadaan ayaa ah in qabaailka uu kala badaiyo taasna madhaceeyso waxa loo baahan yahay ayaa ah in aan garano dagaal la huriyaa waxaa u danbeeyso dagaal iyo in eey umada eey ku jirto weligeed dagaal (Violence leads violence ).

Waxaan aad ugu farxay in Faarax Sindiko iyo Xaaji Cadaani oo runtii ka jawaabay  Geedi  tagistiisa Jawhar,waxaase ilaa iyo hada la la yahay muduloodkaka aqoonyahankooda,odayaashooda in eey u jawaabaan mooryaan dheere waxa uu ku hadlay iyo naceeybka ku jiraa in eeyan la qabin,runtii mudulood ilama aha in uu ku jiro nin wax garad ah oo la safan ninkaa aqoonta yar, umada waxaa eey maanta u taagan tahay
nabad iyo iscafis iyo horumar in eey sameeyso,waxaa lagu jiraa xiligii umada eey dhisan  laheeyd qaran soomali,waxaa loo baahan yahay in umada eey iscafiso lana  iloowo  waxii la soo maray ( forgive and forget ).

Umada waa in eey abuuraan jawi leeyskugu imaan karo wada hadal,waxaa la dhahaa nabada waa lagu tarmaa colaadana waa lagu tirmaa. Nabada waa in eey na hogaamiso waa in aan u galnaa meel walba,dhibkastana aan ugu dulqaadanaa raadinta nabada iyo wada noolaanshaha umada muslimka ah ee wada dhashay. Ilaaheey ha na gardsiiyo in aan nahay umad muslim ah,hal dhiig  iyo hal dhaqan leh soomaalina ah.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s