Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

Socdkii Ibnu Batuuta 1325-1354

Qaybta Kowaad

Soo gaaritaanka Muqdishow

Ibnu Battuuta [-1] oo ahaa Dal-mareen ku caanbaxay socdaal dheer ee uu ku maray, meelo badan oo ka mid ah Caalamkii Hore ama dunidii la yaqiinay waayihii Casriga Dhexe, (Periodi Medievali), isagoo in ka dhaw sodon sano ku bixiyay socdaalkaas, kuna tagay magaalooyin taariikhi ah ee Dunidii watigaas

Socdaalka Ibnu Battuuta oo ahaa Qarnigii 7aad ee Hijriyada, kuna beegan kii 13aad ee Milaadiga, ayuu Ibnu Battuuta ku qoray Kitaabkiisa Socdaalka Ibnu Batuuta ee loo yaqaano: Tuxfatul Al-anthaar fii Garaa’ib Al-amsaar wa Cajaa’ib Al-asfaar

Kitaabka (Socdaalka Ibnu Battuuta) oo lagu tarjuma luqado badan, ayaa nusqadda, (Script) aan guud ahaan kasoo qaaday (Documnet)-ga qoraalkan, waxaa soo saaray, hor-dhacna u sameeyay Cabdulhaadi Al-taazi oo xubin ka ah Akadeemiyada Boqortooyada Marooko; kitaabka oo la daabacay sanadkii 1417-H, 1997; waxaa kale oo aan dhinaca tarjumada, gaar ahaan eryayda, ka faa’iideystay nusqad ka mid ah qaybaha Afka Talyaaniga loo badala, si gaar ah kan, Ross E. Dunn, Gli Straordinari Viaggi di Ibn Battuta.

Ibnu Batuuta

Waxaan tarjumay inta ku saabsan socdaalkiisa Muqdishow, anigoo hab ahaan raacay, inta badan, tarjumada dhinaca macnaha; kuna dadaalay in erayada muhiimka u ah aan sidooda u dhaafo, xariiqna hoosta ka mariyo si aan, dhamaadka qoraalka, macnahooda u sheego

Waxaan u sameeyayama dhawr cinwaan, (Subtitles, sottotitoli) oo aan kasoo saaray qoraalka, hayeeshee kan ku saabsan maqaamka ama sharafta Suldaanka Muqdishu uu horey u jiray

Ibnu Batuuta oo ka hor, inta uusan gaarin Moqdishow soo maray wadamo badan ayaa dhulka, waqti danbe, loo bixiyay Soomaaliya kasoo dagay magaalada taariikhiga ah ee Saylac, ka dibna u shiraacday dhinca Muqdishow.

Ibnu Batuuta oo buuggiisa, guud ahaan, u qoray qaab ah ka waramid sheeko tilmaam ah, (Descriptive narration) waxuu hadalkiisa ku bilaabay:

Waxaan u baxnay, (Markabkii uu ku yimid Saylac iyo dadkii saarnaa), safar dhinaca badda, oo muddu shan iyo toban habeen ah ka dib aan soo gaarnay Maqdasho [-2] (Sidaas ayaa magaca magaalada loogu dhawaaqi jiray).

Waa magaalo aad u balaaran oo dadkeedu leeyihiin ama dhaqdaan geel badan. Waxay maalin walba gawracaan boqol neef oo geel ah. Waxaa kale oo ay leeyihiin ari aad u badan; waa dad ganacsato ah oo, jir ahaan, xoog badan. Waxaa Maqdasho lagu sameeyaa dhar, farsamo ahaan, magaceeda lala xiriiriyo oo ay magaaladu caan ku tahay; dharkaas, oo wax la mid ah uusan jirin, ayaa loo suuq geeyaa Masar iyo wadamo kale

Waxaa caadada dadka degan magaalada Maqdasho ka mid ah, in haddii uu markab kusoo xirto marsada ay doomo yaryar usoo diraan halka markabku joogo. Waxaa doomaha saaran dhalinyaro mid waliba uu gacmaha ku sido saxan, ama xeero daboolan oo ay cunto ku jirto; wiil kasta oo dhalinyarada ka tirsan waxuu cuntada siinayaa nin ka mid ah ragga markabka la socda, oo ah ganacsato u timid Maqdasho hawlo beecmushtar, islamarkaana waxuu ogeysiinayaa in ninka uu siiyay cuntada reerkooda marti u yahay.

Waxaa jira rag ganacsato ah oo markabka la socda, magaaladana dhawr jeer oo hore yimid; raggaas kuma raagaan markabka dushiisa; waxay ku degaan halkii ay doonaan madaama magaalada ay ku leeyihiin dad macaamil ganacsi iyo aqoon kala dhexeyso

Marka leys dhaafsanayo badeecada ama iibku uu dhacyo, waa in ganacsatada labada dhinac ay joogaan goobta. Sidoo kale, ganacsatada reer Maqdasho ma aqbalaan in badeecadood qiimo raqiis ah lagu qaato!

Dhalinyarada markii ay soo fuuleyn dusha markabka, ayaa nin ila socday oo musaafirka ka mid ah u sheegay inaan, anigu, aheyn ganacsade, hayeeshee ah nin faqiih [-3]ah ama caalim. Dhalinyarada kii ugu soo horeeyay ayaa ku dhawaaqay: “Ninkaan waxuu marti u yahay Qaadiga magaalada.” Markaas ayaa nin qaadiga la xiriira arrinteyda si gaar ah loogu sheegay; kaasoo ka dib ii kexeeyay dhinaca xeebta isagoo ay dhinaca ka socodaan koox arday ah.

Ka dib markii aan soo degay, oo aan salaantana kala qaadnay Qaadiga iyo daka la jooga ayuu Qaadigu igu yiri, “Bismilaahi, waxaan soo salaamaynaa Sheykha” -Waxaan ku yiri: “Sheykhu yuu yahay?” -Waxuu iigu jawaabay, “Waa Suldaanka”

Xaakimka ama suldaanka, ayaa, sida wadamo badan oo kale, ay reer Maqdasho iyaguna ugu yeeraan naynaasta ah ‘Sheykh’

Qaadiga waxaan weydiistay, ka hor inta aanan booqan Suldaanka in marka hore aan dego. Waxuu iigu jawaabay: “Waxaa dhaqan ah, in haddii uu yimaado nin faqiih ah ama shariif ah iyo qof saalax ah, (Diin wanaagsan), inuusan magaalada ku degin ilaa uu la kulmo Suldaanka” -Sidaas ayaan Qaadiga iyo raggii la joogay ugu raacay guriga Suldaanka

Suldaanka oo magaciisu yahay Abukar Sheykh Cumar, (Abu-bakar ibnu Sheykh Cumar), assal ahaana, kasoo jeeda Barbar, (Waaa magac loo aqoon jiray Soomaalida), ayaa afka Maqdashiga, (Afka Soomaaliga) ka sokow, waxuu yaqaan amd ku hadla Afka Carbiga. Waxaa caado u ah ama uu yeelaa haddii uu markab soo xirto, inuu markabka usoo diro qof soo ogaata ama hubida dalka markabku ka yimid, cidda iska leh, naaquudaha, (Kabtanka) wada, inta uu markabku la egyahay ama qaadkiisu yahay, badeecadda saaran iyo gancsatada la socota; markaas ka dib, ayuu Suldaanku go’aamiyaa ogolaashaha marti-galinta ama diidmo ah in masaafiriintu kasoo degin markabka!

Aniga iyo Qaadig, oo magaca loogu yeero yahay Ibnu Al-Burhaan, assal ahaana u dhashay Massar, ayaa markii aan gaarnay guriga Suldaanka waxaa noo soo baxay, oo na qaabilay wiilal dhalinyaro ah oo salaamay Qaadiga; islamarkiibana Qaadigu faray dhalinyarada inay, Amiinka [-4], ku war galiyaan in ninkan ila socda (Ibnu Batuuta) ka yimid dhanka Xijjaas.

Waqti yar ka dib, ayuu nagu soo noqday wiil ka mid ah dhalinyaradii fariinta qaaday. Waxaa loo soo dhiibay saxan ay ka buuxdo caleynta la cuno ee, Awraaqu tanbuul [-5]) iyo filfil. Waxuu isiiyay toban caaleemood, waxaa kale uu isiiyay xoogaa filfil ah. Qaadiga iyo ardayda xerta ah, iyagana, waxuu siiyay intii saxanka ku hartay. Waxaa kale aw inoo keenay weel uu ku jiro sharbeed ama cabitaanka loo yaqaano Biyo-wardiga, (Maa-ul wardi Al-Dimishiqi), biyahaas ayuu wiilkia aniga iyo Qaadiga noo shubay.

Markii aan wax cunay ayaa Qaadiga loo sheegay in Suldaanku soo amray in ninka soctada ah la dajiyo guriga (Daarul dalabah); oo ah guri aad ugu dhaw daarta Suldaanku deganyahay, waxaana loo diyaariyay ama loogu talo galay ardayda magaalada aan howga ku laheyn. Runtii, waa guri si wanaagsan loo firaashay oo wax kasta oo martidu u baahato laga helo!

[-1] Ibnu batuuta waxuu u dhashay dalka Marooko ama Al Magrib, waxuu kasoo jeedaa dadka Barberka ah. Magaciisa oo buuxa waa: Abuu Cabdallah Muxamed ibnu Cabdallah Al-luwaa’i Adanjji. Waxaa laysku raacsanyahay inuu ahaa dal-mareenka ugu weyn taariikhda

[-2] Maqdasho, ama Maq-da-sho: magaca magaalada Muqdishow sidaas ayaa loogu dhawaaqi jiray.

[-3] Faqiih: waa qof faham iyo ogaal qoto dheer u leh Qur’aanka Kariimka iyo Sunada Nabiga (CSW).

[-4] Amiinka: waxuu noqon karaa xog-hayahay ama ilaaliyaha Sheykha

[-5] Awraaqu tanbuul: waa caleen loo cuno inay hamuunta ama hungiriga qofka furto. Cunta guud ka hor ayaa la cunaa. Caleentaas, (Betel leaves), waxaa laga cunaa wadamada Aasiya iyo meelo kale

Moment Media Ethics


Muqdishow iyo Ibnu Battuuta ( Qaybta Labaad )

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta ( Qaybta Labaad )

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta ( Qaybta Labaad )

Socdaalkii Ibnu Batuuta: 1325-1354

Maamuus iyo Marti-galin

Markii aan galnay Guriga Martida ayaa wiilkii dhalintayaraa waxuu guriga Sheykha nooga keenay cunto. Waxaa wiilka la socday nin ka mid ah wassiirada Sheykha oo ah wassiirka u qaabilsan marti-soorka, oo isagoo isoo dhaweynaya, igu yiri, “Waxaa ku salaamaya, (Mawlaanaa Sheykh) [-6],waxuuna ku leeyahay: imaanshahaagu waa kheyr!”

Soo dhaweenta ka dib, waxaan bilownay in cuntadii naloo keenay aan cuno. Cuntadu waxay aheyd bariid lagu kariyay dufan, (Subag), laguna soo rogay saxan weyn oo qoray ka sameysan, (Xeero). Waxaa dusha lagsoo saaray cadad ‘Koshaan’ ah [-7] oo goosaar ama iidaan looga dhigay hilib digaag, mid xoolo iyo malaay; sidoo kale, waxaa cuntada lagu daray, Baquul [-8]. iyo Moos oo isagoo aan weli bislaan, laguna kariyay caano dhaay ah, ayaa lasoo saaray labo weel oo midkood uu ku jiro mooskii karsanaa, midka kalena ay ku jiraan caanihii lagu kariyay.

Cuntada waxaa korka looga daray liin iyo xirmo filfil ah oo biyo lagsoo saaray, taasoo loo isticmaalayo khal ahaan. Waxaa kale oo lagu daray sinjibiil cagaar iyo canbe, oo ah miro la mid ah ama u eg tufaaxa hayeeshee gudaha laf ku leh, kaasoo haddii uu bissil yahay aad u macaan badan, lakiin marka uu ceyriinka yahay sida liinta u dhanaan; sidaa darteed markii ay cunaan hal luqmad oo bariid ah ayay raaciyaan wax yaabahaas dhanaanka ah oo ay sida khalka ay u isticmaalaan

Ibnu Batuuta

Dadka reer Maqdasho, hal nin oo ka mid ah waxuu cunaa inta ay koox inaga ah ay cuni karto, sidaas awgeed waa dad cayilan oo jirkood buuran yahay. Markii aan wax cunay ka dib, ayuu Qaadigu naga tagay; waxaan Guriga Martida ku nagaaday ama aan joogay seddax maalmood oo malin kastaba, sida ay caadadoodu tahay, seddax jeer aniga iyo dadkii musaafirka ahaa ee markabka aan ku wada nimid, cunto naloo keenayay

Maalinta afaraad oo aheyd maalin Jimaca ah, ayaa waxaa ii yimid Qaadiga iyo ardaydiisa. Waxaa kale oo la socday wassiir ka mid ah wassiirada Sheykha; waxaa la ii keenay dhar ka kooban maryo go` ah oo ragu dhexda ku xirto, taasoo surweel u dhiganta madaama dadka reer Maqdasho aysan, dhar ahaan, aqoon surweel. Waxaa kale oo la ii keenay khamiis kor laga gashto oo tolmadiisu Missri tahay. Waxaa kale oo ku jiray dhar fidqado ah oo khamiiska laga hoos qaato, dhinaca horeyna ka furan, sameyskiisa ka yimid Al-Qudus; waxaa kale oo la isiiyay cimaamad Massar laga keenay. Dadkii masuufarka ahaa, ee aan wada soconay, waxaa iyagana la siiyay dhar ceenkaas ah oo sidaas u sameysan

Intaa ka dib, waxaa aadnay Masjid-jaamaca oo aan salaadda ku dukanay meel ka danbeyda, Al-maqsuura [-9]. Markii uu Sheykhu kasoo galay albaabka maqsuurada aniga iyo Qaadiga ayaa salaanay Sheykha, si wanaagsan ayuu isoo dhaweeyay; marka hore afkooda ayuu kula hadlay Qaadiga, ka dib Af-Carabi ayuu igu yiri, “Imaasho wanaagsan ayaad noogu timid, waxaadna sharaftay dhulkeena, wehel ayaad noo tahay”

Soo dhaweenta ka dib, waxuu Sheykhu u baxay meel banaan oo ka mid ah xeendaabka masaajidka, halkaas aw ku aasanyahay aabihiis; waxuu is-dultaagay qabriga isagoo duco ku aqriyay, Ilaaheyna u baryay

Maqaamka Suldaanka

Markii uu ka soo tagay qabriga aabihiis, ayaa waxaa iyagoo wada socod Suldaanka u yimid dhammaan wassiirada, dad madax ah iyo taliyayaasha ciidamada oo dhammaantood, halkaas ku, salaamay Suldaanka. Dhaqanka ay isku salaamay dadka Maqdasho, waxuu la mid yahay kan reer Yemen oo kale; waxuu qofku wax salaamaya uu marka hore farta suulka xigta uu galinayaa ciidda, ka dibna waxuu geynayaa madaxiisa isagoo dhahaya ama oranaya: cissigaaga Ilaahay ha dheereeyo ama ha raajiyo. Islamrkiiba, Sheykhu kobahiisa ayuu iladay, waxuuna ka baxay albaabka masaajidka isagoo amray Qadiga iyo aniga inaan ilano ama gashano kobaheyn, ka dibna isaga u raacno dhanka gurigiisa oo aan ka fogyen masaajidka. Dadka intooda kale ayaa nasoo raacay iyagoo cagacad ama aan kobo sidan

Sheykha waxaa madaxiisa lagu hareeyay ama la dul hagoogay afar qubaab [-10] oo xariir midabo leh ka sameysan, iyadoo qubadiiba uu ku sawiranyahay shimbir midkiisu dahabi yahay.

Maalintaas oo jimaco aheyd, dharka Sheykhu waxuu labisnaa khamiis horey ka furan oo Qudsi ah, midabkiisuna cagaar yahay; dharka khamiiska laga hoos qaato oo ka kooban fidaqyo is-raacsan iyo qaar garbaha la saaro oo aad u quruxsan, isku jirkoodana laga keenay dalka Masar. Waxuu dusha ka labisnaa go’ xariir ah iyo cimaamad weyn.

Maalintaas waxaa Sheykha loo garaacay durbaano, waxaana loo yeeriyay boon noocyo kala duwan ah; waxaa horey iyo gadaal ka socday madax iyo ciidan, hareerahana waxaa ka socday Qaadiga, culumo fuqaha [-11] ah iyo dad sharaf iyo xurmo leh, waxayna dhammaanto u socdaan goobta wadatashiga

[-6] Mawlaanaa Sheykha: erayga’ mawlaanaa’ macno dhawr ah oo isku dhaw ayaa loo adeygsadaa, kaaasoo, guud ahaan, tilmaamaya qadarin iyo weyneyn ama gargaar iyo garab joogsi. Waxuu noqdaa cinwaan, (Title) la siiyo boqorada, madaxda iyo culimada diinta Islaamka. Waxaa, xushmad ahaan, la siiyay cinwaankaas ama loogu jiray dadkii adoonta ahaa ee Diinta Islaamka qaatay

[-7] Koshaan: waxuu la mid yahay ama uu yahay KOSHAAR. Waa xawaaji lagu maceeyo hilbka ama dalaca maraqa, kaasoo xiriir la leh, (Curry) assal ahaan laga isticmaali jiray India iyo wadamada kofur-bari Aasiya

[-8] Baquul: waa khudaar kala duwanoo lagu dhinac cuno cunta guud, (Main meals), gaar ahaan qadada

[-9] Al-maqsuurah: qayb yar oo ku dhinac taal ama gooni ka ah qol weyn

[-10] Qubaab: waa cimaamad iyadoo dhawr wareeg leysgu aadiyay madaxa dushiisay lagu xiray

[-11] Fuqaha: waamagac wadareed halkiisu yahay FAQIIH -erayadii qaybtii kowaad fiiri

Saxitaan: hafyo hadal ka mid ma ah! Booqashada Ibnu Battuuta ku yimid Soomaaliya ee uu booqday magaalooyinka Seylac & Muqdishow waxay ahayd Qarniga 7-aad ee Hijriga kuna aadan kii 14-aad ee Milaaddiga. Qaybta hore waxaan ku sheegay inay aheyd Qarniga 13-aad ee Milaaddiga

Advertisements

1 Comment

  1. WAX KA BARO TAARIIKHDA : KUMUU AHAA IBNU BATUUTA??

    WAX KA BARO TAARIIKHDA : KUMUU AHAA IBNU BATUUTA??
    Kumuu ahaa ibnu batuuta

    Ibnu batuuta waxa uu ahaa PRINCE OF MOSLEMS TRAVELLERS ama amiirkii sahmiyayaasha musliinta wuxuuna soo maray dhulal badan oo ku yaala dhamaan qaaradaha aduunyada badankooga wuxuuna si fiican usoo darsay dhaqanada iyo caadooyiinka kala duwan ee buslho weynta ku nool dhulalka iyo qaaradaha aduunyada waxana uu si fiican u dhexmaray isagoo waxka darsaya dhaqamada ama caadooyinka yaabka leh ee dadyowga aduunweynahan idilkeed

    Ibnu batuuta waxa la odhan jirey maxamed binu cabdilaahi binu ibraahim waxa uu ku dhashay sanadku markuu ahaa 703hijriyada 1304tii milaadiga meesha loo yiqaano dinja ee ku taala woqooyiga afrika gaar ahaan dhulka loo yiqaano maqaariibta carabta wuxuuna safarkiisa bilaabay sanadku markuu ahaa 725hijriyada isagoo ku soo wareegay misir shaam baxreyn ciraaq faaris yemen baakistaan iyo inta loo yiqaano wadamada ka danbeeya labada wabi ee ku yaalaa iraaq sida furaad iyo dijla iyo afrikada dhexe iyo waliba afrikada bari gaar ahaan saylac iyo muqadisho wuxuuna xidhiidh la lahaa boqorada iyo xukaanta ibnu batuuta waxa uu ahaa nin ilaahay haybad u siiyay tirinta gabayada isagoo gabayadaasi ay boqoradu ay ku siin jireen waxuugo dhaqaala ah si ay meel mar ugu noqoto safaradiisan yaabkaleh si uu si fiican ugsoo darso safaradiisan yaabkaleh iyo socdaaliisan cajiibka oo uu ku soo maray dalalkoo soo arkay markuu ku soo noqday dhulkiisa hooyo waxa uu la noolaa suldaan lugu magacaabi jirey abiicanaan kaasii oo uu ku nagaaday dabeeto waxa uu ka sheekeeyay travelers uu ku soo maray dhamaan waxa kaloo yaablahayd oo kaga duwanaa sahmiyayaasha kale maskaxdiisoo aad u saraysay iyo sida uu kuuga dhigdhigayo waxyaalihii yaabka ahayd oo uu ku soo arkay intuu ku guda jirey ibnu batuuta waxa uu hindisay qisas iskudaba xigxiga oo aad moodaysid sidii wabi soo burqanaya oo kale oo ku salaysan xaqiiqiyo dhab waliba isagoo noo sawiraya caadooyinkii iyo dhaqamadii kala gadisnaa waxa kalo oo uu sawirayay dharkoogiii cuntadoodii iyo shaykastoo oo u dhaqan ahaa ibnu batuuta waxa uu ku dhintay meesha la yidhaahdo maraakiish sanadku markuu ahaa 779hijriyada 234milaadiga ibnu batuuta waxa uu ahaa boqorka safarada iyo amiirka ogaanshaha


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s