Federalism Moment “ISKU CAQLI AH”

image13 December 2015 |Bar Ama Baro | FederalismMoment –  Hor iyo horaanba, Soomaalida waa ummad walaala ah, isku af ah, isku diin, isku dhaqan ah, isku hiddo ah, nasiib darase “ISKU CAQLI AH”. Arrintaan danbe ayaa keentay inay koortii meel ka dhawaaqdaba inay sidii xoolihii hal mar dhegta kor u qaadaan, oo haddii midkooda dhankaas u dhaqaaqa la iska daba kaco. Cidi isma weydiiso, “War koortaan maqleeno ma koor xoolo jinnaa, mise waa reer agaheenna soo degay?”

Taariikhda qoran waxay tilmaameysaa in kun sideed boqol iyo sideetamaadkii, nin Reer Boontaland uu Sansibaar kula kulmay nin Talyaani ah oo la yiraahdo  Vincenzo Filonardi, isagoo wax hubsaninna uu keenay Hobyo una saxiixo inay Hobyo wixii ka hooseeya ay yihiin maxmiyadda Talyaaniga. Boqorkii Gobolka Bari oo tartan siyaasadeed iyo mid dhaqaale kula jiray walaalkiisii Hobyo u cararay, ayaa isna yuusan kaa badinin intuu lahaa Filonaardi u saxiixay warqad maxmiyad Talyaani ah looga dhigayay Gobolkii Bari (Magiurtinia).

Danta ninka la yiraahdo Filonardi ma ahayn qabsashada dhul lama degaan ah oo cidlo ceersi la’ ah, balse wuxuu u hanqal taagayey siduu u heli lahaa dhulbeereed, laga tabco waxyaalaha aan laga helin Talyaaniga sida mooska, canbaha iyo babayga. Xeebaha Banaadir illaa Kismaayase waxaa ka talin jiray talis hoos taga Boqorkii Cummaan ee Saciid Barkhash. Talyaaniga oo arrintaas dhabar jabin rabay, ayuu boqorkaan kor ku soo sheegay walaalkiisa ku amray inuu Filinardi geeyo Muqdisha, Marka iyo Kismaayo, Soomaalida halkaas degganna u sheego in la hubeynayo sidii ay iskaga raacdeyn lahaayeen askartii Saciid Barkhash. Waxaa Muqdisho iyo Marka ku soo xirtay markab Talyaani ah oo watay sarkaal la yiraahdo Sorrentiino, waxaase markabkaas la saarnaa Boqorkii Bari walaalkiisa. Dadka Reer Banaadir iyo Kismaayo oo lagu yaqaan inay iska aaminaan wuxuu nin walaalkood oo Soomaali ah u keena, ayaa iyagoo marnaba falanqeyn safarkaas laga lahaa iska daba kacay ergadii Bari uga timid iyo ciddii gaalada aheyd ay hor kacayeen, illeyn waa Reer Dhaanraac iyo Reer Dhuglaawee, oo Rabbi tawakalka si xun u qaatee!

Reer Soomaaliland oo taariikh ahaan waligood la ficiltami jirey Reer Bari, markay maqleen in Reer Barigii “Jircad” keensadeen, ayaa waxay ku gabyeen “Dee ma anigaa idinka liidanaa oo boqorka Jircad oo idil keensan karin!”. Waatey fag markey yiraahdeen oo Cadan tageen oo iyagoon shilin la siinin Ingiriiska u saxiixeyn in Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo ka baxsan Bari la hoos geeyo maxmiyadda Ingiriiska. Intaas kuma ekaanine, turjumaanadii Iidoor waxay Ingiriiska geeyeen gobolada waqooyi ee Keenya oo Soomaalida degto, waxayna ku yiraahdeen: “Dee haddii Majeerteen Talyaani ka iibiyay dadka dega Hobyo illaa Raas kiyambooni, annakana Ingiriisow waxaan ku geenayaa halkay ka dhalatay Boqortooyadii Soomalida ugu weyneyd ee Ajuuraan. Waana sababtaas in 1963 nin Reer Iidoor ah gacantiisa ku saxiixo in NFD Keenya qaadato, walow 90% dadka NFD ay doorteen inay ku darsamaan walaalahooda Reer Benaadir. Taas wuxuu u yeelay si aysan u sii badan awoodda Reer Bariga ugu talinayeen degaanada ay degaan Reer Dhaanraaca oo leh daacadnimada iyo Soomaali jecelka doqonnimada ah!”

Waa ummadaan sheegay oo isku caqliga iyo isla ficiltanka ahaydee, waa tii qaar ka mid ah odayadii Gabal (Killinka Shaanad) u dhuunteen Boqor Menelik, kuna yiraahdeen: “Adeerow, Iidoorkaan cadowga aheyn maantow gaal cad noo keensadey, ee adigaa inta madow u xoog badanee maxaad ka leedahay haddaad naga ilaalisid oo Gabalna maxmiyad u qaadatid”. Menelik oo hoos hoos u qoslayo baa yiri:”War adoo harsan waayey, ma laguu soo hargalaybaa la yiriyee, war anniga Ingiriis isku taaban maayo, laakiinse haddii Iidoor far idin saaro, diyaarbaan idiin ahay, laakiinse sanad kasta waa inaad bixisaan koodhi (canshuurta dadka la adoonsado baxshaan) ay ciidamadeyda idinku ilaalshaan, saldhigyana degaankiina iga siisaan. Waayahay baa lagu kala tagey! Isficilkaas iyo isku maangaabnimadaas waxay na dhaxalsiisay Soomaali in la wada gumeysto, oo markuu dhiig badan iyo xoolo badan ku daateenna ay dirqi xuriyad ku helaan saddex ka mid ah shantii Soomaaliyeed! Goorey soo noqotay rajadii Soomaaliweyn, Soomaaliyoo idilna u ruqaansatay soo xerogalintii Gabal (Killinka Shanaad), xoog iyo xeeladna isugu geeyeen xureynta Soomaali Galbeed, ayaa haddana si lama filaan ah qeyb inaga mid ah ayaa dano gaar ah istustay. Soomaaliyoo dagaal ku jirta, ayaa rag aadeen dhankii Mengisto (Itoobiya), iyagoo aaminsan inay dhabarjabin ku sameeyaan Taliskii Maxamed Siyaad. Waxay la baxeen Kulmis. Waa Eebbe amarkiisee, ragga yeerinayay “Koorta Kulmiye” waxaa hor kacayey Raggii Filonardi Soomaali u soo horkacay, Soomaalida koofureyna gunneeyay! Waa ummaddii isku caqliga aheydee, waa tii dawankii Kulmiya ee BBCda iyo Reediyow Addis Ababa dhankoodii loo wada jeestey. Waatii Reer Waqooyigii ficiltanka badnaa isna yiri: “Now, war Kulmisow, war dacow yahow, ma annagaa Gabre nooga tarjumisaa. Dee qarnigaan waa keyga, markaan Reer Muqdishow annaa heeso iyo gabayo ku kicinayaa, markay soo hambariiraanna waa arkidoontaa Taliskaas iska daayee, adigay maqaarka kaa dhigan!” Saskii Reer Muqdishow, waxay dhashay inay kala garan waayaan danta iyo dilka; dadnimada iyo duunyonimada; diinta iyo dufownimada! Waatey arrin noqotay, ka daroo dibi dhal! Waatii dagaandukun noqoney. Waatii la yiri: “Shimbiri marbay dab qaadaa, markay qaadana buulkeedey ku gubtaa!”. Waataa rubac qarni aan qax iyo qaaxo ku dhamaanay! Allow noo gargaar.

BOQOROW, BETROOLKII BOONTALAND AMAA LAGU BAS BEELAA!

“Illeyn qas ma quustee!”, intaas waxaan u soo tirshey inaan dadka uga digo, iska daba kaca dawan kastoo loo yeersho; siibana dawanka haddii ay ka maqlaan Bari iyo Boosaaso. Waxaan Reer Dhaanraac iyo Reer Dhuglaawe u sheegayaa inay tagtada bartaan, si ay timaatada u fahmaan. Reer Dhaanraacow, dhaantadaan Federaalka amay tahay tii Filonaardi. Aniga ma diidani nidaam dawli ah oo Soomaali ku kala badbaado, haddiise nidaamkaas ka yimaado dhankii Filonaardi nooga yimid, dhankii qaranka Soomaaliyeedna lagu dundunshay, feejignaan awgeed, FAR DHEER AYAA II TAAGAN. Tuhunkaan iyo taxadirkaan weynna waxaa ugu wacan: 1. Federaalka na loo keenay oo la mid ah kan Itoobiya ugu talagashey 80 qawmiyadood oo kala af ah, kala dhaqan ah, kala diin ah, hase yeeshee hoos taga dawlad dhexe oo xoog badan, oo leh ciidan xoog badan iyo hay’aadka xukuumiga ah oo shaqeynaya. Hase yeeshee istraatiijiyad federaalka Soomaaliya uu yahay sameynta 80 qabiil, walow ay isku af, isku diin, isku dhaqan yihiin, laga fogeeyey inay yeesheen dawlad dhexe oo sida tan Itoobiya u xoog badan iyo ciidan qaran oo sida kan Itoobiya wadanka wada hanan karo.

2. Federaalkaas oo aan Soomaalida 90% u dhammeyn laguna saxiixay goboladii Filonaardi naga soo galay, looguna yeeray Garoowe 1 iyo Garoowe 2, erayaashaan oo ah “Gabra Sellaise 1” iyo “Gabre Sellaise 2”. Arrintaan danbe dacaayad ma aha, oo sow ma aragtaan markii dastuurka la isku qabsado, Faroole, C/wali Gaas, Aadan Madoobe iyo Shariif Sakiin inay habeennimo diyaarad qaataan sidey iridda xafiiska Haile Maryam (hore Meles Zenawi) u hortaagnaadaan sideedda subaxnimo, iyagoo dacweynaya dawladda Soomaaliyeed, ama ugu hambalyeynayo ama ugu mahad celinayo sida ay Itoobiyo u garab taagan yihiin.

3. Dawladdii Boontaland ee federaalkii cayayuub ku laqsiin rabta Soomaalida inteeda kale, oo fusuqii ay keentay oo federaalka ahaa u diidan inay qaataan ciddii iyada iyo Itoobiya garb ka heysan. Waxay si cad u diidan tahay dhismaha Maamul Goboleedka Gobolka Benaadir, Dhismaha Maamul Goboleedka Mudug iyo Galmudug, iyo dhismaha Maamul Goboleedka dadka xigto ahaan isagu dhow yihiin ee Khaatumo. Fikradda kaliya oo ka danbeysan waa: “Sidii aan u ahaa dalaalka kaliya ee Filonardi uga faa’ideystay qabsashada koofurta Soomaaliya, waa inaan noqdaan dalaalka kaliya ee Itoobiya iyo keenya uga faa’ideysto haddii qarannimada Soomaaliyeed cid kale ay gacanta u gacangaleyso.

4. Si ay taas ugu hirgasho ayaa Reer Boontaland, wiil iyo waayeel, culumo iyo caamo meel kasto ay joogaan ay maqaarka uga siibtaan qofkii yiraahdo waa in la soo celshaa Soomaali siman, oo leh maamul goboboleedyo siman oo hoos taga dawladda dhexe iyo ciidan qaran oo xoog leh, qof kasto oo Soomaali ahna qadariyo dawladda dhexe oo ka mas’uulka ah qaranimada, midnimada iyo difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. 5. Maamulka Boontland oo 100% diidan in lala wadaago kheyraadka badda iyo bariga degaankiisa, halka uu rabo in 50% kheyraadka dalka intiisa kale in iyaga la siiyo, 30% la siiyo maamulka ku yimid gacan ku rimiska Boontaland oo la yiraahdo Jubbaland; Soomaalida inteeda kalana dawarsi ku noolaadaan. Sida ku cad tirakoobkii ugu danbeeyey oo lagu sameeyey qaabka Satalaytka, in dadka deggan Dhulka Boont aysan gaarayn 10% Soomaaliyoo idil, waa yaabee sidey ku heli kartaa 50% wax kasto oo Soomaali leedahay ama magac Soomaali lagu keenay? Sow ma aha dhaqankii ab iyo isir u lahaayeen Reer Boontaland oo ahaa: “KEYGA LIHI, KAADA LIHI, WADA LIHI”.

6. Waataa Soomaaliland oo diidan inay Boontland ka dul dalaalato, tiri: “No! Ma haddaa cayaartii hore noo tumeysaa. Dee Reer Dhaanraac aad, anigu ii gabban meysidee, dullinimo dawlad gaar ah ayaan ka doortay, waana go’ay ee Bye Bye”. Waa tagtay. Walow aan la ictiraafinna iyadaa Boontland uga sokeysaa Addis-Ababa. Reer Dhaanraac waji iyo maskax ay ku go’aanna ma yaqaanaan, in lagu duldalaalana ma rabaan, midnimo Soomaali markay sheegaanna “tuko baarcad” ah bay noqdaan oo Soomaaliland iyo Boontaland ayaa halhaleela u hariifaa, markaas ayaad aragtaa iyagoo u cararayo dhanka iyo dooxadii daba-leyr!

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s