Fiirso- Moment History Society oo sawirro iyo xog taariikhi ah idiin heysa

Fiirso- Maxaad ka taqaanaa Kali taliyayaashii ugu darnaa Caalamka?

Kaligii taliye waa shaqsi awood aan xad lahayn ku xukuma dal, inta badanna xukunkiisa ku saleeya hab arxan daran.

Taariikhda dunida waxaa soo maray qaar badan oo kaligii taliyayaal ah, kuwaas oo waqti dheer soo xukumayay dalalkooda oo awood iyo caburin xad dhaaf ahna ku hayay umadahooda.

Magacyada soo socda waa Kaligii taliyayaashii ugu darnaa ee dunida soo maray oo taariikhdana lagu qoray:

image
Iiddi Amiin:
Iiddi Amiin wuxuu ahaa madaxweynihii 3-aad ee Uganda. Xukunkiisana waxaa lagu yaqiinay naxariis daro iyo ku xad gudbid xuquuqda aadanaha, arrintaas oo horseedday in Iiddi loogu magac daro “Kawaanlihii Uganda”.

Dad badan oo mucaarad ku ahaa ayuu Iiddi Amiin ku abaal mariyay jirdil aad u fool xun illaa ay ka geeriyoodeen. Waxayna taariikhdu xustay inuu Iiddi mas’uul ka ahaa dilka 10 kun illaa 50 kun oo qof, kuwaas oo loo dilay qaabab kala daran oo ay ka mid tahay jar jaridda qaybo jirka ah iyo xubnaha taranka, maqaar siibid iyo falal kaloo arxan daran.

Iiddi Amiin wuxuu geeriyooday 16-kii August, 2003.

image
Hidiki Togo:
Hidiki Togo wuxuu ahaa Janaraal ka tirsan ciidamadii Ibaraadooriyaddii Japan, isaguse wuxuu si gaar ah ugu oomanaa inuu awoodda dalka la wareego.

Xilal badan ayuu soo qabtay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka ciidamada, Wasiirka waxbarashada, iyo Ra’isul wasaaraha.

Hadal uu mar warbaahinta siiyay ayuu ku sheegay inuu isagu mas’uul ka ahaa xiriiir lala yeesho Naaziyiintii, isla markaana uu rajo ka qabay sameynta ciidan lala wadaago Hitler.

Togo ayaa mas’uul ka ahaa weerarro badan oo lagu qaaday dalal ku yaala qaaradda Aasiya, iyo waliba dilka 5 milyan oo ruux intii lagu jiray dagaalkii 2-aad ee dunida.

Dagaalka ka dib waxaa la qabtay Hidiki Togo, waana la dilay 23-kii December, 1948-kii isagoo lagu eedeynayo inuu dambiyo dagaal geystay.

image
Mingisto Hayla Maryam:
Mingisto Hayla Maryam wuxuu ahaa siyaasi caan ah oo dalka Itoobiya hogaamiyay intii u dhexeysay 1974-kii illaa 1991-kii. Sidoo kale wuxuu ahaa Korneyl ka tirsanaa Dirgiga iyo Maliishiyaadkii Shuuciyadda.

Maryam wuxuu billaabay olole loogu magac daray argagaxii guduudnaa oo lagu tilmaamay inay ahayd ololihii ugu xumaa ee abid Afrika ka dhaca oo dil wadareed lagu geystay.

Tirada dilalka uu Hayla Maryam ka mas’uulka ahaa waxay gaareen 50 kun illaa 200 oo kun, dagaaladii sokeeye ka dibna waxay maxkamad ku eedeysay Hayla Maryam inuu geystay xasuuq wadareed, inkastoo uu markaa ka dib isagu u baxsaday dalka Zimbabwe.

image
Kim Il Song:
Kim Song wuxuu ahaa hogaamiye dalka Waqooyiga Kuuriya u horkacay waddo argagax leh, wuxuuna ahaa aabaha hogaamiyihii geeriyooday ee dalkaas Kim Jong Il iyo waliba awoowaha Boqor Jon Yan.

Kim Song wuxuu dalka Mareykanka ku eedeeyay inuu ka mas’uul yahay dhibaatooyin ka jiray dalka Kuuriyada Waqooyi. Isagoo intaas raaciyay in mushkiladahaas uu Mareykanku ka dambeeyo ay ka mid tahay faafinta cudurro halis ah oo dadka Waqooyiga Kuuriya lagu dhex faafiyay.

Sida ay dad xog ogaal ahi ku warrameen, Kim wuxuu la mid ahaa Hogaamiyihii kaligii taliyaha ee Stalin. Wuxuuna amray in la xasuuqo dad badan si loo cabsi galiyo bulshada. Amarradaasna waxay dhaleen geerida 1.6 milyan oo qof.

Kim ayaa geeriyooday 8-dii July, 1994-tii

image Pol Pot:
Pol Pot wuxuu sanadihii u dhexeeyay 1975 illaa 1979 ahaa hogaamiyaha kooxdii Khmer Rouge la oran jiray ee shuuciyiinta ahaa. Intii lagu jiray xukunka Pol Pot waxaa geeriyoday dad lagu qiyaasay 2.5 milyan oo Komboodiyiin ah, kuwaas oo cudurro iyo gaajo u dhintay.

Dadka khubarada ah ayaa rumeysan in dhimasho intaa ka badan ay dhacday mudadii uu Pol Pot maamulayay dalkaas. Wuxuuna Pot la yimid fikradda sinaanta oo uu hab cajiiba ku keenay, isagoo dadka magaalada ku nool ku amray inay u guuraan baadiyaha iyo dhul beereedyada, halka uu dadka baadiyaha deganna usoo raray Magaalooyinka si ay uga shaqeystaan.

Qof kasta oo fikraddan ka hor yimaada wuxuu la kulmi jiray cadaab daran iyo dil, inkasta oo ay ugu dambeyntii fashilantay fikraddii sinnaanta ee Pot, lana burburiyay dhaq dhaqaaqii Khmer Rouge .

Pol Pot wuxuu dhintay isagoo hurdaya bishii April 15-keedii, 1998-dii. Geeridiisana waxaa lagu sheegay mid ka dhalatay xanuun wadnaha kaga dhacay.

image
Joseph Stalin:
Joseph Stalin wuxuu xukumayay dalkii la oran jiray midowga Soofiyeeti in ka badan 20 sano. Wuxuuna hormariyay Ruushka, isagoo sidoo kalena la yimid siyaasado dhiirigalinaya argagaxinta shacabka.

Qorshayaashii warshadeynta deg degga ah iyo siyaasadihii Beeraha ee uu la yimid Stalin ayaa sababay inay Malaayiin qof u dhintaan Gaajo. Tira koobkana waxaa lagu helay waqtigaas in 2.6 miilyan illaa 10 milyan oo ruux ay Gaajo daran u dhinteen.

Stalin waxaa kaloo lagu bartay ololihiisii baabi’inta ee waynaa, taasoo ahayd olole lagu dilayay qof kasta oo afkaarihiisa ka hor yimaado. Waxaana taariikhaha Soofiyeetka lagu xusay in mudadii u dhexeysay 1921 illaa 1953 ay dhinteen dad gaaraya 2.9 milyan oo qof.

Stalin wuxuu dhintay 5-tii March, 1953-kii ka dib markii uu xanuun maskaxda kagasoo booday.

image
Adlof Hitler:
Adlof Hitler wuxuu xukumayay Jarmalka 1934 illaa 1945. Wuxuuna ahaa nin xukun adag oo lagu tiriyo mid ka mida Kaligii taliyayaashii ugu naxariista darnaa ee dunida soo mara.

Hitler ayaa intii uu xukumayay Jarmalka wuxuu sababay inuu dalkii Jarmalka galiyo dagaalkii 2-aad ee dunida oo ay ku geeriyoodeen illaa 17 milyan oo dad Jarmal ah.

Hitler ayaa la rumeysanyahay inuu is dilay 30-kii April, 1945-kii maalmo yar ka dib markii ciidamadii Isbahaysiga ee isaga ka horjeeday ay si sahlan ula wraeegeen Barlin.

image
Maw Tisi Tong:
Maw Tisi Tong wuxuu ahaa hogaamiye Shuuci ah oo Shiinaha soo maray, waana ninkii sameeyay Jamhuuriyadda Shiinaha ee Shacbiga ah.

Shantii sano ee ugu horeysay xukunkiisa wuxuu amray dilka muwaadiniin tiradoodu ay u dhexeysay 4 illaa 6 milyan oo qof. Wuxuuna la yimid Barnaamijkii shacbiga ahaa iyo booditaankii waynaa ee xagga hormarka loogu bootinayay Shiinaha iyo waliba kacdoonkii aqoonta.

Barnaamijkii Shacbiga waxaa ka dhashay geerida 20 milyan oo muwaadiniin Shiinees ah, iyadoo sidoo kalena la dilay qof kasta oo dhaliilay Barnaamijkaas, markaas oo ay tirada dadka siyaasadahaas caburinta ah u dhintay gaartay 78 milyan oo qof.

9-kii September, 1976-dii ayuu Maw Tisi Tong u geeriyooday xanuun wadnaha ah isagoo jira da’da 82 sano.

imageGen.Maxamed Siyaad.

Afgembigii1969-kii aanu dhiigu ku daadan, awooda xukunka dalka Soomaaliyana kula wareegeen Ciidankii Qalabka Sida oo uu hogaaminayey Maj.Gen.Maxamed Siyaad. Ayaa waxaa la oran karayey Soomaaliya waxay askartaasi ku soo kordhiyeen hab-dhaqan-dhaqaale ka duwan marxaladii soo jireenka u ahayd ee reer guuraanimada.

Soomaalida oo u badan xoollo dhaqato waxay si niyad ah u aaminsanaayeen diinta Islaamka, Diintaana u ahayd halka loo noqdo mar walba oo is qabad dhexdooda ahi yimaado. Balse Kacaanka maamulkii dalka qabsaday ayaa si la boodo ah wuxuu ugu dhawaaqay ku dhaqanka Hantiwadaaga Cilmiga(Scientific Socialisim) ku dhisan oo aanay Soomaalidu aqoon durugsan u lahayn. Kacaankaas oo la yimid xirxirnaansho siyaasadeed iyo mid bulshaba. Iyadoo Soomaalidu tahay dad furfuran oo laab xaaran.

Kacaanka Oktoobar ma la oran karay waxaa uu dagaal kula jiray Diinta Islaamka?. Mar haduu qaaday toobiyaha Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan? Su’aashaas ayaan waxaan weydiiyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Waxaa uu iigu jawaabay:-

 ” Kacaanku waa ku tala jiray inuu isbedel ku sameeyo Diinta Islaamka. Waayo dawlad Shuuci ah ayuu ahaa. Waxaa taas daliil u ah nidaamkii Xeerka Qoyska ee uu qaatay. Kaasoo ka horimanayey Diinta Islaamka. Ku dhawaaqistiisu waxay muujinaysay kacaanku dagaalkii uu kula jiray Diinta. “

Shiikha ayaan mar kale wax ka weydiiyey qaadashadii Hantiwadaaga iyo waxa uu ka xasuusto. Waxaa uu ii sheegay sida wax u dhaceen markii la qaadanayey Hantiwadaaga, waxaana uu yiri:-

 ” 1970-kii Bishii Oktoobar ayey ahayd maruu Maxamed Siyaad Barre khudbad ka jeedinayey halka loo yaqaanay Daljirka Dahsoon. Waxaan aniga iyo nin saxiibkay ahaa Shiikh Yuusuf Aden ka soo lugaynay Taree Biyaano. Ma haysan lacag aan Tagsi ku soo raacno. Niman dhalinyaro ah ayaan ahayn. Lug ayaan ku nimid anagoo danaynayna hadalka Madaxweynuhu jeedinayo. “

Waxaan weydiiyey muxuu Madaxweyne Siyaad sheegay maalintaas?

 ” Khudbadii Madaxweynaha waxaa ka mid ahayd. Waxaan qaadanay Mabda’a Hantiwadaaga. “.

Madaxweynuhu waxaa kaloo hadalkiisii ku daray ayuu yiri:-

 ” Waa la isweydiin karaa xagee ka soo qaadanay Hantiwadaaga?

Waa isu jawaabay Madaxweynuhu oo yiri:-

 ” Waxaan ka soo qaadanay Diinta Islaamka. “

Waa sii watay hadalkiisii, Shiikh Cabdulqaadir si fiican ayuu ii eegay. Siyaad Barre waxaa uu yiri;-

 ” Waxaa Nabigii iga soo gaartay raali allaha ka noqdee. Ma oran salaalahu calayihi wa salam. Iyadoo duulan la yahay inuu dadka isugu daray saadkii (sahaydii). “

Muxuu kaloo ku daray khudbadiisa ayaan weydiiyey wadaadka?

 ” Yaa u sharixi kara dadweynaha mabda’a Hantiwadaaga ee la qaatay ayuu Madaxweyne Siyaad Barre weydiiyey dadkii Khudbadiisa dhegeysanayey?. Aan idiin sheego ee waxaa u sharixi kara nin aqoon yahan ah,nin wadaad ah oo si fiican u bartay Diinta. Wadaad xume meel ugama fura. Wadaad xume waxaan ugu yeeray. Ninka Diinta intuu wax ka bartay oran doona Hantiwadaaga iyo Islaamku isma waafaqsana.”

Kacaanka Oktoobar ayaa Sanad guuradiisii Koowaad ee ku beegnayd 21 Oktoobat 1970-kii waxaa uu gudoonsaday ku dhawaaqida iyo qaadista tubta Hantiwadaaga oo lagu jiheeyo dadweynaha Soomaaliyeed. Go’aanka ayaa ahaa bud-dhigida isbedelka dhinac walba ee lagu doonayey in bulshadada Soomaalida looga raro habdhaqankoodii hore iyadoo loo sahminayo habdhaqan ka duwan midkay horay u lahaayeen.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Marka dib loo yara milicsado taariikhd waxay Soomaalida ahaayeen weligood bulsho diinta aaminsanaanteedu aad ugu fogtahay. Halgankii Daraawiishta1 ee uu hogaamiyaha ka ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ahaa Dariiqada Saalixiyada ayaa la oran karay waxaa uu salka ku hayey diidmo dadka Soomaalidu gebi ahaanba diideen waxaa ka soo horjeeda diintooda, sharaftooda, dhaqankooda,uguna babacdhigeen quwado awood ahaan aad uga xoogweynaa xilligaas. Iyagoo halgan kula jiray gumaystayaal fara badan Sanadkii 1900 ilaa 1921-kii.

Sidoo kale waxaa marar badan soo shaac baxay wadaado Soomaaliyeed oo daacad u ahaa diintooda sida Shiikh Bashiir iyo Wadadadka Shiikh Xasan Barsane oo ahaa Dariiqada Axmadiya ayaa la dagaalmay, kana soo horjeestay Gumaysiga. Gobolka Shabellada Dhexe Feb ilaa Aprile Sanadkii 1924-kii. Kuwaas si bareer ah uga horyimid gumaysigii Soomaaliya haystay. Halka la sheego Shiikhyo badan inay xiriir hoose la lahaaayeen gumaysigaas iyo weliba inay gunooyin lacag ah ka qaadan jireen.

Waxaa dadka taariikhda Soomaaliya ka hadlaa weriyaan marka la soo qaado salafiytiinta Soomaaliya in Qarnigii 19-aad ay jireen rag ay ugu horeeyeen Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre oo ku magac dheeraa Xaaji Cali Majeerteen iyo Shiikh Xasan Ibraahim Yabarow. Laakiin Suufiyadda ayaa waqtigaas ka xoog badnayd Salafiyiinta. Waxaase jirtay inay dad door ah ka aflaxeen dugsiyada Shiikhyadan iyo weliba inay qabteen hawlo badan oo dib u heshiisiin ah. Colaado u dhexeeyey qabiilooyinka oo ay xaliyeen. Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu horeeyey qeexay Iimaam Shamsudiin Al-Dahabi oo ka mid ahaa culimadda Shaafiiyadda, kuna dhashay Dimishiq 637 Hijriyada kaasoo geeriyooday 748-dii Hijriyada. Waxaa uu ku macneeyey Salafiyada2:-

 ” U noqosho dhaqankii ay lahaayeen Saxaabadii Rasuulka iyo labadii jiil ee ka dambeeyey. Asalka Salafiyada waa in diinta islaamka laga qabsadaa Kitaabka iyo Axaadiista, Axkaamtana laga qaataa Kitaabka iyo Xadiiska saxiixa ah. ” Waxaa xilliyadii dambe Soomaaliya la oran karay waxaa nooleeyey fikirka Salafinimadda Shiikh Nuur Cali Colow.

Suufinimadda3:-

 ” Waxay ka kooban tahay qaybo dariiqooyinka ka mid ah oo ku caan baxay inay akhriyaan digri waqtiyo oo kala duwan,hadba qolo walba siduu Shiikhoodu ugu tilmaamo si ay u gaaraan martabad sare ee xagga ruuxda darajo ay u yaqaanaan Al-awliyaa amaba awliyonimo. Sideedaba Suufiyadu ma ahan dariiqo gaar ah ama diin gaar ah amaba mad-hab gaar ah ee waa dariiqo qofku u marayo siduu Ilaahay ugu dhowaan lahaa sida suufiyiintu aaminsan yihiin. Waa la Isku khilaafaa Ahlu Suufinimadda. Dadka qaar ayaa ku sheega inay ka soo jeeday koox muslim ah oo Masjidka Nebiga ag joogtay. Ninka lagu magacabo Ibni Jawsi Kitaabkiisa Tablis Ibliis waxaa uu ku sheegaa Suufiyiintu inay ka soo jeedeen Sufa Ibna Mara ninkan oo hooyadii nidar ku gashay inay suridoonto tiirka Kabcada markay dhasho ka dib si uu ugu go’o diinta. Markaas ayaa loo bixiyey Sufi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu Sufi macna ahaan ka soo jeedo eray Giriig ah oo la macna ah Falsafa. “

Qormadda Labaad.

Halgankii Xornima doonka Soomaaliyeed ee xoogaystay dagaalkii labaad ee dunida kadib ayaan ka marnayn dhaqdhaqaa Islaanimo. Sanadkii 1952-dii ayaa ururkii Rabida Al Islaamiya ee uu hogaaminayey Shariif Mara Cadde laga dareemay inuu sansaan Islaamiyiin lahaa. Waxaase jirtay inuu ahaa ururkaasi mid Wadaniyad Carabeed huwan. Taas ayaa markii dambe dibadda u soo baxday kolkuu Shariif Maracadde si bareer ah u taageeray afkaartii Jamaal Cabdinasir hogaamiyihii Wadanka Masar ee caanka ahaa, sida adagna ula dagaalamay dhaqdhaqaaqii Ikhwaanu Muslimiinka Masar.

Sanadkii 1967–dii ayaa waxaa dibada isa soo dhigay Jamciyad la oran jiray Al- nahda oo ay horseed ka ahaayeen dhalinyaro wax ku soo baratay wadanka Masar iyo Sacuudiga, ayna ka mid ahaa Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed iyo Sheikh Maxmed Garyare iyo Shariif Calawi oo ku xiraa ururkii Ikhwaanu muslimiinta Masar. Iyo sheikh Maxamed Macalin Ilaahay ha u naxariiste oo isagu Masar ka soo noqday. Waxaa sal u ahaa dhaq-dhaqaaqaas Islaamiga ah ee Soomaaliya ka hanaqaadayey Maktabad lagu iibiyo kutubta diiniga ah ee la jaanqaadaysay xarakada guud ee Islaamiyiinta. Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed kolkuu uu tegey Kuweyt dabayaqadii lixdamaadkii waxaa uu la kulmay raga ugu waaweynaa Ikhwaanka wadanka Kuweyt oo uu ka mid ahaa Yuusuf Xija iyo Cabdalla Mudawac. Kutubta maktabadaas lagu iibinayey waxay u badnaayeen kuwa ay qoreen raga hormuudka u ahaa Ikhwaanka. Maktabadaas ayaa ahayd halka loo soo mariyo shacabka Soomaaliyeed aqoonta diinta ee baraarugsan. Waxaa kaloo jiray xarraka Islaamiya oo la oran jiray Itixaad Al-shabaab Muslim, ayna asaasayaal ka ahaayeen Shiikh Cabdikariim Xirsi iyo Sheikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud,kana mid noqtay biloowga asaaska Islaamiyiinta Soomaaliya.

Ururkii Ansaarul Sunna Al-Muxamadiya waxaa madax u ahaa Shiikh Nuur Cali Colow (Nasurdiin) waxa uu xanbaarsanaa fikirka salafiyadda. Gabyaagii caanka ahaa ee Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa xilligii soo if baxeen Islaamiyiintu kontomaadkii dabayaaqadiisii waxaa ka mid ahaa tixdan gabaygiisii ahaa Yaw Garniqin Doona oo uu malaha markaas ula jeeday wadaadka Shiikh Nuur Cali Coloow oo isagu afkaarta salafiyiinta la yimid wadanka:

Muslinkii4 Gumaysiga ku jiray Garay Xumaantiiye
Guhaad iyo wuxuu Wada qabaa Gayrashiyo ciil e’
Gidigii islaamkii haduu Gees isugu Leexday iyo
Gaaaladaynu Ogsoonahay yaw Garniqidoona
Culumadii Gadaalkan waxaa Galay Khillafweyne
Geyigana Dariiqooyin baa Goosan ku ahaaye
Khaliifyadatan Guutadawata iyo Calanka Giirgiiran
Iyo Gabanada soo Baxay Dhowaan yaw u Garniqi doona
Shiikh Nuur Cali Colow ayaa la oran karayaa sida dad badani qabaan inuu ahaa horseedaha Salfiyiinta Soomaaliya ee Qarniga 20-aad. Waxaa uu ahaa ninka bilaabay baraaruga Islaamka ee waalidka u noqday. Inkastoo dhalinyaradda dambe aanay aqoon dururgsan u lahayn Shiikh Nuur. Waa lagu dhibay oo lagu dhaleeceey fidinta afkaarta Salafiga ah ee Soomaaliya. Waqti dad yari fahansanaayeen baraaruga Islaamka .

Shiikh Nuur Cali Colow ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii Islaamiyiinta ahaa ee wax ku soo bartay Masar kuwoodii ugu horeeyey, kana soo qalin jebiyey Jamacadda Al-Azhar, kuna takhasusay Shareecadda iyo Qaanuunka. Isagoo Tafsiirka ka akhriyi jiray Masaajidka Marwaas ee ku dhowaa agagarka Baar 909 iyo suuqa Xamar weyne. Wuxuu inta badan ka hadli jiray oo dadku u sheegi jiray arrimaha Towxiidka iyo in laga fogaado Shirkiga noocuu doono ha ahaadee. Shiikh Nuur Cali Colow dhowr jeer ayaa xabsiga loo taxaabay. iyadoo loo arkayey inuu ka mid yahay wadaadada asalka u ahaa dacwadda Islaamka ee shacabka Soomaalida lagu baraarujinayo diintooda.

Curashadii kacaankii Oktoobar ayaa gebi ahaanba waxaa la mamnuucay axsaabtii siyaasadeed ee wadanka ka jirtay. Kuwaas oo kor u dhaafayey in ka badan 80 (sideetan) xisbi. Dhaq-dhaaqayadda Islaamiyiintu waxay ka mid noqdeen axsaabtaas irridaha loo laabay. Waaga cusub ee Soomaaliya u beryay kama muuqan farax ay Islaamiyiintu ku farxaan isbedelkaas askartu samaysay ee ay awooda dalka ku maroorsadeen. Waxaa biloowgii Kacaankaas jiray fursad aad u yar oo ay Islaamiyiintu kaga faa’iidaysteen. Taas ayaan sababtay in Shiekh Cabdulqani Sheikh Maxamed loo magacaabo Wasiirkii Caddalaad ee dawladaas Kacaanka ahayd. Walow markii dambe ay isla jaanqaadi waayeen Islaamiyiinta iyo Kacaankii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan qaatay.

Shiikh Cabdulqadir Nuur Faarax ayaan weydiiyey sababta Kacaanku ugu magacaabay jagooyin muhiim ah rag ka tirsanaa Islaamiyiinta?

’’ Kacaanka ayaa biloowgiisii la yimid fikrada ah Ayaa taqaan in lagu bedelayo Maxaad taqaan Shiikh Cabdiqani Shiikh Mxamed iyo Shiikh Maxamed Garyare ayaa ahaa niman aqoon u leh hawsha loo dhiibay iyo weliba askarta afgembiga samaysay oo aan aqoon u lahayn hawshaas ay hayeen. Mar dambase Kacaankii iyo iyagu waa ay isla soconwaayeen.’’

Sanadkii 1971-dii ayaa si qarsoodi ah waxay Islaamiyiintu u asaaseen dhaqdhaqaaq lagu magacaabi jiray Al-ahli. Waxaa ka mid ahaa ragii maskaxda u ahaa Shiikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud oo mar Kacaankii Oktoobar xiray. Iyadoo xubnaha ugu cadcadaana ay ka mid ahaayeen Cabdiwaaxid Xaashi, Cabdicasiis Faarax, Salaad Cabdulqaadir Aw-Muuse, Saciid Maxamud xaaji iyo rag kaleba. Waxaa la oran karay asaasida Xarakadda Islaamiga ahayd ee Al-Ahli waxay u muuqanaysay talaabo is miidaamin naf huridnimo ah. Waayo may dhici karin in Kacaanka Oktoobar oo dardartiisii qabay waqtigaas laga dhex abuuro Xarrakad Islaami ah oo ka soo horka jeeday afkaartii Kacaanka Hantiwadaaga ahaa.

Al-ahli waxaa saldhig u ahaa Masjidkii Cabdulqaadir(Maqaamka Cabdulqadir) magaaladda Muqdisho ee Ceelgaabta ku yiilay. Waxaa halkaas inta badan mawaadiic Diini ah, Tafsiirka Quraanka iyo dacwad Islaamiga ahba ka soo jeedin jiray Allaha u naxariistee Shiikh Maxamed Macalin oo si geesinimo leh u waday ku baraarujinta Islaamka shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Maxamed Macallin wuxuu ka mid ahaa tiirirka Islaamiyiinta Soomaaliya kuwooda ugu magaca weyn. Taasoo ilaa iyo maanta lagu xusuusto. Isku celcelina waxaa Kacaankii Hantiwadaaga ahaa xiray 9 (sagaal) jeer. Intii u dhexeysay 1976-dii ilaa 1982-dii waxaa uu ku xiraa Xabsigii aadka u adkaa ee la oran jiray Labaatan Jirow iyo Laanta Buur. Marka la tiriyo mudadda uu xabsi ku jirayna waxay noqonaysaa 11 Sano oo waqtiyo kala duwan ahaa.

Shiikh Maxamed Macallin tafsiirkii Quraanka ee uu ka akhriyi jiray Masjidaka Shiikh Cabdulqaadir ee Muqdisha ayaa ahaa meel ay ku xirnaayeen waqtigaas dhalinyaro baahi u qabay barashada diinta Islaamka. Goobtaasi waxay ahayd meeshay ka bidhaamaysay Islaanimada xilli Soomaalidu ku jaahwareersanayd Hantiwadaag Cilmiga ku Dhisanaa.

Sanadkii1972-dii ayaa Kacaankii Oktoobar wuxuu si buuxda u gashaday kabihii Hantiwadaaga. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ii sheegay in Madaxweyne Maxamed Siyaad cadeeyey inaan laba Hantiwadaag jirin. Waxaana uu yiri:-

’’ Hantiwadaageenuna (Soomaalida) waa kan Cilmiga ku dhisan ee Karl Mark iyo Lenin.’’

Sida rag qaarkiis ii weriyeen waxay maalinta hadalkaas uu jeediyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahayd maalin Ciid ah. Dr.Yuusuf Xirsi Axmed ayaa ku sheegay Buugiisii Xabsigaygii. In kacaanku kolkuu bilowga ahaa qabanqaabiyey doodo furan oo looga hadlayey Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisnaa (ScientificSocialisim) .Talcliinta., Dhaqaalaha iyo siyaasaddaba Sanadkii 1974-tii Waxaa uu yiri:-

’’ Waxaa soo qabanqaabiyey doodo furnaa dawladii kacaanka ahayd.Waxaa madax ka ahaa aqoonyahandaas doodaas hagayey Dr.Maxamad Yuusf Weyrax oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed,isla markaana ahaa Wasiir ka tirsanaa ukuumadii Kacaanka ahayd iyo rag kale oo siyaasiyiin ahaa.Habeenkii dooda siyaasadda waxaa hagayey Gen.Axmed Saleebaan Dafle Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida (NSS-ta). Doodahan ayaa macnaha kacaanku uga gol lahaa ahayd in uu ogaado fikirka aqoonyahanadda iyo siday ula jaanqaadayaan Kacaanka oo ku jiray marxaladiisii uu karaarka badnayd.’’

Prof.Yuusuf Xirsi Axmed5 ayaa doodii Waxbarashada ee kulan fikradeedkaas waxaa uu ka soo jeediyey inaanay shardi ahayn in qofku meeshuu wax ku soo bartay fikirka laga haysto soo qaadanayo.Waxaa uu tusaale u soo qaatay Karl Marx oo ku soo ababay dal Hantigoosad ah, kana soo jeeday Yuuhuud oo lagu yaqaan lacag jacaylka. Inuu la yimid fikirka Shuuciyadda, kana soo horjeedsaday fikirkii Hantigoosadka ee dalka Jarmalka loo dhaqmayey.

Hadalkii Prof.Yuusuf Xirsi (Ilaaha ha u naxariistee) ka jeediyey doodii furayd ee aqoonyahanaddu is dhaafsanayeen ayaa kacaanyahanadii waqtigaas aad u qaad-qaadeen. ’’Karl Marx hal abuurihii Shuuciyadda ayaa Yuuhuudi lagu sheegay.’’ Kacaankii ayaa ka baqay in kacdoon dadweyne abuurmo. Waayo Soomaalida ayaa ah dad aan Yuuhuuda Diin ahaan u jeclayn. Iyadoo kacaanku dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqayey inay raacaan dhabada uu jeexay Karl Marx. Waxaa hadalkii Dr.Yuusuf Xirsi ee ahaa Karl Marx inuu Yuhuudi ahaa dhibsaday horboodayaashii kacaankii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisnaa ilaa iyo Madaxweyne Siyaad Barre. Taas oo sababtay in Prof.Yuusuf Xirsi lagu asteeyo shabadda kacaandiidnimadda.

Qormadda Sadexaad.

11 Janaayo 1975-tii ayaa Kacaanka taageerayaashiis ugu yeeri jireen inuu barkaysnaa dhaqangeliyey xeer loogu magac daray Xeerka Qoyska (Sinaanta Ragga iyo Dumarka). Xeerkan oo si muuqata uga horimanayey kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo shareecadda islaamka. Halkaas ayaa la oran karaa waa goobta u noqotay bilowga kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya kacdoonkoodu ka abuurmeen. Waa halkay ka falagsantay isbedelka lagu doonayo hoggaan Islaamiya oo Soomaaliya ka curta .

Sanadkii 1952-dii ayaa wareegto ka soo baxaday maamulkii gumeysiga Talyaaniga ee xornimadda gaarsiinayey Konfurta Soomaaliya. Wareegtaas ayaa ka hadlaysay in dhamaan xeer Sharciyeed loo sameeyey lagu dhaqayo dalka Soomaaliya. Marka laga reebo xeerka Qoyska oo isaga lagu dhaqayo Kitaabka Manhajka ah. Waxaa ku dhaqaya Qaadi(Garsoore) Muslim ah oo yaqaan Shareecadda Islaamka. Iyadoo la asaasay Maxkamadaha Degmooyinka(DistricCourt )oo shareecada wax ku xukumaysa. Ma asyan xukumi kari Maxkamadahaasi wax ka badan 3000(Sadex Kun ) oo shillin. Waxaa sidaas ii cadeeyey Avv. Xuseen Cabdulle Codweyn.

Talyaanigu6 aad ayuu uga gaabsaday xeer u samaynta qoyska. Qaynuunadii kale oo dhan wuxuu u bedelay Koodishinaal (Codetional). Nikaax, Furiinka, Dhaxalka .Magaha waxaa uu u daayey Shareecadda Islaamka inay Soomaalidu isku xukunto.

Soomaaliya kolkay xornimadda qaadatay Sanadkii 1960-kii. Waxaa sharci ahaan la isticmaalayey nidaamkii Talyaanigu ka tegey. Hase ahaatee Sanadkii 1967-dii7 ayaa Barlamaankii xilligaas waxaa la hor geeyey mashruuc Qaynuun ahaa oo ku saabsanaa Xeerka Qoyska. Waxaa xeerkaas soo nidaaminayey Cullimo Masari iyo Soomaali isugu jirtay. Xeerkaasi waxaa loo soo dhisay Afarta Mad-habadood ee jira mid waliba meeshay uga dhegen tahay nidaamka qoyska. Waxaa la horgeeyey mashruucaas Barlamaankii. Way diideen,ma gudbin. Iyagoo ku diiday hadaanu nidaamka qaynuunka Qoysku noqonayn Fiqi Shaafici ah. Meeshaas ayuu ooli jiray ilaa 1969-kii oo wadanka inqilaab ka dhacay.).

 Madaxweynihii Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu ugu baaqay culimadii waqtigaas. Inaanay ka horiman go’aanka dawladiisa kacaanka ahayd qaadatay ee ku saabsanaa Xeerka Qoyska. Wadaadadu kama yeelin codsigiisaa, aad ayeyna uga gilgisheenXeerkaas.

Maalintii Axad ahayd ee 12 Janaayo 1975-tii Madaxweyne Siyaad Barre waxaa uu khudbad ka jeediyey Garoonkii Kubbadda Cagta ee (Stadium Conis). Waxaa uu si aad ah ugu hadlay waxayaabo la xiriira oo ay ka mid yihiin dhaxalka, furiinka iyo xuquuqda raga iyo dumarka ee Ilaahay jideeyey. Maalintaas waxay u ahayd hogaamiyihii Kacaankii Oktoobar Maxamed Siyaad maalintaariikhda u gashay.

Maalintii xigtay ee Isniinta ahayd 13 Janaayo 1975-tii waxaa uu hogaamiye Siyaad Barre la shiray Garsoorayaashii Maxkamadaha dalka oo ay ku jirtay Maxkamadii Badbaadada dalka la oran jiray. Waxaa uu si cad ugu sheegay dhaqan gelinta SharcigaXeerka Qoyska ee Kacaanku soo saaray in siduu yahay loogu dhaqmo. Iyadoon loo dhego raaricin Shiikhyada sida tooska ah uga horyimid xeerkan khilaafsan diinta islaamka. Sir doonka Kacaanka ayaa iyagu faafinayey in culimadda qaarkood ee diidanxeerka Kacaanku soo saaray inay gacan saar la leeyihiin ururo carbeedoo dib u socod ah isla markaan dhaqaale iyo tababaro ka hela wadamo Carbeed oo ay ka sheegeen Wadanka Sacuudiga oo keliya.

Maalmihii 15 Janaayo ilaa 17Janaayo waxaa jiray diidmo xooggan oo u dhexeysay cullimada diinta iyo kacaankii Oktoobar 

Maalinimadii Jimcaha8 ahayd ee 17 Janaayo 1975-tii ayaa waxaa Salaadii Jimcaha ka istaagay Masaajidka Cabdulqaadir. Allaha u naxariistee Shiikh Axmed Shiikh Maxamed oo gacanta ku haysta Wargayskii Xidigta Oktoobar oo lagu soo qoray Khudbadii Madaxweyne Maxamed Siyaad. Taasoo si toos ah uga horimanaysay Qur’aanka Kariimka ah iyo shareecadda islaamka. Ha ugu waaweeynaadaane arrimaha dhaxalka. Waxaa uu Shiikhu si geesinimo ah u sheegay inaanay suuragal ahayn in la aqbaloku xadgudubka diinta islaamka, culi’maddana ay waajib ku tahay inay hor istaagaana arrimahaa khatarta ah. Waxaa Shiikha ka daba hadlay culli’ma badan,kuna raacday talladda uu soo jeediyey.

 Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan wax ka weydiiyey xaaladda maalintaas. Waxaa uu ku dheeraaday geesinmadii Shiikh Axmed Shiikh Maxamed. Waxaa kaloo uu xusay Shiikh Muuse Yuusuf wadaad la oran jiray. Waxaa uu yiri :-

 ’’ Shiikh Muuse Yuusuf ayaa si bareer ah u yiri:- Ilaahow Ruush isku dhaqan ma nihin. Isku diin ma nihin ee si na kala dheh. Waxaa uu Shiikh Muuse maalintaas ka hadlayey Masaajid aan ahayn Masjidka Cabdulqaadir. Isagoo si weyn uga hor yimid Xeerka Sinaanta Ragga iyo Dumarka ee Kacaanku meel mariyey. Masjidka Cabdulqaadirwaxaa maalintaas Jimcaha ahayd Khudbadii ka dib gudaha u soo galay Ciidamadii Nabad Sugida iyo Booliska. Waahareereeyeen Masjidkii, korontadiina ka gooyeen. Waxay xabsiga u taxaabeen tiro badan oo dadkii Masjidka ku tukanayeey ka mid ahaa’’

Ciidamadda Nabad-sugida ayaa dadkii ay qabqabteen oo xabsiga u taxaabeen waxaa ka mid ahaa 35 ee culimadii diinta magaaladda Muqdisho ahaa. Iyadoo Idaacadda Radio Muqdisho ay baahinaysay hadalo lid ku ahaa dhaq-dhaqaaqa wadaadada oo iyagu keliya ku taagnaa waxay diintu ka qabto xeerka uu soo saaray Madaxweynuhu.

Qormadda Afaraad.

Waxaa Maxkamadii Badbaadada la hor keenay 35-kii wadaad 18 ilaa 19 Janaayo 1975-tii, Wadaadada waxaa Qareen u doodayey u ahaa Axmed Cali salaax. Iyadoo uu ahaa Gudoomiyaha Xukunka Wadaada ku riday Gen.Maxamuud Geelle Yuusuf oo ahaa xubin ka tirsan Golihii Sare ee Kacaan, ahaana waqtigaas nin aan shahaado ku saabsan sharciga haysan, amaba aqoon u lahaa qaynuunka. Waxaa Xeer Ilaaliye ahaa Cismaan Maye oo si aan dhamaystirayn dacwada ugu soo oogay wadaada. Xataa gudaha maxkamada ma joogin markhaatiyaal ku filin oo ku marag furi kara wadaada la eedaynayey. Waxaa uuGen. Maxamuud Gelle Dil toogasha ah ugu xukumay wadaadadii kitaabka dartiis uga horyimid kacaanka in la nasakho ayaado ka mid ah ayaadaha ilaahay samad ka soo dejiyey waxana xukumkii Maxkamadaasi noqday sidatan :

Tobanka mid ahaa waxaa lagu xukumay dil toogasha ah.

1- Axmed Shiikh Maxamed. 2- Cali Xuseen Warsame, 3- Ciise Xasan Axmed, 4- Muuse Yusuf, 5 -Axmed Liibaan, 6- Maxamed Saciid Xirsi, 7- Cali Jaamac Muuse, 8- Aden Cali Muuse, 9- Cismaan Jaamac Maxamed, 10- Yasiin Cilmi Cawil

Lixkale waxaa lagu xukumay soddon sano.

 1-Adam nuur Cilmi Cali, 2-Maxamed Samantar Cali, 3-Cabdi Salaad Cabdulaahi, 4-Xirsi Xuseen, 5-Adam Cabdulaahi, 6-Xasan barre

Toddoba iyo toban waxaa lagu xukumaylabaatan sano.

 1-Axmed Maxamed cusman, 2-Cabdi Cali C/rahmaan, 3-Cabdi Cabdullahi, 4-Maxamed Maxamud Weheliye, 5-Axmed Cali Yusuf, 6-Shariif Maxamed Yusuf, 7-Cabdullahi Faarax Cigaal, 8-Xasan Cawaale, 9-Ismaaciil Xasan Aaden, 10- Maxamed Abdi, 11-Abuubakar Xasan,12-Cumar Sheekh Cali, 13-Cali Mursal Maxamed,14-Bashiir Sheekh Maxamed,15-Cabaas Muse Faarax, 16-Yacquub Maxamed Macallim, 17-Xasan Macallim C/rahmaan.

Maxkamadda Badbaadada ayaa ahayd mid aan wax Racfaan ah laga qaadan Karin, waxaana la asaasay 1971-kii iyadoo lagu xeeriyey jirintaankeedaas xeer 03 kaasoo soo baxay 10 Janaayo 1971-dii

Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil9 Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka hadlaya dhacdadii dilkii wadaadada ee Sanadkii 1975,waxaa uu yiri:-

” Habeenkii markii dardaarankii wadaadada laga qoray lay keenay.Ayaan arkay wiil 17-jir ahaa oo ku jira. Wiilkaaswadaadka ahaa, marka hore wuxu sheegtay 18-jir. Balse, markii dambe wuxuu sheegtay 17-jir. Sidaa darteed wiilkaasi da’ahaan ma ahayn dil dabadeedna waxaan damcay inaan la socodsiiyo cidii ku shaqada lahayd, si aan ugu sheego wiilka 17-jirka ah oo markii hore 18-jir sheegtay inuu ku jiro, si looga baajiyo dilka. Hase yeeshee,wiilkii intaan talaababa la qaadin, ayuu muusanow ku dhuftay oo uu yiri: War Jannada hayga reebina, waar ummadda hayga reebina, wallaahi 18-jir baan ahay. Wiilkaas yar caqiidadiisu xoogay lahayd iyo sida iimaankiisu ahaa, aad baanu uga yaabnay dhamaantayo. Bal nin la leeyahay berri baa lagu dilayaa, ee ha lagaa baajiyo, oo ku leh dadka hayga reebin ka waran! Sidaa darteed, lagama reebi ee sidii ayaa lagu toogtay.”

Markaa kadib maxaa dhacay? Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil markale ka sii hadlaya sidii wax u dhaceen, wuxuu yiri,;-

” 33-askari oo ciidandamada kala tirsan ayaa toogashada fulin jiray. Sarkaal millateriga ka tirsanaa ayaana subaxdaa ciidanka watay. Sideedaba anaga Asluub ahaan marka la fuliyo toogashada kadib uun baa ribootka naloo keeni jiray. Sidaa aawadeed waxa laga wer-wersanaa in ciidanka toogashada fulinayay soo nabad noqon doonaan iyo inkale.Markaa subaxnimadii anigoo weli xabsiga dhexe ee Muqdisho jooga ayaan arkay laba diyaaradood oo isku dhacay. Markiiba midi dhulkay ku dhacday, oo meel aan xabsigii dhexe ka fogayn ah, tii kalena meel kale oo ka durugsanayd ayay ku dhacday. Dad badan baa cibro ku qaatay arrintaas, oo yidhi waa wax lagu cibro qaato wadaadadii la dilay iyo diyaaradahan isku dhacay”

23 Janaanyo 1975-tii oo ku beegnayd Khamiis 11-kii Muxaram 1395-tii ee Hijriyadda ayaaRadio Muqdisho waxaa uu sheegay in Wakaaladii wararka ee Sonna soo tebisay sida idaacadu sheegtay in lagu fulliyey dil tobankii waadaad ee ay horay Maxkamadii Badbaadadu ugu xukuntay dilka, waxaana lagu toogtay fagaaraha loo yiqiiin Dugsiga Booliska iyadoo ay toogashadooda fuliyeen xubno ka kala tirsanaa ciidamadii dalka oo isugu jiray ragg iyo dumarba si dadweynaha loo tusiyo fulintii xeerkii qoyska ee kacaanka.

Sirta qarsoon waxay ahayd in Wadaadadii ka hor yimid oo sida bareerka ah u diiday Xeerka Qoyska ee loo toogtay inay ahaayeen wadaada caadiga ah. Kama mid ahayn Xarakadii Al-Ahli ama dhalinyaradii Baraagu Islaamka ayuu cadeeyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur. Taas ayaa waxay marag fur u tahay sida dadka Soomaaliyeed dhamaantood u diideen Xeerkaas ka hor imanayey Diintooda.

Qormadda Shanaad.

Dr.Cabdiqasim Salaad Xasan10 oo ka hadlayey wixii Soomaaliya ka dhacay 1975-tii. Ayaa Sanadkii1995-tii bandhig siyaasadeed ka jeediyey Waqooyiga magaaladda Muqdisha. Xubnaha soo qabanqaabinayey kulankaasna waxaa ka mid ahaa Ustaad Cabdiraxmaan Baadiyow oo sida cajaladda aan ka dhigaystay isagu hadalka ku soo dhoweeyey Dr.Cabdiqaasim Salaad ayaa waxaa hadalkiisii ka mid ahaa :-

” Nidaamkii Xeerka Qoyska iyo SinaantaRragga iyo Dumarka rag la yaqaan ayaa ka danbeeyay, Weyrax iyo Maxamed Aden xataa Gollihii Sare ee Kacaanka waxaa loogu sheegay jaranjaradii ex -stadium cones”

Silsiladdii bandhig siyaasadeedkiisaa ka hadlayey xogta dilkii wadaadada iyo xeerkii kacaanka ee sinaanta ragga iyo dumarka Cabdiqaasim Salaad waxaa uu sheekadiisa uu ku kordhiyay.

” Maalin jimce ah ayay wadaadadu ka ridiyeen masaajidyada sinaanta raga iyo dumark. Iyadoo Maxamed Siyaad ku maqnaa magaaladda Baraawe oo uu kormeer ku tegey maalintaas. Galabtii markii uu ku soo noqday Muqdisho ayaa Janan. Cabdullaahi Shiikh Maxamuud (Matukade) u sheegay Maxamed Siyaad in niman wadaada ahi haystaan magaaladda Muqdisho. Kaliya waxaa ku fillaa in uu masaajidada makarafoonada ka gooyo si aan hadalkooda loo maqal”

Xogagaal ka warhayey arrimahaas Xeerka Qoyska kase gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa ii sheegay sidan:-

‘’ Sanadkii 1971-kii ayaa la bilaabay u ololaynta Xeerka Qoyska, waxaa jiray guddi ka koobnaa dhowr xubnood oo ay ka mid ahaayeen Weyrax, Maxamed Adan Shiikh , dhowr gabdhood.. Sharciga Xeerka Qoysku diyaar ayuu ahaa. Waxaase diiday oo mudo hortaagnaa oo warwareejinayey Wasiirkii Caddaaladda Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed oo diidanaa inuu saxiixo. Waayo marka Wasiirku soo saxiixo ayaa Madaxweynaha loo gudbin jiray oo uu markaas ka dib Saxiixi jiray, Faafinta Rasmiga ah ee dawladana lagu soo saari jiray. hase yeeshee intii ka dambaysay Maarso 1974-tii ayaa dardar la geliyey kolkii ay soo dhowaatay sanadkii loogu magic daray Haweenka Aduunka ee 1975-tii.’’

Waxaan weydiiyey. Wasiirkee Saxiixay ka hor intaanu Madaxweyne Maxamed Siyaad saxiixin Xeerkii Qoyska ?

‘’ Wasiirkii Cadaaladda ee waqtigaas. Cabdisalaan Shiikh Xuseen. Lix bilood ka hor dhaqan gelintiisii oo ku beegnayd 11 Jan 1975-tii.’’

Siyaasiyiin xogagaal ahayd ayaa leh waxaa Golihii Sare ee kacaanka qaarkood loogu sheegay jaranjaradii Stadium Conis.maxaa ka jira arrintaas?

‘’ Waxaba kama jiraan arrintaas . waa la ogaa mudo dheer inuu diyaar ahaa Xeerka Qoysku, waana la sugayey in lagu dhawaaqo. Ma aqaan dadka sidaas leh halka ay ka keeneen.’’

Dr.Maxamed Yuusuf Weyrax ayaan wax ka weydiiyey waxaa uu ka ogaa Xeerka Qoyska . Waxaa uu igu yiri:-

‘’ Qof kasta oo Soomaali ahi si ayuu wax u sheegaa. Xilligaas aniga iyo Maxamed Adan iyo Kiimkoba kama aanan mid ahayn xukuumaddii jirtay oo dibadda ayaan ka joognay. Waa ayaamahaas la dilayo Wadaadada. Maxamed Siyaad xoogaa siyaasadayda ayaa maalmahaas is jiirsanayn, ma ahaan inaan ku leeyahay lama soo shaqayn. Waxaanse kuu sheegayaa inaanu jirin qof siyaasadda ama dawladda ku jiray ee joogay Soomaaliya xilligii Kacaanka oo ka hor iman karay Jalle Siyaad. Raga qaarkii ee taariikhda ka been sheegaa waxay ahaayeen kuwa ugu dhow-dhow oo Jaalle Siyaad dadka ku diri jiray amaba talooyinka xun siin jiray. Kuwaas oo aan awood u lahayn inay waxay aaminsan yihiin sheegaan. Adeer waxaan ku weydiinayaa waxyaabihii Soomaaliya ka dhacay ma Maxamed Siyaad kaligiis ayaa Sameeyey?

Su’aal aan ka fogayn su’aalihii hore ayaan waxaan ku weydiiyey magaaladda Garowe Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn. Waxaa uu iigu jawaabay;-

‘’ Waxaa uu ahaa Xeerka Qoysku arrin soo taxnayd ilaa iyo Sanadkii 1972-dii. Waxaa uu lahaa guddi. Markasta waxaa madax u noqon jiray Wasiirka Cadaaladda. Waxaa ka mid ahaa afar qof oo aad u firfircoonaa Dr.Maxamed Aden Shiikh, Dr.Maxamed Yuusuf Weyrax, Drsa.Nuurta Xaaji Xasan, Drsa.Faadumo Axmed Caalin (Cureeji). Kuwan oo mar kasta dhinaca Madaxweynaha u janjeeray. Runtii gudigii hawsha loo diray waxay soo diyaariyeen nidaam waafaqsan diinta Islaamka. Way wada saxiixeen. Maxaase dhacay? Kolkii loo geeyey Maxamed Siyaad waa diiday gebi ahaantiisab. Afarta qof ee firfircoona waxay bedeleen nidaamkii lagu heshiiyey ee gudigu soo bandhigay. Waxay ku bedeleen waxay Soomaaliyo dhami diiday ee ka hor imanayey diinta Islaamka ee lagu sheegay Xeerka Qoyska. Oo lagu sheegay dadka in Ragga iyo Dumarku inay siman yihiin.’’

Waxaan weydiiye ma saxiixay Wasiirkii Hore ee Cadaaladda Dr.Cabdisalaan Shiikh Xuseen Xeerka Qoyska ?

‘’ Haa. Waa saxiixay. Lix bilood ka hor. Waxaa uu saxiixay nidaamkii ay gudigu wada saxiixeen ee aan ka hor imanayn Xeerka Qoyska ee Diinta Islaamka ahi ogoshahay.”

Xeerka qoyska ee dambe ayaa saxiixay?

‘’ Waa lagu been abuurtay. Saxiixoodii hore ayaa la isticmaalay.afartaas qof ayaa Maxamed Siyaad u isticmaalay fullinta qorshahiisa.’’

Hadal uu siiyey weriye Yuusuf Xasan Macallin oo ka tirsanaa BBC-da Sanadkii 2002-dii Gen.Axmed Jilicoow oo ka mid ahaan jiray saraakiisha Nabadsugidii kacaanka ragga ugu caansanaa. Ayaa waxa uu hadalkiisaas ku sharaxay sidii sharci daradda ahayd ee loogu soo oogay dacwadda wadadaaas. Oo uu sheegay inay ahayd wax ka fog cadaaladda iyo weliba baaristii Xeer Ilaalintii Maxkamadda Badbaadada oo aan u hayn wadaadadaas cadaymo ku filan oo lagu ciqaabi karo dil..

10-kii wadaad ee ay naftoodii galaafatay xeerkii qoyska ee sinaanta raga dumarka ayaa shacabkii Soomaaliyeed u aqoonsadeen Shuhadaa naftood hurayaal ah oo diintooda darteed u god galay. Waxaa soo ifbaxay guux ay horseed u ahaayeen dhalinyaro wadaado ah wax ku soo bartay wadamda Carabta oo ka faa’iidaystay khaladaadkii dawaladii kacaanka ahayd ka gashay diinta islaamaka. Wadaadan oo iyagu ku dhaqaaqay inay gundhigaan kobcinta rayiga dadweynaha caadiga ah si loo helo kaadir islaamiyiin ah oo dardargeliya qorshayaasha horyaalay.

Waxaan weydiiyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ah xeel dheere diimeed wax badan ka og xaaladda dhabta ah ee uu soo maray baraaruga Islaamka inuu Kacaanka Oktoobar helay Wadaado ama Culli’mo si diini ah ugu taageerta fikirkiisa Sinaanta Raga iyo Dumarka ayaa ii cadeeyey in kacaanku ku fashilmay isku daygiisaas ahaa inuu helo qayb Wadaada ka mid ah qaybtay doonaa ha ahaadaane. Ma helin kacaanku hal Wadaad oo qur ah oo si bareer ah arrinkaas u taageera.

Sirta qarsoon ee ka dambaysay qorshahii Xeerka Qoyska ayaa xogogaalo waqtigaa ka mid ahaa dawladii Kacaanka ahayd waxay ku sheegaan hardan siyaasadeed oo ka dhex jiray xubnaha wax ku lahaa go’aankaas dawlada. Waxaa intaa lagu daraa inay Hantiwadaaga iyo qaadashadiisa ay ka dambeeyeen xubno aan ka mid ahayn Gollahii Sare ee Kacaanka. Kuwaas oo kaga riixanayey awooddda xubno aqoon lahaa oo waqtigii biloowga kacaanka ka mid noqday Gollihii Xoghayayaasha la oran jiray ee kacaanka, una Janjeeray dhinaca reer galbeedka. Waxaa ka mid ahaa Xasan Cali Mire, Cismaan Nuur Cali Qonof. Laakiin xubnaha Hantiwadaagu madax maray waxay ka adkaan waayeen xubno yar oo dhinaca Carabnimadda u dhowaa.

Arrinta ayaa cirka isku shareertay kolkii Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib uu ka dhex taagay Calankii Soomaaliya xarunta Jaamacadda Carabta, Soomaaliyana ay xubin buuxda ka noqotay 14 Feb 1974-tii Ururka Jaamacadda Carabta. Waxaa aad uga carooday raggii loogu yeeri jiray garyarta ama Hantiwadaagiinta, waxayna bilaabeen inay maleegaan qorshe lagu kala fogayn karo dawladii kacaanka ahayd iyo wadamadda Carabta. Waxay Carabnimadda u arkayeen in Islaanimo ku daaban tahay. Raggaas oo kaashanaya saxiibadoodii Midowga Soofiyati ayaa Madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre ka dhaadhacsiiyey ku dhaqanka Xeerka Qoyska. Isagoo si ka fiirsasho la’aan iyo aqoon la’aanba ah ku dhawaaqay nasakhida ayaado ka mid ah Kitaabka Qu’raanka ee Kariimka ah.

Qormadda Lixaad.

Kacaanka Oktoobar wuxuu abaabulay xarumo lagu tababaro dadka,laguna kordhiyo dhinaca fikirka waxyaabo badan amaba la kacaamaynayo. Shaqaalaha dawladda badankooda waxaa la marsiiyey dugsigii Tababarka Xalane oo ahaa meesha lagu sifeeyo sida kacaanku u haystay maskaxda Kacaandiidka iyo kuwa dib u socodka ah. Kama marnayn in qof horay u soo maray Xalane, haddana dib loogu celiyo.

Dr.Yuusuf Xirsi ayaa kaga sheekayey buugiisa Xabsigaygii. Bilowgii Sanadkii 1976-dii mar labaad mar uu galay Xalane. Berigaas Gudoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof.Cabdiraxmaan Caydiid ayaa la sheegaa inuu jeclaystay in Macalimiinta Jaamacadda Ummadda tababar loogu diro dugsiga Xalane. Lama oga Cabdiraxmaan Caydiid waxaa ujeedadiisu ahayd. Waxaase la malayn karaa inuu habacsanaan ka dareemay Barayaasha Jamacadda, Jeclaystayna in dareenkooda kacaanimo la dardargeliyo. Maadaama Prof.Cabdiraxmaan Caydiid ahaa nin si weyn u aaminsanaa Mabda’ Shuuciyadda.

Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu khudbad u jeediyey Macalimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee tababrku uga socday mudada sadexda bilood ah dugsiga tababarka Xalane ku xusay magaca Prof Yuusuf Xirsi. Waxaa uu yiri:-

’’ Waad ogtihiin Yuusuf ayaa Karl Marx ku sheegay Yuhuudi, cidna waxba uma raacan. Hadalo kale ayuu Madaxweynuhu ku gujiyey Yuusuf. Taas oo markii dambe marag fur u noqotay xarigii Prof Yuusuf Xirsi in kacaanku qaniinsanaa’’.

Arrimahaas isku dhex murugsanaa ee talaabooyinka Kacaanku qaadayey sida tababar u furid xubno muhiim ahaa oo ka mid ahaa indheergaradka bulshada Soomaaliyeed. Waxay ujeedooyinkoodu ahaayeen kala hufid Kacaanku kala hufayo arrimaha lagu doonayey in lagu ogaado dhab ahaan cid diidan fikirka Hantiwadaaga. Iyo guud ahaanba hanaan socodka isbedelka nidaamka waqtiga kala guurka ee la doonayey in la sameeyo isbedelo saamayn yeelan kara.

U gogol xaarkii Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed11 ayaa la oran karay waxaa astaan u ahaa barnaamijkii Xeerka Qoyska oo ka soo burqaday maskaxada kuwa u Janjeeray dhinaca Diin la’aanta, aaminsanaana waxaa loogu yeero Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisanaa (Scientific Socialisim). Si dadka Soomaaliyeed ee diidanaa waxa socda, kana mid ahaa Culimaa’udiinka, Aqoon yahanada loo cabsi geliyo. Waxaa xabsiyadda loo taxaabay rag ay ka mid yihiin Shiikh Maxamad Macallin Xasan, Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Dr.Yuusuf Xirsi, Dr.Xuseen Barre Muuse.

Sababta ciidankii sirdoonka ee NSS-ta la oran jiray u qaadeen qabqabasho aan loo meel deyin oo ku wajahnayd Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay. Iyagoo daba taagnaa xogo ay heleen oo ku saabsanaa kobaca Islaamiyiinta. Intii ka dambaysay dilkiii cullimadii tobanka ahaa ee lagu toogtay fagaaraha Dugsiga Booliska. U diyaar garoowga bud-dhigid X.H.K.S. si looga hortago kacdoon la mid ah kii ay cullimadu ku kaceen kolkii la soo saaray barnaamijkii Xeerka Qoyska ayaa sabateeda la oran karay iska qabqabashadaas baahsanayd.

U diyaar garoowga bud-dhigidii Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S.) si looga hortago kacdoon la mid ah kii ay cullimadu ku kaceen kolkii la soo saaray barnaamijkii Xeerka Qoyska ayaa sabata la orankaa qabqabashadaas baahsanayd. Inta12 lagu gudda jiray yagleelidda X.H.K.S. waxaa ka fursan waa noqotay in xabsiyadda la dhigo siyaasiyiinta iyo Culi’madda caanka ah. Dhalinyaradii hormuudka u ahayd baraaruga diiniga ah ee waqtigaas socday. Waxaa xubnihii la xir-xiray ka mid ahaa Nuur Baaruud, Cismaan Cabdulle Rooble, Cabdiraxmaan Faarax Faahiye, Cabdulqaadir Axmad Xirsi (lakari), Cabdi-waaxid Xaashi Xasan, Najiib Cali Mire, Cabdul-qaadir Axmad Warsame, Shariif Axmad Calawi.

Dr.Yuusuf Xirsi oo ka mid ahaa aqoonyahanadda Soomaaliyeed ayaa ku soo bandhigay Buugiisa la yiraahdo Xabsigaygii siday u dhacaday qabqabashadii baahsanayd ee Ciidanka Nabad Sugidu fulliyeen habeenkii 19 May 1976-dii oo xabsiga lagu dhigay in ka badan 50 qofood oo ahaa siyaasiyiin iyo rag magac leh. Kama marnayn Islaamiyiinta oo iyaga si gaar ah loo bartilmaamedsanayey. Waxaa habeenkaas qab-qabashada ku jiray Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud (Genay). Balse isagu maalma gaaban hortood dalka isaga baxay.

Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn ayaa fasiraya qabqabshadii dadkii isku dhafka ahaa ee Kacaankii Oktoobar xabsiga dhigay Sandkii 1976-dii iyo ka horba. Dadkaas la qabqabtay waxay Nabad Sugidu u samaysay Gal dambiyeed loogu magac daray Wadaad Xume. Waxaa kaloo uu sheegay.

’’ Qadiyadda iska xir-xirka dadku waxay ahayd dhaqan Shuuciyadu leedahay. Waxaa ku xigtay in dadka la iska xir-xiro in dadka la laayo. Ujeedada oo dhamina waxay rimanayd in dadka gacan bir ah lagu qabto.gaar ahaan waxgaradka,aqoonyahanada, cullimadda, ganacsatadda.”

Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn ayaan waxaa weydiiyey inuu ka mid ahaa dadkii la xiray xilligaa?

’’ Haa. Waa ka mid ahaa. Waxaa la xiray Bishii May 1976-dii iyadoo la i soo daayey 26 Oktoobar 1978-dii. Waxaa soo dayntayda dad badan oo aan ka mid ahaa lagu beegay maalintii dilka lagu fuliyey askartii afgmbiga samaysay 9 Aprile 1978-dii.’’

Waxaa lagu dhawaaqay asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed 01 July 1976-dii.kolkii la isugu keenay Kulliyadda Ciidamada lagu tababari jiray ee Jalle Siyaad 3000(Sadex Kun) oo ergay. Kuwaasoo u badnaa xubno la iska keenay madasha si looga ansaxsado waxyaabihii uu ku tala galsanaa Madaxweyn Maxamed Siyaad Barre.

Bud-dhigida X.H.K.S waxaa lagu beegay maalintii Gobanimadda Soomaaliya si loogu iloowsiiyo dadka Soomaaliyeed maalintaas xusuusta leh. Golaha dhexe ee X.H.K.S. waxaa uu ka koobnaa 78 xubnood oo u badnaa askar iyo taageerayaasha Kacaanka intoodii lagu kalsoonaa. Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa halkaas loogu aqoonsaday inuu yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga H.K.S oo ah xisbiga keliya ee dalka ka taliya (One Party System). Waxaa kaloo la siiyey jagooyinka kala ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Kolkaas ayaa Maxamed Nuur Shareeco waxaa uu ku heesay.

’’ Horta Qabo Siyaado Bal Qof Kale Ku Soo Dara.’’

Gen.Axmed Suleemaan Dafle oo ka madax ahaa sirdoonkii kacaanka NSS-ta. xubni ka ahaa Guddigii siyaasadda isla xisbaigaas. Isla markaa uu sodog u ahaa Jalle Maxamed Siyaad Xoghayihii guud ee XHKS, ahaana Madaxweynihii Soomaaliya ayaa isaga shakhsiyan loogu xilsaaray caburinta Islaamiyiinta. Ciidankii Nabad Sugida NSS-ta wuxuu kacaankii Oktoobar ku sharciyeey xeer13 N0-14 soona baxay 14 Feberaayo 1971-dii. Xubnaha loo xulay inay hawshaas sirdoonka qabtaan ayaa laga kala keenay ciidankii Xoogga Dalka iyo Booliskaba. Genaraal Dafle kama baaqsan inuu hawsha u qabto sidii uu rabay hogaamiyihii dalka ee berigaas Jalle Siyaad oo ay isaga ka go’nayd in cagta la mariyo cid kasta oo ka hortimaadaa afkaarta kacaanka uu madaxda ka ahaa. Gen.Dafle kumana guulaysan inuu ka adkaado xooggagii Islaamiyiinta. Keliya wax ayuu sii fogeeyey iyo Islaamiyiinta oo adkaysi u sii yeeshay iska caabintii kooxihii kacaanka ee iyaga dagaalka ku hayey.

Nabad Sugidii( NSS-tii) iyo kaadirkii XHKS waxay si baaxad leh dagaal bareer ah ugu qaadeen Islaamiyiinta. Iyagoo xeel ahaan u adeegsanaya ololihii loo yaqiinay tabeelayaasha xaafadaha oo si fudud loogu la socon karay dhaqdhaqaaq kasta ee ka jiray dalka. Waxaa laga warhayey guri kasta iyo qofkasta ee ku nool tabeelaha ama unug xaafaddaas wax uu qabto iyo waxa uu aaminsan yahay iyo weliba kacaanimadiisa inta lagu kalsoonaan karo. Iyadoo intaas u sii dheereyd Xisbiyiinta iyo Ururadda Bulshada, haweenka,.Dhalinyaradda iyo Kuwa Shaqaalaha. Ciidankii Guulwadayaasha ayaa 24 saacadood oo kasta xogta xaafadda u soo gudbin jiray Madaxtooyadda. Hayadda sir doonka NSS-ta.

Cadaadiska saaraa Islaamiyiinta iyo siyaasiyiinta loo arkayey inay ka soo horjeedaan hanaan u socodka Kacaanka Hantiwadaaga ah ee Soomaaliya ka saanqaaday. Ayaa ahaa mid nooc kasta leh oo la doonayey in lagu caburiyo garashada ka duwan tan kacaanku qabay. Dadka noocaas ah waxaa lagu hayey xabsiyada kala ahaa Mandheera. Laanta Buur. Ka gadaalase waxaa loo wareejiyey Xabsi si gaar ah loo dhisay, looguna tala galay siyaasiyiinta ka soo horjeeda Kacaanka Oktoobar. Bal ila yara eeg aqoon yahan Prof Yuusuf Xirsi Axmed oo isagu Buugiisa Xabsigaygii ku soo gudbinayaa waxyaabihii Xabsi Siyaasigii Kacaankii galeyey uu kala kulmay.

’’ 01 May 1977-kii oo ku beegnayd maalinta shaqaalaha Aduunka ayaa habeenimadii kol ay saacadu ku beegnayd 11:00 ama shantii habeenimo ayaa qolkii aan ku xirayn aniga Yuusuf Cismaan Samantar(Bardacad), Cabdiraxmaan xaaji Cabdi Gole (Aswad), Cali Canbe iyo Maxamed Xareed. waxaa naloo dareershay dhinaca Qamta ee Xabsiga aan ku jiray ee Laanta Buur..’’

Waa sii waday sheekadiisii Xabsiga

’’ Waxaa nala keenay daarada qaybta Qamta ee Xabsiga Laanta Buur. Meel muuqaal wanaagsan oo dhirta geed hindiga loo yaqaani haraysay. Waxaan ku fariisanay kuraas dhagax ah oo lagu xardhay mar-mar. Mudo laba saacadood ah markaan fadhinay ayaa xabsiga qaybta Qamta waxaa laga soo saaray rag ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed Macallin, Maxamed Ibraahim Cigaal, Shiikh Cabdiqani Axmed, iyo Janaraal Cabdulaahi Hoolif. Janaraal Maxamed Abshir waa la soo saaray laakiin il gaar ah ayaa lagu eegayey ma arag.’’

Qormadda Todobaad.

Prof.Yuusuf Xirsi Buugiisa Xabsigaygii ee la daabacay 2001-dii boggiisa 22-aad waxaa uu ku qoray in goortii waqtigu ahaa labadii dambe ee habeenimo ( sideeda saaca) ee 01 May 1977-dii lagu amray inay baabuurta fuulaan. Aniga, Shiikh Maxamed Macallin iyo Maxamed Ibraahim Cigaal hal dhinaca ayaa fariisanay. Waxaa dhinaca kale ka fadhiyey baabuurka aan wada saarayn oo nagga soo horjeeday Yuusuf Cisamaan Samantar (Bardacad), Cabdulraxmaan Aswad, iyo nin kale. Markii baabuurka nala saaray ee qof walbaa fariistay ayaa lugaha waxaa looga qoofalay silsilado si aanu qofna u hawaysan inuu cararo. Iyadoo intaas ay sii dheerayd ilaaladda xoogan ee baaburta aan saarayn korka ka ilaalinaysay. .

Waxaa uu Prof.Yuuusf Xirsi xusay safarkii dhibka badnaa intii maxaabiistaas siyaasadeed loo sii waday Xabsiga Laabaatan Jirow. Isagoo sheegay in ku dhowaad kontomeeyadaas maxbuus ahaayeen kuwii ugu horeerey ee Soomaaliya oo lagu furo Labaatan Jirow Xabsigaas la magac baxay.

Bishii Agoosto 1977 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray meel Qamta la yiraahdo oo ka gaar ahayd Xabsi weynaha Labaatan Jirow rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Abshir, Shiikh Maxamed Macallin, Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed, Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cali Hayje nin la oran jiray oo isaga markii dambe lagu dilay Xabsiga Labaatan Jirow.

Ciririgii siyaasadeed iyo la socodka dhaqdhaqaaq-yadooda ee kacaankaasi saaray Islaamiyiinta kama hakin ujeedooyinkoodii. Waxay si mug ah u lahaayeen isku xirnaansho iyo wada shaqayn taas oo ay ku jaah-wareereen NSS-tii. waxaa la qiraa in Islaamiyiintu xilligaa adkaa kaga soo gudbeen adkaysi iyo dulqaad xad dhaaf ah oo ay arrimaha ugu dulqaadanayeen si aan caadi ahayn. Taasoo ku riixday inay higsadaan maanta halka ay ku haminayaan oo ah hanashada hogaaminta awooda dalka iyo dadka Soomaaliya. Wadan in ka badan 17 Sano aan helin dawlad hogaamisa isla markaana hanata maamulkiisa .

Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay in kaga faa’iidaysteen waqtigaas inay afkaartayrabeen ka dhaadhiciyaan shacabka oo ahaa in shuuciyaynta dadku ay tahay ka saarida diintooda. Waa la oran karay inuu fikirkoodaasi miradhalay ka dib markay dadku bilaabeen inay diintoodau soo noqdaan. Isla markaan barashadeeda si qoto dheer u fahmaan.

Xubnihii14 ka midka ahaa Islaamiyiinta oo la qabqabtay bartamihii sanadkii 1976-tii ayaa kuwoodii ugu horeeyey waxaa laga soo daayey xabsiyadda dabayaaqadii Sanadkii 1977-dii xilligaas oo siyaasadii XHKS caga dhigatay. Qodobka loo cuskaday xabsigooda qarkood wuxuu ahaa qodobka 52-aad ee xeerka anshaxa. Waxaa xusid mudan in qodobkaasi uu ahaa mid loogu tala-galay dumarka jirkooda ka ganacsada, kaas oo saamaxayay in qofka eedeysan, saddex cisho lagu hayo xarunta booliskaka dabadeedna ama la daayo ama loo gudbiyo maxkamaddii ku caddeyn lahayd dembiga.

Sanadkii 1977-kii iyo ka horba waxaa wadanka ka baxay xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta. Waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, Axmed Nuur Carab, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, Axmed Cismaan Dheel, Cabdisalaan Cismaan Cabdisalaan iyo rag kale oo badan, waxayna kicitimeen wadanka Sacuudiga iyagoo halkaas ka galay jaamacado islaami ah, kana soo kororsaday aqoon diineedkii loo baahnaa. Waxaa saldhigtay fidinta dacwadda dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga dadka ee dhinaca diinta.

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay xagga fikirka ah Islaamiyiintii. waxaa meesha ka baxay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Al-ahli oo isagu shaqaynayey Sanadkii 1971 ilaa 1977-dii. Khilaafka ku soo kordhay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa kooxihii Islaamiyiinta Masar ee xabsiyadda laga soo daayey, waxaana la xusaa in Sheikh Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud inuu markaas u Janjeersaday afkaarta kooxda Jamaacatul Mu’minuun dadka badankiisu u yaqaanaan Tak-fiir. Warar dad dhowr ahi ii sheegeen ayaa waxaa ka mid ahaa in Islaamiyiinta badankoodu kuwa joogay gudaha Soomaaliya ay qaateen fikirka Jamaacatul Mu’minuun. Marka laga reebo xubnihii ku jiray Xabsiyadda. Hase ahaate markiiba waa laga noqoday qaadashada afkaarta takfiirnimadda. Kolkii loo caqli celiyey in badan oo ka mid ahayd dhalinyaradii Baraaruga Islaamka.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan si aan u xaqiiqsado u janjeersiga dhalinyaradda Baraaruga ee dhinaca Takfiirka. Waxaan weydiiyey waxa ka jira arrinkaas. Waxaa uu si guud mar ah iigu jawaabay:-

’’ Fikirkaasi waxaa uu asal ahaan ka yimid Wadanka Masar. Kolkii dawladaasi xirxirtay oo ciqaabtay Muslimiinta xabsiyadda ku xirayd. Waxay fikradu ka soo faaftay xabsiyada Masar’’

Sidee ayey inaga Soomaali ahaan inoo saamaysay?

’’ Dhalainyaradii Baraaruga Islaamka ee Al-Ahli ayaa joogsanweyday. Maadaama kacaanku xabsiyadda dhigay cullimadii waaweynayd ee hagi jirtay baraaruga Islaamka. In badan oo dhalinyaradda ahayd oo dhinac u liicday waa jireen; Balse markii dambe ee cullimadda xabsiyadda laga soo daayey ayaa si weyn wax looga qabtay. Oo si aad ah loogu caqli celiyey dhalinyaradii degdegaysay.”

Sidoo kale waxaa dhinac noqday ururka Al-Islaax Shiikh Maxamed Garyare ayaa dhinaca ula ruqay. Ururkii Jamciya Islaamiya waxaa madax looga dhigay sheikh Maxamuud Cumar. Iyadoo Waqooyiga Soomaaliya uu ka jirtay ururu Islaamiya oo la oran jiray Waxdada. Waxaa kaloo jiray xarako la yiraahdo Aalla Sheikh oo uu madax ka noqday Sheikh Maxamed Macallin kolkii xabsiga laga soo daayey1978-dii. Bilowgii Sanadkii 1978-kii ayaa noqday Sanad ku kowsaday khilaafka Islaamiyiinta Soomaaliya u dhexeeyaa iyo asaasid ururuo Islaamiyiin ah xanbaarasan fikirka Islaami Siyaasi..

Dagaalkii 1977-kii ee Soomaalidu la gashay wadanka Itoobiyakama marnayn in xooggaagii dagaalamayey ay ku dagaalamayey si jihaad ah isla markaana fulinayeen qodob diimeed ah xoraynta dhulka Islaamka ee la haysto (Ogaadeenya).

Saraakiisha ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qayb gashay dagaalkII Ogaadeenya ayaa in badan oo ka mid ahaa waxaa saaqday saxan saxada dabaysha diinta. Kuwaas oo ku hamiyeey inay Soomaaliya u horseedaa dawlad Islaami ah. Waxaa xubnahaas ka mid ahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo rag kale. Xunaha ka mid ahaan jiray Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee sida weyn uga qayb qaatay ku baraarujinta Islaamka bulshadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Shiikh Maxamed Cali Dahir oo door muhiim ah ku yeeshay kobcinta Islaamka.

Ustaad Cabdulraxmaan Baadiyow15 oo ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta, kana tirsan xarakada Al-Islaax ayaa waxaa la weydiiyey maxaa lagu garan karaa muuqaalka baraaruga islaamka? Waxaa uu ku jawaabay:

” Waxaa lagu garan karaa(baraarugaas) sida looga hadal-hayo warbaahinta caalamka oo dhan iyo sida ay u soo kordhayso ka qaybgalka xisbiyadda Islaamiga ah ee xukunka iyo siyaasadda. Gaar ahaan dalalka ay ka jirto doorashooyinka iyo tartanka siyaasada. Meel kasta waxaa lagu arkaa muslimiin ka shaqaynaysa soo noolaynta ku dhaqanka diinta islaamka, waxayna ka muuqataa dugsiyadda, masaajiydyada, jaamacadaha, goobaha shaqadda, ganacsiga, waxay kaloo ka muuqataa dhaqanka nolosha, xiriirka qoyska, qaabka salaanta iyo asluubta dadka iyo weliba bangiyadda islaamka oo si weyn ugu fiday dunidda daafaheeda.’’

Qormadda Sideedaad.

Afgembigii fashilmay ee Aprile1978-dii ee la doonayey in awooda looga tuuro si xoog ah hogaamiyihii hore ee Soomaaliya Jalle Maxamed Siyaad. Ayaa bilow u noqday mucaaradkii hubaysanaa ee Itoobiya kaga soo duulayey Soomaaliya. Mucaaradkaasi waxaa uu baal cusub u faray siyaasadda iminka jirta ee ah in Itoobiya noqoto hoyga laga soo duulo Soomaaliya. Oo uu awal u dhexeeyey xayndaab adag. Isku milanka labada dal ee dhinac walba. Waa tan ay iminka ku shaqaynayso siyaasadda dawladda uu madaxda ka yahay Males Zanaawi.

Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mingistu Xayla Maryam ayaa ka jeediyey khudbad taariikhda gashay fagaaraha magaaladda Adis-abab 01 Maarso1978-dii isu soo bax lagu xusayey maalintii Itoobiya dagaalka ku jebisay Talyaaniga Adwa 01 Maarso 1896-kii wuxuuna yiri16

’’ Maanta dagaalkii Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Militariga Soomaaliya ku soo qaadeen Itoobiya waa dhamaaday. Itoobiya ayaa guulaysatay. Waxaa mahad leh Midowga Soofiyetka iyo Kuuba iyo saxiibadda kale oo wax walba u huray inay Itoobiya badbaadiyaan la’aantoodana guushaas lama gaaareen. Laakiin dagaalku ma dhamaan, waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya.’’

Hadalka Mingistu Xayle Maryam ayaa lagu macnayn karay inuu ula jeedo jabahada mucaaradka ku ahaa dawldii Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa Jalle Siyaad. Inay noqon doonaan kuwa iyagu dalkooda hooyo dagaalka ku qaadi doona iyo in weliba qabiil qabiil Soomaalida la iska horkeeni doono si ay awooda isugu qabsadaan. Waayo waxay keliya ee Soomaalidu si dhab ah u aaminsan tahay ayaa ah qabiilaysiga.

Kooxaha Islaamiyiinta waxay marwalba ka koobnaayeen xubno kala qabiil ah. Halka mucaaradkii hubaysnaa uu u muuqanayey qabiil qur ah oo doonaya inay awooda dalka xoog ku yimaadaan, lahayna barnaamij siyaasadeed oo wax ka bedeli kara xaaladda dhaqaalaha iyo bulshada ee waqtigaas Soomaaliya ku jirtay.

Islaamityiintu waxay si tartiibtartiib ah bulshaweynta ugu soo bandhigayeen ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Iyagoo dhexmaquurayey dadka muhiimka ah ee loo qaateenka ah oo dacwadda fidinteeda si furan uga qayb qaadan kara. Kuwaas oo u badnaa dhaliyarra-da waxbaratay ee lahaa rag iyo dumarba.

Mucaraadka hubaysnaa ayaa xilligaas u sii kala dhanbalmayeey qabiil qabiil iyo jifo-jifo hoose oo aan dhaafsiisnay awood ku faan qabiil iyo dib ugu noqoshadii waqtigi jaahiliyadda. Waxaa bilaabmayey kala furfurasho jabhadihii mucaaradka ahaa ee ku midoobaySSDF oo ahayd midi ugu horeeyeysay mucaaradka hubaysan ee Soomaaliya, dulaankana Soomaaliya uga soo qaada Itoobiya. SSDF waxaa Oktobar 1981-kii ku midoobay Jabhadda Badbaadinta Soomaaliya (Somali Salvaition Front), Xisbiga Shaqalaha Soomaaliyeed (Somali Workers Party) iyo Jabhadda Dimuqaraadiga Xoraynta Soomaaliya (Democratic For the Liberation of Somalia ) .

Waxaa la isweydiin karay Afgembigii 9 Aprile 1978-dii ee dhicisoobay lug ma ku lahayd Itoobiya?. Marka qumaati la isugu dardaro xisaabaadka qaarkood Sirta qarsoon ee Soomaaliya ma tahay in saraakiisha qaarkood ee ka qayb qaatay afgembigaas inay Itoobiya dabada ka riixaysay?. Waa la is weydiin karaa mar labaad markuu fashilmay afgembigaasi sababtay Itoobiya dabada ula galeen saraakiil badan oo fikrad ku lahaa afgembigaas? Ma la oran karaa waxaa jiray xiriiro qarsoon oo ka dhexeyey abid Itoobiyaanka iyo saraakiisha Soomaaliyeed qaarkood ee fulinayey qorshahaas afgembi?.

Islaamiyiinta ayaa qorshahoodu waxaa uu ahaa hoos ka soo dhisid bulshada si loo helo awood dhinac walba ka qaabaysan. Waxay marwalba farta ku fiiqayeen khaladaadka muuqda ee ay galaysay dawldii kacaanka ahayd oo waqtigaa la daalaadhacaysay la dagaalanka mucaaradka hubaysan ee qabyaaladu u ahayd Dastuurka.

Waxay Islaamiyiintu sahleen baritaarka burburkii dawladaas Maxamed Siyaad sii liicaysay xilligaas. Islaamiyiintu oo ka koobnaa dhowr garab oo ka kala jiray Waqooyiga iyo Konfurta Soomaaliya. Waxdada ayaa ka dhisnayd Waqooyiga halka Jamaaca Islaamiya iyo Al-Islaax ka jireen Konfurta Soomaaliya.

Hawshaas ay hayeen garabyada Islaamiyiinta ayaa muhiim waxay u ahayd baraarujin dhinaca diinta ee shacabka. Waxaa soo shaac baxay koboca siyaasadeed iyo bulsho ee Islaamiyiinta ku dhexyesheen dadweynaha ka biya diidsanaa arrimaha muuqaday ee kacaanku uu wadey. Iyadooy Islaamiyiintu heleen dhega raaricinta bulshada cabursanayd ee Soomaaliyeed oo xilligaas la daalaadhacaysay niyad xumadda kacaankii Oktoobar. Meesha kama maqnayn khilaaf ku kala dhex jira xooggaga Islaamiyiinta. Waxaan soo bidhaamayey kala guullan dhexdooda ah. Iyo sida loo wajahayo arrimahaa taagan goor kasta. Hase ahaate waxaa mar walba qarinayey inaanu soo shaac bixin khilaafkoodaasi culayska saaraa ee kaga soo wajahnaa dawladii kacaanka ahayd oo isku si u wada arkaysay kooxaha Islaamiyiinta. Inkastoo aanay Sanadihii dambe waxba ka qaban karayn awoodoodaas sii kordheysay.

Ururkii la oran jiray Waxdada ee Waqooyiga iyo xarakadii Jamacaa Islaamiyaa ayaa midoobay Sanadkii 1983-dii Bishii Nov, lana baxay ururka Al itixaad Al-islaami, waxaa door muuqda ku lahaa midaynta Ururadan Ikhwaanka Sudan oo xiriirsiiyey labada dhinac Maarso 1983-dii, waxaana xarun u ahayd intaanu dalku burbruin magaalada Burco oo uu ku sugnaa hogaamiyihii waqtigaas ee ururka Al–itixaad al-islaami, Sheikh Cali Warsame oo lagu naanayso Cali Kibisdoon. Ururkaasi waxaa uu ahaa goobta midaysa awooda in badan oo Islaamiyiinta Soomaaliya ah. Marka laga reebo ururka Al–islaax oo isaga qudhigiisu ahaa awood Islaami ah oo feer socota ururukaas kale.

Ururka Al-Islaax oo la asaasay Sanadkii 1978-dii ayaan waqtigaas wax door ah ku lahayn arrimaha dhaqaalaha, kuna koobnaa goobo waxbarsho iyo daryeelka bulshada. Ma aysan lahayn Ciidan u gaar ah. Balse waxaa marwalba jirtay afkaar kala duwanaasho labadan urur. Soomaali badan ayaa la dhacsanayd waqtigaas ururka Islaamiga ah ee Al-itixaad oo isagu cududiisa dhaqaale iyo ciidanba kordhayeen, lana jaan qaadayey dabaysha Islaamiyiinta caalamiga ah(Salafiyiinta).

Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa ku kala xiran wadamadda Masar iyo Sacuudiga. Dhaliyaradii wax ku soo baratay wadanka Sacuudiga ayaa u muuqanayey kuwa firfircoon oo nashaad gelinayey barashada diinta Islaamka iyo jihaadkaba. Halka kuwa ku xiraa Masar ay ku hawlanaayeen waxbarashada iyo wacyi gelinta. Waxaan Islaamiyiinta Soomaaliya u kala miirmayeen labadaa aragtiyood. Inkastoo markii dambe soo shaac baxeen ururo kale. Waxaa muuqatay tartankii ka dhexeeyey Al-islaax iyo Al-itixaad ee wax la qabsiga Ikhwaanka guud. Ururka Al-islaax ayaa uga dheerey Al-itixaad dhinaca Ikhwaan Al-Muslimiinka. Oo ah urur diineed ka jira 81 Dal,lehna hogaan midaysan oo la yaqaan sida ay isu maamulaan iyo cida xukunta. Iyadoo Salafiyiintu aanay lahayn hogaan guud oo mideeya wadamada Muslinka ah ee ay kooxahani ka jiraan. Wadan weliba gaarkiisa ayuuu leeyahay cid xukunta. Ma jiro qorsha guud iyo manhaj siyaasadeed oo isku xira sida Ikhwaanka. Waxa keliya ee ay wadaagaan ayaa ah mabda’Salafiyadda.

Islaamiyiinta ayaan wax xiriir ah la lahayn jabhadihii hubaysnaa ee mucaaradka ku ahaa dawladii Maxamed Siyaad Barre. Si aan u xaqiijiyo hadal hayntaas ayaa waxaan magaaladda Boosaaso kula kulmay sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonkii noocyadda badnaa ee xukuumadii kacaanka ahayd Col.Maxamed Xuseen Jaamac ’’Haraa’’. In badan ka soo shaqeeyey Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu qiray hadalka ah inaan wax xiriir ahi ka dhaxayn mucaardkii hubaysnaa iyo Islaamiyiinta, waxaana uu yiri:

’’ Horta laba manhaj ayey kala lahaayeen. Kuwo waxaa manhaj u ahaa diinta , kuwa kalena qabiilka marka sidaas ayaanayba isugu milmi karayn.”

Waa sii watay hadalkiisii:

’’Anigu Waqooyiga ayaan u badnaa waxay Islaamiyiintu xoog ku lahaayeen ardayda dugsiyadda waxaana xagaas looga yaqaanay Waxdada. Sanadihii 1977 ilaa 1982 aad ayey dhinacaan joogay ugu soo xoogaysanayeen. Waxaa nala faray inaan si aad ah ula socono welibana aad u ilaalino dhaqdhaqaaqooda. Waxaan xayirnay dhamaan kutubta naloo bar tilmaamay. Waxayse marmar kutubtaasi uga soo geli jireen dhinaca Jabuuti. Waxaan u isticmaali jiray inaanu baqdin gelino oo aanu mararka qaarkood xirxiro. Si wadar ah ayaan u xirxiri jiray, ka dibna soo dayn jiray. Waxaa jiray faaf reeb adag. Waxaa dagaalka lagu hayey Waxdada ka qayb qaadan jiray lix haya’dood oo dawlada ahaa , kalana ahaa Garsoorka, Nabad Sugida, CID-da, Hangashta (DISA) Department intulegance Service Army iyo Wasaaradda Warfaafinta. Waxaanu ku dadaali jiray inaan fikirkooda dadku raacin. Sir doonka ayaa lacagp siin jiray qaybo bulshada ka mid ahaa si ay u dacaayadeeyaan. Sandkii 1982-dii ayey Waxdadu waxay dab qabadsiiyeen fooqa la yiraahdo Bis-ta oo Hargaysa ku yiilay.”

Waxdada waxay si aad ah awood ugu lahaayeen Burco oo runtii ahayd meel ay si aad ah uga hawlgalayeen. Waxaan ogahay inaanay marnaba u liicin dhina qabiilka waqtigaas oo ay SNM-tu dadka ku hawlgelinaysay qaab qabiil. Waxaana jiray is –diid dhinaca fikirka ah xataa markay SNM-tu sheegteen inay ku dhaqmayaan diinta islaamka uma debcin. Waxay Waxdadu ku dheganaaayeen midnimadda Soomaaliya taas ayaana sal u ahayd waxyaabaha is fahami waaga dhex dhigay labadan awoodood ee mucaaradka ku wada ahaa dawladii Siyaad Barre. SSDF qudhigeedu waxaa manhaj u ahaa qabiilka sidaas darteed ayaan Islaamiyiinta la haybta ahaa waxba ugu darsan .

Dacwada ayaa ahayd waqtigii dhexe ee Islaamiyinta Soomaaliya mid si xawli ah ku socotay. Ma jirin wax siyaasaday ah oo dawcada lagu dhex milayey oo ku beegnaa bartamihii Sideetamaadkii. Goobaha ugu muhiimsanaa ee ay ka socotay dacwadu waxaa ka mid ahaa Masaajidka Ceel Hindi oo saalada Maqrib ka dib laga akhriyi jiray tafsiir. Iyadoo uu masaajidku buux dhaafi jiray dadka dhegaysanaya tafsiirka ee masaajiku ka buuxsamo waxaa caado u ahayd inay hareeraha masaajidka ka dhegeystaan Tafsiirkaas. Waxaa kaloo dacwadu ka socotay Masaajid ku yaalay bartamaha suuqa Bakaaraha iyo Lafaweyne.

Sanadkii 1986-dii ayaa kacaankii Oktoobar oo waqtigaa ay mucaaradku ku hayeen olole dagaal iyo mid siyaasadeed ayaa waxaa uu dareemay in Islaamiyiintu si muuqata oo xaawli ah u xoogaysanayaan. Isla markaa abaabul ugu jiraan siday u kasban lahaayeen bulshada inteeda badan. Intaas ka dib waxaa kacaanku qaaday talaabo adag oo u yara eg, amaba uu ka soo dheegtay qorshahiisii 1975-tii koklkii la samaeeyey Xeerka Qoyska. Waxaa la qabqabtay oo si baahsan loo xirxiray Cullimaa’udiin iyo hogaamiyayaal ka tirsanaa Al-Itixaad Al-Islaam iyo Islaamiyiinta kaleba. Xabsiga ayaa la dhigay in badan, kuwa kalena waa ka baxsadeen dalka. Xubnaha Baxsaday waxaa ka mid ahaa hogaamiyaha Al-itixaad ee xilligaas Shiikh Cali Warsame. Waxaa Sanadkii1987-tii la horkeenay Maxkamada Badbaadada Dalka Islaamiyiintii ku jiray Xabsiyada intii ugu muhiimsanayd. Waxaa qayb ka mid ahaa ragaas lagu xukumay Dil. Iyadoo loo cuskanayey ka horimaansho shuruucdii Soomaaliya ka jirta ee uu dejiyey Kacaankii Oktoobar. Xubnaha dilka waqtigaas lagu xukumay waxaa ka mid ahaa Dr.Cabdicasiis Faarax oo ahaa mufikir Islaami ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys. Shiikh Nuur Baaruud. Aweys Maxamed Ibraaim. Shiikh Xaashi Colhaye. Maxamed Xuseen Faarax. Maxamed Cismaan Siidi. Yuusuf Cabdi iyo Shaafici Axmed.

Laguma fulin xukunkii dilka ahaa Islaamiyiiintii17 ee ay ku riday Maxkamdii Badbaada Dalku ka dib culaysyo kaga yimid xukuumadii Madaxweyne Siyaad Barre gudaha iyo dibadda. Gaar ahaan Boqortooyadda Sacuudiga. Bishii May 1987-dii ayaa xukumadu jebisay xukunkii dilka ahaa. Si shuruud la’aan ahna ku siidaysay dhamaan cullimadii xirayd oo dhan. Waxaa kaloo dalka dib ugu soo noqday xubnihii Islaamiyiinta ahaa ee dibadaha u baxsaday. Waxay kaloo qabteen kulan lagu cusboonaysiinayo hogaanka Al-itixaad Al-islaam. Waxaa hogaankaas cusbaa madax looga dhigay hogaamiyihii hore Shiikh Cali Warsame iyadoo ku xigeena loo doortay Shiikh Xasan Dahir. Waxay kulankoodaas ku go’aansadeen ku dhigaanta jihaadka si loo fuliyo ujeedooyinka Ururka Al-itixaad Al-islaam.

Waqtiyadaas horusocodnimadda Dacwada ayaa si weyn waxaa u jiray dareen ay qabeen wadadadii Dariiqooyinka oo ku tilmaamay baraaruga cusub ee Islaamiyiinta inuu yahay Bidco. Hase ahaatee Islaamiyiinta Salafiyiinta ahi waxay ku guulaysteen inay hantaan dhalinyaradda aqoonta leh ee dhigta Dugsiyadda Sare, Jaamacada Ummadda (Somali National University). Waxaa dhici jiray inay mararka qaarkood iska horimaad ku dhexmari jiray wadooyinka magaalooyinka waaweyn qaarkood. Is ulayn, is caayid iyo is handadid qolba qolada kale waxkaga sheegayso.

Qormadda Sagaalaad.

Islaamiyiinta Soomaaliya waxaa inta badan lagu sheegaa kuwa aan bislayn oo hal la boodo leh isla markaana aan la jaanqaadi karin isbedelka siyaasadda waqtiyada qaarkood. Marka la barbardhigo wadama badan oo islaam ah. Sida Masar iyo Sudan.

Wadanka Sudan kolkii uu fashilmay Afgembi ay wadeen kooxo Shuuciyiin ah oo uu hogaaminayey Axmed Maxjuubi July 1971-dii ayaa Madaxweynihii wadankaas ee xilligaas Jacfar Al-Numayri waxaa uu wadankiisa ka eryey July 1971-dii khubaradii Midowgii Soofiyati ee Sudan joogatay, isagoo isla markaana hoos u dhigay xiriirkii uu la lahaa Soofiyatka tuhuna ka qabay inuu gacan siinayey isku daygaas Afgembiga. Halkaas waxaa ka faa’iidaystay Islaamiyiinta Suudaan oo markaas u muuqday Cadawga koowaad ee xukuumadaas uu madaxda ka ahaa Jacfar Al-Numayri.

Sanadkii 1977-kii ayaa waxaa heshiis dib u heshiisiineed dhexmaray laba kooxood Islaamiyiinta Sudan ahaa , waxaana Xasan Al-turaabi loo ogolaaday inuu dalka dib ugu soo noqodo, isagoo Sudan uga maqnaa Masaafuris iyo weliba xabsi lix sano uu ku jiray oo ka horayey Masaafuriskaas.

Turaabi waxaa la siiyey Jagada Wasiirka Cadaaladda Sanadkii 1979-kii isagoo ku dhex milmay nidaamkii uu madaxda ka ahaa Jacfar Al-Numayri, ugana faa’iidaystay inuu bulshada reer Sudan ku baraarujiyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Sudan ayaa ahayd wadan ay wax ku bartaan Soomaali badani iyadoo waxbarashadaasina ay saamayn ku yeelatay ardaydii wax baranaysay . Sudan codka Qalinjebinta ardayda Jaamacadaheedu waa 26 cod sanadihii sideetamaadkii. Waxaa 25 ka mid ah codadkaas ku guulaysta ardayda u janjeerta afkaarta Islaamiyiinta taasoo Sudan ka dhigaysa meel ay aqoonteeda hogaamiyaan Islaamiyiintu. Waxaay lagama maarmaan in Soomaalida wax ku soo baratayna ay sidaas oo kale noqdaan.

Aqoon-yahan Cabdicasiis Faarax ayaa ka mid ahaa raga wax ku soo bartay Sudan. Kan tirsanaa Ururka Al-itixaad. Bartamihii Sideetamaadkii ayaa Cabdicasiis Faarax waxaa uu tegey Sacuudiga sida uu ii sheegay Aqoonyahan A.A oo ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta.Xilligaas ku sugnaa Sacuudiga waxaa jirty warqad qoraal ah oo uu Xasan Al-Turaabi u soo dhiibay Cabdicasiis Faarax, uguna soo dhiibay Islaamiyiinta Soomaalida oo madaxdoodu inta badan ku sugnayd Sacuudiga waxaana uu xoog warankiisii iigu bilaabay sidan:-

’’ Anigu waxaan waqtigaas ka mid ahaa ardaydii wax ka baranaysay Sacuudiga,aad ayaan ugu dhodhowaa xarakadda Islaamiyiinta. Waan ka war hayey Allaha u Naxariiste Cabdicasiis Faarax inuu xarakadda u soo gudbiyey dhanbaalkii Xasan Al-Turabi odayadii madxada u ahaa xarakadda Islaamka. Nuxurka dhanbaalka ayaa ahaa in uu dhexdhexaadiyo Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta oo ragga inta badan hogaamiyaa ay joogeen Wadanka Sacuudiga . Waxaa Turaabi qorshihiisaa dhexdhexaadineed ku soo bandhigay inuu isagu la hadlayo Maxamed Siyaad Barre, kana dhamaynayo wax dhinaciisa ku xiran. Waxaa uu ku booriyey Islaamiyiinta Soomaaliya in iyaga reer Sudan ahi la heshiiyeen Jacfar Al-Numayri. Intaad dibadda ka ahaan lahaydeen dawladda waxaa ka haboon ayuu u sheegay inaad la heshiisaan oo dhexgashaan. Waxaa uu soo bandhigay in Bangi Islaami ah oo Sacuudigu maalgelinayo laga furayo Muqdisho.Siyaad Barre waa ogol yahay ayaa qoraalkaas ku qorayd.’’

Markaas ayaan waxaan weydiiyey maxaa fashiliyey isku daygaas? Waxaa uu iigu jawaabay:

’’ Waxaan oran karaa bisayl la’aanta waqtigaas Islaamiyiinta iyo Islaamiyiinta u badnaa reer Waqooyiga oo ku adkaystay inaan wax wada hadal ah lala gelin Siyaad Barre. Waxaa kaloo laga baqay in Islaamiyiinta Soomaaliya kala qaybsamaan hadii qolo isku daydo in wada hadal lala furo Xukuumadii Kacaanka ahayd. Laakiin Turaabi aad ayuu marar kale isugu hawlay inuu wada hadalsiiyo Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta. Mar dambe ayaan garanay waxaa uu Turaabi u doonayey inaan la heshiino Siyaad Barre ………’’

Kolkaas ayaan ku celiyey maxaad garateen oo aaydinaan markii hore garan?

’’ Waxaan garanay taladii Turaabi hadaan raaci lahayn in wax badan noo qabsoomi lahaayeen. Laakiin wax walbi waa qadar alla.’’

Qormadda Tobnaad..

Sanadkii 1991-kii horaantiisii kolkii dawaldii dhexe Soomaaliya dhidibada  u siibeen  kooxihii hubaysnaa ee ay horboodaysay USC-du. Ayaa waxaa soo baxay marnaansho awoodii dawladnimo ee dalka. Iyadoo kooxihii meesha ka saaray dawladu aysan karti u yeelan inay buuxiyaan kaalintii dawladnimada, saxaanna khaladdaadkii kacaankii Oktoobar ee wadanka xukunkiisa hayey  21 Sano.

  Islaamiyiinta ayaa ahaa kooxaha keliya ee diyaarsan,lahaa istaraatijiyad fog. Kolkay burburtay dawladii dhexe ee isku haysay Soomaaliya. Wax walba oo lahaa astaanta dawladinmada ayaa la waayey gebi ahaanba. Markale ayey ka faa’iidaysteen Islaamiyiintu marnaansha dawladnimo. Iyagoo si qunyar socodnimo ah u bilaabay inay buuxiyaan kaalintii dawladnimo. Marka laga eego dhinaca u adeegida bulshada.

  Islaamiyiinta ayaa waxay badbaadinaayey dadka la beegsanayey,waxayna ahaayeen kooxaha keliya ee qabiilooyinka dhexmari kara  wax u kala gudbinkara maadaama dalkii Soomaaliya la oran jiray dagaal sokeeyey hareeyey. Dhaqaalaha dalka ayey raad ku yeesheen Islaamiyiintu weliba si xawli ah. Iyaga ayaa noqday kuwa la aamini karo dhan ganacsi  iyo dhaqaale-ba. Waxaa bilaabantay inay si  fudud u noqdaan ganacsadayaal cusub oo buuxiya doorkii ay baneeyeen ganacsatadii hore maadaama wadanku dhinac walba ka burburay. Waxay gacan ku qabteen dhinaca Waxbarashada oo durba asaaseen Tacliin ku salaysan aqoonta maadiga ah iyo mida diineedba. Iyaga ayaa noqday u heelanayaasha keliya ee ku hawlan  Waxbarshada dalkaas burburay.

  Arrimahaas aadka isku milaa ayaa  Islaamiyiinta aad iyo aad ugu sahleen inay hantaan quluubta shacabka Soomaliyeed intooda badan, sumcadoodana kor u qaaday. Waxaa iska cadayd waxqabadkoodaas muuqanayey inuu lahaa koboc siyaasadeed oo qorshaysan, kuna jihaysan meel la higsanayey. Waxaa kaloo soo ifbaxayey in dacwadii diinta ee baraaruga laga feer bilaabay dhaqdhaqaaq abuuritaan cudud ciidan oo ku jihaysan jihaad.

  Hogaamiyihii Al-itixaad Shiikh Cali Warsame waxaa uu ka soo noqday isaga iyo taageerayaashiisiba xeryaha Qaxootiga ee Bariga Itoobiya. Kolkii la riday dawladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale xubnihii ururkaas ee Al-itaxaad, kana soo jeeday qabiilka Daaroodka ayaa iyaguna saldhig ka dhigtay Kismaayo. Qabiilooyinka kale wadadii ahaa waxay ku negaadeen Muqdisho. Waxaa halkaas laga dareemi karay kala miiransho ku timid Islaamiyiinta oo qudhooda uu saameeyey qabiilku. Hase ahaatee waxay Islaamiyiintu ahaayeen kuwa diidayey inay kala miiransho ku timid iyaga. Waxay waqtigaas Islaamiyiinta uu horboodo ururka Al-itixaad ku fekerayen in meel ka mid ah Soomaaliya ay ka dhisaan nidaam Islaami ah oo waqtiga dambe ku baaha Soomaaliya oo dhan.

  Kolkii Soomaalidu faraha kula jirtay dagaalkii sokeeyey ee dhiiga badan ku daatay. Islaamiyiintu gaar ayey u taagnaayen iyagoon qabiilna la safan. Kama maqnayn inay  abuurayeen cudud ciidan oo dhinac walba kaga wanaagsan maleeshiyaadka qabaa’ilka ee sida waxshnimadda ah u dagaalamay.

  14 Aprile 1991-dii ayey Islaamiyiin si sibiq ah  waxay u galeen dagaalay kaga horimanayeen maleeshiyaadkii USC-da una hogaaminayeey Gen.MFCaydiid Buundada Araare una dhow magaaladda Jamaame gobolka Jubadda Hoose. Warqad ay Islaamiyiintu u gudbiyeen Gen.MFCaydiid, uguna sheegayaan inuu ka laabto duulanka uu ku yahay magaaladda Kismaayo. Waxaa warqadaas Gen.MFCaydiid u gudbiyey xubno ay isku beel ahaayeen oo ka tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta. Waa uu ku gacan sayray baqoodaas. Waxaa la sheegaa inuu warqadaas gaarsiiyey Shiikh Xasan Dahir hogaamiyaha USC-da Gen.MFCaydiid  . Waxaa la isweydiin karayey sida Shiikh Xasan Dahir Aweys ku tegey magaaladda Kismaayo?

  Sida dad xogogaal ahi ii sheegeen Shiikh Xasan Dahir Aweys waxaa uu ku sugnaa magaaladda Qoryooley. Kolkii ciidamadda Daroodku qabsadeen dagaamadda Shabeeladda Hoose bishii Maarsi 1991-dii dagaalkii loo yaqaanay rogaal celinta. Lama aqoon Shiikh Xasan Daahir. Waxaase laga baqay inay dad aan xil kas ahayn farta ku fiiqaan xilli Soomaalidu isu ugaarsanaysay qabiil qabiil. Xubno ay saxiib ahaayeen una badnaa Al-itixaad ayaa si hufan uga soo saaray Shiikh Xasan Dahir Qoryooleey, una soo gudbiyey Kismaayo. Inta uu joogay Kismaayo waxaa uu ku sugnaa Xeradda Ciidamadda ee Guulwade. Halkaas ayaa waxay saldhig u ahayd Dagaalyahanada Al-itixaad. Waxaa uu isku dubariday hawshii ciidamadda ee halkaas ka socotay. Uma dhegjalaq siin xaalada kolkaas ku sugnayd Kismaayo oo ahayd halka laga soo duulayey Muqdisho. Waxaa Shiikh Xasan Dahir ahaa mid ku hawlanaa hawlihiisa uu hayey ee ku aadanaa Maktabka Jihaad ee Al-itixaad. Ma ahayn waqtigaas nin caan ah oo si weyn loo wada yaqaano.

  Islaamiyiinta Al-itixaad waxaa saldhigyadooda Kismaayo kala ahaayeen Saddexda meelood ee ahaa xeradda Guulwade,Dekadda Kismaayo,Xarunta Keydka Shidaalka Kismaayo. Waxaa  lagu qiyaasi karay xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa magaaladda Kismaayo ugu yaraan Sideed Boqol oo dagaal yahan oo tababaran , diyaarna u ahaa inay dagaal galaan.

  Gen.Maxamed Faarax Caydiid  wuxuu ku gacan sayray baaq Islaamiyiintu u doreen.. Waxaa uu dhinaciisa u soo jeediyey talo ah inay xeryahooda ciidankoodu ku ekaado. USC Waxay ka helayaan amaan ah inaanay faragashan dooni hawlahooda u gaarka ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa xubnaha qoraalka soo gaarsiiyey Gen.MFCaydiid isagu dib uguma noqon Kismaayo ee waxaa uu u soo kicitimay dhinaca magaaladda Muqdisho.

  Sidoo klae ayaa Al-itixaad waxay isku khilaafsanayd dagaalka laga bar bar dagaalamayo qabiilooyinka. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa kula taliyey hogaamiyayaasha ciidamada Al-itixaad ee tira ahaan u badnaa qabiilka Daroodka inay faaruqiyaan xeryaha Ciidan ee ay ku leeyihiin Kismaayo, loona raro ciidamadda  Dhooblay. Sidan waxaa ii sheegay xubin ka tirsanan jiray Al-itixaad oo aan ku waraystay Bosaaso, igana codsaday inaan xusin magaciisa. Waxaa kaloo uu intaas iigu daray garabkii ciidamadda ee Al-itixaadkii Kismaayo joogay inay ahaayeen koox si gaar ah u doonaysay inay awood helaan. Waxa kaloo  uu yiri:-

  ’’ Muqdisho waxaa nooga yimid xilligaas aan joognay Kismaayo 1991-kii Wafdi  ka socday Al-itixaad. Waxay noogu caqli celiyeen inaan la gelin dagaal lala safto qabiilooyinka. Iyagoo ka digay hadii lala safto qabiilooyinka ururka Al-itixaad ku yeelan doono raad. Taladaas waxaa diiday hogaankii dagaalyahanadda Al-itixaad ee Kismaayo iyagoo qiil ka dhigtay inay naftooda daafacayaan.’’

  Dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu ahaa mid u dhexeeyey kooxaha Islaamiyiinta iyo USC-da uu hogaaminayey Gen.MFCaydiid.  waxaan goobjoog u ahaa Aniga Cabdishakuur ahi in dagaalkaasii ahaa mid faraha laga gubtay. Iyadoo dharbaaxo culusi ku dhacday maleeshiyaadkii USC-da. Halis ayuu galay hogaamiyihii Gen.MFCaydiid inuu u gacan galo kooxihii Islaamiyiinta ee ka dagaalamayey  goobta Araare.

  Waxaa xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa xeradda Guulwade ee magaaladda Kismaayo dagaal gelinaayey xubno afar ahaa oo ka soo dagaalamay wadanka Afganistaan, uuna ka mid ahaa ninka lagu magcaabo Ibraahim Afqaan iyo Sheikh. Col.Maxamuud Ciise (Abuu Muxsin), intaanu dhinaca Muqdisha  u safrin  Xasan Dahir waxuu masuul ka ahaa Maktabka Jihaadka iyo weliba isagoo ahaa ku xigeenka hogaamiyha ururka Al-itixaad. Hogaamiyaayaasha Al-itixaad ee dagaalka lagaga hortagayey Gen.MFCaydiid waxay u arkayeen fursad qaali ah gelitaanka dagaalka iyo inay degaankaas ka abuuri karaan awood Islaamiya oo waqtiga dambe hanata wadanka Soomaaliya oo xilligaas ku jiray biloowgii dagaalka sokeeye iyo abuuris dawlad Islaami ahba. Sida uu ii sheegay mid ka mid ahaa dagaalyahanadii Al-itixaad waxaa jiray khilaaf aan soo shaac bixin ee u dhexeeyey rag dagaalka Islaamiyiinta Hogaaminayey gaar ahaan labada nin ee ciidamadda Al-itixaad goobta dagaalka masuulka uga ahaa  Faarax Xasan (Waji Xun) iyo  Cabdulaahi Raabi Kaahin.

  Dagaalkii Araare waxaa ku gacan sareeyey Islaamiyiinta oo si adag isaga caabiyey duulaanka xoogagii USC-da. Islaamiyiinta ayaa waxaa  dhabar wareemay xoogagii ka soo horjeeday USC-da  ee uu hogaaminayeey Gen.MSMorgan  oo iyagu is tusay  hadii Islaamiyiintu guulaystaan inaan gacani wax ugu jireyn laga saari doono degaanka si isku mid ah iyaga iyo USC-daba. Waxay ka doorbideen guusha Islaamiyiinta  inay magaalda Kismaayo gacanta u gasho Gen.MFCaydiid.

Qormadda  Kow iyo Tobnaad.

  Kooxaha sida fog daacadda u ahaa Gen.MSMorgan  ee ka barbar dagaalamayey Islaamiyiinta waxay baneeyeen aagii ay difaaca uga jireen si aanay u guulaysan Islaamiyiinta oo dagaal gacmaha la isula tegey kaga soo horjeeday ciidamo lagu qiyaasay 3000 (saddex kun) oo dagaal yahan iyo in ka badan 120 (boqoliyolabaatan)gawaarida tiknikada dagaalka ah. Iyadoo tiradda Islaamiyiinta ee waqtigaa dagaalka ku jirtay lagu qiyaasay 500(shanboqol). Xooga kale ee u harsanaa Al-itixadad waxaa laga dhigay kayd ciidan. Islaamiyiinta dagaalka Araare ee agagaarka Jamaame waxaa hogaaminayey Col.Maxamuud Ciise(AbuuMuxsin), Ibraahim Afgaani, Col.Cabdulqaadir Macallin, Col.Faarax Xasan (Weji xun).

  Fikirkii Gen.MSMorgan ee ahaa in la jebiyo kooxihii islaamiyinta ka dagaalamay aagaas waa uu guulaystay. Waa laga gacan sareeyey Islaamiyiintii Al-itixaad. Waxaa dagaalkii Araare kaga geeriyooday Al-itixaad inta u dhexeysa Konton ilaa Lixdan dagaal-yahan,waxaana kaga dhaawacmay inta u dhexeysa 110 ilaa120 dagaalyahan. Sidoo kale waxaa USC-da soo gaaray dhimasho iyo dhaawac intaas ka fara badan. Waxaan dagaalkaas Gen.MFCaydiid uga hooseeyey hogaamintiisa Col.Cabdi Qaybdiid oo ah ninka inta badan geystay tacdiyadii ay galeen  maleeshuiyaadkii USC-da ee ka dagaal galay Jubadda Hoose..

  Waxaa la arkayey inuu jiro qorshe midaysan oo ay qabeen hogaamiyayashii dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya horkacayey.  Iyagoo ka soo wada horjeeday kooxaha Islaamiyiinta ah. Gen.MFCaydiid iyo maleeshiyaadkii uu hogaaminayey waxay Kismaayo soo galeen 25Aprile 1991-dii. Iyagoo soo jiiray difaacii dagaalyahanadii Al-itixaad oo dagaalka ay uga bexeen qabiilooyinkii ka feer diriraayey ee la haybta ahaa.

  Soo gelitaankii USC-da ee Kismaayo. wax yar ka hor waxaa dekeda Kismaayo ka furtay Markab lagu magacaabi jiray M/V Kuanda. Kaas oo u raraa hay’adda ICRC-da. Waxaa Markabkaas xoog ku kaxaystay dagaalyahanadii Al-itixaad ee gacanta ku hayey Dekedda. Waxaa Markabka ka raacay Kismaayo ilaa 600(lix boqol) qof oo u badnaa Al-itixaad iyo taageerayaashooda. Waxay Al-itixaad ku rarteen Markabkaas hubkoodii intiisii badnayd. Iyagoo hubkaas kala degey Markabka kolkii uu gaaray Raas-Kambooni. 

  Dhamaan ragii saaraa M/V Kuanda waxaa loo dejiyey xeebta Ras-Kambooni. Iyadoo lagu wargeliyey si khiyaama ah in Markabku ciladaysan yahay. Waxaa loo abaabulay si koox koox ah. Iyadoo qaar loo diray inay qoryaha wax lagu karsanayo soo guraan. Hawlaha socda iyo in Markabku tegeyo Al-itixaad waa ay la socdeen. Keliya hadafkooda ayaa ahaa inay helaan rag dagaalama oo la mabda noqda. Sidaas ayuu ku ambabaxay M/V Kuanda iyadoo aan laga warhayn. Weli dadkii Markabkaas raacay waxay ka sheekeeyaan tacadigii dagaalyahanadda Al-itixaad kula kaceen dadkii saraa Markabkaas.

  Ras-Kambooni ayaa noqotay saldhiga ay isku urursadaa xoogagii Islaamiyiintu ee ka soo jabay Kismaayo. Iyadoo si dhaqso ah qaab ciidan isugu habeeyey. Waxaa jiray dagaalyahano ka tirsanaa Al-itixaad oo dhaawac ahaa iyagoo doon loogu qaaday Boosaaso.  Waxaa Doon lagu magacaabi jiray Nabiyuu-Bismilaaha keentay 24 Aprile 1991-kii dhaawicii Islaamiyiinta dekadda magaaladda Boosaaso .

  Run ahaantii dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu shaki soo kala dhex geliyey kooxaha Islaamiyiinta oo u kala miirmay si muuqata qabiilooyinkii ay ka soo jeedeen. Waxaa soo shaac baxay kala qaybsanaatoodaa. Iyadoo kooxiba kooxda kale ku eedaysay inay xadgudub sameeyeen ku aadanaa dhinaca mowaaqifa ahayd inay dhex ka noqdaan dagaalka qabiilooyinka u dhexeeyey. Waxaa intaas barbar socotay  barabugaanda dagaal oogayaashu ku hayeen inay Soomaaliya ka soo shaac baxo fakir kale oo ka duwan tan ay aaminsan yihiin ee ahayd in Soomaalidu qabiil qabiil  u kala haysataan.

  Magaalada Muqdisho ayaa tageerayaasha USC-du waxay Islaamiyiinta u arkayeen inay yihiin kuwa u adeegay qabiil iyaga cadow u ah. Waxaa maalmahaas caan noqotay kooxaha Islaamiyiinta  ah oo  qabiil qabiil ciidamo u samaysanaya. Halkay waqtigii hore ka ahayeen kuwa isku duuban oo mid ah. Dagaalkii Araare waxaa keliye ee laga bartay ayaa ahayd sida fudud ee kooxaha Islaamiyiinta ah u degdegaan iyagoon qorshaynsan istaraatijiyad ay u dhan yihiin.  Waxaa kaloo Al-itixaad lagu amaanaa sida geesinimadda lahayd ee ay dagaalka uga qayb qaataan goobaha  la iskaga horyimaado.

  Islaamiyiinta ayaa iyagu ka gilgisha hadaladda siyaasad ahaan  lagu durayo amaba iyaga lagu dhaleecaynayo afkaartooda. Dagaalkii ka dhacay Araare Islaamiyiinta ku abtirsadda qabiilka Daaroodka ayaa la yiraahdaa inay si qabiilinimo ah dagaalkaas uga horyimaadeen maleeshiyadii USC-dii Gen.MFCaydiid oo baacsanayeey ciidamadii qabiilka Daaroodka ee sida awooda ah ku tegey daafaha magaaladda Muqdisho.  Iyagoo qarka u saaraa inay  qabsadaan caasimadda Soomaaliya Muqdisho.

  Su’aal la isweydiin karo ayey noqotay. Maxay Islaamiyiinta Kismaayo ku sugnaa u hor istaagi waayeen ciidamadda Daaroodka ee duulaanka ku soo ahaa Muqdisho iyo beelaha Hawiye?  Maxay labadda ciidan ee dagaalamayey u kala dhex geliwaayeen?

  Xubno aan ka soo jeedin Islaamiyiinta Daaroodka oo aan arrimahan wax ka weydiiyey ayaa sheegay in dagaalkii Araare loo wada dhamaa. Marka laga eeggo xagga qabiilooyinka Soomaalida iyo unugyadda ay ka koobnaayeen xooggaga Islaamiyiintu.  Inkastoo ay si balaaran u shaacday in Islaamiyiintu fikirka qabiilku soo kala dhexgalay.

   Mid ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta oo ku sugnaa Boosaaso ayaan weydiiyey waxa ka jira in qaab qabiil Islaamiyiintu u kala qaybsameen dagaalkii 1991-kii ka dhacay Araare?  Wuxuuna iigu jawaabay

   ’’Arrintaasi sax ma ahan,  qabiil qabiilna  Islaamiyiintu uma kala qaybsamin.’’ 

  Waxase jiray ayuu  yiri

  ’’ In lagu degdegay in la galo dagaalkii Araare  xilligaas’’.

  Ibraahim Afqaani ayaa si kale, isna u dhigay dagaalkii Araare. Mar uu tegey Sanadkii 1991-kii magaaladda Nairobi ee Kenya. Isagoo sheegay in fikir ahaan lagu kala qaybsanaa dagaalkii Araare, ayna jirtay sinbiriirixasho qabiil ee dhinaca dagaalkaas sida loo maamulay. Waxaa xusid mudan in Ibraahim Afqaani uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii dagaalkaas ka dhacay Araare ee Islaamiyiinta iyo maleeshiyadii Gen.MFCaydiid iskaga horyimaadeen  goobtaas. 

 Dadaal ayaa jiray ay Islaamiyiintii u badnaa ururka Al-itixaad ku hawlanaayeen. kuwaas oo ku wajahnaa sidii mar kale loo midayn lahaa xoogga Islaamiyiinta, meeshana looga saari lahaa kala shakiga soo galay, loona dhayi lahaa  diiftii uu reebay dagaalkii Araare. Taas oo keentay tuhma ah in qabiil qabiil loo kala qaybsamo. Wadaada doorka ku lahaa xilligaas waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Dahir oo isagu  si furan u sheegay in laga haboon yahay in la kala qaybsamo, wadar jirkuna uu yahay guusha dhabta ah ee  Islaamiyiinta.

  Wafdiyo ayaa Islaamiyiintu u kala direen degaanadda Jubadda Hoose iyo Waqooyi Bari si is faham loo dhaliyo, ergooyinkaasina  waxay soo hooyeen guul ah in  mar kale la mideeyo Islaamiyiinta. Waxaa la qaatay go’aan ah in la xoojiyo awooda goboladda Waqooyi Bari  ku leeyihiin Islaamiyiinta maadaama degaan kaasi yahay halka isku xiri karta  Konfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya,  kuna dhow magaaladda Burco oo xudun  u ahayd  hogaanka sare ururka Al- itixaad .

  Waqtigaas waxaa hoosta laga xariiqay xoogaga ku jira mucaskarka Raas Kambooni in loo soo raro magaaladda Boosaaso. Maadama magaaladaasi tahay magaalo istaraatijiya oo ku dhow gacanka Carabta, buuralayda gollis. isla markaas si toos ah xiriir loogagala samayn karo wadamadda kulaalaya Soomaaliya. Ee islaamka iyo carabtaba ah.

  Xoogagii Islaamiyiinta ayaa afar bilood ka dib waxay ka soo guureen Ras-kamboni Bishii Agosto1991-kii. Iyagoo soo degey Dhoobley. Taladooda guud ayaa ahayd Islaamiyiinta in dhica goboladda Bari la soo aado. Halkaas waxaa kaga haray Shiikh Xasan Turki oo diiday inuu soo kicitimo Goboladda Waqooyi Bari.  Waxaa uu si toos ah uga amar diiday hogaanka sare ee Al-itixaad. Isaga iyo ciidama taabcsanaa waxay kaga hareen Dhoobley xoogagii u soo guuray Bari. Waxaa kaloo taladaas ku raacay Cabdiraxman Maxamed Jabriil oo u sheegay Al-itixaad inaanay ka soo faa’iidayn aaditaankooda Bari. Waxaa uu ku adkaystay Shiikh Cabdiraxmaan in lagu negaado degaanadda Jubooyinka .

  Siyaasad ahaan ayaa waxaa la arkayey xilligaas doorka sii xoogaysanayey ee Islaamiyiinta dhinaca siyaasadda, kobocooda awoodeed iyo hanka hogaamineed ee  ay qabaan inay Soomaaliya ku hantaan. Inksatooy jirtay aragti feejigan oo ka imanaysay raga u hanqal taagayey inay gacanta ku dhigaan awooda hogaameneed ee Soomaaliya. Iyadoo raggaasi aalladda ay siyaasadooda u isticmaalayeen ahayd qabiilka oo inta badan dadka Soomaalida ahi u nugul yihiin habar isu wacasho markay timaado. Taas ayaa badiyaa meesha ka saartay  in Soomaalidu yeelado hadaf iyo waxay si nuxur ah u aaminsan yihiin, mana lahan waa Soomaaliduye’ asaas siyaasadeed  oo ku salaysan axsaab la aaminsan yahay, khibraddan ayaana laga helay waqtigii Sagaalka Sanadood ahaa ee  dawladii rayadka ahayd..

  Tusaale ahaan marka axsaabta mucaaradka xubnaha ku soo gala barlamaankii Lixdamaadkii doorashadda xilligaas. Ayaa markay ku fariistaan kursiga barlamaanimo. Gadaal u eegi jirin  bulashadii soo dooratay ee uu codkooda  wax ku helay, waxaana uu si fudud ugu biiri jiray xisbiga S.Y.L. oo ahaa kan ugu weyn ee dawladaas hogaamin jiray. Xaqiiqooyinka laga dhaxlayaa ayaa inoo marag furay sida Soomaalidu uga fog tahay  mabda’ la aamino.  Balse Islaamiyiintu waxay ay noqdeen kuwii ugu horeeyey ee Soomalida qaraniga labaatanaad ee si dhab ah u aamina waxay aamin san yihiin oo ah  in diintu tahay siyaasad sharci, aqoon laguna maamuli karo dadka Soomalaiyeed  iyagoo  cuskanaya  waxaa loogu yeero islaami siyaasi.

PenSomalia

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

  • Daily Alert News

  • Political Analyst & Expert in East Africa politics Moment History Society

  • Dr. Ibrahim H. Abukar For President

  • Taariikh nololeedkii Imaam Axmad Gurey

  • taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban

  • Reflections on the life and learning of Prof. Said Samatar

    Professor Said Samatar who died February 24, 2015

  • Recent Posts

  • Truth to Power

  • Wall Truth

  • RSS osservatore romano – Google News

    • Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - Adnkronos - Adnkronos December 5, 2016
      AdnkronosOsservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - AdnkronosAdnkronos"Il capo del governo aveva legato le sorti dell'esecutivo e il suo personale percorso politico a questa consultazione. Con coerenza ha tratto le conseguenze di ...L'Osservatore Romano sintetizza le difficoltà future, troppe divisioni ...Il MessaggeroRefe […]
    • Cardinale Stella: su L'Osservatore Romano, nuova “Ratio” per la ... - Servizio Informazione Religiosa December 8, 2016
      Cardinale Stella: su L'Osservatore Romano, nuova “Ratio” per la ...Servizio Informazione ReligiosaLa formazione dei sacerdoti deve essere “rilanciata, rinnovata e rimessa al centro”. Questo, sottolinea il cardinale Beniamino Stella a L'Osservatore Romano, è.altro »
    • Silence, Papa Francesco e l'incontro con il regista Martin Scorsese - Avvenire.it November 30, 2016
      Avvenire.itSilence, Papa Francesco e l'incontro con il regista Martin ScorseseAvvenire.itL'intervista viene pubblicata dall'Osservatore Romano. Ed è stata rilasciata dal regista americano dopo l'incontro con Papa Francesco che ha raccontato di aver letto «Silenzio», il libro di Shusaku Endo da cui è stata tratta la sceneggiatura del film […]
    • Osservatore Romano: “Renzi coerente nel dimettersi” - SiciliaInformazioni.com December 5, 2016
      SiciliaInformazioni.comOsservatore Romano: “Renzi coerente nel dimettersi”SiciliaInformazioni.com“Il capo del governo aveva legato le sorti dell'esecutivo e il suo personale percorso politico a questa consultazione. Con coerenza ha tratto le conseguenze di una sconfitta forse inattesa nella sua dimensione”. E' quanto sottolinea l'Osservatore . […]
    • L'Osservatore Romano: in prima pagina "l'Apocalisse climatica ... - Meteo Web December 2, 2016
      Meteo WebL'Osservatore Romano: in prima pagina "l'Apocalisse climatica ...Meteo WebL'Osservatore Romano apre in prima pagina con titolo “Apocalisse climatica“. “Il mondo – scrive il quotidiano della Santa Sede – è sull'orlo di un'apocalisse ...altro »
    • Bagnasco: 'E' l'ora di camminare insieme'. L'Osservatore Romano ... - ilgiornaleditalia December 5, 2016
      ilgiornaleditaliaBagnasco: 'E' l'ora di camminare insieme'. L'Osservatore Romano ...ilgiornaleditaliaL'Osservatore Romano, che nell'edizione appena andata in edicola nel pomeriggio di lunedì dedica al voto referendario il titolo di apertura "Renzi al Quirinale per presentare le dimissioni", scrive tra l'altro […]
    • “Valdinievole e non Terni”: Vezzosi critica lo studio dell'Osservatore ... - gonews November 28, 2016
      gonews“Valdinievole e non Terni”: Vezzosi critica lo studio dell'Osservatore ...gonewsCosì, il leonardista e direttore del Museo Ideale 'Leonardo' di Vinci, Alessandro Vezzosi richiama l'attenzione su un articolo pubblicato ieri, 27 novembre, sull'Osservatore Romano in cui si avvalora un nuovo studio dello storico dell'arte Luca […]
    • Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - iL Meteo December 5, 2016
      Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi"iL MeteoOsservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi". "Tenuto conto anche della complessità della materia sulla quale si richiedeva il parere degli italiani, è opinione condivisa che il voto sia diventato fatalmente un giudizio sull'operato del capo del ...
    • La Congregazione per il Clero: i preti siano leali, mai ipocriti e con il ... - La Stampa December 7, 2016
      La StampaLa Congregazione per il Clero: i preti siano leali, mai ipocriti e con il ...La StampaLeali, per nulla rigidi, mai ipocriti e con il «senso del bello». È l'identikit del prete doc come viene tratteggiato nel nuovo documento sulla vocazione presbiteriale ...Santa Sede: promulgato “Il dono della vocazione presbiterale” per la ...Servizio Informaz […]
    • Papa Francesco e il legame con Maria Salus Popoli Romani - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itPapa Francesco e il legame con Maria Salus Popoli RomaniAvvenire.it«Non mi sorprese affatto – ribadisce il cardinale, che ebbe modo di conoscere Bergoglio durante il suo impegno come nunzio apostolico in Bolivia –, anche perché mi aveva confidato anni prima che la Basilica della Salus Populi Romani era una tappa ...
  • RSS avvenire – Google News

    • Papa: rigidità e mondanità, un disastro per i sacerdoti - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itPapa: rigidità e mondanità, un disastro per i sacerdotiAvvenire.it8 dicembre Immacolata Concezione, una storia di bellezza. Andrea Galli. In libreria Esce in un volumetto l'intervista del Papa a Avvenire. Francesco Ognibene. Intervista al giornale belga Papa: sì a Stato laico, no a laicismo e fondamentalismo. Primo ...altro »
    • La mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugno - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itLa mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugnoAvvenire.itIl segretario: mi fido di Mattarella, mai un esecutivo contro di me. Domenica colloquio decisivo con il Colle. L'alternativa è Delrio. Riproduci Chiudi il player. La mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugno. Nel primo vero ...altro »
    • Papa: Nella tragica realtà dei migranti rivediamo quella del bambino ... - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itPapa: Nella tragica realtà dei migranti rivediamo quella del bambino ...Avvenire.itIl presepe collocato in Piazza San Pietro richiama "la triste e tragica realtà dei migranti sui barconi diretti verso l'Italia. Nell'esperienza dolorosa di questi fratelli e sorelle, rivediamo quella del bambino Gesù, che al momento della nascita non […]
    • Caritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchie - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itCaritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchieAvvenire.itDue i progetti attivati per rispondere all'appello lanciato da papa Francesco: coinvolti gli istituti religiosi e le famiglie. Riproduci Chiudi il player. Caritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchie. Sono 123 i richiedenti asilo e protetti ...altro »
    • Trovata morta la ragazza cinese scomparsa lunedì - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itTrovata morta la ragazza cinese scomparsa lunedìAvvenire.itL'ipotesi più probabile è che sia stata investita da un treno. Ma la polizia indaga su un'eventuale violenza. La ragazza, 20 anni, aveva denunciato il furto della borsa poco prima di scomparire. Riproduci Chiudi il player. Il luogo del ritrovamento del ...altro »
    • Esce in un volumetto l'intervista del Papa a Avvenire - Avvenire.it December 7, 2016
      Avvenire.itEsce in un volumetto l'intervista del Papa a AvvenireAvvenire.itVa in libreria il volumetto che raccoglie l'intervista del Papa ad Avvenire, il dialogo con Stefania Falasca pubblicato venerdì 18 novembre e che ora Edb rilancia in una coedizione con il nostro quotidiano, aperta dall'editoriale di monsignor Marcello ...
    • Parità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontana - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itParità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontanaAvvenire.itSono 14mila le frontaliere che ogni giorno si recano dalla regione di Yerbala, nel nord del Marocco. Riproduci Chiudi il player. Parità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontana. Le donne possono dare un contributo essenziale alla lotta contro ...
    • "I migranti? Per i piccoli Comuni sono un'opportunità" - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.it"I migranti? Per i piccoli Comuni sono un'opportunità"Avvenire.itParla il sindaco di Sant'Alessio in Aspromonte, 400 abitanti e 50 ospiti stranieri. "Con l'avvio del progetto Sprar, oltre ai rifugiati sono tornati anche alcuni italiani". Riproduci Chiudi il player. I ragazzi di Sant'Alessio in Aspromonte dur […]
    • Incendio nel ghetto dei bulgari, morto un 20enne - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itIncendio nel ghetto dei bulgari, morto un 20enneAvvenire.itUn ragazzo di 20 anni è morto carbonizzato nell'incendio scoppiato nel campo soprannominato il "ghetto dei bulgari" nella frazione La Pescia, nel comune di Foggia, tra Borgo Mezzanone e Tressanti. L'intervento dei vigili del fuoco è stato richiesto ...altro »
    • Fisco, bonus e previdenza: ecco la nuova legge di bilancio 2017 - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itFisco, bonus e previdenza: ecco la nuova legge di bilancio 2017Avvenire.itLegge da 27 miliardi. Via all'Ape. Moody's: prospettive negative. Via libera con 166 sì, 70 no e 1 astenuto. Per l'anno prossimo nuovo taglio delle tasse, dal canone Rai all'evitato aumento dell'Iva. Riproduci Chiudi il player. Fisco, bonus e ...altr […]