TAARIIKHDDA SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN 1895-1922

imageimageCABDULLE XASAN 1895-1922
Waa taariikhda dhaqdhaqaaqa Daraawiishta gudaheeda oo mud-
do 21 sano ka soo horjeedday qabsashada isticmaarkaee Dalka
Soomaaliyeed. Maanta waxaa marag ma-doonto ah in dagaal-
ladii Daraawiishta ay ahaayeen kuwo gobonnimo doon ah oo
ku dherarsan jiitintii halganka Ummadda Soomaaliyeed ay u
soo martay madax-bannaanideeda kunkii sano oo aynu soo
dhaafnay.
SAYID MAXAMAD CABDULLE XASAN wuxuu ahaa
geesi aan gabbasho aqoon, xeeldheere diineed oo dood adag iyo
gabayaa fiiro iyo fahmaba ku ebyanyihiin. Sifaalahan wada-
jirkoodu waxay siiyeen Sayidka shakhsiyad la yaab leh ootayi
sare ah. Shakhsiyaddaa qudheedu waa tan u suura gelisay inuu
Sayidku, kor u hayo calankii jihaadka muddo sidaa u dheer.
Si buuxda uma ayaan dareemin taariikh-qoreyaashii hore
qiimaha gaarka ah ay leedahay gabayaanimadii Ina Cabdulle
Xasan, marna ma ay garan xoogga aydiyoolojiyada iyo doodda
caaradda leh ee ku dheehnayd tixihiisa iyo tiraabkiisa. Taa-
riikh qoreyaashii hore waxay dabciga Sayidka ka falanqeeyeen
xagga wadaadnimaddiisa, iyaagoo taas sabab uga dhigaya
«DAD-QALAAD-NACAYBKA» ku jiray iyo arrinta qur ah ay
Soomaalidu ku raacday dhaqdhaqaaqa Daraawiishta.
Waxaa run ah inuu Sayidku ka dhiidhiyey Xukunkii
Dalka Soomaaliyeed oo dad qalaad gacanta ku dhigay. Wuuna
rumaysnaa inuu yahay waajibka sare ee qofka Soomaaligu inuu
dhulkiisa xoraynta, una soo celiyo sharaftii iyo maamuuslcii
Ummadda Soomaalida ay lahayd isticmaarkuna waxyeelleeyay.
Sayidku waxay ula muuqatay in Daraawiishtu dagaalkaa ay ku
leedahay safka hore. Sidaa awgeed. waxaa xusuus gaar ah mu-
dan IIMEY oo ah meeshuu Sayidku ku geeriyooday 1921kii
isagoo ku tala jiray inuu colal cusub isu keeno oo dagaalkii xoo-
gagga gumaysiga uu kula jiray cusboonaysiiyo, isla magaala-
daa (Iimay) waxay ahayd meeshuu 30 sano ka hor (1891) uu
qabsaday RAS-MOKANNEN, naa’ibkii MENELIK oo fadhi-
yay HARAR, si uu u cuna-qabateeyo xornimada Ummadda
Soomaaliyeed. Arrimahan wax uun iskooda isugu beegmay
ma aha. Waxayna ka markhaati kacayaan tixnaanta halganka
Ummadda Soomaaliyeed iyo himilada taaganta ah ay midnima-
deeda ugu jirto.
FADLAN DHAGEEYSTA, GABAYGIISA DARDAARAAN:

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s