Beesha Caalamku (Beesha lixaad ) waxay noo sheegtey in naloo talinaayo

image

 News » Madaxweyne Axmed: “Beesha Lixaad ayaa utalisay Soomaali”

Taariikh Hore:

XIRIIRKA ka dhexeeya HESHIISKA KAMPALA , Mogadishu, Bosaso iyo LONDON: Soomaalida dalka waa lala hoggaamin doona

(Moment Media Group) – HESHIISKA ka soo baxay shirka wakiilada Dawladda Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Kampala bishan Juun 9dii 2011 ayaa waxaa ka muuqanaysa qaab la moodo in dadka Soomaalida maamulka talada dalka lala qabanyo. Xilka maamul wixii hadda ka dambeeya ay qayb weyn ka ahaan doonan wadamada Soomaaliya ay xubnaha ka wada yihiin qaar ka mid ah ururrada sida Midowga Afrika , urur goboleedka IGAD , Qaramada Midoobay iyo weliba ururka urur dhaqaalaha Bariga Afrika. Mudada hawshaasu soconeyso kuma cada heshiiska Kampala.

Hawsha ugu weyn ee la wada qabanayo waxaa ugu muhiimsan sidii ay xukuumada, barlamaanka Soomaaliya iyo beesha caalamka ay isaga kaashan lahayeen in dhibaatooyinka dalka loo helo xal waara isla markaana aaney sidii hore oo kale u dhicin oo aheyd inay fuli waayaan wixii lagu heshiiyay taasoo sida badan salka ku heysay isqabqabsi muran badan dhaliya oo hakiyay habsami u socodka hawsha mugga leh ee shacabka Soomaalida loo qabanayay ayadoo ay inaba suuroobi weyday in qalqalka dhashay lagu xalliyo Cahdiga KMG.

Isqabqabsiga iyo muranka siyaasadda oo joojiyay horumarka dalka iyo dadkaba la gaarsiin lahaa wuxuu salka ku hayay karti darro iyo aqoon la’aan ku aadan daadihinta maamul wanaagsan ee dalka lagu hoggaamiyo iyo hunguri xumo lagu boobayo dhaqaalaha yabooha ku soo galay dalka dhibaateysan.

Sidaa darteed waxaa markaan yimid waqti loo baahan yahay sidii Soomaalida loola ogaan lahaa maamulka dalka oo aan iyaga keligood lagu halleyn karin laguna aamini karin si loo wada arko beesha caalamkana marag uga noqoto waxa sababa isqabqabsiga ragaadiyay madaxda Soomaalida iyo cida sida goonida ah uga dambeysa oo kolkan la filayo in talaabo laga qaado sida uu qorayo Heshiiska Kampala.

HESHIISKA noocan ah wuxuu soo baxay markii in ka badan 20 sano ay ummadda Soomaalida ka tashan weyday horumarinta danaha dalka iyo dadka iyadoo dalka uu lugaha la galay dagaal lagu hoobtay oo dad iyo duunyaba ku ba’een. Geesta kale waxaa jira Soomaali badan oo ka carartay dagaalada sokeeya oo dibedaha qax ku jooga iyadaoo kuwo kalena ay dalka gudihiisa ku barakaceen oo dibedda iyo dalka gudaha ku qabo dhibaatooyin aan xisaab laheyn.

Dadka iyo dalka waxaa soo maray xanuunka iyo basaaska nolosha kii ugu darnaa taasoo keentay rajo beel in dalka mar kale uu cagahiisa isku taago ayadoo kuwa sheegta hoggaaminta Soomaalida ay garan weyeen sidii dhibtaas dalka looga saari lahaa.

Waxa beesha caalamka u cadaatay baahida loo qabo in Soomaaliya laga saaro qatarta dalka iyo dadka halakeysay qatartaasoo ay suuragal tahay lagana cabsi qabo inay ku fido dunida inteeda kale gaar ahaan dalalka deriska, qaarada Afrika iyo dunida inteeda kale guud ahaan. Waxaaba dhacday in qatartaas ayba hadda gaartay meelo ka mid ah qaaradaha kala duwan min Afrika, Yurub ilaa Mareykan.

Muranka u dhexeeya maamulka hadda dhisan ee la leeyahay waa inuu is casilo iyo barlamaanka ma ahin wax saa u sii buuran laakinse waxaa jira kooxo dawladda ku jira oo u heysata in iyaga laga soomiyay jagooyin ay hadda ka hor hunguri uga barteen.

Intaan qoraalkeyga u guda gelin waxaa rabaa oo istaahil ah inaan halkan ku xuso shuruudaha dawladnimada aasaaska u ah laakinse Soomaaliya xitaa mid laga waayay.

Hawsha aasaasiga ah ee dawladnimada waxaa ka mid ah awooda iyo kartida dawladda waxaana, sidan badan, lagu miisaama

(a) in dawladdu ay dalka iyo dadkaba u keento nabadgelyo buuxda

(b) inay jiraan hay’ado karti leh oo hore u dhaqaajin kara maamul dawladda

(c) in Dawladdu ay dadkeeda gaarsiiso baraare iyo horumar

(d) inta sano ay dawladdu jirto

(e) taariikhda dhaw ee xasiloonida dalka ku soo naalooday

(f) nabadgelyada ay heystaan dadweynaha

(g) heerka musuqmaasaqa

(h) mugga dhaqaalaha aan la diiwaan gelin oo ah waxaa loo yaqaan (grey economy)

(i) qawaaniinta oo la isku xakumo (the rule of law)

(j) tayada hawl xafiiskeeda (the quality of its bureaucracy)

(k) inay dawladu gacanta ku wada heyso dalka oo dhan

(l) heerka nufuudka shisheeyuhu ku leeyahay dalka iyo

(m) Heerka kala qaybsanaanta qabaa’ilka (The degree of ethnic fragmentation),

(n) Iskaashiga bulshada (Social cohesion)

(o) aaminka lagu qabi karo hay’adaha dawladda.

Daraaso uu dhowaan sammeeyay wargeys ka mid ah kuwa ugu caansan ee caalamka wuxuu kala saaray heerarka xagga awoodaha maamulka ay kala joogaan wadamada ku yaal dunida inkastoo ay jireen dhibaatooyin dhaqaalaha ee saameynta nusqaanka u keenay badi wadamada dunida ka yaal.

Wadamo ay tiradoodu gaarayso ilaa 163 dal oo wargeysku soo tira koobay awooda ay u leeyihiin inay si habsami ah u maamuli karaan dalalkooda waxaa lagu ogaaday in 34 dal oo keli ah inay u leeyihiin awood aad u sarreysa ee xagga maamulka iyo mareynta dalalkooda. Dawladaha lagu tilmaamay inay yihiin meel dhexe waxaa lagu tilmaamay ilaa 38 dal. Wadamada kale badankood waxay lagu tilmaamay 33 dal inay liitaan halka 48 kale ayba ka sii liitaan.

Dalkeena Soomaliya lagumaba soo qaadin qiimeynta daraasada waxaana qariidada Soomaaliya ka muuqata calaamo cad oo macnaheedu yahay ma tirsana sababtoo ah maba laha tilmaamaha dawlad lagu noqon karo sidaan kor ku soo sheegay oo Soomaaliya kama jirin xitaa midkooda ilaa iyo markii la riday maamulkii Askarta 1991 waxaase ka jiray wax tilmamahaas caksigooda ah oo hoog iyo halaag dadka u horseeday.

Dhaqanka noocan ah wuxuu dalka u nugleyay in ay shisheeyaha caadawaha Soomaliya ay soo farageliyaan oo ay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin dalka iyo dadkaba gaarsiiyeen waxaana taa sabab u ahaa ayadoo dalka uusan ka jirin hoggaan mideysan, biseyl la’aan iyo aqoon darro sidii horumar loo gaarsiin lahaa dalka oo dhanka kalena loola tacaamuli lahaa danaha is hertiyaya ee ka dhexeeya shisheeyaha marka laga fiiriyo xaaladda Soomaliya. Waxaa kaloo taa dheer beesha caalamka oo aqoon la’aan darteed weysay cid gudaha dalka si cilmi ah ugu hagta sidii xal wacan lagu gaari lahaa.

Ilaa hadda ma jiro hab (policy) cad oo ku saabsan sidii xukuumadaha soo maray Soomaaliya – shalay ama maanta – ay ula tacaamuli lahayeen dalalka deriska oo cuqad muddo dheer soo jiray ay Soomaaliya kala dhexeeyso waana tan xudunta u ah sidii Soomaaliya ay mar kale dawlad hanaqaada uga aloosmi lahayd. Waxaa hadda jira iskaashi ay wadamada deriska la ah Soomaaliya ay iska kaashanayaan iska caabinta iyo la dagaalanka waxa lagu tilmaamo argagixisda kaasoo laga yaabo inuusan lahayn qaab sharciyeysan oo lagu kalsoon karo.

Jahawareerka iyo qalqalka siyaasadda waxaa keenay shacabka Soomaalida oo ilaa hadda aan muujin karti iyo awood ay uga dhiidhinayaan dhibta dadka iyo dalka ku habsatay mudada dheer wuxuuna shacabku si indho la’aan qabiyaalad ku oggolaaday inay iyagu u taliyaan siyaasiyiin-ku-sheeg aan qaan gaar ah aheyn.

Markii in ka badan 20 sano dhiiga micno la’aan ku daatay dalka. Markii aanba dib loo eegin cahdiga KMG si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed dalku ku soo jiray. Markii la dhagaysan waayay dadka aqoonta iyo caqliga toosan leh. Markii qarannimada iyo madaxbannida ay qatar gashay. Markii tarjamo xun la bixiyay ku dhaqanka diinta Islaamka. Markii waayeelka iyo culimada diinta yaqaan la maqli waayay. Markii la gees maray Kitaabka Kariimka iyo Sunnada Nabi Maxamed (SWCW). Markii ay Soomaalidu ka faa’ideysan waysay juhdigii maadiga iyo macnawiba lahaa ee beesha caalamku ku bixisay dalka. Markii gacal iyo nacab uu adduunku la yaabay Soomaaliya oo la waayay cid garato waxaan Soomaalidu isku heyso . Markii………Markii….. Markii… ayaa waxaa laga fursan waayay in Heshiiska Kampala la gaaro.

Heshiiska Kampala wuxuu soo baxay marka la ogaaday in mashaqada Soomaaliya taala aaney Soomaalidu kaligood xalli karin oo weliba ay muuqatay in waajibaadka waqtiga kala guurka ”Transitional Tasks” aaney xitaa Soomaalidu kaligood fulin karin balse loo baahan yahay in beesha caalamka ay arrinta Soomaaliya faraha la soo gasho si dalka iyo dadkaba dhibta looga saaro loona abaabulo hindise waqtiyo taariikheysan oo tilmaaman leh oo hawshaas lagu qabto laguna kormeero si aan dib looga dib dhicin waqtiga loo asteeyay sidii maamulka dalka looga saari xaaladdda KMG taasoo laga yaabo inay ka duwanto tii hore madaxda Soomaalida looga bartay oo ay aheyd inay heshiis gaaraan haddana meel marintiisa ay gees maraan.

Mowqifka beesha caalamka ee ku aadan Soomaaliya waxaa dhowaan daboolka ka qaaday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dawladda Mareykan Mrs Hillary Clinton markii dhowaan ay ka qayb gashay shirka Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa ayadoo halkaa ka caddeysay Mareykanka oo raba inuu xiriir wax wada qabsi iyo iskaashig la yeesho Qaaradan Afrika.

Waxay sheegtay in waanwaan, wadahadallo iyo dib-u-heshisiini dhex marto siyaasiyiinta Soomaalida madaama aan dagaal waxba lagu keeni karin. Mrs. Clinton waxay talo ku soo jeedisay in hawshaas xallinta khilaafka Soomaaliya uu hormuud ka noqdo Midowga Afrika.

Waxaa jira dad badan oo Soomaali ah inay heshiiskaas u tarjamaan in Soomaalida laga qaaday qaranimada iyo madaxbannaanida ayadoo magaalada Muqdisho iyo meelo kale ee dibedaha ah la dhigay mudaharaadyo lagu diidan yahay Heshiiska Kampala.

Ma ahin tallaabo uu qof kastoo Soomaali ah oo waxgarad ah uu liqi karo inkastoo Soomaalida aan la qaadin qaranimada iyo madaxbannanida laakinse ilaa heer Soomaalida lala wadaagay maamulka dalka waqtiga kala guurka ayadoo kormeerka iyo dabagal ay dusha ka wadayaan wadamada IGAD, Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika, iyo Midowga Afrika. Go’aankan waxaa wax ka saxiixay Madaxweynaha ciidankiisu joogaan Soomaaliya oo ay maalin walba isla dhimayanaan kuwa Soomaalida dagaalka kula jira mucaaradka hubeysan ee Al-Shabaab. Musaveni wuxuu heshiiska ku saxiixay marag ahaan.

Meel marinta Heshiiska Kampala waxaa suuragal ah inay ka horyimaadaan caqabado mustaqbalka ee xaaladda cusub la socota sidaa darteedna loo baahan yahay in la sii diyaariyo cidii la tacaamuli karta beesha caalamka isla markaana ay dadka Soomaaliyeedna la yimaadaan biseyl siyaasadeed iyo ilbaxnmo dheeri la iskana ilaaliyo is qabqabsi dambe ee macno la’aan.

Heshiiska wuxuu ka kooban yahay ilaa 10 qodob ayadoo qodobka 4aad uu u kala qaybsan yahay qodob-hoosyaado u dhexeeya min A ilaa R.

Marka laga tago hordhaca haddii aan si gooni ah u soo soco qodobada hadalka laga keeni karo waxaa ka mid ah:

Qodobka © oo sheegaya in Ra’isal Wasaraha iska casilo jagada muddo 30 beri gudahood isla markaana uu Madaxweynuhu soo magacaabo Ra’isal Wasaare cusub

Qodobka (J) wuxuu codsanaya in barlamaanku uu ka shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa jawi iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn inuu dhex maro dawladda iyo barlamaanka isla markaana la iska ilaaliyo is-eedeyn la isu adeegsado warbaahinta, tahdiid lagu maxkamdeynyo madaxweynaha, afhayeenka Barlamaanka iyo ku-xigeenadiisa iyo in la kala diro Barlamaanka.

Qodobka (K) wuxuu codsanaya in xukuumada aan laga keeni karin mooshin oo aan ka aheyn mid qiil leh oo caddeymo iyo markhaati cad leh taasoo ah mid lagu xadgudbayo TFC.

Qodobka (M). Barlamaankan iyo xukuumada labada waa inay si wadajir ah ula shaqeeyaan beesha caalamka si loo dhiso qariidada jiheysan (roadmap) oo wadata bartilmaameedyo, waqti iyo qaabka u hoggaansanaanta hirgelinta waajibkaadka mudnaanta leh. (Tafaasiil ku saabsan qaababkaas waxaa laga heshiin doona wixii ku siman 20 August 2011).

Qodobka (N). Madaxda xukuumadaha Gobolka (IGAD iyo Ururka dhaqalaha Bariga Afrika) waxay noqon doonaan Xafiiska Siyaasadda waxana xafiiska qayb ka ahaan doona Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (UNOPS) iyo Midowga Afrika taasoo la mid ah Heshiiskii Nabadda ee gobolka Burundi . Xafiiska wuxuu kormeeri doona isla markaana uu ilaaleyn doona (monitoring) sida ay Hay’adaha KMG ee Federalku ugu hoggaansameen tusmooyinka la calaamadsaday iyo waqtiyada la rabo in lagu fuliyo waajibaadka waqtiga kala guurka isla markaana hore loo dhigo geedi socodka nabadda.

(Fadlan riix linkiga hoose)

Waxaa ku qoran war murtiyeedka shirka 23aad ee Madaxweynayaasha wadamada harooyinka waayen ee gobolku ka saaray nabadeynta Burundi. Communiqué of the 23rd summit of the Great Lakes regional peace initiative in Burundi).

http://www.dfa.gov.za/docs/2004/buru1020.htm

Qodobka (O) Jaallayaasha caalamka (International Partners) iyo xafiisyo goboleedyadu waxay xaq u leeyihiin inay soo jeedin karaan tallaabooyin ku haboon ee xukun ah si loo xaqiijiyo in loo hoggaansamay bartilmaamedyada iyo waqtiyada la calaameystay ee Hay’adaha Federaalka ee KMG taasoo ay ka mid noqon doonto talaabo sharci ah ee habboon in laga qaado kuwa ku xadgudbka go’aanka.

Isagoo dhan Heshiiska Kampala oo Afka Ingiriiska ku qoran waa sidan hoos ku qoran. Fadlan riix bartan:

http://somalitalkradio.com/2011/jun/kampala_accord.pdf

Ra’isal Wasaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Formaajo” waxaa lagu amaani karaa isaga iyo xukuumadiisaba hawsha baxaada leh ee la taaban karo eeay dalka ka soo qabteen mudada koobneyd taasoo oo ay ugu horreysay sugidda amniga, ilaalinta hantidada qaranka, la dagaallanka musuqa iyo guusha ilaa hadda laga soo hoyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Ayadoo ay sidaas xaqiiqdu tahay ayaa haddana waxaa looga baahan yahay Ra’isal Wasaraha inuu dhowr jeer ka fiirsado go’aanka uu ka qaadan lahaa Heshiiska Kampala inkastoo ay jiraan dadweynaha fara badan ee u muujiyay taageero xad dhaaf ah oo raali uga yihiin wax qabadkiisa ugana soo horjeedaan heshiiska Kampala.

Doorka Ra’isal Wasaarenimo ka sokow, Maxamed Cabdullahi Maxamed ”Formaajo” waxaa u banaan doorar kale oo muhimad qaran leh oo midda ugu soo horreysa ay tahay riqaabada lagu sammeynayo sida uu ku hirgalayo Heshiiska Kampala iyo haddii jiri karaan shisheeye doonaya inay heshiiska gacan bidxeeyaan iyagoo ka eegayo danahooda gaarka ah oo ay suuragal tahay inay fursadan uga faa’ideysaan.

Bacdamaa dalku ku yar yihiin diblomasiyiin hinjin karta xiriirka duwaliga – laba geesood iyo ka badan, Ra’isal Wasare waa laguu hanweyn yahay waxaana lagaaga baahan yahay in aad xalka Soomaaliya meel kaste uu ku jiro aad ka raadiso.

Weli waxaa jira fursado badan oo dalka lagu badbaadin karo. Eebe ayaa wax badbaadiya. Haddiise markan ay Soomaalidu la imaan weydo caqliyad wax qabad ku saleysan waxaa dhici doonta go’aano kale oo midka ka sii liita in Soomaaliya beesha caalamka ka gaarto taasoo aanan dan u aheyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed balse sii horseedi doonta dhibaato intii hore ka sii murugsan kana baaxa weyn.

Waxaa dalkeena ka jira sifooyin badan oo Soomaaliya loogu marmarsiyoon karo oo sabab cad looga dhigi karo in go’aan kan culus laga gaaro ayadoo tan ugu horreysa ay noqon karto qaran jabka ”failed State” gaaray Soomaaliya muddo dheer, kasoo kabasho la’aanta, burcad badeedka caalamku ka qayliyay, argagixisada iyo arrimo badan oo intaan sheegay ku hoos jiri kara. Cadaawaha Soomaaliya marmarsiinyo uma weynayo lagu waxyeelleeyo dalka iyo dadka.

Digniin hore ee arrintan ku saabsan waxaan ugu qoray horrantii sannadkan WARAAQ FURAN oo mustaqbalka Soomaaliya ku saabsanayd oo aan ummadda Soomaalida uga digayay inay heshiiyaan iskana ilaaliyaan shirqoolka cadaawuhu u maleegayo haddii kale uu dalku gacanteena ka baxayo.

Shirka London waa Mirihii ka Dhashay Qiyaanaddi Mahiga Halkaan ka akhri: momentunion

Maxaad kala socotaa Qorshaha (RoadMap-ka)iyo Kulankii Muqdisho???

Maxaad kala socotaa Qorshaha (RoadMap-ka)iyo Kulankii Muqdisho???

Qorshahan(Road-Map-ka)oo baryahan hadal hayntiisu dhagaheena ku batey waa mid fikrad ahaan markiihore ka yimid kooxaha lugooyada ee loo yaqaano Beesha caalanka,dawlada kumeelgaarka ahna iyadoon aad uga fakarin masuuliyiinteeda sare aad usiibuunbuuniyeen,bale golaha baarlamaanku arimahaas mar horaba shaki ka muujiyeytaasoo u ekayd in(xeebtoodii lagu soo kubaareeyey).

Waxaa lagubalamay in la hirgaliyo qorshahan(Road Map-ka) loo yaqaan balse waxaad moodaahalkii ay filaysay dawlada kumaalgaarku ineey talo ahaan xoog ku yeelato hadakalsoonidaasi ay yaraatey ,markii xaafiiska siyaasada qaramada midoobey eesoomaaliya loona yaqaan(Unipos) ay si toosa hirgelinta barnaamijkaas (RoadMap-ka) ay ula wareegtay.

Arimahaanshakiga galiyey DKS waxay soo shaac baxdey markii xaafiiska(Unipos)ee qaramadamidoobay ay sameeyeen xulashadii ku aadanayd xubnaha Bulshada rayidka ah oo ugutirada badan dadka hawshan fulinaya aanay ka talagelin DKS,taasoo xaafiiska(Unipos) uu xubnahaas usoo xushay qaabka (4.5)ka loo yaqaan,shaqsi kasta ookamid ah xubnahaasna uu xaafiiska Unipos u sahlay fasiilitigii ay uga qayb galilahaayeen shirarkaas looga hadlayo arimaha(Road Map-ka),waxayna ku casuumeenineey goob jooga yaal ka noqdaan dawlada Kumeelgaarka ah ee soomaaliya iyomaamulada kala ah(Puntland iyo Gal-mudug iyo Ahlusunna waljameeca),waxuugudigaas soo diyaariyo oo ku aadan qorshaha (Road-map-kana) waxaa saxiixa ugudanbeeya dhanka soomaalida yeelan doona 5 xubnood oo kala ah masuuliyiinta sareee DkS,puntaland,gal-mudug,Ahlusuna waljameeca,iwm.Markaas kadibna beeshacaalamka oo dusha ka maamulaysa ayaa go,aanka ugu danbeeya yeelan doona.

Shirkii ugu danbeeyey ee Mugdisho ka dhacayiyo is fahan la,aan abuurantey.

Shirkii ugu danbeeyey ee mudisho ka dhacayeek u saabsanaa Qorshaha (Road Map-ka) waxaa xaqiiqo ah iney jirtey is fahanla,aan ka dhex abuurantey dawlada kumeelgaarka ah iyo xaafiiska(Unipos)oo uuhor boodo Amb-mahiiga,kadib markii dawlada ku meelgaarka ah ogaatey inaanaywaxba gacan ugu jirin kuna baraarugeen inaanay xubnihii Bulshada rayidka kasocdey oo ugu tirade badan gudigan soo diyaarinaya(Road-Map-ka) aanay DKS waxtalo ah la wadaagin kana soo horjeedaan damaaciga ah in(in xukuumada waqtikordhin loo sameeyo,iwm),taasoo xiriir la,aanta xubnaha bulshada rayidka ah iyoDKS loo fasiri karo inaanay dawlada ku meelgaarka ahi sida lagu soo xulabaaanay ka warqabin intooda badana waxbana ka ogeyn.

Dawladakumeelgaarka ahi waxaa waagu ku baryey markii lasoo hordhigay qodobadii ay iskuraaceen gudigii Road Map-ku)soo diyaarinayey oo noqday intiisa badan mid aanayaad ugu qancin masuuliyiinta sare ee DKS,Qodabada laga hadlayey waxaa ka midahaa( 1-Security,2-Constition,3-political,4-goodgovernance)

Inkastoo uujirey bulaan iyo hadal hayn socotay intuu shirku socdey kaasoo ku aadanaa inqorshahan Road-map ka ay afduubteen eragayga qaramada midoobay,maamulgoboleedka puntlan,kan Gal-mudug oo isku dhinac ahi,waxeeyse tahay xaqiiqadajirtaahi inaanay taasi sal iyo raad lahayn oo ay tahay warar ku tiri kuteenah,waxaase la hilmaamay in xubnahan diyaarinaya barnaamijkan ay yahiin xubno kumiisaaman qaabka (4.5ka) oon loo kala badnayn,balse su,aasha meesha tala waxaytahay qaabka loosoo diyaariyey ma yahay qaab lagala tashadey masuuliyiintasoomaaliyeed dawlad iyo maamul goboleedba inkastoo ayagu ku leeyahiin xubno ugaqayb galaya soo diyaarinta qorshaha (Raod Map-kan).

Si kastaba ha ahaatee shirkii ugudanbeeyey ee looga hadlayey qorshaha Road-map ka loo yaqaano waxaa xaqiiqa ahinuu dawlada ku meelgaarka ah waagu ku baryey,Madaxweyne shariifna intii aanusaxiixin qodobadii halkaas kazoo baxay waxuu codsadey in la balaariyo waxnalagu daro xubnaha barnaamijkan soo diyaarinaya laguna soo biiriyo sida (Xubiniyo xeeb oo kale) iyo in golaha baarlamaanka lagu soo kobo 275 xildhibaan,maadamamaamuladii puntland,Gal-mudug,ahlusuna waljameeca,iyo bulshada rayidka ah eegudigaas ka tirsanaa aanu aad ugu kalsoonayn,waxaase jawaab mahiiga uga dhigaygo,aankaas waxaa iska leh diidmo iyo yeelidba(xubnaha bulshada rayidka ah eehawshan wada).

Madaxweyneshariif waxay dantu ku qasabtey inuu saxiixo qodabadii shirkii mugdisho kazoobaxay iyadoon jawaab qancisa laga siin codsigiisii uu dalbadey oo ahaa ingudiga xubno dheeraad ah ama maamul goboleedyo aanu markii hore u jeedin uucodsadey in lagu kordhiyo si uu u abuurto is bahaysi taageero uu kahelo ooxubnahaan ka tirsan u badan bulshada rayidka ah ee Road-map-kan soodiyaarinaya.

Waxaanognahay in golaha baarlamaanka oo juhdi badan kusoo bixiyey shaqadooda,kudhintay kuna dhaawacmay,kampala Accord-na uu afka ka xirey iyo inaanay isuimaan hadana (xeebtoodii yareyd lasoo kubaareeyey) ayaa laga yaabaa hada indawladii saas usoo gashay isku dan ay noqdaan kadib markii iyagoo dhanba lagadul baxay.

Afhayeenkabaarlamaanka mudane Shariif sh xassan waxaa jira warar sheegaya inuu xiriirgaara la leeyahay Amb-mahiiga si looga taqaluso dawlada hada jirta oo ay iskuaragti taas ka yahiin taasoo sababtey in laga ilaaliyo in golaha baarlamankainaan loo furin albaabada golaha baarlamaanka si aan kulan arimahan ku saabsanlooga hadlin,balse hada waxaad moodaa tuhunka galay dawlada ku meelgaarkaxubnaheeda u sareeya eek u aadan qorshaha(Road-map-ka mr Mahiiga hormuudka u yahay saaxiibkishariif xassana aad ula dhacsan yahay,inuu isu soo dhawaasho ka dhex abuurantoxubnaha golaha baarlamaanka ee kacdoonsan hada iyo masuuliyiinta dawlada kumeelgaarka ah oo hada waagu u baryey.

Iskusoo wadaduuboo xaalada soomaaliya waxay mareysaa hada(intii dawlada iyo baarlamaanka ahaydoo iyagii la isku mashquuliyo,dariskii oo usoo xayd xaydanaya duulaan ay kuqabsadaan dhulka soomaaliya,kooxaha afka duuban oo sababaya gacan gelintagayiga soomaaliya,soomaalidii oo cudurkii xumaa ee qabiilka weli la,ildaran.iyobeesha caalamka oo nagu wada maaweelo cidla ah iyo (qawda maqashii oo waxba hau qaban)Turkiga iyo reer galbeedka oo aad moodo loolankooda ku aadan soomaaliyaaanu dan noogu jirin,iwm,balse tan alle lagama quusto weligaa ee faraj qayrqaba allaha noo furo,

Xusuusin-Qoramadan waxaan ka diyaariyey kadib markaan xog baarid badansameeyey lana yeeshay,siyaasiin,aqoonyahano,masuuliyiin dawlada ah,masuuliyiinbaarlamaanka ah,xaafiiska unipos xubno ka tirsan,markaan isu geeyey warbixintoodiiayaan kusoo koobay qormadaas oo ah xaqiiqada dhabtaa oo jirta,waxaana xataaisoo gaarey nuqulkii qodabadii kazoo baxay shirkaas oo ay ku saxiixan yahiinmadaxweyne shariif iyo mr Mahiiga xubno ay ugu sareeyaan,Taasoona isla halkan soo dhagi Karin daruufojira awgeed hadii loo baahdana waan soo bandhigi karaa,,

Anbal kawardhawro kulanka ka dhici doona magaalada Garoowe ee maamul goboleedkaPuntland bishan aan ku jiro sagaalkeeda-09/12/11 kaasoo lagu lafa garidoono(Constition-ka ama dastuurka maadama uu kamid ahaa 4-tii qodob ooliishaanka la saarey,garoowana looga doodi doono qodobkan..

Muqdisho roadmap-ka Maxaa looga Qadiyay ??

Muqdisho roadmap-ka Maxaa looga Qadiyay ??

Cadaalada oo laga fogaadaa waxaa aay abuurtaa colaad joogta ah iyo faqri foolxumo iwm Sh.Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro aad iyo aad u xoog badan,caasimada Somali ee Muqdisho oo ah gogashii dowlada ku shaqeeyneeysay maxaa diiday in roadmapka ama masiirkii dalkaan meesha looga hadlayay aayayn marna ka muuqan ?? Muqdhsio waxaa laga galay danbi kiisa ugu weeyn akhristow milicso :arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha gobolka.

Muqdisho oo ah caasimada dalka Somali ahna gobolada ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan ayaa waxaa laga qadiyay in aay ka qeeybgasho shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay aayna ka soo baxday waxa manta loo yaqaan roadmapka,heshiiska oo aay wada gaareen Puntland,Galmudug dowlada dhexe iyo Ala suna waljameeca ,hadaba Muqdishoo oo aheeyd hooyadii gogashii shirka miyeey mudneeyd in laga qadiyo meesha looga hadlayay masiirkii dalka ee berito ?? intaba waxaa aay tahay cadaalo daro xoog badan oo aanan marna loo dulqaadan karin,sow lama dhihi karo akristow Sheekh Shatriif cadaalo daro xoog badan ayeey ka tirsanayaan reer Muqdisho ka qadinta laga qadiyay ka qeeybgalka wada-tashiga masiirka dalka ee berito ?? lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso Garowe qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga cadaalada iyo sinaanta,Muqdisho waxaa aay leedahay siyaasiyiin,aqoon yahayn,indheergarad cuqaal maxaa diiday in aay wax ku lahaadaan shirka wadatashiga?

Arimaha dhaqaalaha Muqdisho

Gobolwalbaa waxaa uu ilaaheey ku maneeystay qeeyraad dabiici ah,waxaa la og yahay in Muqdisho aay leedahay ilo dhaqaale sida Dekeda iyo Airporka oo xaqiiqdii laga helo daqliga ugu badan ee dowlada dhexe ku shaqeeyso,hadaba akhristow ma ogtahay in Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxaa Dekeda iyo Ariporka looga qoondeeyay oo kaliya 15 % in lagu horumariyo caasimadii dalka ee Muqdisho,85% dhaqaalaha ka soo baxaa kaabaha dhaqaale ee Muqdisho waxaa qaadata dowlada dhexe iyada oo la ogyahay in dhaqaalahaa badankiisa aay maamulaan kuwa aanan marna ehel u heeyn,dowlada dhaxe gobol kale oo aay wax ka soo galaan ma jiro sida la ogyahay,sow xaqdaro maaha in mushaar looga dhigo kuwa ka yimid gobolo leh qeeyraad la mid ah mida Muqdisho ?? r/waasaha heebta uu ka soo jeedo 1% ma siiyaan dowlada dhexe,Dekedaha iyo Airpoyada Bosaaso iyo mida Barbara daqliga ka soo gala waxaa lagu hormariyaa Puntland iyo Somaliland sow lama dhihi karo Muqdisho waxaa aay noqotay meel loo soo shaqo doonto halka dadkii u dhashay aay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii ilaah ku maneeystay,canshuuraha dhawaan laga bilaabayo Muqdisho waxaa mudan in lagu horomariyo Muqdisho,dowlada dhexe waxaa quman in aay gobolada dalka si siman aay ugu cadaalo fasho, Wasiirka Beeraha Puntland ayaa heshiis la sixiixday wasiirka dowlada dhexe ee Beeraha sow cadaalo daro iyo hagardaamo cusub maaha,dhulii beeraha lahaa ee labada webi dadkii degenaa maxaa diiday in loo muujiyo waxqabad laguna heshiiyo horumarka Beeraha goboladaa,Shariif umada Somali waa aay arkeeysaa waxa aad u horseeday fadlan soo celi cadaalada iyo sinaanta umada Somali,haddii kale aduunyo iyo aaqiro beel ayeey kuu tahay waxa aad ku dhex jirtid.

Qarka waxaan ka taaganahay Xareed waana qadayaaye, Qarashaan saxiixaa anigoo qabihi weeydiine. Qunbaan waardiyeeyaa ninkale Qaadada u sito, Qabuuraha waxaan ugu duwanahay qolofka muuqaa. ( Waa erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u naxariistee mar hada laga joogo ku dhawaad 30 sanno) Shraiifow Qunbaad waardiyeeysaa ninkale Qaadada u sito haddii aay tahay fadalan shacabka waa ku arkaa.

Dood Cilmiyeed ku saabsan doorka Odayaasha dhaqanka ka qaadan karaan amniga iyo dib u Heshiisiinta oo Muqdisho lagu qabtay “Odayaasha taladooda Mahiga gacantooda ka bixiyay”

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Saxafi lagu qabtay Dood cilmiyeed ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka, kaasoo halku dhigiisa ahaa Doorka Odayaasha dhaqanka ka qaadan karaan, sugida Ammaanka, Nabada iyo Dib u Heshiisiinta.

Ugu horeyn waxaa dood cilmiyeedkan ka hadlay Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo tilmaamay in talada Odayaasha dhaqanka ay aheyd mid wax lagu goyn jiray, isla markaana ahaa xalka umada dib loogu laaban jiray, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in xilligan Odayaasha aan laga tala gelin wax walba oo door ku lahaayeen.

“Odayaasha taladooda Mahiga gacantooda ka bixiyay, aduunka waxaa u sheegeyna in ninkaas uu taladii Umada leexsaday, inuu kala qeybiyo Umada, oo uu gobol gobol isugu talado, ninkaas waxaa codsaneynaa in la bedelo, nin Soomaali wax u tara Qaramada Midoobey u soo magacowday”ayuu yiri Afhayeenka Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in shirarkii ka dhacay dalka oo uu qaban qaabiyay Mahiga aan laga qeyb gelin Odayaasha dhaqanka, isagoo tilmaamay in doorkii Odayaasha la xaqiray.

Sidoo kale Xasan Jaamac Kediye oo ah Xogheynta Gudiga Odayaasha UYS ayaa sheegay in muhiimta in wacyi gelinta la ballaariyo, isagoo ugu baaqay in dowladda inay xil iska saarto inay dadka barakacayaasha raashinka loo qeybinayo in aan la leexsan ama la boobin, waxaana uu ugu baaqay inay sameyso tirakoob guud oo ku aadan in gar gaarka uu gaari dadkii loogu tala galay.

Xasan Maxamed Diirshe oo ka mid ah Nabadoonada ayaa sheegay in wacyiga uu dalka ku jiro ay xilligan muhiim tahay in looga samata bixiyo dhinaca fanka, Abwaankana uu yahay mid indho badan, isla markaana dhanka wanaagsan uu ka abaaro, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in kuwo waxma garadka ah u hanjabadaan ama taleefano ku qal qal geliyaan, si fikradii wanaagsaneyd ee uu gudbin lahaa looga hor istaago.

Waxaa kaloo dood cilmiyeedka ka hadlay C/llaahi Cabdulle Wehliye oo sheegay in qaraxyada maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho uu ku yimid jileec xaga dowladda, waxaana uu ugu baaqay inay ka hortagto, isla markaana ay howl geliso ciidamo dhar cad ah oo ka shaqeeya inay soo gudbiyaan falalka amni daro ama qaraxyada, waxaa kaloo uu intaa ku daray in dowladda ay dhaqaale u balan qaado dadkii soo sheega kuwo qaraxyada maleegaya.

“Wararka hada la sheegayana kuma imaan karaan wax la yiraah Dowlad wanaag, dad diyaarad lagu keenay kuma shaqeyn karaan, lix qofoof oo Garowe la geeyay ma hirgelin karto, waa inta dhabo toosan loo maraa, Odayaasha laga tala geliyaa, culumaa’udiinka, waxgaradka iyo aqoonyahanada haweenka waa inay dhamaan talo ku yeeshaan”ayuu yiri Caaqil Xasan Cilmi Yaxye.

Xildhibaan Cabdi Ibraahim Cabdi oo isna ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa ku ammaanay Hey’adda UYS, howlaha baraarujinta iyo wacyi gelinta ay bulshada u heyso, isagoo tibaaxay in arrin loo baahan yahay in lagu ballaariyo is dhex galka bulshada, waxaana uu ugu baaqay Hey’adda inay sii wado howlaha ay sare ugu qaadeyso bulshada.

Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) oo ugu dambeyn ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa sheegay in Odayaasha loo baahan yahay in laga qeyb geliyo shirarka, waxaana uu tilmaamay in Odayaasha ay door weyn ku leeyihiin masiirka umada, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, waxaana uu u mahad celiyay Hey’adda UYS barnaamijka ay u qabatay, isagoo ka codsaday waxyaabaha laga dooday in ficil loo bedelo, isla markaana Odayaasha ay noqdaan kuwo isku xirnaada.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan ayaa qeyb ka ahaa kuwo taxane ahaa oo Hey’adda UYS u qabaneyso qeybaha bulshada, kaasoo looga hadlayay nabada iyo dib u heshiisiinta, sida bulshada qeybaheeda kala duwan ay uga qeyb qaadan lahaayeen inay u xoojiyaan.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye ayaa ka hadlay barnaamijka Dowlad wanaaga ee hada la wado, kaasoo qeyb ka ah Road Map-ka, isagoo tibaaxay in Dowlad wanaag aanay xilligan shaqeyn karin, isla markaana xaalka yahay guryo kala xiran, isagoo waxaana uu tilmaamay in caalamka uu u baahan yahay dowlad wanaag, hadii la helo hey’adaha oo shaqo aad u fiican qabta.

Source:thesomalivoice

Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa moodaa kooxa qaas ah in ay jahwareerinayaan masiirka umadda Soomaaliya

Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa moodaa kooxa qaas ah in ay jahwareerinayaan masiirka umada Soomaaliya iyadoona koox walibana ay sheeganeysa in ay matasho Soomaaliya hadana qabiilkeeda u doodeysa.

Magaalada Garoowe oo xiligaan isku aragto magala madaxda Soomaaliya ayaa waxaa moodaa in dhamaan shirikii loogu tala galay in Soomaaliya loo qabto lagu qabto halkaa iyadoo la xasuusta caasimadii Soomaaliya markii ugu danbeysay lagu ogaa magaalada Muqdisho lakiinsa xiligaan kala wareegtay Garoowe waxaase xusid mudan in reer Garoowe ku doodi jireen in Muqdisho ay dagaan u tahay hal reer sidaana shir loogu qaban karin waxaase isweydiin mudan Garoowe ma u dhantahay Soomaali oo dhan mise hal reer baa dago.

Waxaan maqli jiray in dowladaha waaweyn ee aduunka u talisa Israaiil waxaase dhaboobday in Soomaaliya oo idil ay u taliyaan beesha Majarteen maxaa yeelay waxay wadaan waxeyna angaa leh kiina kula leh waxaana la yaab leh magaalo dad muwaadiniin Soomaali ah laga soo tarxiilayo Etoobiyaana lagu soo dhaweynayo sida loogu aaminay masiirka umada Soomaaliyeed.

Hadii Cabdi wali Gaas wasiirka koowaad laga dhigay madaxweynaha Soomaliyana u aqoon sanyahay Cabdiraxmaan Faroole Xaalka Madaxweyne Shariif halkee buu ku danbeen doonaa mise Madaxweyne Sheikh Shariif waa madaxweynaha mamaul goboledka Mudulood Landi waaxse soo xasuustay xiligii dowladii Carte ee la bilaabay shrkii Eldoreed sidoow Xasan Abshir oo wasiirka koowaad xiligaa u ahaa Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan uu ku gadiyay sidaana ku taageeray col Cabdulaahi Yuusuf waxaase hada muqata in Madaxweyne Sheikh Shariif dibirtaas ku soo socoto haduuna si deg deg ula socon siyaasada Faroole iyo Cabdiwali Gaas

Dadka Soomaliyeed waxay isweydiinayaan Rodmaaka ma aayad quraan miyaa mise waa shir qool la doonayo in Soomaaliya lagu marin habaabiyo maxaase cidii diido danbi ka dhigay mar hadii looga shaqeynayo dan qaas ah oo ay leeyihiin beelaha Soomalaiyeed beel ka mid ah

Si kastaba ha ahatee waxaa isweydiin mudan hadii Caalinoooo ka socda Galmdug shirka ugu baxay qof beesha Sacad mata kuma lihin qubarada dastuurka Faroolana uu yiri beesha Majarteen waa u joogtaa qofkii ma tali lahaa oo wasiirka Dastuurka dhan uu ka soo jeeda beesha Faroole ayaa u maqan beelaha kale oo Soomaliyeed mise xaalka waa hadii reer Mudug heshiyaan Soomaali oo dhan waa heshisyeen.

Halkaan ka akhri heshiiskii lagu kala saxiixday Garowe ee habka Federalka Somalia.

Baratakoolka Dowlada KMG Soomaaliya maxaa ka qaldan ? Xuunshoy Goormaad wax garataa?

Dareenka shacabka Soomaaliyeed ayaa hoos mar kaliya u dhacay kadib markii sawir laga soo qaaday xafiiska Raiisla wasaarha Ingariiska xili ay saxaafada kula hadlaayeen waxaana dadka ka yaabiyey baratakoolka dowlada oo aad moodid mid qaldan siday ukala mudan yihiin cida hor mareysa iyo cida leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Axmed oo sida muuqata jilaafo ka dawa wada shaqsiga uu u magacaabay wasiirka kowaad Cabdi wali gaas waxaase cajiib ah in uu cabdi wali gaas ka dhabeeyey madaxweynaha Soomaliya uu u aqoonsanyahay Cabdirraxman Faroole xili qudub uu ka jeedinaayey shirka Garoowe si bareer u ugu sheegay Faroole madaxweynaha Soomalaiya yahay

Sida sawirka ka muqan waxaa horeeyo Faroole iyo Gaas halka madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif waardiyahooda u egyahay taana waxay muujineysaa in meesha ka jirta jilaafo lagu majaxabinaayo siyaasada Shariif

Madaxweyne Faroole ayaa si bareer ah xaflad siweyn loo agaasimay jalaiyada Londan ku sheegay in uu yahay madaxweynaha Punland uusan Soomaalida dowladeeda ka tirsaneen isagoona sheegay waxii hada la yagleelo waxii ka soo baxo uu kula midoobaayo Dowlada Soomaaliya waaxse la yaable wasiirka koowad ,wasiirada iyo xildhibanada ka soo joodaan Punland ma matalaan miyaa mise waa mid wax kale lagu jugeysanaayo.

Goormaad Wax Garataa.

Waxaa Soomaalidu ku hal qabsataa sheeko gaaban oo dhex martay Xuunsho iyo Tuke waana sidaan:-

(xuunshoy Goormaad wax garataa?

Markii laba qof wada hadlaan.

Markaas waad dhimatay, ee anigu waxaan waxgartaa markii labo qof isdhugtaan).

Shirkii magaalada Garowe oo xalay lasoo gaba gabeeyay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay – Faalo Qotobka 3aad

Ayadoo uu maalmahaanba shirka wadatashiga ka socday magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa habeenkii xalay ahaa saqdii dhexe waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkaas oo ay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamkaba wax kawada saxiixeen waxyaabihii kasoo baxay.

Saxiixa qodobada shirka ayaa saacado badan qaatay taasoo keentay in xalay saqdii dhexe ay wada saxiixaan dhanacyadu.

Waxyaabihii lagu heshiiyay shirka ayaa waxaa kamid ahaa

1. Yaraynta tirada xildhibaanada baarmlamaanka oo la isku raacay in laga dhigo 250.
2. Ansixinta dastuurka oo laysku raacay in ergooyin 1000 gaaraya oo bulshada qaybaheeda lagasoo kala xulay ay u codeeyaan.
3. Sameynta gole 54-xubnood ka kooban oo baarlamaanka ka sareeya iyo nidaamka maamul ee dalka oo laysla gartay in laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..
Qodobada heshiiskaan ayaa waxaa wax ka saxiixay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cabdi Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, Dr Agustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ahlu suna waljameeca oo ayadana wax ka saxiixday heshiiska.

Faalo Qotobka 3aad oo oranayo in dalka laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..

Waa Gobolladii Dowladdii Milatriga ee Siyaad Barre:

Dowladdii uu hoggaamiyaha iyo madaxweynahaba u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-kasanoahayd ee uu dalka ka talinayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey? Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay “dalka waxaa heystay nin keliteliye ah, wuxuuna u maamuli jiray sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka iyo go‟aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray.”

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiiloo ahaa halabuur caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group).

“Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya,” ayuu yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, “Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan.” Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, “dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga heybta hoose (Daa‟uud) isku nahay.”

Wuxuu intaas raaciyey, labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri, “waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood.” Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. “Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, „waxaan ku darayaa Warshiikh.‟” Markaas baan ku iri, “Caadley ku dar.” Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Marka la fiiriyo gobolladii iyo degmooyinkii la abuuray iyo sheekadaniba waxay ku tusayaaninuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku wadi karto18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira.

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah (xilligii dowladdii Carta) isku dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas “idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale.” Waxay sheegeen mas‟uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka dhaqaalo ahaan.

Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ee xilligaas jirtay ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Waxaa iyaduna xiiso gaar ah leh cayaarihii gobollada ee dhawaan lagu qabtay Garowe, caasimadda Puntland. Runtii, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay ku ammaanan yihiin bahdaisboortiga iyo shacabka iyo dowladda Puntland. Laakiin xiisaha gaarka ah ee ay dhacdadani u leedahay doodda la xiriirta nidaamka federaalka waa in dad badan oo Soomaaliyeed ay isla oggol yihiin gobolladii uu kacaanku ka tagay, loona arko inay sharci ahaayeen. Runtiina, dhacdadan waxaa laga daliishan karaa in aragtida taageeraysa 18-ka gobol ay ka culus tahay kuwa kale.

Waxaan rumaysanahay inay taasi horumar tahay. Hayeeshee, anigu sideedaba ma qabo in nidaamka federaalku ka shaqayn karo dalka. Haddii la samaynayana waxaan qabaa inaan gobolladu ka badan afar, la iskuna raaciyo hab ku salaysan qaaciddooyinka dhaqaalaha iyo horumarka.

Gunaanad

Waxaan soo jeedinayaa inaynaan ku qancin waxa u sahlan hey‟adaha caalamiga ah iyo waxay ay dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya, rabto. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha calaamadihii lama huraan ka dhigayey in nidaam federal ah lagu maamulo. Waxaa jira waxyeellooyin badan oo uu nidaamku wato asal ahaan. Dhammaantood waxay saamayn xun ku leeyihiin aayaha iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed. Dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamka federaalka waa laga heli karaa nidaamyada kale ee ka dhibka yar. Waxaa intaas dheer in aysan jirin hab gobollo oo ay Soomaalidu heshiis ku tahay. Xitaa haddii ay dhacdo in la isku raaco hab ka mid ah kuwa aan soo sheegay, waxaa muuqda inaynaan dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan ka bixi karin nidaamkan. Waxaan rumeysnahay in nidaamakani uusan annaga naga iman, uusanna xallinayn mushkiladdeenna. Walow ay u badan tahay in niyadda bulshada caalamku aysan xumeyn oo ay doonayaan inay xal u helaan mushkiladda Soomaalida, haddana waxaa hubaal ah in dalalka deriska ah ay dantooda ka hormarinayaan tan Soomaalida. Itoobiya iyo Kenya waa inaynaan ka filin inay wanaag la doonayaan Soomaalida. Waxaa muuqda in Itoobiya ay iyadu si gaar ah u dooneyso nidaamkan oo ay weliba qaab gooni ah u rabto. Guddiyada loo saaray inay ka soo taliyaan iyo ergada ansixisay waa dad ay inta badan Itoobiya soo xushay ama ay raalli ka noqotay. Haddaba, taas kaliya ayaa ku filan dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan arrintan waayo waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo inaysan Soomaalidu waligeed qaran noqon.

Nidaamka federaalkuna, sida aan qabo, waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas.

Halista Dastuurka Cusub ee Soomaaliya! Halkaan ka akhri

Halkaan ka akhri heshiiskii lagu kala saxiixday Garowe ee habka Federalka Somalia.

QODOBKA 3aad; Baarlamaanka cusub ee federaalka

Waxaa qodobkan lagu tixay shuruudaha lagu qaadanayo dadka soo gali doona baarlamaanka ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ugu horeeyaan da’da iyo dhalashada. Waxaana ku qoran;-
– Inuu yahay Soomaali
– Inuu da’diisa/da’deeda u dhexeyso 25 illaa 70 jir
– Aqoonta ugu yaraan dugsi sare (Waxaa laga saaray qodob horey loo soo jeediyey oo ahaa inuu heysto degree ama shahaado sare)
ARINTA DIINTA
Waxaa yaab iyo naxdin leh in Shuruudaha mudanaha baarlamaanka Soomaaliya laga saaray inuu yahay MUSLIM, Waxaana ku qoran sidan “Respect Islamic Values” oo micneheedu noqonayo (Waa inuu tixgeliyaa qiyamka Islaamka). Ma waxaa jira cid aan Muslim ahayn oo Soomaaliya degan ama Soomaali wax ka ah?- Xitaa dastuurkii 1960-kii ee jamhuuriyadii Soomaaliya, kii Carta 2000, kii Mbagathi ee 2004 laguma qorin arintan!!!!!. [Sii fiican uga fiiri bogga 6aad ee heshiiska Garowe]
QODOBKA 2AAD; Golaha Dastuuriga ah
Waxaa lagu heshiiyey in gole loogu magacdaray “Golaha Dastuuriga” la sameeyo, kuwaasoo ka kooban 1,000 ruux. Waxaa haddaba iyana ku jirta.
– In 30% golaha ay noqdaan haween (taasoo micneheedu yahay 300 xubnood ayaa haween noqonaya) halka 700 hartay ay noqonayaan rag.
Laakiin waxaa isla 700 ee ragga haddana markale ku sii jirta “the remaining 700 men and women shall be selected from across section of society……” taasoo markale muujineysa in 700 ragga ahaa in haddana ay haween ku sii jiraan (lama oga in haddana 30% haween yihiin markaasna waxay noqoneysaa 600 haween inay ku jiraan Golaha Dastuuriga). [Fiiri bogga 4aad ee heshiiska]
– Golaha Dastuuriga ee 1,000 ruux ahi lagama rabo wax aqoon ah, kaliya waa inay wax akhrin karaan (tani waxay horseedi kartaa in meesha ku soo ururaan dad aan wadaniyad iyo qaran waxba ka ogeyn).
– Golaha Dastuuriga waxay ku imaanayaan habka qabiilka ee 4.5, iyaga ayaana ansixinaya baarlamaanka cusub ee federaalka (laakiin la isma weydiin iyaga laftooda yaa xalaaleynaya).
Waxaa xusid mudan in Axdiga KMG ee hadda u qoran DKMG ah qodobkiisa 71aad uu dhigayo in Axdiga uu yahay saldhiga dastuurka federaalka ee la sameyn doono. isla qodobka 39aad ee Axdiga KMG ah wuxuu awood buuxda siinayaa baarlamaanka, sidaasi awgeeda ma Axdiga KMG ayaan jirin mise Heshiiska Garowe???. Haddii kale waxay noqon kastaa in Axdiga KMG ah la laalo gebisiiba, taasna weli lama sheegin.

QODOBKA 1AAD: Puntland iyo Galmudug
Waxaa qodobkan uu si cad u sheegay in Puntland iyo Galmudug loo aqoonsaday maamulo jira oo is la’eg waxayna leeyihiin fursado iyo ka qeybgal isku mid ah.
QODOBKA 2AAD; Nooca Dawlada
Dawlada waxay noqon doontaa nidaamka baarlamaaniga. Wuxuu qodobkan xusayaa in awooda fulinta uu yeelanayo raysul wasaaraha, halka madaxweynuhu uu noqon doono “Ceremonial” ama “madaxweyne sharafeed”. (Wixii hadda ka dambeeya waxaa loo carari doonaa raysul wasaaranimada).

QODOBKA 2aad; Sameeynta Guddi doorasho
Gudigan oo loo bixiyey “Interim Independent Electoral Commission” Guddiga Doorshada ee madaxa bannaan ee KMG ah oo ka kooban 15 ruux. Guddigan waxaa sameysanaya lixda saxiixayaasha ah ee kala ah; Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Shariif Xasan, Madaxweyne Faroole, Madaxweyne Caalin iyo C/qaadir Macalin Nuur iyagoo qabiilo ku saleynaya.
Waxay guddigan noqonayaan kuwa soo xulaya isla markaana go’aanka ka gaaraya xubnaha 1,000 ah ee Golaha Dastuuriga ah.
Bogga 5aadee heshiiska waxaa ku qoran “Haddii xubin loo soo xulayGolaha Dastuuriga ay la iman weyso shuruudaha waxaa dib loogu celinayaa saxiixayaasha heshiiska Garowe [micnaha lixda nin], Tani micneheedu sow ma ahan sidaan rabo ii yeel!!!).

AWOODAHA MAAMULADA Waxaa awoodo dheeraadah heshiisku siinayaa maamulada, waxaana hadda maamul goboleedyada jira iyo kuwa iman doona ay yeelan doonaan awood la simantan dawlada dhexe, si ka duwan Axdiga KMG ah oo sheegaya in heshiisyada caalamiga ah iyo arimaha siyaasadda ay masuul ka tahay dawlada dhexe.

Shirka London

Shirka London

Moment Media Group (London) 23 Feb.12–Shirkii arrimaha Soomaaliga looga hadlayay ee lagu qabtay magaalada London ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo la isku raacay in la dardargeliyo geeddi-socodka siyaasadda, in la xoojiyo ciidamada AMISOM, gacanna la siiyo kobcinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo in lagu dhaqaaqo tallaabo kasta oo wax looga qaban karo burcad badeedda iyo argagixisada.

Dhinaca siyaasadda, waxaa war-murtiyeedka shirka lagu sheegay in aan hay’adaha federaalka ah ee Soomaaliya waqtiga loo kordhin karin marka uu dhammaado bisha August ee sanadkan 2012, iyadoo uu caalamku soo dhoweeyay heshiisyada tilmaamaya in la dhiso dowlad Soomaalida u matasha si ka ballaaran midda hadda jirta.

War-Saxaafaddeed la isku raacay oo laga soo saaray Shirka London “Akhriso”

Hordhac ; Shirkan waxa uu saaka ka furmay London waxaana uu u badnaa khudbado la jeedinayeye oo la sheegay kadib inay warsaxaafadeedkan la isku raacay.

1. Shirka London ee ku saabsan Soomaaliya waxaa uu aqalka Lancaster House uu ka dhacay 23kiiFebraayo 2012, waxaana ka soo qaybgaley konton iyo shan wefdi oo ka kala socdey Soomaaliya iyo beesha caalamka.
2. Waxa aan shirney waqti muhiim u ah Taariikhda Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ay hadda ka soo baxaysaa dhibaatooyin bani’aadamnimo kuwii waqtigan ugu xumaa dunida. Ciidamo Afrikaan iyo Soomaali ah ayaa Al Shabaab ka saarey Muqdisho iyo degaamo kale. Hay’adaha ku-meelgaarka ah waxaa uu waqtigoodu dhammaanayaa Agoosto 2012, waxaana dadka Soomaaliya ay doonayaan in la caddeeyo waxa ka dambeyn doona. Xaaladdu weli ma deggana, waxaana ay u baahan tahay taageero degdeg ah oo ay siiso bulshada caalamka.
3. Go’aanka ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya waxaa leh dadka Soomaalida ah. Hoggaanka siyaasadda ee Soomaaliya waa in ay ahaadaan kuwo ay la xisaabtamaan dadkooda. Kaalinta bulshada caalamka u furan waa in ay fududeeyaan horumarka iyo koboca: xooggeenu waxaa uu ku jiraa midnimo iyo taageero isku dubaridan oo aan siinno Soomaaliya. Waxaa markii la qabanqaabinayey shirkan aan aqoonsanney muhiimadda ay leedahay in aan dhegeysanno oo aan la shaqeyno dadka Soomaaliyeed ee jooga gudaha iyo dibadda Soomaaliya, waxaana aan ku soo dhoweynney la kulankooda ka hor shirkan.
4. Shirku waxaa uu diiradda saarey sababaha dhalinaya degganaan la’aanta, iyo sidoo kale waxyaabaha calaamadaha u ah (macaluusha, burcad-badeednimada, iyo argagaxisanimada). Annaga oo bulshada caalamka ah, waxaan isla garanney: in aan dardar cusub gelinno geeddi-socodka siyaasadda; in aan xoojinno AMISOM oo aan Soomaaliya gacan ka siinno kobcinta ciidankeeda ammaanka; in aan gacan ka geysanno degannaanshaha heer degaan; in aan ku dhaqaaqno tallaabo wax looga qabanayo burcad-badeedda iyo argagaxisada.
Siyaasadda
5. Waxaan ku heshiinney in waqtiga Hay’adaha Federalka ee Ku-meelgaarka ah uu dhammaanayo Agoosto 2012. Waana in aan mar kale waqti loo kordhin. Waxaan soo dhoweyney heshiisyada tilmaamaya waddada lagu gaarayodowlad si middan ka badan dadka u matasha: Axdiga Federalka ee Ku-meelgaarka ah, Heshiiskii Kampala, iyo Khadiiddada Waddada/Roadmap. Waxaa aan ayidney mudnaanta, lagu xusey Mabaa’diida Garowe, oo sheegayey in degdeg la isugu keeno Gole Ta’siisi ah (Constituent Assembly), waxaana aan carrabka ku adkeyney in Golaha uu ahaado mid ay ka wada muuqdaan fikradaha dadka Soomaaliyeed ee dhammaan gobollada iyo degaamada kala duwan, iyo in ay waajib tahay in haweenku ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadda. Si waafaqsan heshiiskii Garowe II ayaan isula oggolaaney in la dhiirrigelinno horumarka oo aan tallaabo ka qaadno kuwa qasaya geeddi-socodka nabadda, iyo in aan tixgelin doonna talooyinka arrintan la xiriira inta ka horreysa Shirka Istanbul ee la qaban doono bisha Juunyo.
6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka.
7. Waxaan cambaareyney argagaxisanimada iyo xagjirnimada gacan-ka-hadalka wadata, haddii ay ku kacaan Soomaali ama ajnebiba. Waxaan ugu baaqney in dhammaan kuwa oggol in ay ku gacan-seyraan rabshadda/gacan-ka-hadalka ay ku soo biiraan geeddi-socodka nabadda ee Jabuuti. Waxaan ku heshiinney in aan sameyno barnaamij loogu talogaley kuwa soo goosta oo lagu taageerayo kuwa ka soo baxa kooxaha hubeysan.
8. Waxa aan carrabka ku adkeyney sida degdegga ah ee loogu baahan yahay in Soomaaliya ay awooddo in ay maalgeliso adeegyadeeda dowladda, oo ay hantideeda u adeegsato waxyaabaha dadka faa’iidada u leh, iyo sidoo kale wax ka qabashada musuq-maasuqa. Waxaan soo dhoweyney horumarka laga sameeyey dhisidda Guddi Wadajir u Maareeya Maaliyadda/ Joint Financial Management Board (JFMB) si loo kordhiyo daahfurnaanta iyo xisaabtanka ee dhinacyada soo ururinta iyo in si habboon u isticmaalidda dakhliga dowladda, iyo sidoo kale gargaarka caalamiga ah ee horumarinta, kaas oo gacan ka geysanaya xoojinta hay’adaha maareynta maaliyadda dowladda ee Soomaalida ah. Baaq ay soo saareen xubinihii u horreeyey ee JFMB waxaa uu ku qoran yahay Lifaaqa A.
9. Geeddi-socodka nabadda waa in ay xuddun u ahaataa ixtiraamiddaxuquuqaha aadanaha. Waxaan ku baaqney in la qaado tallaabo gaar ahaan mid wax looga qabanayo ku-tumashada iyo xadgudubyada waaweyn ee xuquuqaha aadanaha ee haysta haweenka iyo carruurta. Waxaan carrabka ku adkeyney in ay waajib tahay in suxufiyiintu ay hawshooda u qabsadaan si xor ah oo aan cabsiyi ku jirin. Waa in la ilaaliyaa dadka rayidka ah. Waxaan madaxda Soomaalida ugu baaqney in ay qaadaan tallooyin lagu xaqiijinayo xuquuqaha aadanaha laguna joojinayo dhaqanka ah in aan waxba la isu raacan (impunity). Waxaan ku heshiinney in aan xoojinno dadaallada caalamiga ah ee ay ka mid tahay in loo maro hay’adaha Qaramada Midoobey ee xuquuqaha aadanaha.
Ammaanka iyo Caddaaladda
10. Waxaan ku heshiinney in ammaanka iyo caddaaladdu ay muhiim u yihiin in la helo geeddi-socod siyaasadeed oo guuleysta iyo horumarkaba. Ammaan wanaagsan waxaa si joogto ah loogu heli karaa oo keliya marka ay barbar socdaan caddaalad wanaagsan iyo talinta sharciga.
11. Waxaan u mahad-celinney dalalka ciidamadoodu ay nabad-ilaaliyeyaal ahaan u joogaan gudaha waxaana aan ammaanney guulihii iyo wixii ay u hureenAMISOM iyo ciidamada kale. Waxaan soo dhoweyney qorshaha wadajirka ah ee ay dejinayaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxaana aan mar kale ku celinney muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hoggaan taabogal ah. [Waxaan soo dhoweyneynaa in la ansaxiyo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay **** ee ballaarinaya maandeytka (hawsha) AMISOM oo badinayana tirada ciidankooda.] Waxaan AMISOM ku dhiirrigeliney in ay hubiso ilaalinta dadka rayidka ah. Waxaa aan wada-hawlgalayaasha, gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha cusub, ku dhiirrigeliney in ay maaliyad siiyaan AMISOM, taas oo ay ka mid tahay mid la soo mariyo Midowga Yurub.
12. Waxaan ku heshiinney in, muddo ka dib, Soomaalidu ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaankooda ayna kobciyaan nidaamkooda cadaaladda si ay wax uga qabtaan halista ku wajahan ammaankooda ayna wanaajiyaan helidda caddaaladda. Waxaan aqoonsanney in Soomaalida oo keliya ay u taallo in ay go’aansadaan nooca ammaan iyo caddaalad ee ay doonayaan.
13. Waxaan aqoonsanney hawsha wanaagsan ee socota ee lagu taageerayo waaxaha ammaanka iyo caddaaladda ee Soomaaliya. Waxaan ku heshiinney in aan dhisno qaab wada-hawlgalayaal caalami ah si loo helo isudiwidda aadka loogu baahan yahay iyo si diiradda loo saaro hawlahaas, oo ay xoojinayaan tiro mabaa’dii ah oo lagu qorey lifaaqa B oo si dhow ula shaqeynaya Guddiga Wadajirka ah ee Qaramada Midoobey ee Ammaanka/UN’s Joint Security Committee.
Burcad-badeednimada
14. Waxaan mar kale ku celinney sida ay innooga go’an tahay ciribtirka burcad-badeednimada,annaga oo ogaaney in dhibaatadu ay u baahan tahay in hab ballaaran oo dhulka iyo baddaba ah wax looga qabto. Waxaan muujinney welwelka aan ka qabno la-haystayaasha muddada dheer lagu hayso Soomaaliya ee gacantana loo qaadayo. Waxaan soo dhoweyney hawsha Kooxda Xiriirka arrimaha Burcad-badeedda Dibadda Xeebta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale soo dhoweyney guusha ay gaareen dadaallada ciidamada caalamiga ah, waana ay innaga go’an tahay sii wadista dadaalladaas oo kale oo leh xeerar adag oo hagaya hawlgalka iyo ciidamo ku filan. Waxaan isla oggolaaney in burcad-badeednimada aan lagu xallin karin hawlo mileteri oo keliya, waxaana aan ku celinney muhiimadda ay leedahay in bulshooyinka in ay wax ka qabtaan waxyaabaha sababta u ah burcad-badeednimada, iyo sii wanaajinta in biyaha xeebaha Soomaaliya si waxtar leh loo adeegsado iyada oo loo marayo tallaabooyin lagu dhisayo kartida dhinaca badda ee gobolka. Waxaan soo dhoweyney dadaallada socda waxaana aan isla oggolaaney in si wanaagsan la isugu duwo loona taageero. Waxaan ku baaqney in si buuxda loo hirgeliyo Xeer-dhaqanka Anashaxa ee Jabuuti (the Djibouti Code of Conduct) iyo in la sameeyo Soon/Degaan Dhaqaale oo Gaar ah (Exclusive Economic Zone). Waxaana sugeynaa waqtiga aan dib u eegi doonno horumarka la gaarey oo uu ka mid yahay kan laga gaarey Shirka Burcad-badeednimada ee lagu qaban doono Imaaraadka Carabta ee Midoobey bisha Juunyo.
15. Waxaan soo dhoweyney dadaalka wada-hawlgalayaasha hawshan/partners in industry ee ka dhanka ah burcad-badeedda, waxaana aan ku baaqney in si sidan ka ballaaran loo qaato Habka Maareynta ee ugu Wanaagsan (Best Management Paractice) ee maraakiibka korkooda. Waxaan soo dhoweyney hawsha hadda socota ee ku saabsan hagidda caalamiga ah ee adeegsiga sharikaadka gaarka loo leeyahay ee ammaanka ee hubeysan.
16. Ma jiri doonto burcad-badeenimada aan waxba la isugu raacan. Waxaan ku baaqney in si weyn loo kobciyo awoodda garsoor ee dacwad ku soo oogista iyo xiridda kuwa ka dambeeya burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka waxaana aan aqoonsanney baahida loo qabo in la xoojiyo kartida dowlad goboleedyada. Waxaan soo dhoweyney heshiisyada cusub, ee qaar ka mid ah dowladaha iyo hawlgallada ciidamada badda awood u siinaya in ay kuwa looga shakisan yahay burcad-badeednimada loo maxkamadeeyo marka ay wada-hawlgalayaashu ku qabtaan gobolka Badweynta Hindiya, iyo in marka lagu helo, loo wareejiyo xabsiyo ku yaalla Puntland iyo Somaliland oo heerarkoodu gaarsiisan yihiin jaangooyooyinka caalamiga ah. Waxaan ogaanney ujeedka lagu doonayo in laga sii fekero suuragalnimada in Soomaaliya gudaheeda laga dhiso maxkamado ku takhasusey wax ka qabashada burcad-badeednimada.
17. Waxaan mar kale sheegney sida ay innooga go’an tahay in aan maxkamadeyno kuwa u madaxda ah burcad-badeednimada. Annaga oo aqoonsanneyna hawsha hore loo soo qabtey, waxaan ku heshiinney in aan sii wanaajinno isuduwidda hawlaha wax looga qabanayo isusocodka maaliyadda sharci-darrada ah iyo in la isu duwo sir-doonka iyo baaritaannada. Waxaan ogaanney in Seychelles laga dhisey Xarun-goboleedda Isuduwidda Sir-doonka-Maxkamadeynta ee La-dagaallanka Burcad-badeedda/Regional Anti-Piracy Prosecutions Intelligence Coordination Centre.
Argagaxisada
18. Argagaxisanimadu waxaa ay halis adag ku tahay ammaanka Soomaaliya, kan gobolka, iyo kan caalamka. Waxaa ay silic weyn u geysatey dadka Soomaaliyeed. Waxaan isla wada oggolaaney in aan u wada shaqeyno si sidii hore ka xooggan, iyo iyada oo si buuxda loo ixtiraamayo talinta sharciga, xuuqaha aadanaha, iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, in la dhiso kartida si loo carqaladeeyo argagaxisada gobolka, iyo in wax laga qabto sababaha asalka u ah argagaxisanimada. Waxaana aan aan isla garanney muhiimadda ay arrintan leedahay. Waxaan isla garanney muhiimadda ay leedahay carqaladeynta safarrada argagaxisada ay ku tagayaan Soomaaliya iyo kan ay kaga imanayaan, iyo muhiimadda ay leedahay carqaladeynta maaliyadda argagaxisada, waxaana aan ugu baaqney dalalka goboka ku yaalla in ay hirgeliyaan talooyinkii Koox-halweedda Tallaabada Maaliyadda/Financial Action Task Force ee ku saabsanaa la dagaallanka dhaqidda lacagta (raad-gadidda lacagta/money laundering) iyo maaliyad-siinta argagaxisada. Waxaan xusney in sir-doon iyo baaritaan taabogal ah, iyo taageero la siiyo nidaamka cadaaladda dembiyada ee Soomaaliya, ay muhiim u yihiin la dagaallanka argagaxisada. Waxaan ku heshiinney in aan la shaqeyno Golaha Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada/the Global Counter Terrorism Forum iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa goboleed si looga soo dhalaalo hawshan muhiimka ah.
Degannaanshaha iyo Soo-kabashada
19. Waxaan soo dhoweyneynaa guulaha ay gaareen degaanno ka mid ah Soomaaliya ee ay ku abuureen goobo deggan, waxaana aan ku heshiinney in aan kordhinno taageero lagu dhiso maamul sharci ah oo nabad ku dhisan, iyo si loo wanaajiyo adeegyada ay helaan dadka ku nool degaamadaas. Waxaan ku heshiinney in dadaallada noocaas ahi ay dhiirrigeliyaan/kor u qaadaan wadajirka, ayna qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadeed ee qaranka.
20. Waxaan fulinta Qorshaha Soo-kabashada iyo Dejinta Muqdisho u aqoonsanney mid muhiim ah. Waxaan ku heshiinney in barnaamijyada aan ku baahinno degaannada dhowaan dib loo soo ceshadey. Waxaan diiradda saari doonnaa taageero lagu suuragelinayo in faa’iidooyin degdeg ah oo la joogtana ah loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah: bedqabka iyo ammaanka, fursado dhaqaale iyo adeegyo aasaasi ah. Waxaan dhiirrigelin doonaa maamullo degaan oo waxtar leh oo lala xisaabtamo, waxaana aan taageeri doonnaa xallinta khilaafaadka.
21. Waxaan ku heshiinney in guud ahaan taageerada arrimaha degannaanshaha ee gudaha loo bixiyo si waafaqsan Heshiiska Cusub ee ka hawlgelidda qaramada jilicsan ee dhowaan lagu ansxiyey Busan, oo aan ka faa’iideysanno istiraatiijiyadihii dejinta ee ay diyaariyeen IGAD iyo Dowladda Federalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxa aan ayidney tiro mabaa’dii ah oo hagaya taageerada caalamiga ah ee la siinayo arrimaha degannaanshaha ee gudaha ee Soomaaliya (Lifaaqa C). Waxaan xusney in la sameeyey Sanduuqa Maaliyad Degganaansho oo cusub kaas oo qaar badan oo innaga mid ahi ay wax ku biirin doonaan[1].
22. Waxa aan isla oggolaaney in dib-u-dhiska iyo koboca dhaqaalaha ee Soomaaliya ee muddada fog ay ku xiran yihiin ganacsi gaar loo leeyahay oo firfircoon, iyo in gargaarka iyo maaliyadda qurba-joogta ay labaduba kobcin karaan qaybaha laga faa’iideysan karo ee xoolaha, kalluumeysiga iyo qaybaha kale ee dhaqaalaha. Waxaa aan xusney in degganaanshuhu uu shuruud u yahay badi maalgelinta joogtada ah ee kaabayaasha dhaqaalaha sida nidaamyada korontada, waddooyinka iyo biyaha. Waxaan fileynaa in dhammaan arrimahan looga munaaqashoodo Shirka Istanbul.
Bani’aadamnimada
23. Shirka waxaa ka hormarey kulan gooni ah oo laga yeeshey arrimahabani’aadamnimada kaas oo ay wada guddoominayeen Qaramada Midoobey iyo Imaaraadka Carabta ee Midoobey. In kasta oo ay dhammaatey macaluushii, haddana ka-qaybgalayaashu waxaa ay welwel ka muujiyeen dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee hadda jira, waxaana ay ballanqaadeen in ay bixiyaan gargaar bani’aadamnimo oo sal looga dhigayo baahida jirta oo keliya. Waxaa ay isla oggolaadeen waxyaabo lagu heshiiyey oo la xiriira arrimaha bani’aadamnimada iyo in gargaarka lagu xiro soo-kabashada muddada fog (waxaa lagu faahfaahiyey qoraal gaar ah).
Isuduwid Caalami ah
24. Waxa aan ku heshiinney in hawsha looga heshiiyey London aan u gudbinnoKooxda Xiriirka Caalamiga ah/International Contact Group (ICG) ee Soomaaliya, waxaana aan soo dhoweyney go’aanka ICG ee Jabuuti ee ah in laga fekero dib-u-habeyn si loo noqdo kuwo intan ka waxtar badan. Waxaan ku taliney in ICG ay dhisto guddi hawleedyo u qaabilsan geeddi-socodka siyaasadda, ammaanka iyo garsoorka, iyo degannaanshaha iyo horumarinta. Waxaan ogaanney in, ICG dhexdeeda, ay koox dalal muhiim ah oo ku hawlan arrinta ay ka shaqeyn doonaan horumar laga gaaro dhinaca taageeridda dadaallada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD.
25. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ay ku fududeynayaan horumarka laga gaarayo Soomaaliya. Waxa aan sidoo kale soo dhoweyney kaalinta IGAD iyo Midowga Afrika, iyo taageerada Jaamicadda Carabta, Midowga Yurub, iyo Ururka Shirka Islaamka. Waxaa aan dhiirrigelinney in si waxtar leh ay hawlahooda isugu duwaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka shaqeeya Soomaaliya. Annaga oo aqoonsan xaaladda ammaan ee culeyska leh ee weli ka jirta Soomaaliya, ayaan haddana soo dhoweyney dib-u-guuritaanka ay UNPOS ay dib ugu guureyso Muqdisho waxaana aan isla oggolaaney in aan higsan doonno in aan waqti badan oo kale ku bixinno gudaha Soomaaliya si Soomaalida loogala shaqeeyo hawlaha adag ee hor yaalla.
Gebogebo
26. Waxa aan muujinney rajada aan ka qabno in la gaarey waqti cusub oo siyaasadda Soomaaliya, oo ay taageereyso bulshada caalamka, ay nabad ka dhalinayso Soomaaliya. Waxaa naga go’an in danaha dadka Soomaaliyeed aan xuddun uga dhigno dhammaan tallaabooyinkeenna. Waxaa aan ka dhur sugeynaa maalinta xaaladda ka jirta Soomaaliya ay sameysey horumar dad ugu filan in shir caalami ah lagu qabto halkaa. Inta laga gaarayo waqtigaas, waxaa aan laba-laabeynaa dadaalkeenna aan dadka Soomaaliyeed ku gacan siineyno doonistooda ay dalkooda u doonayaan mustaqbal wanaagsan.
London

23 Febraayo 2012

Dawladda Ingiriiska oo daaha ka rogtay Qorshaha ay ka leedahay dalka Soomaaliya[War-saxaafadeed]

Ka shaqeynta Soomaaliya oo dib cagaheeda isugu taagto ,Shalay Britain waxay martigelisay shir weyne caalami ah oo looga hadlaya arrimaha Soomaaliya oo ay ka soo qeyb galeen madax dowladeedyo iyo ergo sarsare oo ka kala socday in ka badan 50 dowladood iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid ahaayeen, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobey Ban Ki Moon , Xoghayaha Guud ee Midowga Afrika( AU), Jean Ping, Xoghayaha Jamacadda Carabta,Nabil-al-Araby, Xoghayaha arrimaha dibaddaa ee Mareykanka , Hillary Clinton iyo wefdii ballaaran oo ka hoggaamiyeyaal Soomaali ah.

Waxaan isku afgaranay in la joogo waqti munaasab ah oo laga shaqeyn karo talaabooyin la meel marin karo oo lagu gool leeyahay in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isku taagto.

Uga horreyn, waxaan isku raacnay in xilliga dowladda ku meel gaarka ah uu dhammaanayo bisha Agoosto iyo in waqtiga aan loo kordhinin. Dadka Soomaaliya waa in ay go’aansadaan qaabka ay yeelanayaan hay’adahooda siyaasadda ee mustaqbalka- marka waxaa aan carrabka ku adkeyney in geeddi-socodka siyasadda uu noqdo mid loo wada dhan yahay. Waxaa kale oo aan isku raacnay in geeddi-socodka siyaasadda loo furo kuwa diyaar u ah in ay diidaan colaadda, oo ay ka mid yihiin xitaa kuwa jooga goobaha ay hadda ka taliyaan Al-Shabaab.

Waxaa sido kale aan meel marinney go’aan ka soo baxay madaxda Afrika oo ah in la dhiso Guddi maamula Maaliyadd si loo wanaajiyo maareynta maaliyadda dowladda. Ujeeddadeennu waa in la helo hab lagu yareynaayo musuqmaasuqa, iyo in dib loo dhiso kalsoonida iyo in xaqiijiyo in lacagta Soomaalida iyo tan deeq-bixiyaasha si habboon oo daah-furan loogu isticmalo adeegyada la siiyo dadka Soomaaliyeed.

In la sugo amaanka waxay muhiim u tahay in la gaaro horumar siyaasadeed. Sidaa darteed, ayaa waxaa beesha caalamka ay ku heshiisay in la taageero ciidamada Midowga Afrika(AMISOM) si ay uga howlgalaan goobaha kale ee ka baxsan Muqdisho, si ay uga hortagaan culeysyada kaga imaanaya Al-shabaab. Qaraar cusub oo Qaramada Midobey ay meel marisay ayaa lagu ansixiyey in la kordhiyo ciidamada AMISOM oo tiradoodu hadda tahay 12,000 la gaarsiiyo ilaa 17, 731, iyada oo qalab cusubna la siinayo.

Waxaan sidoo kale ku dhaqaaqney in aan taageerno gobollada Soomaaliya oo xaaladoodu ilaa xad ay degan tahay, annagoo isku raaceyney nidaam gargaar lagu siiyo iyo in la sameeyo sanduuq lacageed oo lagu xalliyo khilaafaatka maxalligga ah, in lagu abuuro shaqooyin iyo adeegyada aasaasiga ah oo ay u baahan yihiiin dadka degaanka iyo in la taageero horumarka maamulada dowladaha hoose. Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday deeq dhan £15malyan, dhowr dowladood oo kale ayaana iyana ku daydey oo siyaaas oo kale sameeyey..

Shirku waxaa sidoo kale looga hadlay culeysyada argagaxisanimada – oo ah khatar ay wadaagaan dadka Soomaalida, gobolka iyo adduun weynaha – iyada oo mudnaanta la siiyey baahida ah in la carqaladeeyo safarrada argagaxisada ka soo baxo ama ku sii jeeda Soomaaliya iyo in la carqaladeeyo maaliyaddooda. Waxaan sidoo kale taageereynaa nidaamka caddaaladeed ee Soomaliya ee wax looga qabanayo dembiyada.

Dhanka burcadbadeedda,dowladaha Britain iyo Seychelles waxaa ay sameyn doonaan xarun cusub oo lagula dagaalamo burcadbadeednimada iyada oo taageero ka heleya la-hawlgalayaal kale. Xaruntaas waxaa lagu maxkamadeyn doonaa, madaxda kooxaha burcad badeedda, dullaalada madax furashada, iyo kuwa u kala dab-qaad si loo jebiyo qaabka uu ku shaqeeyo ganacsiga guud ee burcad-badeedda.Waxaa sidoo kale jira heshiisyo dhowr ah oo dhex maray dalal kala duwan oo ah in kuwa lagu tuhunsan yahay falalka burcadbadeedda lagu maxkamdeeyo gobolka ka dibna loo wareejiyo xabsiyada Soomaalida.

Soomaaliya waxaa soo maray macluul aad u daran sanadkii nasoo dhaafay. Shirku waxaa uu sidoo kale muujiyey baahida ah in deeq bixiyayaasha ka soo jeeda dhammaan daafaha caalamka ay si deeqsinimo leh uga jawaabaan xaaladda deg degga ah ee ka jirta dalka iyo in ay gargaarka ku bixiyaan cidda iyo goobaha baahida ay ka jirta oo kaliya. Inkastoo Qaramada Midoobey ay ku dhawaaqday war lagu farxo oo ah in macluusha Soomaaliya ay hadda dhammaatay, haddana xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya waa mid aad looga naxo. Ilaa 2.34 milyan oo qof ayaa weli dhibaataysan.

Wadajir ahaan ayaa dhammaan dadaaladan waxa ay isku dayayaan in ay wax ka beddelaan xaaladda Soomaaliya oo ah mid hoos u sii socoto ilaa ay ka gaarto mid amaankeeda iyo daganaashaheedu ay si tartiib ah u soo kabanayaan. Waa in aaney innaga daahsoon muddada ay qaadaneyso in dhammaan ahdaaftaas la gaaro, waana in sida aan u waajahen arrintan ay ahaato mid macquul ah oo deggan. Soomaaliya xaaladdeeda hal shir kuma beddeli karno, mustaqbalka Soomaaliyana waxaa uu gacanta ugu jiraa Soomaalida nafahaantoodu. Laakiin, Soomaalida keligood sidaa ma sameyn karaan, sidaa darteed ayaan shirkaan u qabanney-si aan bulshada caalamka aan xaaladda u dareensiino oo aan Soomaalidana u dirno fariinta ah in aan garab istaagi doonno. Iyo in aan xusuusinno kuwa rabo in Soomaaliya ay soo geliyaan rabshado iyo falal argagaxisanimo in aysan fududeysan go’aankeenna

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

  • Daily Alert News

  • Political Analyst & Expert in East Africa politics Moment History Society

  • Dr. Ibrahim H. Abukar For President

  • Taariikh nololeedkii Imaam Axmad Gurey

  • taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban

  • Reflections on the life and learning of Prof. Said Samatar

    Professor Said Samatar who died February 24, 2015

  • Recent Posts

  • Truth to Power

  • Wall Truth

  • RSS osservatore romano – Google News

    • Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - Adnkronos - Adnkronos December 5, 2016
      AdnkronosOsservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - AdnkronosAdnkronos"Il capo del governo aveva legato le sorti dell'esecutivo e il suo personale percorso politico a questa consultazione. Con coerenza ha tratto le conseguenze di ...L'Osservatore Romano sintetizza le difficoltà future, troppe divisioni ...Il MessaggeroRefe […]
    • Cardinale Stella: su L'Osservatore Romano, nuova “Ratio” per la ... - Servizio Informazione Religiosa December 8, 2016
      Cardinale Stella: su L'Osservatore Romano, nuova “Ratio” per la ...Servizio Informazione ReligiosaLa formazione dei sacerdoti deve essere “rilanciata, rinnovata e rimessa al centro”. Questo, sottolinea il cardinale Beniamino Stella a L'Osservatore Romano, è.altro »
    • Silence, Papa Francesco e l'incontro con il regista Martin Scorsese - Avvenire.it November 30, 2016
      Avvenire.itSilence, Papa Francesco e l'incontro con il regista Martin ScorseseAvvenire.itL'intervista viene pubblicata dall'Osservatore Romano. Ed è stata rilasciata dal regista americano dopo l'incontro con Papa Francesco che ha raccontato di aver letto «Silenzio», il libro di Shusaku Endo da cui è stata tratta la sceneggiatura del film […]
    • Osservatore Romano: “Renzi coerente nel dimettersi” - SiciliaInformazioni.com December 5, 2016
      SiciliaInformazioni.comOsservatore Romano: “Renzi coerente nel dimettersi”SiciliaInformazioni.com“Il capo del governo aveva legato le sorti dell'esecutivo e il suo personale percorso politico a questa consultazione. Con coerenza ha tratto le conseguenze di una sconfitta forse inattesa nella sua dimensione”. E' quanto sottolinea l'Osservatore . […]
    • L'Osservatore Romano: in prima pagina "l'Apocalisse climatica ... - Meteo Web December 2, 2016
      Meteo WebL'Osservatore Romano: in prima pagina "l'Apocalisse climatica ...Meteo WebL'Osservatore Romano apre in prima pagina con titolo “Apocalisse climatica“. “Il mondo – scrive il quotidiano della Santa Sede – è sull'orlo di un'apocalisse ...altro »
    • Bagnasco: 'E' l'ora di camminare insieme'. L'Osservatore Romano ... - ilgiornaleditalia December 5, 2016
      ilgiornaleditaliaBagnasco: 'E' l'ora di camminare insieme'. L'Osservatore Romano ...ilgiornaleditaliaL'Osservatore Romano, che nell'edizione appena andata in edicola nel pomeriggio di lunedì dedica al voto referendario il titolo di apertura "Renzi al Quirinale per presentare le dimissioni", scrive tra l'altro […]
    • “Valdinievole e non Terni”: Vezzosi critica lo studio dell'Osservatore ... - gonews November 28, 2016
      gonews“Valdinievole e non Terni”: Vezzosi critica lo studio dell'Osservatore ...gonewsCosì, il leonardista e direttore del Museo Ideale 'Leonardo' di Vinci, Alessandro Vezzosi richiama l'attenzione su un articolo pubblicato ieri, 27 novembre, sull'Osservatore Romano in cui si avvalora un nuovo studio dello storico dell'arte Luca […]
    • Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - iL Meteo December 5, 2016
      Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi"iL MeteoOsservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi". "Tenuto conto anche della complessità della materia sulla quale si richiedeva il parere degli italiani, è opinione condivisa che il voto sia diventato fatalmente un giudizio sull'operato del capo del ...
    • La Congregazione per il Clero: i preti siano leali, mai ipocriti e con il ... - La Stampa December 7, 2016
      La StampaLa Congregazione per il Clero: i preti siano leali, mai ipocriti e con il ...La StampaLeali, per nulla rigidi, mai ipocriti e con il «senso del bello». È l'identikit del prete doc come viene tratteggiato nel nuovo documento sulla vocazione presbiteriale ...Santa Sede: promulgato “Il dono della vocazione presbiterale” per la ...Servizio Informaz […]
    • Papa Francesco e il legame con Maria Salus Popoli Romani - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itPapa Francesco e il legame con Maria Salus Popoli RomaniAvvenire.it«Non mi sorprese affatto – ribadisce il cardinale, che ebbe modo di conoscere Bergoglio durante il suo impegno come nunzio apostolico in Bolivia –, anche perché mi aveva confidato anni prima che la Basilica della Salus Populi Romani era una tappa ...
  • RSS avvenire – Google News

    • Papa: rigidità e mondanità, un disastro per i sacerdoti - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itPapa: rigidità e mondanità, un disastro per i sacerdotiAvvenire.it8 dicembre Immacolata Concezione, una storia di bellezza. Andrea Galli. In libreria Esce in un volumetto l'intervista del Papa a Avvenire. Francesco Ognibene. Intervista al giornale belga Papa: sì a Stato laico, no a laicismo e fondamentalismo. Primo ...altro »
    • La mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugno - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itLa mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugnoAvvenire.itIl segretario: mi fido di Mattarella, mai un esecutivo contro di me. Domenica colloquio decisivo con il Colle. L'alternativa è Delrio. Riproduci Chiudi il player. La mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugno. Nel primo vero ...altro »
    • Papa: Nella tragica realtà dei migranti rivediamo quella del bambino ... - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itPapa: Nella tragica realtà dei migranti rivediamo quella del bambino ...Avvenire.itIl presepe collocato in Piazza San Pietro richiama "la triste e tragica realtà dei migranti sui barconi diretti verso l'Italia. Nell'esperienza dolorosa di questi fratelli e sorelle, rivediamo quella del bambino Gesù, che al momento della nascita non […]
    • Caritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchie - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itCaritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchieAvvenire.itDue i progetti attivati per rispondere all'appello lanciato da papa Francesco: coinvolti gli istituti religiosi e le famiglie. Riproduci Chiudi il player. Caritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchie. Sono 123 i richiedenti asilo e protetti ...altro »
    • Trovata morta la ragazza cinese scomparsa lunedì - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itTrovata morta la ragazza cinese scomparsa lunedìAvvenire.itL'ipotesi più probabile è che sia stata investita da un treno. Ma la polizia indaga su un'eventuale violenza. La ragazza, 20 anni, aveva denunciato il furto della borsa poco prima di scomparire. Riproduci Chiudi il player. Il luogo del ritrovamento del ...altro »
    • Esce in un volumetto l'intervista del Papa a Avvenire - Avvenire.it December 7, 2016
      Avvenire.itEsce in un volumetto l'intervista del Papa a AvvenireAvvenire.itVa in libreria il volumetto che raccoglie l'intervista del Papa ad Avvenire, il dialogo con Stefania Falasca pubblicato venerdì 18 novembre e che ora Edb rilancia in una coedizione con il nostro quotidiano, aperta dall'editoriale di monsignor Marcello ...
    • Parità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontana - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itParità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontanaAvvenire.itSono 14mila le frontaliere che ogni giorno si recano dalla regione di Yerbala, nel nord del Marocco. Riproduci Chiudi il player. Parità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontana. Le donne possono dare un contributo essenziale alla lotta contro ...
    • "I migranti? Per i piccoli Comuni sono un'opportunità" - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.it"I migranti? Per i piccoli Comuni sono un'opportunità"Avvenire.itParla il sindaco di Sant'Alessio in Aspromonte, 400 abitanti e 50 ospiti stranieri. "Con l'avvio del progetto Sprar, oltre ai rifugiati sono tornati anche alcuni italiani". Riproduci Chiudi il player. I ragazzi di Sant'Alessio in Aspromonte dur […]
    • Incendio nel ghetto dei bulgari, morto un 20enne - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itIncendio nel ghetto dei bulgari, morto un 20enneAvvenire.itUn ragazzo di 20 anni è morto carbonizzato nell'incendio scoppiato nel campo soprannominato il "ghetto dei bulgari" nella frazione La Pescia, nel comune di Foggia, tra Borgo Mezzanone e Tressanti. L'intervento dei vigili del fuoco è stato richiesto ...altro »
    • Fisco, bonus e previdenza: ecco la nuova legge di bilancio 2017 - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itFisco, bonus e previdenza: ecco la nuova legge di bilancio 2017Avvenire.itLegge da 27 miliardi. Via all'Ape. Moody's: prospettive negative. Via libera con 166 sì, 70 no e 1 astenuto. Per l'anno prossimo nuovo taglio delle tasse, dal canone Rai all'evitato aumento dell'Iva. Riproduci Chiudi il player. Fisco, bonus e ...altr […]