Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Moment Media IQRA – Qaybta: 3aad

imageDib u eegista Taariikhda Soomaaliya: 

TAARIIKH: Qaybta: 1aad | 2aad |
Taariikhdaada marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa….

Moment Media IQRA | January , 2010
Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhda Soomaaliya xilligii bilowgii Islaamku soo gaarey Soomaaliya iyo safaradii ay Soomaaaliya ku yimaadeen bad-mareenadii Carbeed iyo bad-mareenadii Muslimiinta ahaa. Waxa kale oo Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayaa jidkii ganacsiga ee loo aqoonjirey Wadadii Xariirta ahayd taas oo isku xiriirin jirey ganacsiga Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha, wadadaas oo mari jirey Soomaaliya. Arrimahaas oo dhammaantood muujinaya in dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo leh taariikh facweyn, ayna xiriir la lahaayeen xadaaradihii adduunka soo maray.

Taariikhdaas Soomaaliya iyo tixraacyo dheeraad ah ka akhri hoos:

IQRA (5tii ayadood ee u horeeyey Quraanka)

Nebi Muxammad (Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee (NNKH)) oo ku nool dhul saxara ah oo ka fog xadaaradda, dadkuna aysan wax akhrin, Nebiguna wax akhrin ayaa Allah ku soo dejiyey shan (5) Aayadood oo ay ugu horayso IQRA (AKHRI) isagoo joogey godkii Qaaru Xiraa oo ku yaal buurta Jabalu Nuur oo u dhaw Makko.

“Markii si xeeldheer loogu kuurgalay akhbaaraha taariikhdaan kusoo arooray waxaa suurta gashay in lagu jaangooyo maalinkaas waxyigu soo dagay inuu yahay maalintii Isniinta ee bisha Ramadaan ahayd 21 waqti habayn ah, waxayna waafaqsan tahay tobanka bisha August sanadka 610 ciise dabadi (10/8/610-kii ciise dabadi), cimrigii Nebiguna NNKH wuxuu maalintaas ku xaddadan yahay 40-sano oo dayax ah, lix bilood iyo 12-maalmood, taasoo u dhiganta 39-sano oo qorrax ah, sadex bilood iyo 12-maalmood.” Tixraac qormadii Sheikh Sancaani ee Silsiladda Taariikhda Islaamka.

Ayadahii u horeeyey Quraanka oo ku bilaabatay AKHRI, waxay tilmaamaysa mucjisada Qur’aanka, maadaama horumar kasta oo dunida waxa lagu gaaraa ay tahay wax akhrinta.

Aayaddu waxay xoojisey “Wax ku akhri magaca Allah” taas oo daliil u ah haddii aad Allah ka tagtid aqoontaasi waxay noqonaysaa Aqoontii uu Nebigu NNKH yiri: Allahayow waxaan kaa magan geliyaa cilmi aan wax nafac ah lahayn.

Magaca Allah yaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista:
1. Wax ku akhri (Nabiyow) Magaca Eebbe ee abuuray (khalqiga). 2. Dadkana ka abuuray Calaq. 3. Akhri Eebena waa kan Sharafta lehe. 4. Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro. 5. Dadkana baray waxayna aqoonin. (Suurad 96:1-5).
Islaamku waxa uu la yimid xadaarad iyo Ilbaxnimo, maadaama Aayaddii u horaysay ay tahay AKHRI, waxaa Nebi Muxammed NNKH uu muddo 13 sano ah magaalada Makka ka waday dacwad ku salaysan IQRA. Kaddib waxa uu u gudbey Madiina oo uu dacwaddii ka sii wadey 10 sano oo kale, taas oo gaartay guud ahaan jasiirada Carabta. Maalintii Allah soo dejiyey IQRA kaddib 200 sano (laba qarni) waxaa ilbxanimadii Adduunka ku wareegtey oo gacanta ku hayey dadkii Muslimiinta ahaa.

File:Califate 750.jpg Xadaaradii Islaamku meelihii ay ugu xoog weyneyd.

Xilligii Khaliifadii al-Ma’mun (oo ahaa wiilkii Harun al-Rashid) waxa uu dalbaday in loo keeno wixii kutub/buugaag iyo qoraal adduunka yiil. Markii loo keenay waxa uu yiri kulligood hala tarjumo isagoo adeegsanayey Gurigii Xigmadda. Ilbaxnimada, aragtida iyo hanka intaas gaaray ayaa Islaamkii la yimid. Xilligaas waxa uu ahaa xilligii Dahabiga ahaa ee Islaamka, waa bartamihii qarnigii 8-aad ilaa Qarnigii 13aad AD (Islamic Renaissance /Islamic Golden Age).

Gurigii Xigmadda (House of Wisdom / بيت الحكمة‎) waxaa asalkii asaasay Harun al-Rashid oo ahaa khaliifkii Cabaasiyiinta, gurigaas oo noqday machad meeshii ugu saraysa gaarey intii u dhaxaysay 813–833 oo ahayd xilligii uu khilaafadda hayey wiilkiisii al-Ma’mun. Guriga xigmadda oo xaruntiisu ahayd magaalada Baqdaad, waxana xaruntaasi hirgelisey in luqadda Carabiga lagu tarjumo dhammaan cilmigii markaas jirey oo dhan oo laga soo qaadanayey buugaagtii iyo culuumtii kale ee jirtey. Baqdaad waxay noqotay magaalada ugu camiran adduunka xag kasta.

Xilligii Khaliifatul al-Ma’mun waxaa Guriga Xigmaddu noqday meesha Adduunka looga soo raadsado cilmiga, sida Xisaabta, cilmiga xiddigiska, daawada, juquraafiga, kimisteriga iwm. Aqoonyahanadii ka tirsanaa Guriga Xigmadda waxaa ka mid ahaa Aabahii xisaabta Algebra oo ahaa Muhammad ibn Musa al-Khwarizmi, oo sannadkii 820 AD qoray buugga Kitab Al-Jabra, buuggaas oo ah kan laga qaatay xisaabta Aljabrada ee adduunka hadda laga adeegsado.

Ayaddii IQRA kaddib Islaamkii ayaa la wareegey xadaaraddii Adduunka.

Islaamku waxa uu Soomaaliya soo gaarey xilligii quruurntii barakaysnaa kuwoodii ugu horeeyey, hijradoodii ugu horeeyey markii ay asxaabtii ka soo haajireen dhibaatadii ay qureyshi ku hayeen oo ay soo aadeen dhulka Xabasha meeshii ugu horeysey ee ay soo mareen waxaa lagu qiyaasayaa meesha baddu isaga dhowdahay oo ah dhul Soomaaliyeed (sida Saylac ama Jabuuti).

Sannadkii 615 ayaa Hijradii u horeysey ee Muslimiintu ku soo aadeen dhulkii Xabashida ee uu ka talinayey boqor Najaashi (Akhri waraaqihii Nebigu NNKH u qoray boqorada).
Saxaabada la tuhmayo in ay Soomaaliya yimaadeen waxaa ka mid ah Abuu Muusa Al Ashcari iyo Cali ibnu Daalib (radiyallahu canhumaa). Waxa kale oo jirey xilligii Cabdul-Malik ibnu Marwaan waxa uu ciidan u soo diray dad Muslimiin ah oo deganaa Koonfurta Soomaaliya oo diidey in ay sakada in ay bixiyaan, markii ay yimadeen ciidankaasi si rasmi ah ayey halkaas u degeen, mana laaban, waxaana la qiyaasayaa in dadka Soomaaliyeed ee midabkoodu cadyahay ee deggan Koonfurta Soomaaliya in ay ka soo jeedaan dhacdadaas dadkii la socdey.

Bad-mareenadii Carbeed ee yimid Soomaaliya

Islaamkii markii uu hana qaaday waxaa dhacday in Carabtii ilbaxa ahayd ay aad u daneeyaan Soomaaliya. Waxaana markaas Soomaaliya yimid dal-mareeno badan oo Carbeed ama Muslimiin ah, kuwaas oo qoraallo ka sameeyey Soomaaliya. Dal-mareenadaas iyo taariikhihii ay yimaadeen Soomaaliya waxaa ka mid ahaa: Al-Yaqubi (Qarnigii 9aad ciise dabadii). Al-Mas’udi (933), Al-Istakhri (960), Ibnu Hawgal (977), Al-Barruni (1030), Al-i-drissi (1154), Yaqut (1229), Ibna Battuta (1331), Al-Harruni (1334), Ibn-Said (1344).

Bad-mareenada Carbeed ee imanayey Soomaaliya waxay muujinaysaa in Soomaalidu yihiin dad taariikh leh oo dhulkooda ay xiisaynayeen.

Ibnu Batuuta (oo ahaa nin Muslim ah oo ah reer Moroccan dadka loo yaqaan Berberiga, oo ahaa bad-mareen iyo sahamiye adduunka ku safri jirey) markii uu yimid Muqdisho sannadkii 1331 waxa uu ka qoray hadalkan: “Muqdisho waa magaalo baaxad ahaan aad u weyn oo aan la soo koobi karin. Dadkeedu waxay leeyihiin Geel farabadan oo ay maalinkasta qashaan boqollaal, waxa kale oo ay leeyihiin ido farabadan. Dadkeedu waa dad aad ugu wanaagsan ganacsiga. Waa magaalo lagu farsameeyo dharka loogu magac daray magaalada, kuwaas oo aysan jirin cid kula tartamaysa, waxaana loo dhoofiyaa ilaa Masar iyo meelo kale.”

Safarkii Zheng He ee Soomaaliya

Dadkii kale oo ahaa dal-mareenada Muslimiinta ee yimid Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Zheng He oo ka soo jeedey dalka Shiinaha gobolka hadda loo yaqaan Yunnan. Safarkiisii u horeeyey Zheng He waxa uu booqday magaalooyin badan oo xeebaha Soomaaliya oo ay ku jirtey Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo. Waxaana jirta Tuulo u dhaw Kismaayo ee aagga webiga Jubba oo loogu magac daray bad-mareenkaas Zheng He.

Taariikhdu waxay xustaa markii uu Soomaaliya ka laabtay waxyabihii ugu xiisaha badnaa ee uu 1415 kala laabtay waxaa kamid ahaa Geri. Waxaana lagu tilmaamay dhammaan waxyaabihii uu safarka kala soo laabtay wixii ugu xiisaha ama qiimaha badnaa in uu ahaa Geriga uu kala yimid Soomaaliya, Gerigaas oo lagu xusay buugaag farabadan.

Zheng He maraakiibtii uu safarka ku geli jirey waxaa taariikhdu xustaa in ay aad u baaxad weynayeen. Si aad u aragtid baaxadda maraakiibtii Zheng He waxaad booqan kartaa Mall-ka “Ibnu Battuta Mall” oo ku yaal Dubai, halkaas oo lagu soo dhig markab kamida maraakiibtii Zheng He oo la barbar dhigayo markabkii Christopher Columbus kaga gudbey badweynta Atlantic sannadkii 1492 safarkiisii uu ku tegey qaarada Ameerika, taas oo muujinaysa in markabka Zheng He uu aad uga baaxad weyn yahay.

Zheng He waalidkiis oo Muslimiin ahaa waxay u bixiyeen magaca “Ma Ho” oo Afka Shiinaha ku ah Muxammad. Aabihiis iyo awgiisba waxay ahaayeen Muslimiin, waxayna tageen Xajka. Arrintaas oo wiilkii yaraa ee Zheng He ku dhalisay in uu maalin uun sidaas oo kale uu safar dheer u galo. Intii uu nolaa Zheng He waxa uu tegey Xajka (Makka) iyo Madiina. Waxaa jira meelo badan oo loogu magac daray magaciisii loo aqoon jirey xilligii uu carruurta ahaa oo ah Sanbao (oo macnaheedu yahay saddexddexdii qaniimadood), waxaana goobahaas loogu magac daray ku yaaliin Thailand, Malaysia iyo Indonsia.

Waxa kale oo taariikhdu xustaa in xiriir wanaagsan ka dhexeeyo Soomaalida iyo Muslimiinta Shiinaha, xiriirkaas oo soo bilowday xilligii Zheng He, xiriirkaas oo la tilmaamo in uu weli jiro.

Taariikhahaas ay bad-mareenada Muslimiintu ku imanayeen dhulka Soomaaliyeed waxay muujinayaan in Soomaalidu tahay dad leh taariikh aad u facweyn oo aysan ahayn dad dhawaan dhulka soo degey. Waxa kale oo ay tilmkaamaysaa in Soomaalidu yihiin tan xadaarad leh, sida Muqdisho oo ay ku oolaayeen wershedo, lagana dhoofin jirey alaabada ay kamid yihiin dharka lagu sameeyo Soomaaliya.

Wadadii Xariirta (Silk Road) oo mari jirtey Soomaaliya

Socdaalladaas Carabta iyo Muslimiinta kale waxaa garab socdey taariikh looyaqaan “Wadadii Xariirta” (Silk Road) oo ah waddo ganacsi oo isku xiri jirtey Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha. Magaca wadadaas oo asal ahaan ka soo jeeda ganancsi aad u kobcay oo ahaa Shiinaha oo ka ganacsan jirey Xariirta wadadii ay marin jireen. Wadadaas waxyaabihii lagu safrin jirey waxaa kamid ahaa waxyaabaha cuntada lagu macaaniyo ama lagu udgiyo oo ay reer Yurub danaynayeen, waxaana alaabtaas laga keeni jirey bariga fog ilaa Shiinaha.

Haddaba waddadaas Silk Road meelaha ay marijirey waxaa kamid ahaa Soomaaliya. Marka guud ahaan laga hadlo meelaha dariiqaasi marijirey, oo isku jira bad iyo berri waxay ahaayeen: Koonfur Europe ilaa uu sii maro Arabian Peninsula, Somalia, Egypt, Iran, Pakistan, India, Bangladesh, Java-Indonesia, iyo Vietnam ilaa uu gaaro China.

Qormadii hore waxaan kusoo aragnay in Soomaaliya loo aqoon jirey “Dhulkii Qorfaha” oo ay u aqoonjireey Giriiggii hore & Roomankii oo Soomaaliya ka qaadan jirey qorfaha. Arrimahaas oo dhan waxay caddayn u yihiin taariikhda facaweyn ah ee dhulka iyo dadka Soomaaliyeed oo weligood xiriir la lahaa xadaaradihii iyo ganacsiyadii adduunka soo maray ilaa haddana ay Soomaalidu yihiin dad ganacsiga aad ugu wanaagsan oo firfircoon. (Taariikhdaada marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa….)

image image image image image image image image

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s