Taariikhda baarlamaanka Soomaaliya – Xildhibaanimooy Xaal qaado!

Wax Soo Saarka Xildhibaanada Somalia   Mooshin Mooshin Mooshin Cusub

image

Aragti suubban iyo eray suugaan

Xildhibaanimooy Xaal qaado!

Bar AMA Baro – Qormadan, waxaan ugu magacdaray, heesta kooxda Qeylodhaam: “Xildhibaanimooy xaal qaado” oo anigu runtii aan aad uga helay, gaar ahaan iyo guud ahaan heesaha kooxdan, maadama ay ku soo beegmeen, xilli aad u xassaasi ah. Waa kooxdii labaad, oo nooceeda ah ee Soomaaliyeed ee samaysanta. Sanado ka hor, waxaan si fiican uga wada dharagnay, heesaha baraarujinta kooxda caan baxday, ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa.

Maanta waxaan jeclaan lahaa, inaan waxyar ka iraahdo heestaa iyo sida loola falgalay ama wixii laga yiri.
Heesta hal ku dhaggeedu waa: “Xildhibaanimooy xaal qaado”, marka ay soo baxday, waxaan u dhagaystay si fiican, aamigo dhawr kol ku ceshtay, dhuuxayna erayada iyo ujeedka heesta,l. Maalmo ka dib, ayaan dhagaystay waraysi laga qaaday Prof Dalxa, oo uu ku dhaliilayo kooxda iyo gaar ahaanba heestan. Anoo fajacsan, oo leh war Prof-ka maxaa ku dhacay, oo qaaday? Fudaydka intaa la eg ku ma filayne? Maadaama kooxdan ay tahay koox, is kaa wax u qabso ku dhisan, cidna aan mushaarsiin, qolo gaar ah u heesin, kuna jirin xizbi siyaasaded, ka maansoodaan wixii taagan dabeedna ku codeeyaan.
Su’aalahaa iyo kuwo kale markay madaxayga ku soo dheceen, oon leeyahay: Allalayle Prof-ku wax dhihid ayuu u baahan yahay, ayaan waxaan dul sitaagay farshaxanka weyn ee Amiin Caamir oo ka hadlaya heesta iyo kooxdaba, markaan dhagaystay hadalkiisii ayaan iri: “Afkaaga caano lagu qabay”, wixii niyaddayda ka guuxayey ayaad sheegay, sidaana xilkii iiga dhacay, dad badanoo i la midana ka ridday, markaa baan haddana xasuusgalay, oo dib milicsaday, mise, waxaa ii muuqday muuqaal aysan niyaddaydu jeclaysan.
Haddana waxaan ku laabtay Prof-ka, oo aan su’aalo badan hordhigay, anihoo leh, war Prof ma i la xasuusataa kuraastii cascaseed ee Nayroobi? Mise waa hilmaantay, haddaad illowday waxaan ku leeyahay: “Alla Illowsha dhawaa ma umulaa?!”, maahmaah ahaan ayaan uga jeedaa, falka asigu ma samayn, balse, wadaaggu waa halmaamka, aniga prof waxay igu noqdeen laf dhuungashay iyo boog aan raysan. Su’aalaha ayaan sii waday oon iri: ma waxaad na leedahay xildhibaannadu wa xalaalquutayaal? Ma sidaa ayaad naga dhaadhicin ood donaysaa inaan ku qanacno? Waa ii dhadhami waysay markaasaan iri: “maya Prof taa iska illow, laga gudub xilligii dadku suuxsanaayeen, ee wixii la doono loo meerin jiray!”.
Hadalkii ayaan sii watay oon ku iri: waxaa noo joogaa kooxda Qaylodhaan, Waayhacusub, qoroyaal iyo mareego u heellin had iyo jeer soo gudbinta xaqiiqada, ku dhibtayaa ama jeclaataye!

Waxaan ku iri: kolley waa kuu jeedaa inaad qoonsataye, awood aad wax uga qabato ma lihide, ma sidii Sheekh Shariif ayaad habaarrami doontaa? Habaar hadduu wax qabanayo Sheekhuu wax u tari lahaa, markaas baan ku iri: “waxaad ii sheegtaa tuducda ku gubtay eed is la hayn waysay?!” Inta uusan ii jawaabin ayaan ku iri: “Sida caadada ah hadal walba waxa uu leeyahay reebe ama saare, waxaan uga jeedaa khaas yeelaha hadalka saara wixii soo dhexgali lahaa, mar waxay ka muuqataa hadalka, marna waxay kuba jirtaa oraahda, marna waxaa lagu gartaa dareenka iyo garashada.
Jawaab waafiyase ka ma halin, sida uusan u siin wariyihii waraysanayayba, haddaa muxuu hadal aan qusayn u soo dhexgalay? Mise waa meeshii laga yiri: “ Meesha bugta iyo fartaa is og!”, oo wuxuu is leeyahay adna waad soo galasyaa, hadduuba difaacay kuwaan arkay, hubaal inuu soo galayo, ama Prof ha ahaado ma ayuusan ahaan, waxaase la yaab leh Prof-ka aqoontiisii ma wuxuu ka doorbiday, inuu ku difaaco wadaadxumayaal iyo qabqableyaal, xildhibaanno sheegta? “Alla Anaa iska ba’ay” waa wixii lagu barooran jiray!
Maya sidaa ma ahan ee Prof-ka waa lagu duxay, oo yaa ku duxay? Soomaalidaa tiraa: “Dariskaa kuma caddeeyo, kumana madoobeeyo, ee siduu yahuu kaa dhigaa!”, waxaa ku neefsaday calooshood u shaqaystayaasha iyo xaraan ku naaxayaasha, marka wuxuuba is tusay ninkii xildibaan dhaliila, inuu isaga dhaliilayo. Prof ujeedku sidaa ma ahan, hadalkuna asiga ku ma quseeyo ee xasuusnoow, haddii kale, waxba ha is qarin, ee bannaanka isa soo dhig, waa la ka la dambayn ma ahane waddadaa lagu wada joogaa! Saw ma aragtid Wadaaddadii diinta ee shalay maanta sida ay u dhaqmayaan?!
Hadday sheekadaa gaaban ee dAden maaxadka ah na dhex martay aniga iyo Prof-ka, ayaa shalay lagu ka la dareeray kal fadhigii baarlamaanka, markaasan iri: Ar Proofoow ma dhex joogtaa mise waa dhuumatay? Anoo raba inaan dareen siiyo in kooxda Qayladhaan ka saxneyd, oo issgu bacaad cidla ah qoor sagaaro ku hayey, tagtadii dhacday 2004-tii iyadoo wali iga hari la’daday, ayaa waxaan daawaday muuqaal laga soo qaaday kulankii baarlamaanka, mise waa iyagii oon biyo ismarin, maba isbadalin oo waa sidoodii, ortii qayladii iyo qalalabtii ayey wali wadaan, waxaad mooddaa xoolalay taagan suuqaxoolaha, oo ku guda jira gorgortan iyo iga dhin, feerka iyo tumburyadu waa astaan ma hartaa, haddii la ka la dareeray maxay wali is ku sii hayaan?.

image

Xildhibaanadii Buuqa iyo Foodada ka riday Kulankii Baarlamaanka Nin lagu sheegayo inuu yahay xildhibaan ayaa firimbi soo qaatay markaasuu sidi nin waalan la dhex istaagay golihi shacabka isagoo weliba isla fiican..

Xildhibaano xishood ka arradan!
Waxaa noo caddaatay dadka ku jira barlamaanka qaarkood inay yihiin dad aan ka xishoon ummadda Somaliyeed oo meesha ay fadhiyaan xushmadda ay leedahay aan dareensaneyn. Xilalka ay ummadda u hayaan oo carabiga lagu yitaahdo MUSHARRAC (LAWMAKER) oo ah sharci dejiye inaysan u qalmin waana dad soo qaldamay oo mooday inay sidi ay rabaan u dhaqmi karaan iyagoon ka xishoon ummadda ka sugeysa inay dalkan samata bixiyaan, soo saaraan shuruuc lagu dhaqo dadka iyo dalka, gaarsiiyana doorasho ruux waliba xur u yahay codkiisa qofki uu rabana dooran karo.
Waxaa jira xikam Iyo axaadiith fara badan oo ka hadlaaya xishoodka waxaana ka mi ahaa xadiithkan ان لكل دين خلقا وخلق الاسلام الحياء
Waxaa jira xikmad laga weriyay وهب بن منية من كساء الحياء ثوبه لم يرالناس عيبه
Annigoo wax ku baranaayo Milano Dalka Talyaaniga goor subax ah ayaa wargeeska (corriere della sera) sheekadaan ka Akhriyay……nin xoogaa madaxa looga jiro oo waalan ayaa la arkay asagoo baskillki carruurta ku dhex wata magaalada, markaasaa askari kuwa jidadka trafiko ah qabtay markasuu yiri “non ti vergogni a padellare la bicicletta dei bambini sulla strada principale”..Trafikadaani ma yaqaano ninkan inuu xoogaa khafiifsann yahay..markasuu ku jawaabay ninkii waalnaa “ tu sei peggio di me a fischiare sulla strada come un bambino”…micnaheedu waa askarigi uu yiri war ninyohow miyaadan xishoon markaad soo wadaneyso baaskiilki carruurta…ninkibaa wuxuu ku jawaabay adigaa iga liita oo sidi carruurti shaarciga firimbi la taagan!.

Nin lagu sheegayo inuu yahay xildhibaan ayaa firimbi soo qaatay markaasuu sidi nin waalan la dhex istaagay golihi shacabka isagoo weliba isla fiican..maxaa lagu sheegi karaa ninkaas?! Masu’uul maka naqan karyaa ummad oo xil ma loo dhiban karaa isaga iyo kuwa u sacbainaaya?!!!

Ugu dambayn waxaan dhihi lahaa Prof-ka, “waayuhu is badali maayaane, yuusan hadal kaa tagin”, haddii kale waxaad marti u noqon doontaa barnaamijka taxane ah ee “Labo Codleyn”, taasi handaad ma ahan, ee waa tusaalayn, maadaama aysan habboonayn ka la hadalka iyo isku dhexyaacu. Dhanka kale, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa kooxda Qaylodhaan, oon leeyahay hawsha halkaa ka sii wada, ha u jooginnina doc ka yeer iyo hadaaqe toona. waxaad qabanaysaan bulshada ayaa garanaysa qiimahooda, nin iska dhex arkay erayadiina ma garan karo!
Waxaan ku soo afmeerayaa qormada erayada heesta “Xildhibaanimooy xaal qaado”, haddii aan meelaha qaar qaldo qaraalkeeda waa dhaga culays aan ka cudur daaranayo, saxnimadeeda waan soo dhawaynayaa, heestiina waa tan, ee ka haqab beela.

IQRA Read : Xildhibaanimooy xaal qaado

Xildhibaanimooy xaal qaado
Xushmad baa lagaa doonayaa
Haddaad xildhibaan tahaye
Xeerkood ilaalisaa habboon
Iyo xumaha ood diiddo
Qaaraan xilkaba qaadi karin
Yaab baa la soo xulaye.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Xeebaha kuwii iibsadoo
Waliba xuurstaysan
Ayaa xilka gaar naga hayoo
Xeerna kuu qabane
Dadka Kuwii xasuuqaa ku jira
Kuwii xumaan dhigaye
Xabaddoo dhacaysay rabaan
Xoolo booliyehe.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Amisom bay xayndaab ugu jiraan
Xerayodoo oodan
Xabbaduhu waxay dilaan
Maalintii maato xoog darane
Xinjiraha shacabkay daadiyaan
Kuna xashaashaane
Xaafad quray kuwada nool yihiin
Xamartii weyneyde.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Xafafka nabarrada qarsoon
Xanafta noo laaban
Xaalufka iyagaa noogu wacan
Xiisadaha taagan
Xaquuqul Aadankay jabshaan
Xeer ma dhawraane
Xurmo malaha ruuxii dad yahaw
Xaaraan ku naaxaaye.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Illaa ay laaluush xaabsadaan
Xukun ma gooyaane
Xarbigu inuu sii socday daanayaan
Tan iyo xiixaaye
Xaqir bay naga dhigahayaan
Annagoo dawlad xoog badana.

Baarlamaan xoraan doonaynaa
Xiisa loo qabaan doonaynaa
Xaq inaad leedihiin dadweynow
Xukunku ha ogaado
Xaafadaha ka soo wada boxoo
Sheegta xubintiinna
Oo xamaasada kacshoo
Xiisa ololeeya
Ilaa aad xaqiinnii heshaan
Yaan la xagaldaacin.

Xildhibaanimoow xaal qaado.

Dhammaad.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s

  • Daily Alert News

  • THE GARISSA GENOCIDE AND THE PLIGHT OF KENYAN SOMALIS SINCE “INDEPENDENCE”.

  • Political Analyst & Expert in East Africa politics Moment History Society

  • Xisbiga Xuriyadda

  • Taariikh nololeedkii Imaam Axmad Gurey

  • taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban

  • Reflections on the life and learning of Prof. Said Samatar

    Professor Said Samatar who died February 24, 2015

  • Recent Posts

  • Truth to Power

  • Wall Truth

  • RSS osservatore romano – Google News

    • This RSS feed URL is deprecated June 25, 2018
      This RSS feed URL is deprecated, please update. New URLs can be found in the footers at https://news.google.com/news
    • Osservatore Romano. Dottrina della fede: il «no» alle donne prete è ... - Avvenire.it May 30, 2018
      Avvenire.itOsservatore Romano. Dottrina della fede: il «no» alle donne prete è ...Avvenire.itLo fa con un lungo articolo sull'Osservatore Romano dell'arcivescovo Luis Francisco Ladaria Ferrer, prefetto della Congregazione per la dottrina della fede (Cdf) che verrà creato cardinale il pomeriggio del prossimo 28 giugno, il quale ribadisce con ...Donn […]
    • Da Il Giornale de' letterati all'Osservatore romano. Breve storia del ... - articolo21 June 18, 2018
      Da Il Giornale de' letterati all'Osservatore romano. Breve storia del ...articolo21Le news passano per nuovi canali, sempre più molteplici e di vario genere. di Antonio Tarallo. L'informazione passa per i giornali, quelli che molte volte – in gergo tecnico –vengono chiamati “testate”. Il nome deriva da un fatto assai semplice ...
    • Su Acquarius l'Osservatore Romano chiede più chiarezza all'Unione ... - Farodiroma (Comunicati Stampa) June 12, 2018
      Farodiroma (Comunicati Stampa)Su Acquarius l'Osservatore Romano chiede più chiarezza all'Unione ...Farodiroma (Comunicati Stampa)“La questione immigrazione resta tutt'altro che risolta, soprattutto perchè, come hanno rilevato ieri fonti dell'Unione Europea in merito al caso della Aquarius, la situazione legislativa internazionale non è ch […]
    • Osservatore Romano, attacchi ripugnanti a Mattarella - ANSA.it May 29, 2018
      ANSA.itOsservatore Romano, attacchi ripugnanti a MattarellaANSA.it"Sono il frutto dell'arroventato clima politico di questi giorni gli attacchi, spesso ripugnanti, rivolti al presidente della Repubblica Sergio Mattarella soprattutto attraverso le reti sociali. Oltre a ingiurie, a volte contenenti ignobili riferimenti ...Quegli attacchi ripugnanti a […]
    • Migranti, l'Osservatore Romano mette in risalto le lodi di Salvini al ... - Il Messaggero June 4, 2018
      Il MessaggeroMigranti, l'Osservatore Romano mette in risalto le lodi di Salvini al ...Il MessaggeroCITTA' DEL VATICANO – L'Osservatore Romano mette in risalto le parole del nuovo ministro dell'Interno, Matteo Salvini che a Pozzallo ieri aveva detto che il suo predecessore Minniti ha fatto un «discreto lavoro» sui migranti aggiungendo anch […]
    • Pol - Governo, Osservatore Romano: "Scenario sempre più confuso" - PPN - Prima Pagina News May 30, 2018
      PPN - Prima Pagina NewsPol - Governo, Osservatore Romano: "Scenario sempre più confuso"PPN - Prima Pagina NewsRoma, 30 mag (Prima Pagina News) "Lo spread apre a 270 punti, in calo rispetto a ieri e le borse sembrano riprendere fiato. Ma la crisi italiana è tutt'altro che risolta e lo scenario sempre più confuso". Lo scrive l'Oss […]
    • Bassetti e la legge della fraternità: “Ecco l'effetto della società liquida” - Umbriadomani June 22, 2018
      UmbriadomaniBassetti e la legge della fraternità: “Ecco l'effetto della società liquida”UmbriadomaniCosì esordisce il cardinale arcivescovo di Perugia-Città della Pieve Gualtiero Bassetti, presidente della Cei, nel suo ultimo articolo della rubrica “Dialoghi” de Il Settimanale de «L'Osservatore Romano», in edicola venerdì 22 giugno, consultabile .. […]
    • «Migranti, la soluzione è l'accoglienza» - Il Manifesto June 20, 2018
      Il Manifesto«Migranti, la soluzione è l'accoglienza»Il Manifesto... CAPIRE pienamente la risposta del pontefice – e le forti critiche di Bergoglio al presidente Trump, prima della retromarcia – bisogna leggere quello che avevano dichiarato i vescovi messicani e statunitensi, rilanciato anche dall'Osservatore Romano ...altro »
    • [Il retroscena] La rabbia del Papa contro la prova muscolare di ... - Tiscali.it June 13, 2018
      Tiscali.it[Il retroscena] La rabbia del Papa contro la prova muscolare di ...Tiscali.itIn prima pagina sull'Osservatore Romano è apparso un grande titolo a cinque colonne che riassume un implicito riconoscimento di come poteva terminare positivamente questa vicenda dolorosa: “La Spagna accoglie i migranti del'Aquarius”. Sotto inteso che ...
    • La Segreteria per la Comunicazione diventa Dicastero - Vatican News June 23, 2018
      Vatican NewsLa Segreteria per la Comunicazione diventa DicasteroVatican News... la Segreteria per la Comunicazione si chiami, d'ora in poi: "Dicastero per la Comunicazione". Il Rescritto viene promulgato tramite pubblicazione sull'Osservatore Romano, entrando in vigore da oggi, e quindi verrà pubblicato sugli Acta Apostolicae ...Comunicaz […]
  • RSS avvenire – Google News

    • This RSS feed URL is deprecated June 25, 2018
      This RSS feed URL is deprecated, please update. New URLs can be found in the footers at https://news.google.com/news
    • Il calendario. Un'estate insieme ad Avvenire: le 11 feste da Matera a ... - Avvenire.it June 23, 2018
      Avvenire.itIl calendario. Un'estate insieme ad Avvenire: le 11 feste da Matera a ...Avvenire.itHa appena due anni ma la Festa di Avvenire ospitata a Matera è tra gli appuntamenti più prestigiosi organizzati nella storia del giornale. L'evento di quest'anno si svolgerà da lunedì 25 al 28 giugno in piazza San Francesco d'Assisi della Città […]
    • Nelle chiese. Domenica la raccolta per la carità del Papa. Anche ... - Avvenire.it June 23, 2018
      Avvenire.itNelle chiese. Domenica la raccolta per la carità del Papa. Anche ...Avvenire.itAnche per quest'anno i mezzi di comunicazione della Cei – Avvenire, Tv2000, Radio InBlu, l'agenzia Sir – e i settimanali diocesani associati alla Fisc promuovono la raccolta di offerte dell'Obolo di San Pietro. Per la giornata Avvenire ha diffuso una ... […]
    • Dal 25 giugno al 1 luglio. Matera, la festa di Avvenire per «nutrire le ... - Avvenire.it June 23, 2018
      Avvenire.itDal 25 giugno al 1 luglio. Matera, la festa di Avvenire per «nutrire le ...Avvenire.itCosì Avvenire risponde al suo ruolo di nutrire le coscienze critiche di lettori e simpatizzanti e così la Chiesa locale rende un servizio al suo territorio, inserendosi con autorevolezza nel percorso di avvicinamento al 2019, quando Matera sarà ...
    • Ankara. La Turchia rielegge Erdogan. Al via un'era di pieni poteri - Avvenire.it June 25, 2018
      Avvenire.itAnkara. La Turchia rielegge Erdogan. Al via un'era di pieni poteriAvvenire.itQuesto sito usa cookie di terze parti (anche di profilazione) e cookie tecnici. Continuando a navigare accetta i cookie. Cookie policy. accetta. Avvenire · CEI NEWS · SIR · TV2000 · RADIO INBLU · FISC. seguici su. Sezioni. Migranti · #alpapadirei ...altro »
    • Ordinanaza. Roma spegne le slot: fissate 8 ore di apertura massima - Avvenire.it June 25, 2018
      Avvenire.itOrdinanaza. Roma spegne le slot: fissate 8 ore di apertura massimaAvvenire.itEd è proprio questa la motivazione che la stessa Virginia Raggi sottolinea ad Avvenire, di fronte all'aumento dei casi di ludopatia. «La salute dei cittadini prima di tutto, per questo la nostra guerra al gioco d'azzardo non si ferma», assicura ...altro »
    • Più grandi della colpa / 23. Il gran registro del dolore invisibile (Dio e ... - Avvenire.it June 23, 2018
      Avvenire.itPiù grandi della colpa / 23. Il gran registro del dolore invisibile (Dio e ...Avvenire.itQuesto sito usa cookie di terze parti (anche di profilazione) e cookie tecnici. Continuando a navigare accetta i cookie. Cookie policy. accetta. Avvenire · CEI NEWS · SIR · TV2000 · RADIO INBLU · FISC. seguici su. Sezioni. Migranti · #alpapadirei ...
    • Zingari: Avvenire, “perseguitati da 500 anni” - Servizio Informazione Religiosa June 23, 2018
      Zingari: Avvenire, “perseguitati da 500 anni”Servizio Informazione ReligiosaLo scrive su Avvenire Alessandro Marzo Magno, ricordando i loro “500 anni di persecuzioni”. “Un po' in tutta Italia, e pure nel resto d'Europa, dal Cinquecento in poi gli zingari diventano oggetto di bandi e persecuzioni, ma da nessuna parte accade con ...
    • Le tracce della maturità svolte dagli esperti di Avvenire - Avvenire.it June 20, 2018
      Avvenire.itLe tracce della maturità svolte dagli esperti di AvvenireAvvenire.itDi seguito le tracce della prima prova di maturità svolte dagli esperti di Avvenire.altro »
    • Un tempo di cattivismo senza vergogna. Servono forza, parole e ... - Avvenire.it June 23, 2018
      Avvenire.itUn tempo di cattivismo senza vergogna. Servono forza, parole e ...Avvenire.itMa io mi ostino a sperare che possano averne altrettanto le "pagine intere" che "Avvenire" continua a dedicare da anni alle buone pratiche e alle buone ragioni di un'accoglienza di profughi e migranti economici regolata e lungimirante, come il ...
    • La polizia scopre 33 madri surrogate per «clienti» cinesi - Avvenire - Avvenire.it June 23, 2018
      Avvenire.itLa polizia scopre 33 madri surrogate per «clienti» cinesi - AvvenireAvvenire.itLa clinica è stata scoperta a Phnom Penh. Cinque arrestai. La pratica è vietata dal 2016, ma i traffici continuano. Alle donne erano stati offerti fino a 10mila ...altro »