‘SHALAY IYO MAANTA’ Xusuusta Soomaaliya iyo caalamka

imageQoraalka iyo muhiimadda uu leeyahay waxaa Muslimka caddeyn ugu filan 3 arrimood:

Kow, Suuradda Iqra oo uu Ilaah ku faanayo inuu Isagu yahay Allaha Kariimka ah ee dadka baray “qalinka”–calaashaan qoraalka. Xasuuso, waxay kaloo suuraddu ku billaabataa “Akhri” oo ah laf-dhabarka qoraalka.
Labo, Nebi Idriis (c.s.) ayaa ah ruuxii bin’aadamka ugu horreeyay ee wax qora.
Saddex, markii Rasuulkeenna Maxamed (s.c.w.) uu mushrikiintii Qureysh ku jebiyay dagaalkii Badar, waxa maxaabiistii aan lacagta heysanin madaxfurasho looga dhigay oo ay ku badbaadeen inay qoraalka iyo akhriska baraan toban ka mid ah Muslimiinta.


‘SHALAY IYO MAANTA’ Xusuusta Soomaaliya iyo caalamka

Prof. Ibrahim | Bar AMA Baro | Qoralkeeyga waxaan ku bilaabay sidaan:  SOMALIYA. Inta fiiri dabeeyshii Bar AMA Ha Lagu Baro ,inta fiiri daadad iyo fatahaad,inta fiiri abaar,inta fiiri qax,inta fiiri musuq maasuq,inta fiiri IGAD iyo AMISOM,inta fiiri gobalo kala go’aayo, inta fiiri shiid, inta fiiri xildhibaan iyo mooshin mataanaa,inta fiiri ururo diimeedyo isdiidan, inta fiiri beenta beesha caalamka, inta fiiri burcad badeed, inta fiiri sicir barar, inta fiiri carab iyo cimaamad, Inta fiiri Electoral Distribution of the Somali Republic (1960-1969),  inta fiiri qooysas dumaya, inta fiiri dhaqan dhumay, in fiiri Maansada: Xasanoow bal noo warran? Inta fiiri Xildhibaanimooy Xaal qaado! Inta fiiri, weerarkii argagxisadu ku qaadeen labada maqaayad, ee ku yaalla xeebta, inta fiiri, Axmad Madoobe; calal beel iyo ciidan shisheeye yaa daran?! Inta fiiri,  C/weli Gaas isagoo la saaxibay Cabdiweli Sh.(Xiirane) Inta fiiri, qaswadayaashi Xamar ee Gheedi, Baadiyow iyo Salaad Jeelle-..waana dadka Gaas qarka dheer ka tuuray oo is–mooday wuxuusan ahayn. Inta fiiri, Imaamnimada Shariif iyo Allaahu akbarta Mahiga! Inta fiiri, Axmad Madoobe; Ummaddu afka ha ku hadashee, ammaan ha kaa hesho! Inta fiiri, 10kii sane, ee u dambeeyey, siyaasadda dalka, sedburinta beelaha iyo sulufka colaadeed, waxaa safka hore uga jiray, sal iyo sabana u ahaa; Macallimiinta guud ahaan, gaar ahaa dugsi Quraanleyda, oo dhibka ay noo gaysteen ama nagu hayaan, aan wax la la meel dhigaa jirin! Waxaa la mida sheekhyada aan shiixin; Axmad Madoobe, Aadan Madoobe, Xasan Daahir, Shariif Sheekh Axmad, Xasan Sheekh, Janaqow, Faarax Cabduqaadir, Guuleed, Gaas, Shaakir, Sheekh Maxamuud, Aw Libaax, Inta fiiri,  web-Beeleedyadu Hurinta Colaadaha?! Inta fiiri , Gaas iyo Galmudug , Inta fiiri, Gaas iyo Guuleed: labo ma gudbe! Inta fiiri,Tahriib mise Tubqaad? Inta fiiri,GALMUDUG iyo Yuusuf Garaad , Inta fiiri,AMISOM: Nabad ilaalin mise Iil badin?! Inta fiiri, Ina Caydiid iskama hadlin! Inta fiiri, Calan iyo Calal Madaw kala Caynad Wacan! Inta fiiri, Jawaari iyo Faarax: Labo Jufannimada ku fogaaday! Inta fiiri, “IGAD” yey ku GAADIN! Inta fiiri, Cabdi Waliyoow; Orod Cirka gal! Inta fiiri, Shariif iyo xasan; Labada dhammaad isu ekaa! Inta fiiri, Gacantaad GABRE ku salaantay ha kaa GO’DO! Inta fiiri, Isku Shaandhayn Mise ishaa Falatayn?! Inta fiiri,  Labo Cabdi Wali; illeyn CEEB looma DHINTO! Inta fiiri, Ciidamada Afrika ee Nabad-Ilaalinta Soomaaliya, inta fiiri, ISKU MILANKA SIYAASADDA, QABYAALADDA, DHAQANKA, IYO DIINTA , inta fiiri, QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE! Inta fiiri, Xasanoow: GEEDDINA goormuu XARIIR noqday? Inta fiiri,
Maxaa Danjire Shariif Saalax loo maamuusi waayey?! Inta fiiri, Mudunayaal Mungaab maya! inta fiiri, Four reasons to reject the Somalia’s 4.5 clan-based system of election in 2016, Inta fiiri, IS 4.5 SOMALIA’S ENIGMATIC ADVERSARY? Inta fiiri,  ” Kacaanku waa ku tala jiray inuu isbedel ku sameeyo Diinta Islaamka. Waayo dawlad Shuuci ah ayuu ahaa. Waxaa taas daliil u ah nidaamkii Xeerka Qoyska ee uu qaatay. Kaasoo ka horimanayey Diinta Islaamka. Ku dhawaaqistiisu waxay muujinaysay kacaanku dagaalkii uu kula jiray Diinta. “Inta fiiri, Shiikh Nuur Cali Colow dhowr jeer ayaa xabsiga loo taxaabay. iyadoo loo arkayey inuu ka mid yahay wadaadada asalka u ahaa dacwadda Islaamka ee shacabka Soomaalida lagu baraarujinayo diintooda. Inta, fiiri, Luuqadda Casriga Ah ee Dhalinta “Wait, wait Snapchat video aan ka qaadee. Inta fiiri, Magaallada Muqdisho Magaallo Fiicnaan jirtay Balse Xumaatay ???!!!!

Intii aanan bilaabin Maqaalkii aan qor islahaa, korontadii ayaa naga go,day qolkiina waa mugdi, feeynuustuna gaas malaha. Indhaha ayaan isku qabtay waxaan soo xasuustay: “Qadarka ALLAAH, Runtii Nabi Muxamad (CSW), Faraatigii Nabi Suleymaan, Hashii Nabi Saalax, Ushii Nabi Muuse, Doontii Nabi Nuux, Hareedkii Hooshii Miin, Bidaartii Lenin, Dulqaadkii Cali Mahdi, Shaaribkii Hitler, Taliskii Siyaad Bare, Sankii Jamaal Cabdi Naasir, Mijihii Gaandi, Hodonnimadii Roog Fileer, , Burushkii Jooma Keenyaata, Gacmihii Xeyle Salaase, Firimbigii Carfaaye Iyo Firimbigii Xildhibaanka ,Dal balaarsigii Dulqarneyn, Gacan ku dhiiglenimadii Qaabiil, Kursigii Joorje Waashinton, Maseyrkii Abooto Xaawo (RC), Seeftii Khaalid Bin Waliid, Warankii Cantara bin Shidaad, Qandigii Abuu Hureyra, Jaakaddii Bukaasa, Jalmadii Calaa’udiin, Dharerkii Cabdow Diyaa’uuf, Daacadnimadii jen.Daa;uud, Gartii Ina San Weyne, Geesinnimadii Salaad gabeyre, Heeskii Saada Cali, Wadaninimadii Cusmaan Geedi Raage, Xikmadii Faarax Gololey, Muxaadaradii Dr.Abyan, Qabiidnimadii Musaliini, Cadaaladdii Sayid Cumar RC, Go’aan Qaadashadii Muxidiin Badar, Ayeeydii Obama, Gartii Gabre loo dhigtay, Gabayadii Faarax Seefey, Nabad jacaylkii Ugaas Khaliif,Erey bixintii Jen.Galaal, Dal jacaylkii Avv. Ismaaciil Jimcaale, Samirkii Nabi Ayuub, Shiishkii Aweys Geedow, Maah maahdii Xasan Geedi Abtow, Xirsigii Sheekh Maxamad Faarax, Garwaatigii C/raxmaan Jaamac Barre, Tol jacaylkii Alekis Heley, Tol habaabintii Geeda Qoroow, Akhyaarnimadii taliye Sheekh Yarow, Cirradii Aadan Cadde, Qadaadkii Iidi Amiin, , Xabsigii Nelson Mandella, Diin Fidintii Sheekh Ibraahim Yare, Karaamadii Sheekh Cali Maye, wardigii Sh. Loobage, Maaweeladii Aw Koombe, Jacaylkii Qeeys, Baftadii Macallin Nuur, Xuudkii Nabi Yoonis, Ducadii Nabi Zakariye, Madab jacaylkii Kuwaama Nakruuma, lixdii tiir ee Md. Xassan sheikh,Safaradii Cumar Carte, Lugtii Zoope, Giitaarkii Jim Henderekis, Feerkii Maxamad Cali Kalaay, Quruxdii Nabi Yuusuf, Indha gashigii Mooshe Dayaan, Gorgoradii Golden Mayer, Falsafadii Aristotal, Magaaladii Aflaadhoon, Sheekadii Anis Mansuur, Dameerkii Towfiiqal Xakiim, Godkii Jilacow, Buugtii Cabaas Caqaad, Qisooyinkii Agaasa Kiristi, Kacdoonkii Xuseen Bood, Wacdigii Sh. Axmad Gabyow, Geeraarkii Rooble Boon, Qoortii Xuseen Kulmiye, Salabkii Morgan, Dagaaladii Jen.Ceydiid,dowladii Cabdullahi yusuf, Heshiisiintii Sahnuuni, Go’aan beeleedkii C/laahi Fiidoow, Fanaxdii Cali Geedi, Martidii Nabi Luud, Kalsoonidii Cabdi Kaahiye, Hanti wadaagii Maarkis, Kuubadii Kaastaro, Ra’yigii Reesel, Fikir dhaqaaleedkii Keeynis, Hodonimo ka hadalkii Adam Smith, Dad daanyeer ka yeelkii Daarwiin, Daawadii Ibnu Siinaa, Fadeexadii Nikson, Fasiraadii Imaam Gasaali, Geeridii Aayatulaahi, Hujuumkii Jenkiis Khaan, Akhwaanimadii Sayid Khudbi, Beryihii Bernaandosho, Tarbuush bireedkii Bismaarki, Axaadiistii Bukhaari, Diricii Farxat Dinaa, Furfuridii Gorbajoof, Diintii Luu Tasee, Raganimo u dirirkii Buutin,Khudbadii Sheekh Axmad Diidaab, Xaasaskii Jiif Jenetoon, , Wallaalnimadii Haaruun CS, Jasiiradii Robinsow Kuruus, caleema saarkii Cabdirashiid, calan saarki 12/oktoobar/1954, Mufadii Seynab Abuukar ee Boondheere , ,Baxridii Majilaano, balamaanki Hawar Iisho, Mad-habtii Shaafici, Casrigii Haaruun Rashiid, Hurdadii Asxaabul Kahfi, ,Halgankii sayid maxamed, Baxsashadii abuu Nidaal, Afadii Abuu Lahab, Diin jacaylkii Sheekh Daa’uud Culusow, murtidii Kadare, Dagadi Cali Yuusuf, Dambi baarayaashii Kaarloos, , Wankii Nabi Ismaaciil, , Masalihii Sheekh Muuse Cigalle, Khilaawadii Isxiji-waaq, Dardaarankii Gaala Guul, Taajkii Shaah Maxamad Raza, Taariikh Nololeedkii Jeneraal Maxamad Abshir, Xafiiskii Abuukar Cadaani, Deeqsinnimadii Xaashi Wehliye, Alla ka cabsigii Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin, Durraamadii Sheekh Axmad Gaballe, Masuuliyadii M.X.I. Cigaal, Sahankii Kolombas,meeyar nimadii Muungaab, Taladii Indiira Gaandi, Goobihii Eliskandar, Codkii Meykal Jaksan, Kubaddii Maradonna, Feertii Nabi Aadan, Wareeggii Yuuri Gaagiriin, Abaal marintii Noobel, Dayax degidii Amistron,, Jeegadii Xaafidal Asad, Nadariyadii Neyuutan, Cuf is jiidadkii Gililiyo, Ratigii Raage Taraawiil, Guurowgii Geedi Garabey, Doodkii Cali Gamuunle, Sarbeebtii Ganey Jiinle,Hooya jaceeylkii Hadraawi, Kulleetigii Nareeri, Mukulaashii Maarkoos, Xaryantii Xatsabshuud, Is dilkii Cabdi Xakiim Caamir, Madiinadii Muusa Suudi, Rajadii Faasko Dagaama,jawaabtii Abwaan Cali dhuux, Xisaabtii Cusmaan Caddow, Ubad jacaylkii Xasan Guuleed, Miiskii Napolione, Baasabooradii Nuur Bidaar, Filimadii Alen Delon, Sirtii Jeneraal Samatar, Timihii Muuse Rabiile, Garaadihii Saciid Mariino, Xorriyo jacaylkii Maqtal Daahir, Dharbaaxadii Godagoda, Haantii Keenidiid, Jeelkii Jiijiifte, Dhexdhaxaadnimadii Liiqliiqato, Qawidii Jeneraal Diigool, Tusbixii Dheere Xaaji Dheere,halgan nololeedkii Sh. Shariif,dhaartii shariif xassan,Raaskamboonigii Axmad Madoobe, Geenyadii Boqor Cusmaan, Leegadii Xaaji Maxamad Xuseen, Bakhaaradii Cusmaan Axmad Rooble, , Falsifikeeshinkii Bataar, Qasaa’idkii Sheekh Cabdi Aw Cumar, Boqortooyadii Nafartiid, Siyaaradii Boqol Soon, Kibirkii Namruud, wasiirnimadii Haliye, Derbigii Juuj iyo Wamaa Juuj, Ururkii Mowliid Macaani, Takooridii Saadaam Xuseen, Saalimowgii Sheekh Nuur Xuseen, Dalabkii Geedey Goomey, Qamiiskii Sheekh Ibraahim Suuley, , Madaxweynanimadii Makaariyoos, ,,,,,,,,,,, !!!!!!!!!!. korontadii ama layrkii ayaa dib usoo noqday, indhihii ayaan kala furay, waxaa kale soo xasuustay:

Faalkii ShiIkhul Kulli // Felegow run sheeg –Fooxow run sheeg – Faalow run sheeg

imageFaalkii ShiIkhul Kulli // Felegow run sheeg –Fooxow run sheeg – Faalow run sheeg

Moment Media IQRA – (Bar AMA Baro) – Cali iyo cambaro ayaa labaatan jir isku guursaday waxaa jirkooda ku duxay caashaq dhiigga iyo dhuuxa ku milmay. Waxay noqdeen qoys maal adduun, mood iyo noolba Alle ku galladay, waxaa Alle dhacaankooda ka beeray oo ay isu dhaleen 10 wiil iyo 5 gabdhood oo wada hanaqaaday, Alle-na ku mannaystay xoolo iyo ubad.

Waa sida dhaqanku yahay ee carruurtii qof kasta jees gaar u degay buu noqday, aabbe iyo hooyo-na waa laga guuray. Waxaa isku soo haray odaygii iyo afadiisii oo aan haysan ubad ay weheshadaan, dabadeed Cali ayaa jeclaystay in xaaskiisa Cambaro ay dhasho mataano loogu waqlalo “Ladan iyo Looyaan oo noqda guro-dambeed”.

Dhowr habeen saqdii dhexe salaatulleylkii ayuu sacabada doogtay kuna dheeraaday Alle bari ujeedadiisu tahay Allow aniga iyo Cambaro naga dhex beer Ladan iyo Looyaan aan weheshano oo mustaqbaka noqda halyeeyo lagu hirto oo haybadooda geyiga oo dhan laga tixgeliyo.
Alle barigii Cali ugu duceystay “Ladan iyo Looyaan” ma noqon aqbal iyo ijaabo. Cali ma quusan wuxuuna wanan gaada balaxoobey u loogay culumo laga tuf qaato oo duraamo kadib qoyska ugu duceeyey mataano “Ladan iyo Looyaan”, taasna samada lagama aqbalin. Cambaro oo gugii 70-tanaad u buuxsamey riximkeeda Alle uur cusub kuma beerin, xaylkii astaanta uurka ahaana waaba laga waayey.
Cali iyo Cambaro oo aan marnaba ka quusan deeqda Eebbe, waxay galeen safar dheer oo lagu soo wareegay qubuuraha la siyaarto, waxayna sharad kasoo galeen xarigna ku xirteen qabuuraha kala ah: Sh. Cali Maye, Sh. Aweys, Sh. Ooyaaye, Sh. Nuur Xuseen, Sh. Biyamaalow, Sh. Murjaan, Sh. Maana-muufo, Sh. Abbaay Sitiyeey, Sh. Berkaan, Sh. Maadey, Sh. Farxaani, Sh. Xintire, Sh. Seylici, Sh. Aw Barqadle, Sh. Xuseen Baali-yaalle iyo ugu dambeystii Sh. Ferji oo qabrigiisa ay ka dhisan tahay dhagax ay ku fariistaan haweenka ubad doonka ah. Qabuurahaas sharadkii lala galay, xargihii lagu soo guntay iyo ciiddii laga soo cantoobsaday, midna wax ma tarin oo Cambaro uur ma yeelan. Rejadiina waxay ku biyo-shubatay ‘islaan dhaliweyday Aleelo ku waalatay’.

Irdo jiqa iyo albaabo xiran iyo rejo la’aan ayaa muuqatay, talo waa cadaatay tan oo kalena lama fileyn. Cali iyo cambaro waxaa loo sheegay inuu jiro nin ku xeeldheer “faalka iyo felegga, cilmi qeybkana wax weyn ka yaqaan” oo la yiraah Shiikhul Kulli. Faaliye Shiikhul Kulli si fudud looma helo oo wuxuu u kala gooshaa gees-ka-gees geyiga Soomaalidu degto, daanta woqooyi degmada Ciise Madoobe ilaa daanta Koofur Galbeed degmada Reendiinle.

Faaliye Shiikhul Kulli waa Sh. Cabdulqaadir Jeylaani oo kale oo dhulka taako-taako ayuu u jooga, meel walbana xaadir buu ku yahay, haweenka iyo humbaniduna aad bey u jecel yihiin oo faalkiisa u aaminsan yihiin. Cali iyo Cambaro ayaa galab casir-liiqii cir-gaduud maqrib ka hor u yimid Shiikhul Kulli, toyasho wareysi kadib waxay u sharraxeen muraadkooda oo ah in Cambaro dhasho mataano “Ladan iyo Looyaan” loogu waqlalo.

Shiikhul Kulli jawaabtii lama daahin oo si degdeg ah ayuu fooxa idanka ugu riday, dhulkana faraha ugu mudmuday. Shiikhul Kulli wuxuu Cali weydiiyey Cambaro da’deeda. Cali wuxuu yiri Cambaro oo ifka timid abaarti cagweyn, deyrtii duumaale ee ka dambeysay, gugii yaxoob dheere ee ku xigay, 73 sano ayaa u go’day.

Shiikhul Kulli fooxii iyo faalkii ayuu ku laabtay, waxaana u soo baxay “xayl go’ay kadib xubbi carruur lagu dhalo ma jiro” wuxuuna yiri cillad haweenka u gaar ah oo la yiraah “menopause” xayl la’aan ayaa asiibey ee Cambaro carruur dhalimeysee “Alle iyo Awliyadiisa eed ha-dhex dhigin”.
Haweeney 73 jir carruur mataano ha dhasho waa damac waalli daran ah, waa 80 jir ku duceystay Allow dib ii abuur oo labaatan jir iga dhig, waa damiir xumo doqonnimo cuskan, waa riyo maalmeed iyo rejo meehanaaw. Sebenka fowdada siyaasiyiinta Soomaalida waxaa asiibey cudur la mid ah caashaqii Cali iyo Cambaro ku calmadeen maatanaha “Ladan iyo Looyaan”. Walow dhowr dumar ah damacaasi galay, siyaasi beeleed 50 nin sare u dhaafay ayaa caashaqay jagada madaxweyne, nin kasta tuulada tolki dego ayuu durbaan ka tumay, wuxuuna sheegtay madaxweyne aan maamul iyo manfac midna lahayn. Sheegashada xilka madaxweyne xad-dhaaf bey noqotay, malaha wax xun oo laysku caayo ayey mardhow noqon doontaa.

Ragga ku waashay mar i dhaha madaxweyne waxaa ugu daran qurbajoogta maqaayadaha fadhi-ku-dirirka ka sheekeysa. Geedigii dhul Gaalo lama mahadin, haweenkii awood badan bey yeesheen waxayna la wareegeen kaalintii ragga. Haweeney hinaastay ayaa albaabka ka xiratay odaygii, dharkiisii oo bac-madow ku jira ayey dibedda u dhigtay. Ninkii oo dantu baday inuu bac-madowda tuurta saarto ayaa isla hadlay kuna geeraaray (mar haddaan waayey marwo suubban mirihii jannada, ma waxaan waayey madaxweyne beeleed iyo haween ii mashxarada)

Ragga sheegta xilka madaxweyne iyo kuwa damacaasi ku jiro ee weli u xusulduubaya waxay maqleen inuu jiro caalim la yiraahdo faaliye Shiikhul Kulli oo la weydiiyo sida loo noqdo madaxweyne waara iyo muraad adduunyo oo dhan. Faaliye Shiikhul Kulli oo dhulka taako-taako ugu jira meel kastana xaadir ku ah, raggii madaxtinimada doonayey ee ku waashay mar i dhaha madaxweyne, saf dheer bey u galeen, nin kasta wuxuu ku dadaaley inuu sheekha ka farxiyo si uu muraadkiisa ku helo, gobollada woqooyi ayaa fooxa iyo faalka laga soo billabay, waxaana ku horreeyey hoggaamiyaha geesta woqooyi geyiga Soomaalidu degto:
Hoggaamiyaha: “Belbela iyo Buurta-dheer”: ayaa billaabay oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: markuu felegga eegay, fooxana ku riday, dhulkana ka faaliyey wuxuu yiri; waxaa kusoo baxay (Akowkii Baanku waa buuxsamee, Alle ka cabsoo aakhiro ka feker)
Hoggaamiye: sheekh hantideyda xisaabi laguma oran ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (cimaamad cas, wiil afduuban iyo calan madow ayaa mucaaradka dhex taagan ee digtoonaw)
Hoggaamiye: kumanyaal ciidan shisheeye ah ayaa dalka jooga oo cid wax iga qaadi kartaa ma jirtee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Sheekhul Kulli: waxaa kusoo baxay (ciidammada shisheeye fisqi iyo AIDS bey soo kordhiyeen)
Hoggaamiye: laga soo billaabo 1991 maal iyo maskaxba waan gelinay xallinta mushkiladda Koonfurta, welina fari kama qodna dhibaatadii ee sidee looga siraad koraa bal taas sheeg.
Sheekhul Kulli: waxaa kusoo baxay (burburka Banaadir waa baraaraha Belbela ee naxariiso oo noqo dilaal ka mici qabow shisheeyaha).==
Barasaabka: “Godey iyo Gaashaamo” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: Waxaa kusoo baxay (wadajir iyo midnimo waa wedkii dili lahaa Beesha Galbeed)
Barasaab: eegga 30 malyuun meel laysuguma keeni karo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Beesha Galbeed haka qaraab doonato: Adis Ababa, Nairobi, Kismaayo, Xamar, Garoowe & Hargeysa; oo yaan meelnaba lagu qadin)
Barasaab: waxaasi faal maahee ku noqo oo miyaan Beesha Galbeed xataa qado ku lahayn Marsada Belbela?
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay laba beyd oo isbarkan (libaax anteeno dheer ayaa Belbela jooga oo aad u feejigan, lagama yaabo in Beesha Galbeed dilaal ka hesho iyo meeris gabay oo leh “Balaf waxaan ku haystaa, beri inuu waraabuhu, dameeraha ka baqan jiray”)
Barasaab: guri kastoo geeska Afrika ku yaal Beesha Galbeed waa inay miraaftoo miriqshaaleyso, waxaadna leedahay Beeshu waxba kama helaayo Marsada Belbela, awoowgi Alle naar waxaad tahay sixiroole aan faal aqoone na dhaaf.
Horjoogaha: “Harawo iyo Hariirad” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Soomaaliya maahan qashin-qubkii qurbe-joogta iyo fuley qaxay meeluu ka qaraabto)
Horjooge: Barfasoor Af-Ingiriis yaqaan oo indhaha ummad u fura hadduu yimid ixsaankii ma eed buu dhalay, fadlan ku noqo faalka oo sheeg hoggaamiyaha xilka ku habboon.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (qurbe-joog hawlgab ah Soomaaliya kama helo hoggaamiye qaran, waase ka heli karaa garoob xusul-baruur ah oo go’a la huwata iyo xeeb hawo diirran leh)
Horjooge: Maamulka dalku aqoonyahan PHD haysta buu u baahan yahay ee looma baahna kooxda Af-Carbeedka timirta kusoo tuugsata ee faalka ku noqo oo sheeg aqoonyahanka mudan xilka.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (guud ahaan beesha gaar ahaan Barfasoorka jago jacayl u jeellan ha fahmeen halkudhegga leh “Diiriye duq uma qalmee, dad baa laysu dumaayey”
Horjooge: Derajo sare iyo duqba waan istaahilnaa ee sedkii beesha meel saar oo faal ku noqo runna ka sheeg.
Shiikul Kulli: waxaa kusoo baxay (xisaabiye iyo karaani waa sedkii beesha, ka sare maya).==
Hoggaamiyaha: “Saaxil iyo Salaxley” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (sambuus afar gees leh oo ah in lays waafajiyo: aqoonsi la’aanta iyo beentii gaas dhegoolaha loo sheegay, maamul xumada iyo heerka shaqo la’aanta oo ah 90%).
Hoggaamiye: mar haddaan Koonfur ka xorownay oo durriyadda binu Haashim maanta calan leedahay waanu u dulqaadaneynaa darxumo kasta iyo aflagaadada saxaafadda “Sex Tourism in Sky-land” ee waxaasi faal maahee ku noqo.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (dib u soco – hore u soco – dib iyo horeba u soco – darandoori taagnaw, Allow maxaa daal la kororsaday)
Hoggaamiye: heesta darandoori taagnaw waxaa lagu maaweeliyaa gaas dhegoolaha ee waxaasi faal maahee ku noqo.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (xiriirka Koofur iyo Woqooyi waa ‘abeeso uunsatoo dabagaalle aroostay’).
Hoggaamiye: inaan markale nala dagin oo aan abeeso na aroosin waanu ka feejiganahay ee waxaase faal maahee ku noqo.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Gabooyahya hallaga duceysto iyo USP halla martiqaado).
Hoggaamiye: Durriyadda binu Haashim gaagaabta iyo garaabada iyo Gabooye midna lama gorgortamaan ee nacasyow tag faal iyo feleg waxba kama taqaanide. “Libin nin holliyaa hela”==
Horjoogaha: “Boocame iyo Ballicad” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (hantidaada haaf sii tolka, si nolosha bulshada loo hormariyo)
Horjooge: Lacag layma weydiiyo oo weligey 100 dollar ma bixine, waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (quraacda tolku waa Garoowe, cashaduna waa Hargeysa, qado ma jirto oo xilliga qadadu waa safar iyo socod carsaanyo)
Horjooge: walow xoolihii yaraadeeen haddana tolkey qado aan hilib geel lahayn kuma noolaan karaan ee maxaa talo ah?
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (ciiddoo bariis ah iyo baddoo caano ah haddii laysku daro beesha ma deeqaan)
Horjooge: Sow ma ogid Hargeysa-Garoowe-Xamar inay isku raacsan yihiin qadada iyo qaadka tolka in si joogto ah meel loo saaro, ee markale ku noqo faalka oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (shalay soo noqonmeysee beeshu haku duceysato “iimaan iyo qaneeco” isla markaana halla habaaro raggii beesha iimaanka ka qaaday, waa ina-Catoosh iyo ina-Shaqlan Warfaa).
Horjooge: Habaar iska-daaye labada hoggaamiye taallo ayaa looga dhisayaa tuulo kasto tolku dego, masawirkoodana waxaa la sudhi jees walba aqalkiisa. Waa labadii hoggaamiye ee sharaftay halgameyaashii Gaalada la jahaaday isla markaana abaalmariyey ubadkii ka farcanmay.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (waxaad barato waa baaskaa, booli iyo sedbursina laguma bulaalo. Dawaco meeshey macal ku cuntey macaluul ugu dhimataa ee Soomaali la sinma far-soo-dheer baad tihiine).==
Hoggaamiyaha “Halalow & Haybooqan” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (damacaaga doorasho ku shubashadu waa dagaalkii tolweynuhu ku kala tegi lahaa).
Hoggaamiye: qof miisaan culus leh oo tartanka iiga guuleysan karaa masraxa kama muuqdo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Soomaali waa siman tahay oo tolkaa mudnaan gaar ah maleh ee yaan lagu dhibin madaxda saree qaranka saxiixa warqadaha rejo gelinta)
Hoggaamiye: tolkey sed libaax bey xaq u leeyihiin maxaa yeelay waa “Tuutsigii” ka talin jirey dalka oo la lama simi karo “Huutuuga iyo Hoomadii” loo talin jirey ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (madax iyo maalqabeen wiilashaadu ku jiraan oo xabsiyada caalamka ku dambeyn doonta sidii ‘Manuel Noriego’ sababtoo ah qaniimadii laga helay maraakiibta Jiriifka ah ayaa laysku haystaa)
Hoggaamiye: waxaan xiriir qotadheer la leeyahay ragga dunida hoggaamiya maanta iyo madaxda Maafiyada oo hal tin laygama jari karee, markale faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Sirdoonka Talyaaniga“SISMI” waxaa yaal fayl ay ku qoran tahay wiilkii Cawrala Wadhooyo shaqada Bankiga qortay waa adeege daacad ah oo la aaminsan yahay).==
Horjoogaha: “Bandiiradley iyo Afbarwaaqo” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (nin kaligi turub ciyaaray oo misna dheeshii ku badiyey kaligi)
Horjooge: nin kaligi turub ciyaaray yuu la ciyaaray oo ka badiyey? Sarbeebtaas tolkey waa fahmi karaa ee faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (meel dhexe ha meereysane, dhiig wadaag noqo oo ‘Koofur’ Ximan iyo Xamur raac ama dhaqan wadaag noqo oo ‘Woqooyi’ Burtintle iyo Bacaadweyn raac, labada saf mid ku biir)
Horjooge: Maamulladii Afduubkii iyo Dhegaweyne kadib tolkey waa ka hanweyn yahay inuu qolo kale la shirkoobo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Hoobal kaligi jidbooday, jiib iyo wilisiqo, jaalaabuteys iyo shamal, ciyaar jaanta iyo sacabka laysla helay waa irdo jiq ah, jid iyo jaho diid, waxayna la mid tahay nin kaligi turub ciyaaray).
Horjooge: dad iyo duunyo, xeeb iyo xoolo, udub iyo albaab, mood iyo nool intaba tolkey taajir buu ka yahay oo lagama yaabo inuu qolo kale hoos tago ee beyd dhergane baabkiis sheeg?
Shiikhul Kulli: afarta beynu-jaho inaad mid ku biirto hadaad diiday, waxaa kusoo baxay shirib leh (canshuur qaade janno jidkeed kuma joogo, haddana uma jeelqabo).==
Muftiga Saree: “Kooxda Ahlu Siyaaro wal daneysi” ayaa ku xigsaday oo yiri walow aan ku shaqeysano ishaaro iyo qilaawo, sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (Ahlu Sanaawi wal Jallaafo waa agoon aabbe Miles ka dhintay).
Muftiga: Suufi xadreeya oo Alle ku tiirsan agoon ma noqdee, waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa idiiin soo baxay (xadrada xabbad hallagu beddelo oo shacabka halla xasuuqo).
Muftiga: mashruucaas mar hore ayaan billaawnay ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay halkudhegii dagaalkii 77 ee ahaa (intaan wareerkiyo waaqle imaan, Alla Gaashaanle wacnaayaa).
Muftiga: wareer kastoo yimaad waan is difaaceynaa ee bal markale faalka ku noqo.
Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay asal-raac noqda oo dib u billaaba: (ishaaradii iyo islaamihii loo xersi-xiri jiray, werdigii iyo wanan qalashadii, siyaaradii qabuuraha iyo Suldaan u duceyntii).==
Jinni Boqorka: “Kooxda Sharwadeen Shuftire” ayaa ku xigsaday oo yiri walow aan ku shaqeysano qarax iyo xabbad, sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (nabad iyo nolol-diid, naxli ururay waa nuur dhacay iyo naaf galbeedsaday)
Jinni Boqor: Jabhad jahaad doon ah oo diin iyo dar-Alle ku diriraya nuurkoodu ma dhaco ee faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg
Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (qandaraaskii diin ku qaraabashada qalqal baa galay ee qorshe cusub halla allifo).
Jinni Boqor: waad hurdeysaan ee ku bishaareysta qaraxu inuu qarni soconayo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (carruurtii sixirka la cabsiiyey suuxdintii waa ka tooseen oo markale siriqda halaagga kuma dhacayaan).
Jinni Boqor: Looma ooyaan lagu liibaano weligeed la waayi-maayee ee warmoogow faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (kalluun af yaxaas galay kadabki waa go’ay)==
Horjoogaha: “Ceelgaal iyo Ceelcali” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Hiiraan waa magac gobol ee naaneys Joodax maahan).
Horjooge: tolkey sidaas waa ka hanweyn yihiin, waxaana ku jira rag ku xeeldheer faalka & felegga ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (beelaha deggan bari iyo galbeed haddaan sedkooda la siin, qarax iyo qalalaase ka yimaad kooxda nabad iyo nolol-diid filo)
Horjooge: waxaad u egtahay jaahil aan waxba ka aqoon faalka ee markale ku noqo oo beyd sax ah sheeg, haddii kale waxaan la tashanayaa Xaaji Ontorow oo Kumbutarka xariif ku ah.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (hal qabiil oo gobol ama magaalo dhisa waa la waayey oo ‘multicultural’ ayaa dal ku dhismaa ee taas garwaaqsada)
Horjooge: Silac iyo darxumo, qax iyo qaxooti ayaa la degay reer Hiiran, hadda la garwaaqsay midnimo iyo walaaltinimo ee side looga siraad kori karaa qaraxyada kooxda nabad iyo nolol-diidka ah.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay: shirib leh (hadday ka deyso duumadaani, haw digleynin dood labaad)==
Baasha Saree “Beelaha Federaalka” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa la garanwaayey suryada aad kasoo dustay ee sallaanka kasoo kortay ee faalka ka hor si loo ogaado inaad u qalanto xilka, halxiraalahaan ‘IQ’ ka jawaab.
Baashe: soo-daa insha-Allaah kuma mergan doonee.
Shiikhul Kulli: waxaan Alle abuurinoo ifka yaal ma ogtahay?
Baashe: Alif Qur’aanba lama abuurinoo waa eray Eebbe oo taas waan ogahay “Qur’aanku waa kelimullaahi ee maqluuq maahan”.
Shiikhul Kulli: si wacan baad u asiibtay “IQ iyo Burjiba” waad sarreysaa ee muraadkaagu muxuu yahay?
Baashe: waan socon waayey ee yaa lugaha igu dhegan, ee bal faalka iyo felegga wax ka sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (nin dayoobay mar buu doqon hurda iyo damul-jadiid hiil ka doontaa).
Baashe: dad baraarugay oo dowladnimo raba difaac lagama waayee ee bal faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (gaashaanqaad goof ku dirirsan iyo guurti afku dukaanle ah gurmad lagama sugo ee taas haku habsaamin)
Baashe: Soomaali tiro badan baa i garab taagane, faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay halkudheggii Kacaanka Kuuba ee ahaa (hoy-hu-hunguri la’aan iyo horumarinta heesaha iyo ciyaaraha waa laba haboo is diidan)
Baashe: horumarinta seddaxda daruurig ah ‘hoy-hu-hunguri’ waan ku talo jirnaaye ee bal faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (kaadir habacsan oo karti-daran oon waxar jaban loo aaminin ayaa kaalintii qaranka buuxiyey ee wallee reer aan ogahay ma guuro. Beyd Garbaraar baab kaluu sheegay “A party proletariat and asinine yes-man can’t be technocrat administrators and political strategist” Jaamaci Kacaandiid ah, Guulwade Kacaan ah’ ayaa ka wanaagsan waa jidkii Siyaad Barre ku jabay)
Baashe: Hubaal waa la guuri ilaa guryosamo la dego geeddigu waa guure-socodleyn oo waddani geyfan baa wadi ee faalka ku noqo oo meesha sartu ka qurunta sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (abaar rag waa arrin la’aan, abaar qoysna waa ubad la’aan, abaar geelna waa ilko la’aan, oo murti baa leh. rag arrinka ayuu ka kacaa, awrna araxda ayuu ka kacaa. Beyd Caynsane wuxuu sheegayaa la-taliyeyaal aragti gaaban inay kugu meersan yihiin, sidaas awgeed xaalku waa wallee reer aan ogahay ma guuro).
Baashe: Si aan uga fogaado sunta iyo jallaafada fidno-wadeyaasha hunguriga weyn, waxaa dantu igu kaliiftey oo aan miciin-biday “ushaada ninkaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa”: gambooleyda, gaagaabta, reer goleedka iyo gurboodka SIMAD ee faalka ku noqo oo sheeg sidii maamul hufan oo haybad leh loo hirgelin lahaa?
Shiikhul Kulli: Waxaa kusoo baxay (walow labadii Korneyl ka dhigeen naafo dhul-yaal ah haddana waraabe rabaayad ma noqdee, Allaa ku waafajiyey oo waad assibtay in darka dowladda laga dheereeyo “Ex-Mataanaha Mudug” oo taariikhiyan ku caanbaxay mushkilad falkin iyo annaga ayaa mudan..Beyd Gudbane baab kaluu sheegay, Ex-Mataanaha Mudug in la qab-jebiyo oo maamulka laga fogeeyo waa mudan yihiin waana muhiim, waxaase inkaar iyo ayaandarro ah markey maamulka ku milmaan qolo lagu yaqaan seddax kala daran “caqli aan xishoon, calool aan dhergin & caar-deysan”)
Jookarka: “kooxda Jaakad Jeebdheer”: ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (nin 80kii seexday siyaasad beeleedka sebenka lama socon karo)
Jookar: ma seexan ee si hoosaan hawlaha ula socday ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (iska baashaal oo been ha sheegin runna ha sheegin waa barnaamij ku cusub baaxaadegga siyaasadda)
Jookar: Har iyo habeenba waan hurdo seegay oo si hagar la’aan ah ayaan ugu hawlanahay horumarinta iyo dib-dhiska dalka hooyo ee faalka ku noqo oo beyd saxa sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (dastuurka Afrika waa “one man rule” hoggaamiye aan laga daba-hadlin inta kalena hantidiisa tahay, ku-xigeen iyo la-taliye waa magac-u-yaal aan wax hawl ah qaban ee kursiga iska kululee)
Jookar: war anigu kursi kululeeye maahi, kartida iyo waayo-aragnimada, haybadda iyo gole joogsiga wacan ka sokow, hawlaha qaranka aniga ayaa kala haga oo cirka iyo dhulka kala hayee, awoowgey Timacadde ku tumaatiye faalka ku noqo oo runta sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay shiribkii 1960-yadii ee ahaa (ditoorkii deyrka Faadno ku dabranaa, anigu dooranmaayee ‘daf iyo miriq’ ha dardaro).==
Garwadeenka: “Golaha Yooyootanka” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (barwaaqada Baydhabo Jannaay qof ka barakacay oo Boosaaso qaxooti ku ah belaayo madhaafto).
Garwadeen: col iyo abaar bey ka barakaceen ee falka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (hal qarni oo halgan adag ah waa laga yaabaa in tolkaa beelaha kale tiigsato)
Garwadeen: dib-u-dhacaas sidee looga siraad kori karaa, maxaase aniga ila gudboon?
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay laba mid yeel (ama sidii Shariif sacabka doogo ama sidii Shaatigaduud saanad qaado oo tolkaa xoree oo horumari).==
Malaaqa: “Xeebta Jasiira iyo Xaliima Hayte” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (77 jir taarig ah oo Mudug ku aasan ayaa ku habaaray oo maskax farad ayaa ku asiibey, 77 jir taarig ah waa qumay oo habaarkiisa lagama kaco)
Malaaq: oo shiikhow maxaan ka bi’iyey oo aan inkaarta ku muteystay?
Shiikhul Kulli: ciidankii Itoobiya ee odaygu watey Disembar 2006 markey Koofurta qabsadeen mudaharaad liddi ku ahaa ayaad London ka abaabushay, ha-yeeshee November 2011 markey qabsadeen Bay/Hiiraan kama hadlin oo il-xun kuma eegin ee taasi sow maahan mabda’ la’aan iyo daneysi?
Malaaq: inaan sidaas yeelo xaq baan u lahaa oo hoggaamiye aan isku hayb nahay ayaan hoggaanka u rabay, halgankaasna waan ku guuleystay oo xilka aan maanta hayo ayaan ku muteystay ee faalka dhig oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay halkudheggii Jamaal Cabdinaasir ee ahaa (Masar bariis waa loo beeri karaa ha-yeeshee dad difaaca looma beeri karo)
Malaaq: halkudhegaas ma fahmin ee bal markale ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay seddax beyd oo isbarkan (Rag tashaday cir tararay waa toli karaa taako labadeede — Daarood Cali duco Abgaal kuma degana doy iyo buur — Jameecadii Abshirya Aadanaa jowrfalkii hore ku jabtee ka joog)
Malaaq: shiribkana ma fahmin ee bal markale ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (bulsho kala qoqoban, caasimad qeybsan iyo khad cagaaran).
Malaaq: oo taasi sidee bey ku dhici kartaa sow ma ogid in feleg meeray oo wax walba is beddeleen oo qolo hubeysan tahay qolana sacabooley tahay.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (guulwade xiinkiisa ka dheereeya, gulufkiisa guuldarraa laga dhaxlaa)
Malaaq: waxaas aad tixday midna kama fahmin ee fadlan ii fasir.
Shiikhul Kulli: macallin ugu wanaagsan waa waqtiga, waxaa ku fasiri doona waqti iyo waayaha adduunka.==
Horjoogaha: “Kuudhaa iyo Kamsuma” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay erayadii Joomo Keenyaati yiri 1963 ee ahaa (NFD is a part of Kenya, markale Uhuuru Keenyaati ayaa 2013 yiri Jubbaland is a part of Kenya)
Horjooge: waa laga yaabaa Jubbaland inay noqoto (buffer zone of Kenya) laakiin lagama yaabo Jubbaland inay noqoto qeyb Keenya ka mid ah ee markale faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (siyaasiyiinta NFD ee qandaraaska ku qaatay dhoofinta dhuxusha waa dhammeynta xoolaha Jubbaland).
Horjooge: waxaad tahay warmooge aan waxba la socon, xoolihii dabargo’ bey ku dhow yihiin oo hadda waraabaha ayaa la qashaa oo wankii beddelay, teeda kale dagaalkii 77 kadib waxaa soo degtay AAYAD leh Soomaali hays disho oo dalka halla burburiyo, aayaddaas ayaa weli socota oo dhuxusha lagu dhoofiyaa, welina sooma degin AAYAD leh Soomaali ha heshiiso oo dalka dib haloo dhiso, ee falka ku noqo oo sheeg sidii looga siraad kori lahaa silica taagan.
Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (xaalufinta deegaanku waa xabaashii noolaha iyo dal milki-guuray oon dad lahayn). Sheeko masraxiyeedkii Shiikhul Kulli intaas ayaan ku hakiyey maanta, waxaanse kusoo gunaanadayaa gabay murti leh balse aanan aqoon ninka tiriyey:

Seben tegay mid wali soo socda iyo saakay waxa jooga
Saddexdaas waqti baan xaal adduun lagu sifeeyaaye
Soo noqod ma jiro wixii shalay saarufoo tegaye
Waxa Saad-dambiyo berrina Saadirkaa garane
Waxa taladu kuu suuban tahay subaxad joogtaaye

Fiiro Gaar ah: Kooxaha Suungaanleyda waxaan ka codsanayaa inay qoraal masraxiyeedkan u beddelaan muuqaal masraxiyeed.

 


Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

  • Daily Alert News

  • THE GARISSA GENOCIDE AND THE PLIGHT OF KENYAN SOMALIS SINCE “INDEPENDENCE”.

  • Political Analyst & Expert in East Africa politics Moment History Society

  • Xisbiga Xuriyadda

  • Taariikh nololeedkii Imaam Axmad Gurey

  • taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban

  • Reflections on the life and learning of Prof. Said Samatar

    Professor Said Samatar who died February 24, 2015

  • Recent Posts

  • Truth to Power

  • Wall Truth

  • RSS osservatore romano – Google News

    • This RSS feed URL is deprecated December 16, 2017
      This RSS feed URL is deprecated, please update. New URLs can be found in the footers at https://news.google.com/news
    • VATICANO/ Qual è il vantaggio di una "newsroom" rispetto all ... - Il Sussidiario.net December 15, 2017
      Il Sussidiario.netVATICANO/ Qual è il vantaggio di una "newsroom" rispetto all ...Il Sussidiario.netIl cambiamento nel settore media si sta facendo più accelerato e intenso ovunque. Anche in Vaticano. Dove la parola d'ordine è razionalizzare.FarodiRoma Biotestamento. L'Osservatore Romano è pacato: "legge ...Farodiroma (Comunicati Sta […]
    • Media vaticani, Viganò: una redazione unica per tutti i canali - La ... - La Stampa December 13, 2017
      La StampaMedia vaticani, Viganò: una redazione unica per tutti i canali - La ...La StampaTra pochi giorni il lancio in versione “beta” del portale www.vaticannews.va. Da gennaio l'accorpamento de L'Osservatore Romano. «Il Papa è d'accordo»Mons. Viganò: «Social, tv, giornale e radio: così cambiano i media ...Corriere della SeraEcco come saranno […]
    • Perché secondo l'Osservatore Romano sul fine vita il Papa innova - Formiche.net November 18, 2017
      Formiche.netPerché secondo l'Osservatore Romano sul fine vita il Papa innovaFormiche.netAffannarsi a tener bordone alle strumentalizzazioni politiche spremute dalle parole che Papa Francesco ha consegnato al convegno ospitato in Vaticano sul fine-vita? Il netto del discorso di Jorge Mario Bergoglio va accolto per quello che è: non una ...
    • Società: card. Bassetti su L'Osservatore Romano, disoccupazione ... - Servizio Informazione Religiosa December 7, 2017
      Società: card. Bassetti su L'Osservatore Romano, disoccupazione ...Servizio Informazione ReligiosaNel “vissuto quotidiano dell'Italia” sono presenti diverse forme di povertà, “ma sono almeno tre le emergenze che fanno suonare un campanello di allarme”. Lo scrive il card. Gualtiero Bassetti, arcivescovo di Perugia–Città della Pieve e presidente ...a […]
    • Papa Francesco: Vian (“L'Osservatore Romano”), “l'importante è che ... - Servizio Informazione Religiosa December 7, 2017
      Servizio Informazione ReligiosaPapa Francesco: Vian (“L'Osservatore Romano”), “l'importante è che ...Servizio Informazione Religiosa“L'importante è che 'il messaggio arrivi'”: “La prima risposta del Papa nella conversazione con i giornalisti, consueta durante il volo di ritorno nei viaggi internazionali, va ben oltre la questione dei […]
    • L'Osservatore Romano: dedicato al potere simbolico del corpo ... - Servizio Informazione Religiosa December 1, 2017
      L'Osservatore Romano: dedicato al potere simbolico del corpo ...Servizio Informazione Religiosa“Donne Chiesa Mondo”, il mensile de “L'Osservatore Romano”, dedica il numero di dicembre a “Il potere simbolico del corpo delle donne”. In copertina la celebre immagine della donna che in Louisiana, durante gli scontri fra afroamericani e polizia, sola .. […]
    • Siria, l'incontro Assad-Putin visto dall'Osservatore Romano - Formiche.net November 22, 2017
      Formiche.netSiria, l'incontro Assad-Putin visto dall'Osservatore RomanoFormiche.netIn Siria le operazioni militari contro i terroristi si stanno avvicinando alla fine ed “è arrivato il momento di lavorare per una soluzione politica della crisi”. È quanto ha dichiarato ieri il capo di stato russo Vladimir Putin rivolgendosi al ...altro »
    • Bestemmia in tv: L'Osservatore Romano contro la Rai - Taranto in Diretta (Blog) December 15, 2017
      Bestemmia in tv: L'Osservatore Romano contro la RaiTaranto in Diretta (Blog)“L'Osservatore Romano”, il giornale del Vaticano, si scaglia contro la Tv di Stato con un titolo violento: «Fuori controllo». «La televisione, pubblica o privata che sia, per acquisire una dimensione social a tutti i costi rischia di divenire uno ...
    • Frate Emiliano e la frase del Papa: “Non sparlate degli altri” - Rete8 December 16, 2017
      Rete8Frate Emiliano e la frase del Papa: “Non sparlate degli altri”Rete8Frate Emiliano Antenucci incontra il Papa e gli dona una copia dell'Icona della Vergine del Silenzio. Il Pontefice vi scrive dietro: “Non sparlate degli altri” e la pone nel Palazzo Apostolico. Frate Emiliano è da un anno e mezzo circa guardiano del ...
    • Anche il Vaticano punta sulla trasformazione digitale - 01Net December 15, 2017
      01NetAnche il Vaticano punta sulla trasformazione digitale01NetDal primo gennaio il percorso si completerà con l'accorpamento dell'Osservatore Romano, del Servizio Fotografico e della Tipografia Vaticana. La diffusione dei contenuti avviene secondo un approccio complementare ai media. Questo approccio è stato ...I mass media del Papa dal 31 dicembr […]
  • RSS avvenire – Google News

    • This RSS feed URL is deprecated December 16, 2017
      This RSS feed URL is deprecated, please update. New URLs can be found in the footers at https://news.google.com/news
    • La vicenda. Abusi, la Curia di Milano: false ricostruzioni su un caso ... - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itLa vicenda. Abusi, la Curia di Milano: false ricostruzioni su un caso ...Avvenire.itReplica a un articolo che chiama in causa l'attuale arcivescovo Delpini e il vescovo Tremolada. "Nessuna copertura, ma intervento immediato". Vittima un quindicenne. Il prete è sotto processo. L'ingresso dell'arcivescovado di Milano in piaz […]
    • Biotestamento, ecco cosa prevede la nuova legge. E cosa non va - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itBiotestamento, ecco cosa prevede la nuova legge. E cosa non vaAvvenire.itOgni persona maggiorenne in previsione di una futura malattia che la renda incapace di autodeterminarsi può, attraverso le Dat, le disposizioni anticipate di trattamento, esprimere le proprie preferenze sui trattamenti sanitari, accettare o rifiutare ...altro »
    • Australia: pedofilia tragedia nazionale. Le richieste alla Chiesa - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itAustralia: pedofilia tragedia nazionale. Le richieste alla ChiesaAvvenire.itLa Commissione d'inchiesta che dal 2012 indaga su decine di migliaia di casi: il 60% delle vittime in ambito religioso. «Si rivedano le regole sul celibato»Malcolm Turnbull - WikipediaWikipediaIl Papa: “Non firmerò mai la grazia ai pedofili”In Terristutte le notizie ( […]
    • Televisione. «Sarà Sanremo», i giovani in gara per un posto al ... - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itTelevisione. «Sarà Sanremo», i giovani in gara per un posto al ...Avvenire.itSedici giovani si sfideranno in diretta da Villa Ormond, ma solo sei di loro avranno la possibilità di esibirsi sul palcoscenico del Teatro Ariston. Il boom di “X Factor” con la vittoria di Licitra. Il palco dell'Ariston nell'edizione di Sanremo 2017 ...altro » […]
    • Il killer di Budrio. Spari e 3 morti: preso in Spagna Igor «il russo» - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itIl killer di Budrio. Spari e 3 morti: preso in Spagna Igor «il russo»Avvenire.itL'uomo ha ingaggiato un conflitto a fuoco con la Guardia Civil prima d'essere arrestato. In Italia aveva già commesso due omicidi. Spari e 3 morti: preso in Spagna Igor «il russo». Ha sparato e lottato fino alla fine Igor “il russo”, il killer di ...altro » […]
    • Indonesia. Terremoto a Giava. «Crolli e vittime» - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itIndonesia. Terremoto a Giava. «Crolli e vittime»Avvenire.itLa magnitudo è stata di 6.5 e la scossa è stata sentita per 20 secondi anche nella capitale Giacarta. Allerta tsunami, poi revocata. Una casa gravemente danneggiata dalla scossa sismica (Ansa). La forte scossa di terremoto di magnitudo 6.5 registrata ...altro »
    • Il viaggio / 6. A Beirut una sartoria per ricucire le esistenze delle ... - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itIl viaggio / 6. A Beirut una sartoria per ricucire le esistenze delle ...Avvenire.itNel vecchio palazzo a Sad el-Baouchriyé, nord di Beirut, anche Sara, 64 anni, sposta lenta gli scatoloni pieni di vestiti. Con lei altre compagne di lavoro organizzano quello che alla Boutique sociale di Arc en ciel, la più importante Ong libanese ...altro »
    • No, non è un bel giorno. La legge sulle Dat, i soldati in Niger - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itNo, non è un bel giorno. La legge sulle Dat, i soldati in NigerAvvenire.itPerché è del tutto chiaro che esse intendono raddoppiare la barriera frettolosamente e imperfettamente costruita nel Mediterraneo di fronte alla Tripolitania e alla Cirenaica per sigillare le violenze e le sopraffazioni dei rinchiusi nei piccoli e ...altro »
    • Editoria cattolica, guai e gioie: Famiglia Cristiana digiuna, Avvenire ... - Affaritaliani.it December 15, 2017
      Affaritaliani.itEditoria cattolica, guai e gioie: Famiglia Cristiana digiuna, Avvenire ...Affaritaliani.itPer Famiglia Cristiana i tempi d'oro sono finiti. In una crisi generalizzata, l'unico giornale cattolico che dia buoni risultati, per ora, è Avvenire. I numeri.altro »
    • «Sulle Dat faremo obiezione di coscienza» - Avvenire - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.it«Sulle Dat faremo obiezione di coscienza» - AvvenireAvvenire.itIl direttore dell'Ufficio nazionale di pastorale della salute: valutazione non positiva. Nasceranno contenziosi, si lascia morire chi soffre. Una norma sul fine vita poteva essere utile, ma non questa.altro »