Somalia for Sale: ciidan dibadda laga hagayo inuu ciidan qaran noqdana suura gal ma’aha….

imageSomalia for Sale: ciidan dibadda laga hagayo inuu ciidan qaran noqdana suura gal ma’aha….

Hordhac

Qoraalkaan waxaan ooga hadli doonaa ciidankii Soomaaliya ee noqday kan sedexaad xaga nidaamka iyo diyaargaroowga Africa, xagee ku danbeeyay,? Ma xasuusataa qaabkii lagu aasaasay? Ma’ogtahay hada qaabka lagu aasaaso? Ma’ogtahay dawlada iyo mucaaradka in ciidamadoodu isla tababartaan isku meelna wax kahelaan? yaa hortaagan dhismaha ciidamada? Ma taqaan sadexda nin ee qora ciidamada Soomaaliya iyo takhasuskooda?.

Dhalashadii ciidankii Soomaaliya.

Waxaa la sheegaa in ciidamada Soomaaliya la unkay 12kii-Apriil 1960 kii, Soomaalidii markaas joogtay waxay dareemayeen mas’uuliyad weyn oo ka saran sidii ciidan qaran loo samayn lahaa, fikirkii la keenay ee ahaa in Soomaaliya loo dhiso ciidan awood badan lana gaarsiiyo 20,000 oo askari reer galbeedkii waa ka gadmi waayay, inkastoo markaas xamaasad loo hayay dawladihii xornimada qaatay, hadana 20,000 oo askari baa u cuntami weyday, dawladii Mareykan-ku waxay sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso dhismaha 6000 (6-kun) oo ciidan boolis ah.

Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa uu ku qancay in aan wax niyad ah loo hayn arinta ciidan dhisidda ah ,waxaa kaloo uu hadana ka baqay dhibaatada ka imaankarta hadii uu u jeesto dhanka reer bariga (midawgii soofiyeeti ) MS.

image1962-dii, ayuu Dr. Cabdirashiid sharmaarke booqasho rasmi ah wuxuu ku tagay dalka shiinaha, wuxuuna sii maray magaalada MOSCO oo uu kula kulmay hogaamiyihii shuuciga NIKITA KHRUSHCHE, kulankaas waxaa uu ahaa mid qarsoodi ah oo ayasan saxaafadu ogayn in kulankaas dhacana waxaa ka danbeeyay hogaamiyihii kacaankii Masar Jamaal Cabdinaasir, waxaana shirkaas la,isku afgartay arimo muhiim ah oo ay kamid ahayd in ciidankii Soomaaliya dhismihiisa uu ka qayb qaato midawga soofiyeeti, dhanka qalabaynta iyo dhaqaalaha intaba, deeqahaasna wax shuruud kuma xirnayn laakiin Midowgii Soviet waxaa uu aad u xiiseenayay afrika in uu lugta lasoo galo oo kaliya waxaa uu markaasi ogolaaday deeq lacageed dhan 32.000.000 oo doolar, heshiiska waxaa ku jiray in lacagtaas lagu dhiso ciidan gaaraya 20,000 iyo qalabkoodii waxaa intaas weheliyay tababaro lasiinayo saraakiisha, deymahaas waxaa lagu heshiiyay muda labaatan(20) sano gudahooda in lagu bixiyo, kadib ciidankii Soomaaliya tiradiisa iyo tayadiisaba aad ayaa loo hormariyay, kacaankii 1969-kii markuu dhashayna horumarinta ciidanka waa lasii laba laabay, xariirkii ciidan ee midawgii soofiyeeti wuu sii socday ilaa uu mugdi soo galay 1977 dii dagaalkii Soomaali galbeed waxyar kahor.

Abuurkii ciidamada Soomaaliya wuxuu ahaa sidaas waxaana meesha joogay hogaamiyayaal miskaxdoodu shaqeynayso, ogaana meesha iyo waqtiga haboon in wax lagu qabsado danta guudna ka hormarinayay mida gaarka ah, ciidankaas aad u jeedid qaabka lagu soo dhisay maalin gudaheed ayaa lagu bur buriyay markii la yiri jamhadihii hubaysnaa ee dawladda bur buriyay isku dhiiba hubkiinana ku wareejiya, markaas ayuu noqday tusbax go’ay oo meel loo kala raadiyo la garan waayay.

Ciidamada ha’isku dhiibaan maleeshiyaadka.

Sanadkii 2000 markii dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdilqaasim Salaad Xasan lasoo dhisay waxaan kamid ahaa dadkii ka qayb galay xafladdii ay ku qabteen Muqdisho staduim, dad aad u fara badan ayaa maalintaas isku yimid oo garoonka buuxiyay ilaa barxadii lagu ciyaari jiray dad laciirtay, maalintaas wuxuu ku dhawaaqay in ciidamadii qaranka is aruuriyaan oo garoonka isugu yimaadaan, garoonkii wuu buuxsamay ciidamadii oo qaarkood odayaal noqday ayaa wax u bidhaameen, soona buuxiyay meeshii,waxaa maalintaas ii waramay nin ka tirsanaa warshadii hubka samayn jirtay ee Mahadaay wuxuu igu yiri: ma,u maleynaysaa in la isla helay ciidamadii iyo madaxdii guuto hebel oo dhan labo ama sadex qof ma’ahane intii kale, ciidamadaas waxay seexan jireen garoonka kubada cagta inta aan haysan meel ay aadaan, waxayna diyaar u ahaayeen in la shaqo galiyo, intii iskugu timid meesha markay bil kabadan joogeen oo meesha gaajo iyo daryeel la’aan ku dishay, wax la hadla iyo wax booqdana ay waayeen ayay waxay is weydiiyeen war horta yaa noo yeertay?, qaarkood ayaa yiri war waxii noo yeeray ma haatuf buu ahaa?, waxaa xaqiiqa ah in dadkaas loo yeeray laakiin dadkii u yeeray ay is tuseen ama la tusay wax kale, 24 saacadood gudohood ayay ku kala yaaceen ciidankii, fursadii qaaliga ahaydna sidaas sahlan ayaa loo burburiyay, nimankii gobolada ka yimidna magaalada ayaa tirisboor looga aruuriyay si’ay reerahoodii ugu laabteen, dawladdiina waxaa lagu qanciyay inay maleeshiyooyin adeegsadaan intay ciidan nidaamsan adeegsan lahaayeen.

imageSanadkii 2004 -tii, markii dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed Soomaaliya timid ma,aysan jirin ciidan u sii diyaarsanaa ee wuxuu isku jaaf jaaftay xoogaa maleeshiyooyin ah oo uu qaarna Puntland ka keenay qaarna Xamar ka helay, ciidamadii uu asagu kamid ahaa iyo saraakiishoodii inuu ka faa’idaysto iskuma shuqlin, wuxuu garab ka dhigtay ciidankii Itoobiya iyo maleeshiyooyin ay wax tababar ah siin jirtay oo aan tayo lahayn siday u kala fakanayeena Itoobiya tiri waxaan soo tababarnay 20 kun waxna lagama hayo , hadda kadibna anagaa maamulkooda la wareegnay, oraahdiina waxay isku bedeshay Ciidamada Qaranku kuwa Itoobiya hubka haku wareejiyaan!.

imageSheikh Shariif oo ku lebisan Tuute (2010)

Sanadkii 2009 ka markii ay Muqdisho u soo guurtay dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sh. Axmed waxaan kamid ahaa dadkii lasocday madaxweynihii cusbaa ee lasoo doortay ee muqdisho yimid 23 Febaraayo 2009, markaas ayada ah dadkii nasoo dhaweeyey ee na keenay madaxtooyada waxaa kamid ahaa ciidan aan badnayn kuna hubaysnaa baabuurta loo yaqaan tiknikada oo ku buufsan rinjiga dharka tuutaha oo kale ah, ciidankaas qaarkood cimaamado gaduudan ayay wateen qaaarna tuute, waxaan meesha ugu nimid baabuur badan oo kuwo ciidan iyo kuwo kaleba leh, oo ay ilaalinayeen ciidamada Afrikaanku si aan loo qaybsan.

Dawalad aan isku ciidan ahayn.

Dawlada hadda jirta ayaa ka liidata kuwii hore xagga isku dayga ciidamada, waxaadna mooddaa arrintaasi inaysan taladaba ugu jirin, waxaana xusid mudan labadaan qodob:

Kan Koowaad: Ciidankii ay dhaxashay dawladaan waxaa uu ahaa ciidankii lagu soo tababaray Ethoipia mana badnayn oo markii ay maqleen inuu is casilay madaxweyne Cabdulaahi yuusuf ayay kala danaysteen, ciidan u badnaa maleeshiyooyinkii hogaamiye kooxeedyadii muqdisho iyo qaar sahay la’aan ku dhacday ayaa joogay, waxay kaloo dhaxashay qayb ciidamadii Maxkamadaha kamid ah oo kuwii aan soo xusay awel dagaal kula jiray.

Ciidanka TFG sargaalka ugu sareeya waxaa la oran jiray gacma-dul, waa ciidamadii Itoobiya lagusoo tababary, qaybtii maxkamadaha waxaa horjooge u ahaa Sh. Cabdulqaadir wasiirka arimaha gudaha ee hada jooga, qaybta kaloo magaca dawlada ku joogay hadana aanba ku shaqeyn waxaa qaarkood madax u ahaa Cabdi Qaydiid, ragii magaalada ka ahaan jiray gudoomiyayaasha ayaguna ciidan bay lahaayeen sida C/fataax shaaweeye iyo Dhagaxtuur, istaas isku tababarna ma’ahayn isku maamulna ma’ahayn, sidoo kale qofkii biili kara 10 askari wuxuu wataa hal gaari oo gaarigaas u saaran ayaguna cid qofkay ilaalinayaan ayay ka amar qaataan, kamana midaysna xagga labiska, hogaanka iyo caqiidada midna. Waxa kaliya oo ay ka mideysan yihiin waa midba qori inuu wato waxna dilo hadii loo baahdo, isku magac looguma yeeri jirin kuwa waxaa loogu yeeri jiray muqaawamadii kadibna darwiish bay la baxeen hadana waa looga dabatagay oo laga baa,biyay, qaar kale waxaa loo yaqaanaa ciidankii hebel waxaa loogu abtiriyaa nin magaci, qaarna wax aanba la sheegi Karin laga yaabee dadka qaar in ay xasaasiyad ka qaadaan.

imageMarkii dawlada ay muqdisho imaanaysay dawladu ilaa jidka warshadaha waa ay jirtay oo ragii maxkamadaha qaybtii dawlada soo raacday ayaa waxay joogeen ilaa warshadaha dadkuna ma kala baxsanayn, Bakaaraha ayaa laga wada adeegan jiray dhamaan dawlad iyo mucaaradba, dawlada niyada ayaa u dhisnayd oo waxaa jabuuti lagu soo heshiiyay in ururkii ARS iyo TFG ay ciidamada isku darsadaan, lana hawl galiyo niyad dhiska waxaa keenay qaybtii ARS ta waxaa warbixin lagu siiyay in ay haystaan ciidan dhan 10 kun oo askari oo bishii ugu danbeysayna ay mishaar ku qaateen, tiradaasi niyadda madaxweyne Shariif aad ayay kor ugu qaadday, tiradaas oo ciidan ah inuu haysto ayaa mushaar looga qaaday, laba bilood gudohood waxaa soo baxday in kun kaliya lahayo, liiskii markii hala keeno layiri waxaa ku qoran hebel waa shahiiday, hebel islaatii uu ka tagay ayaa qaadata mishaarka, hebel lug ayaa ka go’day, yaab aniga liiskaas waan akhriyay inkastoo uusan dhamayn boqol qof.

“Dhibkii ugu badnaa ee soo wajahay ragaas kasoo go,ay maxkamadaha wuxuu ahaa in laga dhaadhicin waayay dawlad ayaad noqoteen, weli waxay isku arkayeen niman dawladda Marti u ah, ayagoo madaxweyne-nimadii lasiiyay, meeshaas waxaa ku burburay ragii loo yiqiinay maxaakinta waxaa kasoo haray shakhsiyaad iyo ciidan ayaga ilaaliya oo kaliya.”

Waxaa intaa dheer markii ay soo baxday in si khaldan dadku waxa ku cunayeen ayaa bil kadib ragii lacag soo codsadeen maalintaas ayada ah qof baa ii yimi masuul ah, wuxuu igu yiri waxaan kaa codsanayaa in hebel aad wax la fiirisid waa ragii maxkamadaha oo lacag baa lasiin rabaa buu ii sii raaciyay, ciidamada ay sheegayaan la taxqiijisid, ha ila yaabin oo aniga waxba kama aqaan ciidan, laakiin waxaa caada xamar ka ah in aad mararka qaar iska qabatid shaqo aadan garanayn, dabcan hadii wax la dhacayo waan garan karay,ana waxaan ku iri nin raba in uu wax dhaco see loo taxqiijiyaa?, kadib waan ka yeelay, bal inaan wax ka fahmo waxa socda, markaas qol baa la iskugu tagay, hadal kadib waxaa iisoo baxaday ninkii masuulka ahaa wax uu iga qariyay oo ahaa in raga lacagtii ay ciidanka ku magacaabeeni jeebka ugu jirto, marka aniga shaqo iimaba taal, ragii waxoodii waa ay haystaan, kadib waxaan go,aansaday, inaan weydiiyo su’aalo guud, sida ciidankaan aad lacagta ku qaadanaysaan koow iyo labo mala dhihi karaa? wax aqoonsiya maleeyihiin? waxaa ii soo baxday ragaan inay yihiin ragii tobanka kun ee ciidan lacagta ku qaadan jiray, anigana hada aanan waxba kaqaban Karin, maadaama ay lacagtoodii jeebka ugu jirto, ragaas maalintaas fadhiyay waxaa kamid ahaa nin aan magaciisa hilmaamay, laakiin su’aalaha badanaa kama jawaabayn, kadib ayaan ogaaday inuu cilad ka qabay dhanka maqalka oo uusanba lasocon waxaan kahadlaynay waana ninkii qaadayay lacagta. Dhibkii ugu badnaa ee soo wajahay ragaas kasoo go,ay maxkamadaha wuxuu ahaa in laga dhaadhicin waayay dawlad ayaad noqoteen, weli waxay isku arkayeen niman dawladda Marti u ah, ayagoo madaxweyne-nimadii lasiiyay, meeshaas waxaa ku burburay ragii loo yiqiinay maxaakinta waxaa kasoo haray shakhsiyaad iyo ciidan ayaga ilaaliya oo kaliya.

Qodobka Labaad: ciidamadii TFG da waxaan kor ku soo xusay inta ay ahaayeen, waxaan kaloo soo sheegay ilaa dhowr ciidan oo aan hal meel ka amar qaadan inay jireen, dawladaan sidii kuwii ka horeeyay ayay ayaguna iska indha tireenn inay ka faa,idaystaan khibrada ciidankii hore, si taxadar ku jiro ayay hal hal aan aad looga aqoon bahdii ciidamada ama markaas ahaa sarkaal yar u yeerteen, si hoose oo dadka qaar ayaa laga adeejiyay oo loo diray, macanaha codka kor looma qaadin, waxaa kaloo jiray saraakiil 15 ahaa oo laga codsaday in waxii ciidama ahaa hoos loogu yeero, sababta hoos keentay waxay ahayd ayadoo aysan beesha caalamku maqli karin ciidan wax la yiraahdo in Soomaaliya loo dhiso, laakiin kuma aysan fakarin xeeladdii 1960 kii lasameeyay mid u dhaw oo noqon karta inaan reer galbeed kaliya la hoos tagin ee albaabo badan la garaaco.

Dawladu waxay ku dhacday khalad weyn marka laga hadlayo qorida ciidamada iyo tababarkooda, waxaa isla og ciidanka la qorayo ilaa dhowr nin badanaa shuruud looma samayn jirin waxaa soo dhacayo war ah dawlada Ugaandha ama Jabuuti ayaa ciidama noo tababarayso, ama saraakiil baa loo dirayaa dalka suudan, majiro guddi u qaabilsan arinkaas sidoo kale majiro kanaalo la raacayo, kaliya waxaa la sameenayaa afar qof baa isla hadlaysa habeenkii taleefanana isku diraya, oo la is leeyahay war ciidan baa la dirayaa mahaysaa dhalin yaro diyaar ah kan kale waxaa uu ku jawaabayaa hada muqdisho majoogaan laakiin taleefan baan u dirayaa, 12 saacadood waa ku imaan karaan, afartii qof afar kalay gaarsiinaysaa, hadii loo baahdo 400 (afar boqol) oo askari 7 casho gudohood waa joogaan, meel laga keenay mataqaanid iyo sida loo qaybiyay.

Wasiirkii hore ee difaaca Cabadalla Boos ayaa maalin madaxtooyada soo galay asagoo xanaaqsan, wuxuu leeyahay war ciidankan la,iska qoranayo maba ogiye yaa qoray?, wasiirkii sidii ayaa lagu marsaday oo waa la dar daray, ciidankiina waa la diray, sidoo kale wasiirkii ka horeeyay asaga sidaas ayaa ku dhacaday asagoo jooga ayaa dad ciidamada qortaan, hadana dirsadaan, taliyihii hore ee ciidamada asagu maba uu lasocon waxa la qoro iyo waxa la diro.

Waxaan baaritaan ku sameeyay dadka qora ciidamadaan waxaan ogaaday in aysanba ahayn dad ciidan waligood noqoday, nin waxaa la’iigu sheegay inuu ahaa ragii kacaanka oryateeshinada joogi jiray hadana waa xildhibaan, nina waxaa la’iigu sheegay inuu madaxwenayaashii Soomaaliya soo maray midkood mar la shaqeyn jiray, nina tima jare ayuu ahaa hadana shaqadaasna waa uu wataa mishaarna waa uu ku qaataa, mida aruurinta dhalin yarada waa uu wadaa, intaa waxaa dheer dad markay maqlaan wax baa la aruurinayaa si xoog furnaansho iskala shaqeeya qoloda aruurinaysa.

Su’aal baan weydiiyay nin kamid ah ragaas waxaan ku iri meeqaa ciidan baa adiga keentay oo la soo tababaray markaas buu ku jawaabay waxaan keensaday (200)laba boqol baan ilaa hada keensaday,inta ciidan ee lasoo tababaray tira koob malahan, kuwa hadda la tababaro iyo kuwii xilligii C/laahi Yuusuf kuwii lasoo tababaray iyo, waxaa lagu tilmaami karaa waa wax kuwa soo aruurinaya aanba la,ogayn waxa ay u soo aruurinayaan iyo cida ay u aruurinayaan, su’aasha ah war sidee wax loo soo tababarayaa? magaaladii muqdisho kuma soo hoydaan qof aan aqoon sida xabada loo rida, ma waxaa loo baahan yahay ciidan tababar raba mise mid asagu wax tababara? Ugandha iyo Jabuuti ayagu marabaan inaan u soo dirno ciidan ayaga tababara ciidankooda?

Oohintu orgiga ka weyn, waa lugta aan kaa gooyo, maa la daryeelo kuwa jooga maxaa loogu naas nuujinayaa dawaladahaan Afrikaanka ah? maxaase Soomaaliya loogu sii badinayaa dadka dad-dil ka ah? hadii aad ogaan jirtay in Itoobiya wax soo barto ciidamada Soomaaliya iyo ugandha, hada waxaa khadka soo galay midowga yurub oo ayuga sheegay laba kun (2000) oo kale inay Soomaaliya u tababarayso. waa ciidan wareeray xataa dawaladaha waa kala tababar gadisanyihiin, waxaa muqdisho la’iskugu keenayaa mid qoriga midigta ku qabsada iyo mid bidixda ku qabsada iyo mid markuu dhaqaaqayo bidixda ka dhaqaaqa halka kan kalana midigta ka soconayo.

Waxaa muuqata ilaa laga soo bilaabo 1992-2010 hal mar isma badalin qaab dhismeedka ciidamada, dawaladihii is dhaxlay ee dibadaha lagusoo wada dhisay wax hor mar ah kama samayn dhanka ciidamada ,waxaana ugu liidata tan hada jirta 2010 ka ,waxaan dhihi karaa ciidamada hada lasoo tababaro dawlada kaliya looma soo tababaro ee waa lawada dirsadaa, markay soo laabtaana waa lakala qaybsadaa, oo hadaad maqashay ciidamada lasoo tababaro xagee aadaan? jawaabtu waxay tahay qaar saldhigoodu waa dhanka dawlada hada ay xukunto ee wadada Maka Al-mukarama wixii dhanka bada kasoo xiga ayay joogaan,waxii kale dhankas kalay aadaan ama qorshe haku aadaan ama is dhiibide, dhanka mucaaradka waxaa shaki iiga jiraa oo kaliya inay qorshe ahaan ugu darsadaan ciidamada dibada loo dirsado iyo inay tahay Alle kusii, dhanka hubka iyo rasaastuna waa lawadaagaa oo dhanka dawlada ayay ka iibsadaan, waayo askarigan waxaa mishaar u ah raasaastiisa, mucaaradkuna ilahooda gaarka ah ayay mararka qaar rasaasta ka helaan, marka dagaalku ma istaagayo maadaama dadku wada bartay sida xabada loo rido, rasaastii wadanka timaadaana u dhaxayso, tababaradana la wada aado, marka dhiiggu ha daato talo aan ahayni ma muuqato.

Gabagabo waxa arimahan usoo aruuriyay in sida wax u dhacayeen dadku xasuusnaadaan, hadii uu jiro qof ku fikiraya inuu wadanka maamulkiisa isku fiiriyana uu la socdo wixii ka horeeyay, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay is dhahaan ciidankii Soomaaliya mala hawl galin karaa waxaan leeyahay HAA ,waxa kanool dad badan oo shaqeyn kara ama looga faa’idaysan karo tababar ahaan, waxaana aaminsanahay hada sida ay xaalada tahay ciidan soomaliyeed lama dhisi karo sababtuna waxaa weeye hogaanka iyo istiraatiijiyada ciidanka Soomaaliya waxaa gacanta ku haya dawlado shisheeye, marka ciidan dibadda laga hagayo inuu ciidan qaran noqdana suura gal ma’aha.

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.
Page 2 of 2
Hordhac:

Qormadaan waxaan ku eegi doonaa dagaallo badan oo dhacay labaatankii sano ee lasoo dhaafay ayna ku lug lahaayeen wadaado ama dad magaca wadaado ku dagaal galaya, oo islaamiyiin ay saxaafaddu ku naanaysto, dagaaladaas waa kala duwanaayeen wixii keenay iyo taariikh ahaanba, islaamiyiinta aan ka hadlaynaana waa raga aaminsan Jihaad ama qori caaradiis dawlad islaami ah in lagu dhaliyo, waxaana u kala qaadayaa sida ay iskugu xigeen taariikh ahaan,waxayna kala ahaayeen sida tan.

Halgankii ugu horeeyay 1991-1992 Araare, Bari, dagaalkii Gedo 1996 – 1999, dagaalkii aamusnaa ( bastooladaha) ee Muqdisho 1995-2005, kala tagii macalimiinta iyo ardaydoodii maxaa sabab u ahaa? maxaa keenay fashilka in la hanan waayo dawladnimo ay hogaaminayaan islaamiyiinta? intaas iyo in ka badan ayaan ooga hadli doonaa qoraalkan.

Bilawgii wilaayaadka islaamiga .

Waxaa xusid mudan ururkii la oranjiray Al-Ahli ee markii danbe u xuubsiibtay Al-Itaxaad Al-Islaami, kadib midawgii ay la midoobeen Wuxdatu Shabaab ee ka jiray waqooyiga Soomaaliya ,markii laga soo laabatay dagalkii 1977 kii ee dawlada Itoobiya lala galay waxaa ay ku fakareen inay ciidamada ku biiraan si dalka ay oola wareegaan, laakiin dawladii kacaanka ayaa ahayd mid aan la mari karin si walba ha,ahaatee hamiga ah la wareegida xukunka wadanka oo dhan waxaa ay bilaabatay markaas, hamigaaas asagoo jira ayay dawladii dhexe bur burtay, kadib bilooyin yar kadib ciidamo ayay aruursadeen oo ay iskugu geeyeen Kismaayo,ciidankaas waxaa lagu sheegaa 500-1000 askari inta u dhaxeysa.

1991-1992: markii lagu kala tagay magaalada Muqdisho Janaayo 1991 raggii islaamiyiinta ahaa nin walba meel ayuu aaday, u qaxay ama si kale hadii loo dhigo meeshii uu is lahaa amaan ayaad ku heli kartaa ayuu u wareegay, markaas majirin anagoo wadaado ah aan is aruursano, waa bilawgiiye, meelihii aadka loogu soo qaxay waxaa kamid ahaa magaalada Kismaayo, maalintaas raggii islaamiyiinta (wadaadada) ahaa waxay ku fakareen inay ayaguna is aruursadaan, dagaalladii arin ayaa soo wajahday, magaalada waxaa soo weeraray ciidamo uu hor kacayay Gen. Caydiid, raggii daliil iyo ogolaanshahaha ururka Itixaad ayay raadsadeen, sababtana waxaa keentay shirkii shuurada ee ururkii Al-Itaaxd 1988 dii ayaa lagu go’aamiyay inaan dagaalada laga qayb qaadan, markaas dhalinyaro reer Hargaysa aha oo ururka ahaa ayaa waxa ay soo weydiiyeen culimadii ururka dagaalka lagula jiro dawlada ee SNM maka qayb qaadan karnaa?, jawaabtii lasoo saaray waxa ay ahayd MAYA, marka kan oo ah qabiil see qiil loogu raadiyaa si walba ha’ahaatee waxaa la,isku qanciyay qofkii maalkiisa, cirdigiisa iyo naftiisa difaacanayo inuu yahay shahiid, sidaas darteed dagaalkii (Kismaayo) ayaa sidii lagu galay ayadoo aysan jirin is aruursi badan, maalintaas raggii dagaalkaas galay way joogaan qaarkood, ilaa manta 2010 ka waa wadaan dagaalka rag badan ayaa meeshii ku dhintay rag badana wabigay ku daateen.

Dagaalkaas wadaadadu waxay ku ogaadeen in jabhadaha Soomaalida ay kawada adkaan karaan oo ciidamadii Gen Caydiid meel ayay saareen markii danbe dagaalkii waxaa ooga baxay ciidankii qabaa’isha sidaas ayay ku jabeen wadaadadii.

Dagaalkaas ay Kismaayo ku difaacayeen waxaa loogu magac daray dagaalkii Araare oo ahayd meesha uu ka bilawday dagaalka, golaha shuurada dagaalkaas khilaaf ayuu ka dhex abuuray, rag ay kamid ahaayeen Sh. Maxamuud Ciise (Abuu Muxsin) iyo CabdulaahiRaabi, ayaa la canaantay waxaa dhalatay fikradii mucaskarada (xerooyin ciidan) in la abuuro.

Intaa kadib waxaa bilawday kacaankii is aruursiga, ururkii la oran jiray Al-Itaxaad Al-Islaami ayaana hawshaas dhabarka u ritay, dhallinyaro aad u badan ayaa la’isku keenay kuwaasoo kawada yimi koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya oo dhan ujeedada markaas la shaaciyay waxay ahayd in aan lagu milmin (la dhaxgalin) dagaalada sokeeye ee meel gaar ah loo baxo, laakiin ujeedada qarsoon waxay ahayd dawlad islaami ah in laga dhiso Bari (Puntland), xerooyinka ciidamada waxaa ugu waa weynaa markaas xeyaha Dhooblay, Beled xaawo iyo Marka, intaa kadib waxaa dhalatay fikrad ah in ciidamada la,iskugu keeno xeradii laga sameeyay Beled-xaawo kadib in loo sii ruqaansado dhankaas iyo gobolada Bari ee Puntland.

Safarkii waa uu gaaray meeshii uu rabay ee ahayd Boosaaso, waxuuna sii maray gobolka Soomaali galbeed ee Itoobiya haysato,waxaana uu saldhig ka dhigtay duleedka Boosaaso, si nabad galya ah ayay u maamulayeen gobaladda puntland, Juun 1992dii ,waxaa shir weyn iskugu yimi odayaasha gobolada Puntland si ay ooga shiraan ciidamadaan gobolada yimid oo ay markaas u arkeen dad qabsaday meela kalana kayimid, ayagoo shiraya ayaa la hareereeyey ama isku-weer laga qabtay oo dhamaantood lawada xiray, maalintaas qof magac lahaa oo oday ahaa ama siyaasi fakaday majirin ama waa yaraa.

Raggii la qabtay waxaa ku jiray Col.Cabdulaahi Yuusuf, maalmo kadib waa lasii daayay, sii dayntaasna dhallin yardii waa ka xanaaqeen mar danbe oo maalintaas in la laayaa raga qaar rabay, odayaasha Itixaadka waxaa u muuqatay inay ka dhigtaan fursad dagaalka lagu joojiyo sii daynta odayaasha, iyo maslaxad u muuqatay maalintaas oo gadaal laga ogaaday,maalintaas waxaa ciidanka watay nin layiraahdo Xuseen Cismaan oo asaga dagaaladaas ku geeriyoon doona, waxaa qarxay dagaalkii weynaa ee sanadka kaban socday, 1992-1993, wadaadadii waa laga saaray gobolka oo dhan waxaa ay galeen Buuraha Saliid ee ku dhaw Laasqoray markii danbana Laasqoray ayay qabsadeen, kadib waxaa dhacay heshiis loogu ogolaanayay wadaada in ay soo galaan magaalooyin ayagoo shacab ah, hubkana dhigaan, sababtana waxaa keentay wadanka waxaa soo galay ciidamo uu hogaaminayo Mareykanka waxaa soo baxday ururuku in uu ahaa ujeedada ugu weyn ee maanta Mareekanka raadinayo sidaas darteed ciidamadii lakala diro Mareekankana dadka dhexdiisa in lagula dagalamo, waxii hub ahaana lagu wareejiyo dagaalyahano ka dagaalamayay Soomaali galbeed ahaana garab kamid ah ururka Al-itaxaad waxii markaas jihaad raba siina wadi karana ay halkaas aadaan, laakiin aysan jirin wax ciidan la dhaho oo meel inta lagu aruuriyo la biilayo, sidii ayaa ciidamadii labada sano kabadan la,aruurinayay firimbi loo yeeriyay nin walba sahay inta lasiiyay ayay guryahoodii kala aadeen, arinkaasna dhalinyaradu raali kama ahayn laakiin odayaasha waxay u arkayeen in dagaalka Mareykanka laga bad baadiyo dhalinta oo aan hal mar hal gantaal lagu laynin, dagaalkii Bari raggii hogaamiyaasha ahaa waa kuwada dhinteen badankood, sida sh Maxamuud Ciise (Abuu-Muxsin) iyo sh faarax, sh Cabdicasiis.

Sh. Cali Warsame : wuxuu ahaa dagaaladii Bari markay dhacayeen madaxa ururka al-Itaxaad,waxaana ku xigeen u aha Sh. Xasan Daahir Aweys isla markaana ahaa madax xafiiska jahaadka go’aankii Bacaadweyn lagu gaaray ee ciidamada Xasan Daahir lagu wareejinayay sheekha waa uu joogay , waxaa laakiin xusid mudan go’aankii dagaalka markii la qaatay ee ciidamada loo dhiibay hogaanka sare Col. Sh Xasan Daahir Aweys wuu joogay goobta, kadibna wuxuu ku noqday Burco, marka ma waxa socda ayuusan raali ka’ahayn mise sheekha waligii maba aaminsanayn qoriga waa su,aal aanan fursad u helin inaan weydiiyo sheekha.

imageF.G: Akhwaanka Soomaaliya marka laga hadlayo qori caaradiisa iskuma fiicna haba yaraatee inkastoo 2006 ay is tijaabiyeen aala sheekha, waa waayadii maxaakiimta intaas waxaan ahayn xukunka si nabad galyo ah bay rabaan in ay kula wareegaan. Badanaa akhwaanka Soomaaliya waxaa hada matala Al-islaax oo hada u muuqda laba garab waxaana si hoose loogu yeeraa Dammu jadiid oo macnaheedu yahay dhiiga cusub waana qaybta hada dawlada FKMG ku biirtay, qolooyinka kalana waa raggii aan soo raacin dawlada, hada waxaa ka dhaxeeya loolan adag qoloba qolada kale ayay leedahay anagaa ah islaaxa dhabta ah iyo matihiin ,sida dad badan wada ogyihiina waxaa taageerada ugu badan ay ka helaan dawlada Suudaan oo aan waxba ka hakran akhwaanka Soomaaliya oo ay matalaan al-islaax siiba bilihii ugu danbeeyay Suudaanta waxaa ay u janjeertaa raggii raacay dawlada FKMG oo waxaa ay u aragtaa fursad akhwaanka ka faa’iidaysan karo dhanka dawlada iyo lawareegida Soomaaliya.

Gala dagaalka kadib aamusa

1994 tii, ururkii lakala diray qabtii joogtay gobolka Gedo amarkaasi ma saamayn oo ayagu Gedo degmooyin kamid ah ayay sii maamulayeen dagaalo badana way galeen oo ay ku difaacayeen gobolka sida dagaalkii Gen. Caydiid 1992 dii dagaalkaas waxaa ku dhintay rag badan waxaana kamid ahaa sh Yuusuf, ururka qaybta amar diidada sameysay waxaa madax u ahaa Sh Maxamed Xaaji Yuusuf, oo asagu maamulkii sii waday waxayna haysteen degmada Balad-xaawo iyo Luuq ,ayaguna sidii wadaadadii Bari lagula dagaalamay baa ayaguna ay isku dhaceen ururkii la oran jiray SNF qabtii Cumar Xaaji Xasale ,waxaa intaas bar bar socoday xerooyin ciidan oo laga furay gobolka waxaana ku taba baran jiray qayb kaloo ururka al-Itaax kamid ah oo ayaguna aysan ba saamayn ku yeelan go’aankii ahaa kala dirka, arinkaas itoobiya aad bay oga carootay waxay ku soo qaaday dagaalkii 9 August 1996, Luuq, Doolow iyo B/xaawo ayay maalintaas qabsadeen ciidamada Itoobiya, raggii meesha joogayna lugta ayay marisay, waxaa ka dhacay meeshaas musiibo aad u weyn, macalimiin, imaamyo, aqoonyahano, looma kala roonaan waxii ay aragtay maalintaas way laysay, dadka deegaanka waxay sheegaan maalintaas in la dilay ilaa 200 oo qof dad ka badan, waxaa halkaas ka dhacay xasuuq aan tillaabadii ku haboonayd laga qaadin.

Intaas waxaa ka daran khibrad lagama kororsan si ayadoo kale la isaga ilaaliyo, waxaa marka kuu cad inaanaan waligeen hal hogaan helin, oo maalinba qolo wax iska wadatay oo maalin ba meel la joogay, qolo qolada ka horeysay wixii ay soo martay ee ahaa aqoon iyo khibrad midna daraasad kuma sameeyaan xataa waxii lasoo maray dadka qaar baaba shaki ka keena in ayba dhaceen oo u arka in xataa laga sheekeeyo inaysanba banaanayn, dagaalkii Araare 1991 looma dhameyn, kii Boosaaso 1992 looma dhameyn, dagaalkii Gedo 1996-1999 looma dhameyn, waxaanan u dhamayn ururkii Al-Itixaad ee hormuudka ka’ahaa cid kalana talo lama weydiinayn, mar walba islaamiyiintii kutlaa hogaaminaysay la dhaho gala dagaalka kadibna hadii lagu guulaystana ku dhibco badsada hadii lagu jabana aamusa , waa mid laga soo bilaabo 1991 dii Araare ilaa hada raga dagaalka waday qaabka fikirka waxba iskama badalin ee dhalinyarta hadda jirta waa arday waana natiijo caadi iska ah waxii loo soo dhigay qur quriyay oo markii hore war kab-kabada hadii la dhihi lahaa maanta wax bay yeeli lahaayeen, ama soo duubta ayaa la dhihi lahaa, waana loo maaro heli lahaa, marar badan macalinkiina ul mahaysto uu ku qaraaco, hadii maalintaas raggii amar diida sameeyeen maantana kuwa jooga yay amar ka qaadanayaan? waa wax ah dhaqan ee maaha maamul xumo jirta, hadii maalintaas culumadii warkooda la diiday maantana waa la diiday.

Dagaalkii aamusnaa ee Muqdisho (Bistooladaha)

1997-2005: Sida aan kor ku soo xusay wadaadadii waa taba barteen cadaw badana waa yeesheen, markaas ayada ah dagaalo waa weyn bay galeen waxay dagaal la galeen Mareykan, Itoobiya, iyo kuwa aan muuqanba oo waxaad maqashay ee diyaarado lasoo riday, baabuur lagubay soomaali kale masamayn ee waxaa sameeyay wadaado raggii dagaalada Mareykanka hogaaminayay waxaa kamid ahaa sh Cabdulaahi Axmed Sahal Allaha u naxariistee iyo Cumar-Dheere (Abuu Jabal) Allaha u naxariistee, arinkaas raga is haya kaliya ayaa la socday, Soomaalida badankeed ma dareensanayn,dabcan dad aan muuqana waa dagaalamayeen .

1996 -1999 dii dagaalkii Itoobiya, ee Gedo markii lasoo afjaray ee ciidamadii markii labaad firimbi loo yeeriyay kala taga ah, kutladii dagaalka gala hadana aamusa ma’aysan quusan ,waxay ahaayeen jabhad aan ku tiirsanayn dawalado sida hada loo ilbaxay ee dawladaha loogu tiirsanyahay majirin, dagaal markii la galaba ciidanka waa lakala diraa, waxay ahayd siyaasad caado noqotay rag badan oo dagaalada xamaasad u qabayna ku kaliftay in ururka laga tashado oo aan la’isku halayn mar danbe, waa fikradii iyo isku dhicii odayaasha Al-ictisaam iyo dhalin yarada, sanadkii 2000,kadib waa kii ay bilaabeen rag uu kamid ahaa Aadan Xaashi Cayroow iyo Axmed Cabdi Godane ibraahim afgaan oo ayagu gadaal kayimi kadib markii waqooyiga Soomaaliya ay saamayn ku yeesheen nin la dhacay oo ahaa Itoobiyaan Tigree ah , iyo dagaalkii bistooladaha oo baahay dartii bay kasoo carareen, kadib bay bilaabayn inay rag si hoose beeca ama heshiisyo ooga qaadaan.

Kutladii ahayd gala dagaalka hadana aamusa fikradoodii ayay banaanka soo dhigeen, dagaalkii dheeraa kadib waxaa bilawday dagaal aan markan shanqartiisa la maqlayn oo raggii soo dagaalamay ayaa dagaalkii si kale u bilaabay markan dagaalka uma baahnayn ciidamo aad u badan waxaa fulin karay kooxo yar yar waxaa bilawday ugaarsi aamusan, rag baa guryahoodii laga waayay hal subax oo cir iyo dhul meel ay galeen la waayay, waxii markaas dhiiranaa ama dareemayay in ayaga loo danleeyahay waa is aruuriyeen socodkiina waa yareeyeen waxay go’aan ku gaareen waxii itoobiyaan ah ee la arko in madaxa la jabiyo (madaxa laga tookto) Bakaarihii ayaa ugaarsigii soo galay waxaa la,arkay nin istaaga ka dhacay asagoo mayd ah siduu u socday wixii dilayna aan lagaranayn, waa markii iigu horeysay ee aan maqlo bistoolad aan la maqlayn dhawaaqeeda ayaa lagu dilay, xataa kan dilaya hadaad isla simantihiin magaran kartid,dagaalkii bistooladaha waa sii xogeystay, hadii aad tahay qof fiirsada filimaanta Hollywood ka ee Mareykanku sameeyaan badanaa qofka dadka laaya lama arko laakiin waxaa macquul ah in la,arko filimka dhamaadkiisa, tani waxay ku yara dhawayd sidaas waayo dagaalka bistooladaha badanaa waxa dadka dilayay lama garanayn laakiin dadka is dilaya waa is garanayeen.

imageFG: salafiyada maanta isma taqaano waxaa ay noqdeen dad badan noqdayna tusbax fakaday, nin baa igu lahaa g/xigeenka baarlamaanka TFG da, waxaa uu ahaan jiray al-itaxaad, marka salifiyada laamaheeda waa bateen lama joogo waayadii la,ahaa hal laan oo kaliya , Al-shabaab, Xisbul-islaam,waa qaybta hormuudka ka ah dhaq dhaqaaqa hubaysan.waxaa kaloo jira salafiyiin kale oo waxaas kasoo horjeeda laakiin kasoo horjeedkooda lama mid ahan kan dadka aan ahayn salafiyada oo waxaa ay aaminsanyihiin dad la dulmiyay oo la cayrsanayo xukunkana aan loo ogolayn haba yaraatee ,tusaale ahaan al-shabaab iyo xisbul islaam wax u dhaxeeya malahan xaga manhajka kutubo gaar ah bay wada akhristaan, kaliya waxaa la dhihi karaa wax hor taagan malahan midawgooda aan ka,ahayn shaq shaq waa sida dhalin yarada al-shabaab ay kuu sheegayaan macnahuna yahay dad baa ku dhex jira kuwaas baan ka shaq shaqaynaa haduu shaq shaqaas dhamaado waa suura gal midowga labada urur.

Kala tagi meyno

waxaa xusid mudan in dagaalka bistooladaha lagu khaarijin rabay Sh. Xasan Daahir Aweys, iyo Allaha u naxariistee Aadan Xaashi Cayroow, dagaalkaas rag badan waa lagu dilay oo uu kamid ahaa Sh. Cabdulaahi Iraad kana tirsanaa hogaankii Al-Itaxaad ee Soomaali galbeed waxaana lagu dilay xaafada xamar jadiid, Sh. Maxamed Saciid oo ahaa wadaad cilmiga akhriya kana soo jeeday qawmiyadda Oromo waxaa lagu dilaya xaafada madiina, sidoo kale raga aan islaamiyiinta ahayn ee dagaalkii bostooladaha aakhirkiisii ladilay waxaa kamid ahaa Cabdulqaadir Yaxye oo dhintay 11- july 2005, dagaalkaas waxaa lagu laayay saraakiil ciidamada Soomaaliya oo aad u badan, raga dagaalkaas ku jiray bistooladaha habeenkii waa ku seexan jireen, xataa musqusha marka ay galayaan waa ay la gali jireen, waa ayadii uu is dhaawacay Aadan Xaashi asaga bistoolad uu watay inta uu la galay musqusha bay ka dhacday salkana dhulka ku dhufatay oo dhaawac halista ah soo gaaray oo Nairobi lagu soo daaweeyay, dagaalka ahaa noocaas waxaa lagu tilmaami karaa mid cabsi badnaa aana la sawiri Karin qaabka uu ahaa, dagaalkaas waxaa la dhihi karaa aabaha dagaalka maanta jira waa kaas , raggii dagaalkaas ka qayb qaatay ayaa dagaaladii 2004 ta hogaaminyay inta ay dhex galeen ama ku milmeen maxkamadaha ayay shaqadoodii meesha kasii wateen, ilaa ay xamar ka qabsadeen, ayagana laga qabsaday, kadib lasoo gaaray markii ay isa soo caan bixin lahaayeen waxaa ay noqdeen ciidan xoog badan, ragaas waxaa ay xanbaarsanyihiin fikradii ahayd la wareegida hogaanka dalka oo dhan waana kutladii gala dagaalka hadana aamusa firkradeedii, fikradii 1977 ururkii Al-Ahli uu ku fikiray hada waxaa fulinaya islaamiyiinta maanta jooga,kuna abtirsada salifiyah waana raqaam xoogan aanan la dhalayal san karin una baahan in lala xaaltamo.

Su’aashu waxay tahay mala gaari doonaa firim-bigii sedexaad (3aad) iyo kala tagii ugu danbeeyay ama fashilkii afaraad malagu tilmaami karaa.,iyo hada xagee gaariga istaagi doonaa

Arrintaas waxaan ka jawaabi doonaa marka aan gaaro qaybta 10 aad ee taxanahaan oo ku saabsan sida Hadda xaalku yahay iyo meesha wax u socdaan .

Xigasho:

Kulan Sh Cabdiraxiim 2010 qaahira

Shirkii Sweden ee muslimiinta soomaalida 2010

alshahid centre for research and media studies,cadadkii kowaad janaayo 2010 ,alislaamyoun somaaliyuun

Kulan uu qoraagu kula kulmay 14-06-2001 Aadan Xaashi Cayroow shirkadii diyaaradaha Air Somalia hoosteeda oogana waramay wax badan iyo safarkiisii ahaa afgaanistaan iyo xanaaqa uu ka xanaaqsanaa kala dirka badan ee ciidamada ururka Al-itaxaad markaasna madax ka ahaa qaybta amniga ee shirkadaas

F.G shirkada Air Soomaaliya masii shaqeyn mudo badan, sidoo kale waxaa Dubai ooga shaqeyn jiray Axmed Cabdi Godane.

(1) http://www.arabtimes.com/portal/article_display.cfm

(2) http://www.ikhwan.net/wiki/index.php?

(3) http://www.islaax.org/arabic/history.htm

(4) http://www.somalitalk.com/maqaallo/abdishakur/mire11.html

(5) http://en.wikipedia.org/wiki/Al-Itihaad_al-Islamiya

La soco Qaybtaha kale

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

  • Daily Alert News

  • Political Analyst & Expert in East Africa politics Moment History Society

  • Dr. Ibrahim H. Abukar For President

  • Taariikh nololeedkii Imaam Axmad Gurey

  • taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban

  • Reflections on the life and learning of Prof. Said Samatar

    Professor Said Samatar who died February 24, 2015

  • Recent Posts

  • Truth to Power

  • Wall Truth

  • RSS osservatore romano – Google News

    • Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - Adnkronos - Adnkronos December 5, 2016
      AdnkronosOsservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - AdnkronosAdnkronos"Il capo del governo aveva legato le sorti dell'esecutivo e il suo personale percorso politico a questa consultazione. Con coerenza ha tratto le conseguenze di ...L'Osservatore Romano sintetizza le difficoltà future, troppe divisioni ...Il MessaggeroRefe […]
    • Cardinale Stella: su L'Osservatore Romano, nuova “Ratio” per la ... - Servizio Informazione Religiosa December 8, 2016
      Cardinale Stella: su L'Osservatore Romano, nuova “Ratio” per la ...Servizio Informazione ReligiosaLa formazione dei sacerdoti deve essere “rilanciata, rinnovata e rimessa al centro”. Questo, sottolinea il cardinale Beniamino Stella a L'Osservatore Romano, è.altro »
    • Silence, Papa Francesco e l'incontro con il regista Martin Scorsese - Avvenire.it November 30, 2016
      Avvenire.itSilence, Papa Francesco e l'incontro con il regista Martin ScorseseAvvenire.itL'intervista viene pubblicata dall'Osservatore Romano. Ed è stata rilasciata dal regista americano dopo l'incontro con Papa Francesco che ha raccontato di aver letto «Silenzio», il libro di Shusaku Endo da cui è stata tratta la sceneggiatura del film […]
    • Osservatore Romano: “Renzi coerente nel dimettersi” - SiciliaInformazioni.com December 5, 2016
      SiciliaInformazioni.comOsservatore Romano: “Renzi coerente nel dimettersi”SiciliaInformazioni.com“Il capo del governo aveva legato le sorti dell'esecutivo e il suo personale percorso politico a questa consultazione. Con coerenza ha tratto le conseguenze di una sconfitta forse inattesa nella sua dimensione”. E' quanto sottolinea l'Osservatore . […]
    • L'Osservatore Romano: in prima pagina "l'Apocalisse climatica ... - Meteo Web December 2, 2016
      Meteo WebL'Osservatore Romano: in prima pagina "l'Apocalisse climatica ...Meteo WebL'Osservatore Romano apre in prima pagina con titolo “Apocalisse climatica“. “Il mondo – scrive il quotidiano della Santa Sede – è sull'orlo di un'apocalisse ...altro »
    • Bagnasco: 'E' l'ora di camminare insieme'. L'Osservatore Romano ... - ilgiornaleditalia December 5, 2016
      ilgiornaleditaliaBagnasco: 'E' l'ora di camminare insieme'. L'Osservatore Romano ...ilgiornaleditaliaL'Osservatore Romano, che nell'edizione appena andata in edicola nel pomeriggio di lunedì dedica al voto referendario il titolo di apertura "Renzi al Quirinale per presentare le dimissioni", scrive tra l'altro […]
    • “Valdinievole e non Terni”: Vezzosi critica lo studio dell'Osservatore ... - gonews November 28, 2016
      gonews“Valdinievole e non Terni”: Vezzosi critica lo studio dell'Osservatore ...gonewsCosì, il leonardista e direttore del Museo Ideale 'Leonardo' di Vinci, Alessandro Vezzosi richiama l'attenzione su un articolo pubblicato ieri, 27 novembre, sull'Osservatore Romano in cui si avvalora un nuovo studio dello storico dell'arte Luca […]
    • Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi" - iL Meteo December 5, 2016
      Osservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi"iL MeteoOsservatore Romano: "Renzi coerente nel dimettersi". "Tenuto conto anche della complessità della materia sulla quale si richiedeva il parere degli italiani, è opinione condivisa che il voto sia diventato fatalmente un giudizio sull'operato del capo del ...
    • La Congregazione per il Clero: i preti siano leali, mai ipocriti e con il ... - La Stampa December 7, 2016
      La StampaLa Congregazione per il Clero: i preti siano leali, mai ipocriti e con il ...La StampaLeali, per nulla rigidi, mai ipocriti e con il «senso del bello». È l'identikit del prete doc come viene tratteggiato nel nuovo documento sulla vocazione presbiteriale ...Santa Sede: promulgato “Il dono della vocazione presbiterale” per la ...Servizio Informaz […]
    • Papa Francesco e il legame con Maria Salus Popoli Romani - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itPapa Francesco e il legame con Maria Salus Popoli RomaniAvvenire.it«Non mi sorprese affatto – ribadisce il cardinale, che ebbe modo di conoscere Bergoglio durante il suo impegno come nunzio apostolico in Bolivia –, anche perché mi aveva confidato anni prima che la Basilica della Salus Populi Romani era una tappa ...
  • RSS avvenire – Google News

    • Papa: rigidità e mondanità, un disastro per i sacerdoti - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itPapa: rigidità e mondanità, un disastro per i sacerdotiAvvenire.it8 dicembre Immacolata Concezione, una storia di bellezza. Andrea Galli. In libreria Esce in un volumetto l'intervista del Papa a Avvenire. Francesco Ognibene. Intervista al giornale belga Papa: sì a Stato laico, no a laicismo e fondamentalismo. Primo ...altro »
    • La mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugno - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itLa mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugnoAvvenire.itIl segretario: mi fido di Mattarella, mai un esecutivo contro di me. Domenica colloquio decisivo con il Colle. L'alternativa è Delrio. Riproduci Chiudi il player. La mediazione di Renzi con i dem: Gentiloni premier e voto a giugno. Nel primo vero ...altro »
    • Papa: Nella tragica realtà dei migranti rivediamo quella del bambino ... - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itPapa: Nella tragica realtà dei migranti rivediamo quella del bambino ...Avvenire.itIl presepe collocato in Piazza San Pietro richiama "la triste e tragica realtà dei migranti sui barconi diretti verso l'Italia. Nell'esperienza dolorosa di questi fratelli e sorelle, rivediamo quella del bambino Gesù, che al momento della nascita non […]
    • Caritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchie - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itCaritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchieAvvenire.itDue i progetti attivati per rispondere all'appello lanciato da papa Francesco: coinvolti gli istituti religiosi e le famiglie. Riproduci Chiudi il player. Caritas di Roma, 123 profughi accolti nelle parrocchie. Sono 123 i richiedenti asilo e protetti ...altro »
    • Trovata morta la ragazza cinese scomparsa lunedì - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itTrovata morta la ragazza cinese scomparsa lunedìAvvenire.itL'ipotesi più probabile è che sia stata investita da un treno. Ma la polizia indaga su un'eventuale violenza. La ragazza, 20 anni, aveva denunciato il furto della borsa poco prima di scomparire. Riproduci Chiudi il player. Il luogo del ritrovamento del ...altro »
    • Esce in un volumetto l'intervista del Papa a Avvenire - Avvenire.it December 7, 2016
      Avvenire.itEsce in un volumetto l'intervista del Papa a AvvenireAvvenire.itVa in libreria il volumetto che raccoglie l'intervista del Papa ad Avvenire, il dialogo con Stefania Falasca pubblicato venerdì 18 novembre e che ora Edb rilancia in una coedizione con il nostro quotidiano, aperta dall'editoriale di monsignor Marcello ...
    • Parità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontana - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itParità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontanaAvvenire.itSono 14mila le frontaliere che ogni giorno si recano dalla regione di Yerbala, nel nord del Marocco. Riproduci Chiudi il player. Parità tra i sessi. Ma l'emancipazione è ancora lontana. Le donne possono dare un contributo essenziale alla lotta contro ...
    • "I migranti? Per i piccoli Comuni sono un'opportunità" - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.it"I migranti? Per i piccoli Comuni sono un'opportunità"Avvenire.itParla il sindaco di Sant'Alessio in Aspromonte, 400 abitanti e 50 ospiti stranieri. "Con l'avvio del progetto Sprar, oltre ai rifugiati sono tornati anche alcuni italiani". Riproduci Chiudi il player. I ragazzi di Sant'Alessio in Aspromonte dur […]
    • Incendio nel ghetto dei bulgari, morto un 20enne - Avvenire.it December 9, 2016
      Avvenire.itIncendio nel ghetto dei bulgari, morto un 20enneAvvenire.itUn ragazzo di 20 anni è morto carbonizzato nell'incendio scoppiato nel campo soprannominato il "ghetto dei bulgari" nella frazione La Pescia, nel comune di Foggia, tra Borgo Mezzanone e Tressanti. L'intervento dei vigili del fuoco è stato richiesto ...altro »
    • Fisco, bonus e previdenza: ecco la nuova legge di bilancio 2017 - Avvenire.it December 8, 2016
      Avvenire.itFisco, bonus e previdenza: ecco la nuova legge di bilancio 2017Avvenire.itLegge da 27 miliardi. Via all'Ape. Moody's: prospettive negative. Via libera con 166 sì, 70 no e 1 astenuto. Per l'anno prossimo nuovo taglio delle tasse, dal canone Rai all'evitato aumento dell'Iva. Riproduci Chiudi il player. Fisco, bonus e ...altr […]