Ma run baa in Siyaad Barre rabay in Soomaaliya ay la midowdo Itoobiya shuruud la’aan?

imageMa run baa in Siyaad Barre rabay in Soomaaliya ay la midowdo Itoobiya shuruud la’aan?


Mar 29, 2016 – Taariikhdu waxay ku socotaa qawaaniin cilmi ah oo aan ku xirneyn qof waxa uu qabo ama uu jecel yahay. Sidaas darteed, markii la baraayo waa iney ku salaysnaataa hab cilmi. Qofka marka uu malo awaal cusub soo bandhigo waa iney leedahay manhaj iyo tixraacyo xaqiiqi ah oo uu ku xoojinayo macluumadka cusub.

Siyaad Barre iyo Fidel Kastro

Internetka waxaa lagu soo bandhigay hadal uu tarjumay oo aan fasiraad raacsanayn mudane Yuusuf Garaad, kaas oo ahaa sheeko dhexmartay Erich Honecker oo ahaa madaxweynihii Jarmalka Bariga iyo Fidel Kastro oo ahaa hoggaamiyihii Kuba. Qoraalka uu soo qaatay Yuusuf waxuu ku saabsanaa wadahadal lagu guul-dareystay in la abuuro dawlad midow ah (federation) oo ka kooban Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadankii carbeed ee la oran jiray Koonfurta Yemen (South Yemen) taariikhdu markey aheyd 1977. Fidel Kastro wuxuu soo hadal qaaday ka hor intaanan la isku arkin magaaladda Cadan in Soomaaliya ay u heelaneyd inay la midowdo shuruud la’aan wadamada kale eek or ku xusan.

Hadaba xaqiiqdu maxay tahay? Max

fidel-300×213-2aase looga baahanyahay qofka doonaaya inuu u dhabbagalo ama qiimeeyo taariikhda tagtay? Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in haddii la rabo in la daraaseeyo taariikhda xaasaasiga waa in laga fiiriyo dhamaan dhinacyada ay qusayso si looga taxadaro in qolo lagu xadgudbo sidoo kale waxaa muhiim ah in lagu daro qoraalo kale oo kaabaya waxa laga hadlaayo oo cadaymo ah.

Kastro iyo Honecker

Hadaan dib ugu noqono sanadka 1977. Waa waqtigii ay kacsaneyd cadaawaddii ka dhexeeysay labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Cadaawadaas oo ku saabsaneyd lahaanshaha dhulka loo yaqaanno Soomaali Galbeed. Maadaama waqtigaa ay Soomaaliya iyo Itoobiya la jaal ahaayeen Midowga Soofiyeet (Soviet Union), una kala tartamaayeen in qolo walba ay soo leexsato taageeridda Midowgii Soofiyeet.

Laba sano ka hor intii uusan bilaaban dagaalkii qaraaraa ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa jirtay in madaxdii Somaaliyeed ee markaa talada haysey ay dageen shax ama xeelad siyaasadeeysan oo ay ugu talo galeen in la isaga horkeeno Itoobiya oo berrigaas tageerada reer Galbeed haysatay, iyo dalalka hantiwadaagga waliba. Shaxdaas waxey aheeyd in Soomaaliya ay soo jeediso in midow siyaasadeed la gasho Itoobiya. Dalabkaas waxaa ku xirnaa shuruudo. Shuruudahaas waxaa ugu horeeyay, uguna muhiimsanaa in dawladda Itoobiya ay Soomaaliya ku wareejiso dhulkii Soomaali Galbeed oo dhan markaas ka dibna ay suurtogal noqon karto iney la midowdo Itoobiya. Dalabkaas waxaa ku gacanseeray Tefari Banti oo ahaa hoggaamiyihii Itoobiya.

Siyaad Barre asagoo hadal ka jeedinaya maalinta Ciddul Fitriga sanadku markuu ahaa 1976, ayuu wuxuu yiri:

“Soomaaliya markasta waxay isku dayday inay si nabad ah ula heshiiso Itoobiya oo la xaliyo muranka ka dheexaya labadal dal ku saabsan dhulka ay gumeysato. Dhowr ergo diblomaasiyadeed baan u dirnay, markasta wey na dafireen. Soomaaliya markasta waxay raadisaa waddada wanaaga ah laakin Itoobiya marna ma ogolaan in arintan nabad lagu xaliyo… Tefari Banti dhowr jeer buu so jeediyey in Itoobiya iyo Soomaaliya xal nabaddeed ka gaaran muranka dhulka laakin wuu diiday inuu la fariisto Soomaaliya. Soomaaliya waxay muujisay iney markasta nabad rabto, kana codsatay wadamada Tanzaniya, Uganda, Midowga Sofiyeet iyo Yugoslavia iney dhex-dhexaadiyaan labada dal… Ugu dambeeyn, waxaan shir la qaatay Itoobiya inaan la sameeyo midow hadii uu soo celiyo dhulka ka maqan Soomaaliya.” (Radio Muqdisho,1976)

Arintii ay soo jeedisay Dawladda Soomaaliya ee ahayd midow shuruud ku xiran ayey Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya waxay ku jawaabtay dafirtay:

“Dawladda Itoobiya wax muran dhuleed ah kalama dhaxeeyo Soomaaliya. Hadalkii uu soo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in Itoobiya ay la midowdo Soomaaliya waa war been ah, oo aan sal & raad toona lahayn. Soomaaliya waxay wadaa dhul-balaarsi. Sidaas awgeed, waxaan mar kale ku celinaynaa ineysan jirin muran dhuleed ka dhaxeeya labada dal.” (Radio Itoobiya, 1976)

Sida aan horay usoo sheegayba, arrintaas waxaa looga gol lahaa in la iska hor keeno Itoobiya iyo Midowga Sofiyeet. Sababtoo ah waxey dawladda Somaliya ogeyd in Itoobiya aysan marnaba ogolaan doonin iney wareejiso dhulka Soomaali Galbeed. Sidaas darteedna Itoobiya loogu muujiyo iney tahay gumeeyste madoow oo badalay gumeeystihii cadaa, markaasna loogu aqoonsado Itoobiya waddan aan si dhab ah u qaadan mabda’a hantiwadaagga (Socialism). Xasuusnoow ineey dastuurkii xisbigii markaas talada hayay ay ku jirtay in dhulkii Soomaaliya ka maqnaa marka hore nabad lagu raadsho.

Waxaa ayadana in la xuso mudan in isla shaxdaas mid la mid ah ay dawlada Soomaaliya u soo jeedisay dawladda Kenya. Taasoo aheyd in Kenya iyo Somaliya ay siyaasad ahaan midoobaan laakiinse marka hore ay Kenya soo wareejiso dhulka loo yaqaanno NFD. Sida dadka xog-ogaalka ahi ka dharagsan yihiinna Kenya waa ay diiday soo jeedintaas. Soomaaliya oo ka faaideysaneysa hab dibloomaasi tusaysana Beesha Caalamka iney Soomaaliya markasta nabad raadineyso, oo diyaar u tahay iney gorgor tanto laakiin dawladdaha deriskaah ay diidan yihihiin.

Markey Itoobiya taagero military ka waysay Maraykanka, madaama baqdin dagaal ku soo fool lahaa, ayey u jiheysatay dhanka Midowga Sofiyeet ayagoo ololayn adag u galay. Waxay xoojiyeen mab’da hantiwadaagga, Midgowga Sofiyeet oo aad u danaynaayey iney Itoobiya dhankeeda u soo wareegto, xiriirkana u gooyso Maraynaka, baa soo jeedisay qorshe midow madaama Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ku dhaqma mabda’a hantiwaddaaga. Hadaba si ay uga dhaadiciyaan Soomaaliya iyo Itoobiya fikirkaas, waxay labada dal u direen Fidel Kastro si uu uga dhaadhiciyo qorshahas.

Imaatinka Fidel Kastro ee Muqdisho, Maarso 1977, waxaa furmay wadahal u dhaxeeyey guddiga Kastro iyo Dawladdii Soomaaliya. Dawladda Soomaliya waxaa matalayey, Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Maxaxweyne-ku-xigeen Ismaaciil Cali Abukar, Gudoomiyaha Arimaha Dibadda C/raxmaan Caydiid, Gudoomiyaha guddiga Xisbiga Ibraahim Meygaag Samatar, Wasiirka Warfaafinta Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo agaasimaha Wasaaradda Arimaha Dibadda C/raxmaan Jaamac Barre (Radio Muqdisho, 1977). Fidel Kastro wuxuu soo jeediyey in laga fiicanyahay in labo dal oo hantiwaddaag ay cadow isu yihiin, sidaas awgeedna ay fiican tahay in ay midoobaan. Siyaad Barre wuxuu ku jawaabay iney arintaas mar hore soo jeediyeen laakin Itoobiya ay diiday. Waxa uuna sheegay in Soomaaliya markasta nabad rabto laakiin laga marmaan tahay iney shuruuda ay soo jeedisay la fuliyo. Kastro oo diidmo badan kala kulmay Soomaaliya baa soo jeediyey in wadahadal dhex-dhaxaadin ah lagu furo Cadan oo u dhaxeeya Mingustu iyo Siyaad Barre. Siyaad Barre wuu aqbalay madaama arintaan uu Midowga Sofiyeet dabada ka riixaysay, loolan diplomaasina la ciyaarayey.

siad-barre-castro-somalia-president-1969-91-300×216-2

Fidel Kastro iyo Mingistu

Kastro markuu ka safray Muqdisho, wuxuu u baqoolay Addis Ababa oo uu kula kulmay Mingustu. Mingustu wuu soo dhaweeyey qorshaha, si toosna u aqblay iney isku arkaan Cadan Madaxweynaha Soomaaliya si looga hadlo barmaamijkan.

Isla bartamihii bishii Maarso Fidel Kasto wuxuu isugu keenay Mingustu, Siyaad Barre, iyo Saalim Rubayac magaalada Cadan, hordhigeyna qorshaha USSR, oo ahaa inay hal wadan laga wada dhigo Geeska Afrika iyo Koonfur Yemen.

Kastro wuxuu yiri:

“Magaaladda Cadan waxaa isku aragay: Mingistu, Siyaad Barre, Madaxweynaha Koonfur Yemen iyo aniga (Kastro). Saacaddo badan baan doodaynay ilaa uu waaggu baryey. Siyaad Barre wuu diiday inu aqbalo waxaan so jeediney, wuxuuna ku dhaganaa dhulka Soomaaliyeed ee ku maqan gacanta Itoobiya ee Soomaali Galbeed. Waxaan ku iri: “Dagaal ha galin madaama aad tahay nin kacaaneed oo aaminsan hantiwaddaagga. Kacaan rasmi baa ka dhacay Itoobiya, xitaa Kacaanka Itoobiya ka fiican ka Soomaaliya.” (Kastro, 1985)

Madaxweyne ku-xigeenkii Kuba, Karlos Rafael Rodríguez, oo ka mid ahaa wafdigii Fidel Kastro kuna sugnaa Cadan, qeybna ka ahaa wadahadalka ayaa yiri:

“Kulankaas waxaa ka so qeyb-galay Mingustu iyo kaaliyayaashiisa, Siyaad Barre iyo kaaliyayaashiisa, Cali Rubayi, oo markaas ahaa Madaxweynehaha Koonfur Yemen, Fattah Ismaacil iyo Cali Nasir, oo hadda ah madaxweynaha Koonfur Yemen, iyo Kuba oo uu wakiil u ahaa Fidel Kastro iyo aniga (Karlos). Fidel wuu dadaalay, 10kii habeenimo ilaa 7 subaxnimo ayuu ku dadaalaayey inuu heshiis mira dhal ah gaaro. Laakin waxay noqotay wax aan suurta gal ahayn. Siyaad Barre wuxuu diiday talooyin kasta oo loo soo bandhigay asagoo u arko inee liid ku tahay hadafka Soomaaliweyn.” (Rodriguez, 1981)

Wafdi ka socday Jarmal Bariga ayaa kula kulmay Siyaad Barre caasimadda Soomaaliya. Wafdigas oo wada hadal dheer la galay Siyaad Barre ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Sofiyeet u fadhiyey Soomaaliya, wuxuuna qoray:

“Siyaad wuxuu markasta ku soo celcelinaayey inu nabad waara la gaaro Itoobiya laakinse hadaladiisa waxaad ka dareemaysay waddanimo. Wuxuu nala wadaagay inu tuhun ka qabo Kacaanka ka curtay Itoobiya, kuna tilmaamay iney yihiin cunsuro la shaqeeya waddanka Israel.” (Ulianovskii, 1977)

Barafasoor Bruce D. Porter oo ku takhasusay taariikhda Midowga Sofiyeet ayaa qoray:

“Fidel Kastro waxuu Muqdishu soo booqday 1977 asagoo hadafkiisa ugu weyn uu ahaa inuu baajiyo dagaal ka dhex qarxa Soomaaliya iyo Itoobiya. Asagoo arrintaas dadaal ugu jira ayuu waxuu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre usoo bandhigay iney Itoobiya iyo Soomaaliya midoobaan iyadoona wax dhul ah la isu celineyn, taasina si cad ayuu u diiday Maxamed Siyaad Barre. Waxuuna ku eedeeyay dawladda Itoobiya iney tahay mid aan ku saleeysneeyn hantiwadaag balse ay tahay mid ku saleysan isir naceyb iyo midab tikoor” (Porter, 1986)

Fidel Kastro iyo Midowgii Soofiyeeti sidey u arkeen diidmadii Maxamed Siyad Barre in uu la midoobo Itoobiya Soomaaliya oo aan dhulkeedii loo soo celin? Barafasoor Robert Owen Friedman ayaa qoray:

“Ruushkii aad ayuu uga carooday diidmadii ku aadaneyd Midowga Wadamada Badda Cas ee ka timid hogaamiyihii Soomaaliya, Siyaad Barre. Caradii Ruushka sare ayey usii kacday kadib markii uu Siyaad Barre si muuqata (public) uga digay inuu Ruushku hub siiyo Itoobiya.” (Freedman, 1979)

Wareysi uu siiyey Wargeyska Masaarida ee AL-AHRAM, wuxuu Siyaad Barre ku sheegay markii la weydiyey wadahadalkii fashilmay ee Cadan:

“Anaga waan so jeediney cabashadeena. Waxaana sheegnay Itoobiya inay tahay waddan gumeysi , welina gumeysata ummad dhan. Waxay soo jeediyeena maahan wax la aqbali karo waayo waxay halis ku tahay jiritaanka wadankeena. Sidaas awgeed waan diidnay, marnaba ma yeeleyno inaan la midowno Itoobiya…Kastro wuu dadaalay laakin cillada waxay ahayd madaxda Itoobiya oo weli maskax gumeysi ku shaqeynaysa.” (Al-Ahram, 1977)

Hoggaamiyihii Jabhadda EPLF ee Eriteeriya, oo u waramaya qoraaga Nurthen wuxuu yiri:

Siyaad Barre ayaa iiga waramay shirka qarsoodiga ee uu la galay Kastro iyo Mingustu. Wuxuu ii sheegay markasta inuu ku doodayey in uusan heshiis la galeynin Itoobiya ilaa ay soo celiso dhulka Soomaaliya ka maqan. Mingistu ayaa u jawaab celiyey in waddanka la yiraahdo ‘Soomaaliya’ uusan weligiis jirin, ee ay tahay wax ay abuureen Talyaaniga iyo Ingiriiska. Siyaad Barre koofiyadiisa ayuu gashaday, shirkiina wuu ka baxay.” (Nurthen, 1980)

Berhanu Bayeh oo mar ahaan jiray wasiirka Arimaha Dibadda ee Itoobiyaa oo wax laga weydiyey kulankaas, wuxuu yiri:

Kulankaas fashil buu ku dhamaaday, waxaana eedda leh Siyaad Barre iyo go`aanka uu qaatay. Siyaad Barre si kibir leh buu u hadlay asagoo ku eedeynaaya Itoobiya iney tahay waddan gumeysi. Wuxuu yiri Soomaaliya weligeed ka leexan mayso hadafkeeda ah iney soo ceshato dhulalka ka maqan. Siyaad Barre markasta wuxuu ku so celinayey in ay laga marmaan tahay in Soomaalida ku dhaqan Soomaali Galbeed iyo NFD ay helaan xoriyadooda. Siyaad Barre wuxuu ku eedeeyey Mingustu inuu wadada Haile Selassie ku socdo. Haddii ay dhab ka tahay iney yihiin dal hantiwadaag ah, iney si dhakhso ah u soo celiyaan Soomaali Galbeed.” (Bayeh, 1977)

Mingustu oo wareysi dheer siiyey wargeyska Talyaaniga ee L’Unita wuxuu yiri:

“Soomaaliya waxay ku gabaneysaa mabda’a hantiwadaaaggaa si ay u hesho Soomaaliweyn. Anaga waan soo jeediney inaan midowno laakiin Soomaaliyaa diiday oo shurudo adag ku xirtay in Soomaali Galbeed xornimadeeda la siiyo, dabadeedna dagaal bey nagu so qaaday.” (L’UNITA, 1977)

Taariikhda dhabta ah eey meesha taala ayaa waxey tahay in xataa Fidel Kastro uu ogaaday in Siyaad Barre uusan marnaba diyaar u aheyn in Soomaaliya iyo Itoobiya ay midoobaan. Sida ku cad hadalkii dhex maray Fidel Kastro iyo hogaamiyii Jarmalka Bariga. Kulankaas waxuu Fidel Kastro ku sheegay in shirkii Cadan (Aden, South Yemen) fashil kusoo dhamaaday sababtoo ah Siyaad Barre ayaa lugooyay oo waqtigii ku dhameeyay eedeyn uu dusha uga tuuray dawladda Itoobiya. Kadib markii shirkii Cadan lagu soo kala tagay waa tey, sida aanu wada ogsoonahayba, Midowgii Soofiyeet iyo intii la halmaashayba ay isku raaceen in Siyaad Barre uusan aheyn nin u bisil in la xukumo amase uu amarkiisu meel kale ka yimaado sida darteedna uu Midowgii Soofiyeet go’aansaday inuu la safto Itoobiya maadaama uu Mingistu ahaa nin ‘dhaga-nugul’. Waxii intaas ka dambeeyay iyo meeshii ay ku dhamaatay xiriirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Midowga Soofiyeet iyo xulufadiisii waa taariikh aannu ka wada dharagsan nahay dib ugu laabashana uma baahna.

Waxaan qoraalkaan kooban kusoo gunaanadayaa anigoo weliba si toos ah ula hadlaaya akhristayaasha sharafta leh ee qoraalkaan aragtaa in qof walbaa uu ku dadaalo barashada iyo dabaraaca taariikhda ee ku saleysan cilmiga fadhiya (sound academic standing). Cilmi wadaaggu waxuu ku yimaadaa baaritaan, cadaalad, iyo xog aruursi badan ka dib.

Qoraa Maxamed Ibraahim Shire

Raadraaca

Wareysi Maxamed Siyaad Barre. (1977, May 19). Al-Ahram.

Bayaan ku saabsan xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya . (1976, October 14). Addis Ababa: Radio Itoobiya.

Castro, F. (1985). Fidel Castro speeches, 1984-85. New York: Pathfinder Press.

Freedman, R. O. (1979). World politics and the Arab-Israeli conflict. New York: Pergamon Press.

Wareysi Mingustu Haile Maryam. (1977, November 28). L’UNITA, p. 1.

Maxaweynaha u hadal ku baaqay Itoobiya. (1976, September 25). Muqdisho: Radio Muqdisho.

Memorandum of conversation between Soviet acting Charge d’affaires in Ethiopia S. Sinitsin andEthiopian official Maj. Berhanu Bayeh, March 18, 1977, History and Public Policy Program Digital Archive, TsKhSD, f. 5, op. 73, d. 1638, ll. 93-97)

Nurthen, W. A. (1980). Soviet strategy in the Red Sea basin. NAVAL POSTGRADUATE SCHOOL MONTEREY CA.

Porter, B. D. (1984). The USSR in Third World conflicts: Soviet arms and diplomacy in local wars, 1945-1980. Cambridge: Cambridge University Press.

“Transcript of Meeting between US Secretary of State Alexander M. Haig, Jr., and Cuban Vice Premier Carlos Rafael Rodriguez, Mexico City,,” November 23, 1981, History and Public Policy Program Digital Archive, TsKhSD, f. 5, op. 84, d. 584, ll. 1-27; translation by Bruce McDonald; document obtained by Carter-Brezhnev Project and on file at National Security Archive

Ulianovskii, R. A. (n.d.). REPORT concerning a trip to the Democratic Republic of Somali by a delegation from the CC SED from 31 January-1 February 1977 (Vol. 5, pp. 1-5, Rep.). TsKhSD.

Wadahadal Kuba iyo Soomaaliya [Advertisement]. (1977, March 14). Muqdisho: Radio Muqdisho.

Tags: Castro, Cuba, ethiopia, Federation, Itoobiya, somalia, Soomaaliya

Moment History Society

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s