Sawiro: Meydka Generaal Samatar oo Godka la dhigay & Hogaamiyasha Somalida oo ka qeyb galay..

imageimageHalkan ka dhegeyso Taariikh nololeedkii Marxuum Maxamed Cali Samatar


Sawiro: Meydka Generaal Samatar oo Godka la dhigay & Hogaamiyasha Somalida oo ka qeyb galay..

25/08/2016 – Allaha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xilal sare ka soo qabtay dowladdii Milateriga aheyd, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sare dowladda, maamul goboleedyada, wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa lagu aasay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo halkaasi lagula dukaday salaadii janaasada aheyd.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa ka mid ahaa madaxdii salaada janaasada kula dukaday meydka S/Guud Maxamed Cali Samatar.

Mas’uuliyiintii ka hadashay aaska ayaa ka hadlay taariikhdii S/Guud Maxamed Cali Samatar iyo kaalintii uu ka qaatay dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Aaska Qaran ayaa waxaa laga sheegay in Jeneraal Samatar uu ahaa mas’uulkii lahaa in goobta maanta lagu aasay laga dhigo taliska ciidanka xoogga dalka iyo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana uu ahaa mas’uulka kaliya ee ugu wakhtiga dheeraa ee hayay xilalka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga.

Moment HISTORY Society – 23 AUG 2016: – Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samantar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo saddex cisho ah oo caawa ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka.

S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.

 

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s