Qaybdiid iyo Moorgan; qodob ama maan mid ku qiimee!

img_5876Qaybdiid iyo Moorgan; qodob ama maan mid ku qiimee!


Bar AMA Baro – Had walba, marka sunta suuxsimaadku ka baxdo ama indha sarcaadku ka guuro ayey bulshadeydu soo hambaabirtaa, ammin xeero iyo fandhaal ka la dhaceen, waaba tan ugu darane, ay GUNNIMADU ku dheeraatay! Ma hubsato, u ma fiirsato, is ma weydiiso, shalay maanta ku ma xirto, maantana berri ku ma saadaaliso. Hawtalhamagnimo!

Ma jeclayn doorashadan 2016 in aan ka wax ka qoro QABQABLE iyo DAGAAL OOGE, haddana, waanigaa ka fursan waayey, mar haddii mid uu ku soo baxay xubinnada AQALKA SARE, GALMUDUG u metalaysa, waa QEYBDIIDE, kan kalana uu ku sigtay, in uu ka mid noqdo xubnaha AQALKA SARE PUNTLAND u metelaya, waana MOORGAN!

Ma ahayn wax aan la filayn in ay dhacaan, balse, waxaa yaqyaqsi iyo yaxyax lahaa sida loo la falgalay, oo midna SHAYDAAN looga dhigay, kan kalana looga wada gaabsaday, ka dib markii uu soo bixi waayana ku mutaystay hambalyo iyo bogaadin, sidoo kalana maamulkii uu sharraxnaa dusha looga la dhacay AMMAAN!

Qaybdiid iyo Moorgan; labo QABQABLE. Labo DAGAAL OOGE. Labo gacan ku dhiigle. Labo macangag. Labo dilaa. Labo hoggaamiye kooxeed. Labo isu daran, dadkooda iyo dalkoodana u daran, haddana, haldoorro iyo halyeeyo aan u naqaan, waliba la ka la xigsado.

Sidaa oo ay tilmaamo xun, tusmooyin liita iyo tijaabooyin qarracan leh u sameeyeen, summadna ay u tahay, haddana, aniga , qalad u ma arag isi sharrixidda labadooda, yaabna haba sheegin, ee waxaa iga la sii xun bulshada wali u oggol, in ay dhexjoogaan ka sokow, haddana, ay maamuus, magac iyo muunaad ka rabaan, mushaarna u dheer yahay, si ay masiirkooda u maamulaan, ka dib markii ay maalmahoodii mugdi iyo madaw galiyeen!

Marka laga soo tago kaalinta faldambiyeed ee ay lahaayeen, haddana, inta garsoor xukun ku ridayo waxay ahaanayaan DAMBILAAWAYAAL. Eedda bulsho iyo utunta umadeed waa meesheeda. Taas waa midda aan u lahaa, in ay is sharraxaan waa gartood, maxaa yeelay, wax u diiday ama ka hor istaagay ma jirin, mana la jideyn.

Mar haddii dawladdii dhexe ka gaabisay, in ay jideyso xeer dhigaya, in qabqablayaashii dagaalka aysan xil dawladeed oo ugu yaraan sare qaban karin, mar haddii guddigii doorashada uusan dhigin qodob qeexaya, in dagaal ooge uusan isi sharrixi karin, wax aan u eedo Qeybdiid iyo Moorgan, labadaa DAGAAL OOGE ma jiraan, aan ka ahayn sooyaalkooda silcin.

Mar haddii maamul beeleedyadii ay ku abtirsanayeen ka gaabsheen in ay jideyaan xeer dhigaya, in qabqablayaashii dagaalka aysan xil maamuleed oo ugu yaraan sare qaban karin, mar haddii guddigii doorashada iyo kii maamul goboleedyadu aysan dhigin qodob qeexaya, in dagaal ooge uusan isi sharrixi karin, wax aan ku eedo Qeybdiid iyo Moorgan, labadaa DAGAAL OOGE ma jiraan, aan ka ahayn sooyaalkooda silcin.

Ka sokow, Qeybdiid iyo Moorgan, labadaa DAGAAL OOGE, labada maamul dhismahoodii hore iyo dhidiba u taaggiiba kaalin wayn ayey ka ahaayeen, marka sidee labada beel uga kaaftoomi karaan, uguna dhihi karaan; maanta maalinteenni ma ahane, saddax tillaabo dib u dega? Dabcan, waxay ahaan leheed go’aan geesinnimo, ee beesha ku dhiirran karta, waa tee?.

Intaa ka dib, sooyaalka doorasho iyo guddi hagiddeeda hal aan tusaale ugu soo qaato. Doorashadii 2012, guddiga doorashadu waxay meelmariyeen, in qabqablayaashii dagaalku aysan is ku sharrixi karin xubin baarlamaan. Ogow, xukuumaddu hore u ma dejin xeerkaase, ee kaliya waxaa qortay hab maamuus ahaan guddigii doorashada, oo run ahaan in ka badan boqolkiiba siddeetan hirgashay marka laga reebo inyar oo Sheekh Shariif ku soo daray.

Hadda waxaa la dhihi karaa, in xukuumadda iyo guddigaba ay uga gaabsadeen xeerarka caynkaa ah, in tirida qabqale ee la filan karo in ay tartamaan amaba labada aqal midkoosa soo galaan in ay aad u yaryihiin marka la barbardhigo tiradii caadka iyo cammaaradda ahayd ee 2012, oo keentay, in xeerkaa la qodbo lana qeexo.

Si walba oo qodobkan sidaa loogu qiilin karo, haddana, bulsho intaa oo baas ah ka soo martay qabqablayaal, marna ka qaadi mayso in ay yaryihiin masuuliyadda akhlaaq ee dulsaaran, haddii aysan marag ku sii furayn ah, in aysan lahayn dareen, dux iyo damqasho, ay nafteeda, ubadkeeda, ayaahameeda iyo aayaheeda u hayso.

Taa ka sokow, waxaa la yaab leh, in dad badan maamulka Galmudug ku dhaleeceeyeen, in ay doorteen Qeybdiid, halka ay maamulka Puntland ugu hambalyeeyeen iyaga oo ku bogaadiyey, in aysan dooran Moorgan!

Horta mid noo ka la saara; labada maamul in ay u oggolaadaan labadaa qabqable in ay is sharxaan iyo in midkood uusan tartan cod iyo doorasho uusan ku soo bixin! Ma ku jiraa labada maamul, hal masuul oo yiri; ninkaa qabqalaha ah na ma meteli karo, ee liiska murashaxiita ha laga saaro? Marka haddii uusan ku soo bixin cod ewelba “LACAG” lagu ka la baxayey, ma waxaad u taqaanniin ammaan? Alla maxaa dhib idin haysta!

Nin tartamay, oo cod looga taagroonaday, ma garan karo, waxa maamulkii cod bixinta iyo tartanka furay looga hambalyeeyo, maxaa yeelay, haddii ay ammaanteyda iyo midda inta maanka fayoow rabaan, waxay eheed, inaanba loo oggolaan, in ay tartamaan, ee nin ku soo bixi waayey tirsi cod iyo lacag, lagana yaabo, in ay wehliso wax kale, maxaad ka ammaantaan, walibana horey idiin dilay?.

Si kale, anoo raba, in aan ku dilo, ayaa waxaa la yiri, cod ha loo qaado, markaas ayaan codkii ku waayey siyaabo kale, ee aan ahayn, in laga baqayo in aan ku dilo, marka codeyntaas aanan helin haddaad igu ammaanto, saw maangaabnimo kuu ma ahan, aniguse ma mudnahay ammaantaas? Dabcan haa inta aad maabgaabimada wax ku miisaamee.

Ka sokow, Qeybdiid iyo Moorgan, labadaa DAGAAL OOGE hadday ku la tahay, dad aan mudnayn in xil loo dhiibo, ma ogtahay, in haddadan “2016?”, aad sadarradan aqrinayso, in qabqable Moorgan yahay LA TALIYAYAH ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid? Marka maxay isugu kaa dhaamaan, in qabqable Moorgan noqdo LA TALIYE ra’iisul wasaare iyo xildhibaan aqalka sare ku jira? Ku fiiri tusaalaha sare, waa adoo i tiraa, waxaa ii roon, in aad iga disho gacmaha, halka aad iga dili leheed lugaha, oo ka dhigan, mar walba, in aad oggoshay, in aan ku dilo!

Sidoo kale, Qeybdiid iyo Moorgan, labadaa DAGAAL OOGE haddii ay ku la tahay, dad aan mudnayn in xil loo dhiibo, ma ogtahay, in haddadan “2016?”, aad sadarradan aqrinayso, in qabqable Maxamad Cabdi Yuusuf, oo is la qabqale Moorgan u qaabilsanaa lacag aruurinta iyo dhaqaale raadinta, uu baarlamaanka ku jiro, haddana, uu meelaha ku la calaacalayo, in aan xilka sii sayo waxaa ii diiday Gebre, oo uu shalay markii uu dadka Muqdisho iyo Koofurta xasuuqayey u riyaaqsanaa?

Sidoo kale, Qeybdiid iyo Moorgan, labadaa DAGAAL OOGE, hadday ku la tahay, dad aan mudnayn, in xil loo dhiibo, ma ogtahay, in haddadan “2016?”, aad sadarradan aqrinayso, in qabqable Axmad Madoobe uu yahay madaxweynaha maamulka Jubbalad, oo uu isagu gacantiisa ku saxiixi doono aqoonyahanno, waxgarad iyo masuuliyiin aqalka sare u meteli doona maamulkaas? Ku fiiri tusaalaha sare, waa adoo i tiraa, waxaa ii roon, in uu i dilo hebel, halka uu iga dili lahaa hebel kale, oo ka dhigan, mar walba, in aad oggoshay, in lagu dilo, waliba dad gaar ah ku dilaan!

Haddaan kuu ballaariyo haddaad xanaaqaysaan. MOORGAN IYO QAYBDIID, mid weliba wuxuu ku eedaysan yahay dagaal oognimo, hadda i la eeg, Soomaliland waxaa u sharaxan Muuse Biixi magaca aad u bixinayso iyo sooyaalkiisa adigaa yaqaan aqriste. Waxaa aqalka sare galay oo ku biirey Faroole. Ogoow Faroole wuxuu dagaal la galay dadka deegaanka Puntland, Somaliland iyo Galmudug, waxaana lagu tiriyaa inuu intuu talada hayey sabab u ahaa dagaallo badan, haddaba, isagu miyaanu ahayn dagaal ooge? Adigaa yaqaan waxaad u bixinayso aqriste.

Soomaalida haddii maanta Cali Xuseen Raage (Cali Dheere) loo keeno, marka hore waa qaylinayaan, laba bilood ka dibna waxaad arkeysaa koox difaacaysa. haddi ogoow wuxuu faldambiyeedkiisu ku ekaanayaa laba billood iyo ka yar. Ogoow in hoggaamiye kooxeed iyo diimeed badan weli ku milan yihiin maamul walba.

Midda iigu sii yaabka badnayn waxay tahay, markaan arkay kuwo “PETITION” ka sameeyey Qeybdiid, halka afartii gu’ ee tagtay, ay ka indha saabnaayeen Maxamad Cabdi Yuusuf, Qanyare, in kasta oo uu wiilkiisa ku wareejiyey iyo Axmad Madoobe, anoon ka tagayn Moorgan oo la taliye RW noqday walina ah!

Bal qofka caynkaa ah, damiirka iyo dadnimada uu Qeybdiid kaliya ku beegsaday, ee uusan inta kale ku arag yaa ii sheegi kara? Haa haddaan gartay, waxaa la yiraa; QABYAALAD iyo hal QABIIL abbaar, kuwo kalana ka qallee! Waxaad ogaataa, inta garaadkaagu sidan wax u tebinayo, in ma gudbe iyo aad ahaan doonto guulwade lagu dangaaro! Hal talo iga hoo; wax aadan miisaami karin, muggeedana wada gudbin karin ha dhex muquuran, ee meelahaaga is ka lafayso, adoon is maqiiqin!

SOURCE: Bar AMA Baro 

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

  • Daily Alert News

  • THE GARISSA GENOCIDE AND THE PLIGHT OF KENYAN SOMALIS SINCE “INDEPENDENCE”.

  • Political Analyst & Expert in East Africa politics Moment History Society

  • Xisbiga Xuriyadda

  • Taariikh nololeedkii Imaam Axmad Gurey

  • taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban

  • Reflections on the life and learning of Prof. Said Samatar

    Professor Said Samatar who died February 24, 2015

  • Recent Posts

  • Truth to Power

  • Wall Truth

  • RSS osservatore romano – Google News

    • This RSS feed URL is deprecated December 16, 2017
      This RSS feed URL is deprecated, please update. New URLs can be found in the footers at https://news.google.com/news
    • VATICANO/ Qual è il vantaggio di una "newsroom" rispetto all ... - Il Sussidiario.net December 15, 2017
      Il Sussidiario.netVATICANO/ Qual è il vantaggio di una "newsroom" rispetto all ...Il Sussidiario.netIl cambiamento nel settore media si sta facendo più accelerato e intenso ovunque. Anche in Vaticano. Dove la parola d'ordine è razionalizzare.FarodiRoma Biotestamento. L'Osservatore Romano è pacato: "legge ...Farodiroma (Comunicati Sta […]
    • Media vaticani, Viganò: una redazione unica per tutti i canali - La ... - La Stampa December 13, 2017
      La StampaMedia vaticani, Viganò: una redazione unica per tutti i canali - La ...La StampaTra pochi giorni il lancio in versione “beta” del portale www.vaticannews.va. Da gennaio l'accorpamento de L'Osservatore Romano. «Il Papa è d'accordo»Mons. Viganò: «Social, tv, giornale e radio: così cambiano i media ...Corriere della SeraEcco come saranno […]
    • Perché secondo l'Osservatore Romano sul fine vita il Papa innova - Formiche.net November 18, 2017
      Formiche.netPerché secondo l'Osservatore Romano sul fine vita il Papa innovaFormiche.netAffannarsi a tener bordone alle strumentalizzazioni politiche spremute dalle parole che Papa Francesco ha consegnato al convegno ospitato in Vaticano sul fine-vita? Il netto del discorso di Jorge Mario Bergoglio va accolto per quello che è: non una ...
    • Società: card. Bassetti su L'Osservatore Romano, disoccupazione ... - Servizio Informazione Religiosa December 7, 2017
      Società: card. Bassetti su L'Osservatore Romano, disoccupazione ...Servizio Informazione ReligiosaNel “vissuto quotidiano dell'Italia” sono presenti diverse forme di povertà, “ma sono almeno tre le emergenze che fanno suonare un campanello di allarme”. Lo scrive il card. Gualtiero Bassetti, arcivescovo di Perugia–Città della Pieve e presidente ...a […]
    • Papa Francesco: Vian (“L'Osservatore Romano”), “l'importante è che ... - Servizio Informazione Religiosa December 7, 2017
      Servizio Informazione ReligiosaPapa Francesco: Vian (“L'Osservatore Romano”), “l'importante è che ...Servizio Informazione Religiosa“L'importante è che 'il messaggio arrivi'”: “La prima risposta del Papa nella conversazione con i giornalisti, consueta durante il volo di ritorno nei viaggi internazionali, va ben oltre la questione dei […]
    • L'Osservatore Romano: dedicato al potere simbolico del corpo ... - Servizio Informazione Religiosa December 1, 2017
      L'Osservatore Romano: dedicato al potere simbolico del corpo ...Servizio Informazione Religiosa“Donne Chiesa Mondo”, il mensile de “L'Osservatore Romano”, dedica il numero di dicembre a “Il potere simbolico del corpo delle donne”. In copertina la celebre immagine della donna che in Louisiana, durante gli scontri fra afroamericani e polizia, sola .. […]
    • Siria, l'incontro Assad-Putin visto dall'Osservatore Romano - Formiche.net November 22, 2017
      Formiche.netSiria, l'incontro Assad-Putin visto dall'Osservatore RomanoFormiche.netIn Siria le operazioni militari contro i terroristi si stanno avvicinando alla fine ed “è arrivato il momento di lavorare per una soluzione politica della crisi”. È quanto ha dichiarato ieri il capo di stato russo Vladimir Putin rivolgendosi al ...altro »
    • Bestemmia in tv: L'Osservatore Romano contro la Rai - Taranto in Diretta (Blog) December 15, 2017
      Bestemmia in tv: L'Osservatore Romano contro la RaiTaranto in Diretta (Blog)“L'Osservatore Romano”, il giornale del Vaticano, si scaglia contro la Tv di Stato con un titolo violento: «Fuori controllo». «La televisione, pubblica o privata che sia, per acquisire una dimensione social a tutti i costi rischia di divenire uno ...
    • Frate Emiliano e la frase del Papa: “Non sparlate degli altri” - Rete8 December 16, 2017
      Rete8Frate Emiliano e la frase del Papa: “Non sparlate degli altri”Rete8Frate Emiliano Antenucci incontra il Papa e gli dona una copia dell'Icona della Vergine del Silenzio. Il Pontefice vi scrive dietro: “Non sparlate degli altri” e la pone nel Palazzo Apostolico. Frate Emiliano è da un anno e mezzo circa guardiano del ...
    • Anche il Vaticano punta sulla trasformazione digitale - 01Net December 15, 2017
      01NetAnche il Vaticano punta sulla trasformazione digitale01NetDal primo gennaio il percorso si completerà con l'accorpamento dell'Osservatore Romano, del Servizio Fotografico e della Tipografia Vaticana. La diffusione dei contenuti avviene secondo un approccio complementare ai media. Questo approccio è stato ...I mass media del Papa dal 31 dicembr […]
  • RSS avvenire – Google News

    • This RSS feed URL is deprecated December 16, 2017
      This RSS feed URL is deprecated, please update. New URLs can be found in the footers at https://news.google.com/news
    • La vicenda. Abusi, la Curia di Milano: false ricostruzioni su un caso ... - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itLa vicenda. Abusi, la Curia di Milano: false ricostruzioni su un caso ...Avvenire.itReplica a un articolo che chiama in causa l'attuale arcivescovo Delpini e il vescovo Tremolada. "Nessuna copertura, ma intervento immediato". Vittima un quindicenne. Il prete è sotto processo. L'ingresso dell'arcivescovado di Milano in piaz […]
    • Biotestamento, ecco cosa prevede la nuova legge. E cosa non va - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itBiotestamento, ecco cosa prevede la nuova legge. E cosa non vaAvvenire.itOgni persona maggiorenne in previsione di una futura malattia che la renda incapace di autodeterminarsi può, attraverso le Dat, le disposizioni anticipate di trattamento, esprimere le proprie preferenze sui trattamenti sanitari, accettare o rifiutare ...altro »
    • Australia: pedofilia tragedia nazionale. Le richieste alla Chiesa - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itAustralia: pedofilia tragedia nazionale. Le richieste alla ChiesaAvvenire.itLa Commissione d'inchiesta che dal 2012 indaga su decine di migliaia di casi: il 60% delle vittime in ambito religioso. «Si rivedano le regole sul celibato»Malcolm Turnbull - WikipediaWikipediaIl Papa: “Non firmerò mai la grazia ai pedofili”In Terristutte le notizie ( […]
    • Televisione. «Sarà Sanremo», i giovani in gara per un posto al ... - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itTelevisione. «Sarà Sanremo», i giovani in gara per un posto al ...Avvenire.itSedici giovani si sfideranno in diretta da Villa Ormond, ma solo sei di loro avranno la possibilità di esibirsi sul palcoscenico del Teatro Ariston. Il boom di “X Factor” con la vittoria di Licitra. Il palco dell'Ariston nell'edizione di Sanremo 2017 ...altro » […]
    • Il killer di Budrio. Spari e 3 morti: preso in Spagna Igor «il russo» - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itIl killer di Budrio. Spari e 3 morti: preso in Spagna Igor «il russo»Avvenire.itL'uomo ha ingaggiato un conflitto a fuoco con la Guardia Civil prima d'essere arrestato. In Italia aveva già commesso due omicidi. Spari e 3 morti: preso in Spagna Igor «il russo». Ha sparato e lottato fino alla fine Igor “il russo”, il killer di ...altro » […]
    • Indonesia. Terremoto a Giava. «Crolli e vittime» - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itIndonesia. Terremoto a Giava. «Crolli e vittime»Avvenire.itLa magnitudo è stata di 6.5 e la scossa è stata sentita per 20 secondi anche nella capitale Giacarta. Allerta tsunami, poi revocata. Una casa gravemente danneggiata dalla scossa sismica (Ansa). La forte scossa di terremoto di magnitudo 6.5 registrata ...altro »
    • Il viaggio / 6. A Beirut una sartoria per ricucire le esistenze delle ... - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itIl viaggio / 6. A Beirut una sartoria per ricucire le esistenze delle ...Avvenire.itNel vecchio palazzo a Sad el-Baouchriyé, nord di Beirut, anche Sara, 64 anni, sposta lenta gli scatoloni pieni di vestiti. Con lei altre compagne di lavoro organizzano quello che alla Boutique sociale di Arc en ciel, la più importante Ong libanese ...altro »
    • No, non è un bel giorno. La legge sulle Dat, i soldati in Niger - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.itNo, non è un bel giorno. La legge sulle Dat, i soldati in NigerAvvenire.itPerché è del tutto chiaro che esse intendono raddoppiare la barriera frettolosamente e imperfettamente costruita nel Mediterraneo di fronte alla Tripolitania e alla Cirenaica per sigillare le violenze e le sopraffazioni dei rinchiusi nei piccoli e ...altro »
    • Editoria cattolica, guai e gioie: Famiglia Cristiana digiuna, Avvenire ... - Affaritaliani.it December 15, 2017
      Affaritaliani.itEditoria cattolica, guai e gioie: Famiglia Cristiana digiuna, Avvenire ...Affaritaliani.itPer Famiglia Cristiana i tempi d'oro sono finiti. In una crisi generalizzata, l'unico giornale cattolico che dia buoni risultati, per ora, è Avvenire. I numeri.altro »
    • «Sulle Dat faremo obiezione di coscienza» - Avvenire - Avvenire.it December 15, 2017
      Avvenire.it«Sulle Dat faremo obiezione di coscienza» - AvvenireAvvenire.itIl direttore dell'Ufficio nazionale di pastorale della salute: valutazione non positiva. Nasceranno contenziosi, si lascia morire chi soffre. Una norma sul fine vita poteva essere utile, ma non questa.altro »