Dib u eega taariikhda waa laga dabqaataaye

qaali-jiif

Inagoo ka tixraacayna taariikhda taxanaha ah ee qoran iskugu jirtana ilaa iyo xaawo iyo aadan oo lawada qirsanyahay in ay ahaayeen unugii noolaha caqliga leh .waxay taariikhdu qortay in ay jiraan dadyow ama umado maalin ka baxa laymanka iyo safafka ilbaxnimada(civilization) iyo sidoo kale umad gasha laymanka ilbaxnimada iyadoo cilmi ahaan loo sababeeyo dhowr waxyaabood.kuwaas oo hadii ay waayaana guuldaraystaan hadii ay helaana guuleystaan.

1:dhugma la aanta :hadii ay umadi meel kunooshahay waxaa haboon in ay leedahay dhugma heersare ah oo ka tusaala qaata dhibaatooyinkii dhicijiray,sababahii,wadadii loo maray iyo daawadoodii.

2:la aanta aqoon jahaysa :tusaale ahaan hogaamiye ayaa waxaa uu leeyahay u duurgalida isbadalada dhaca ee maalin laha ah iyo rabida bulshada meeshaas ku nool isagoo leh aqoon dheer iyo dhagaysiga rabitaanka taageerayaashiisa.

3:la’aanta iyo helida fikir iyo hal abuur taas oo aduunku kutartamo waana mida aan maqalo wadan hebel ayaa wadan hebel sanadkaan ka hormaray.waxaan latixgaliyaah 12 qodob oo aduunku ku tartamo sida ka faa iidaysiga khayraadka dhulkaaga, caafimaadka,suuqa dhexe iyo kan guud,hay adaha gaarka loo leeyahay,kaabayaasha dhaqaalah,caafimaadka,iyo in uu dhaqaalaha uu wadanku soo saaro uu kabadanyahay midka uu keensado.

Yaa hormara ? Sida uu alle quraankiisa ku xusay

Hadaba sidaan macnaha aayadaan kadhadhansanayno majirto cid iska leh guusha oo ay wada dhasheen waxaana daliil u ah in ay jiraan wadamo islaam ah boqolkiiba boqol isku dhaqana ah isku diina ah isku dadna ah hadana dhanka hormarka marka laga eego ugu liita dunida.taasi hadaba taariikhdu waxay qortay in tartanka baadigoobka ilbaxnimada cidii kuguulaysata leedahay waa dhanka aduunka aakhirana qolo walba iyo waxay caabudo alle ayaa xukunkooda haya.

Yaa hela ilbaxnimo ama xadaarad?

Inagoo dugsanayna dhanka xigtada cilmiga waxaa dhaliya ilbaxnimada umadii kulansata 4 waxyaabood :

1: leh jiritaan xadadan ama jaan go an.taasi waxay tahay in ay jirto dadku meel ay u noqdaan sida somali hadaan nahay asalkeenu waxaa uu u noqdaa umad hebla oo bari jirijirtay. Taasi waxay horseedaah in ay dadku helaan sharaf iyo sidoo kale ku faanida wadankaas ama qowmiyad.

2:dhalinta aqoon: sida caadi ahba aduunka dadna aqoonta waa dhaliyaan dadna waa quutaan .waxaanan maqalnaah maalinkasta wadan hebel ayaa ah wadankii ugu horeeyay ee kuguulaystay in ay hal abuurka habel curiyaan, tusaale ahaan dayax gacmeedka. Iyo kaabayaasha nolosha casriga ah .

3: leh difaaca xuduudaha go’an, ama wadan lagu yaqaan dhankastaba ha ahaatee. tusaale ahaan waxaan maqalnaah wadan hebel ayaa maanta waxaa duqeeyay wadan hebel taasi waxay daliil u tahay in uusan wadanka laduqeeyay lahayn awood uu kudifaaco xuduudahiisa bad,bari iyo cir midna.

:4:leh hiiliyaal hormareed sida ilaha dhaqaalah ,kaabayaasha dhaqaalah iyo taageerayaasha nolosha sanado iyo maalinlaba waxaa soo gali kara qodobkaan hadii ay ahaan lahayd dhaqalaha ,siyaasada,bulshada iyo hugaamintooda.

Gunaanad:

Taariikhda madhaliyo shakhsi/qof badalkeeda waxaa dhaliya umado.

Umadii rabta in ay yeelato taariikh dheer waxaa lama huraan ah in ay kudadaasho qodobada kor kuxusan (mabedelanto taariikhdu in aad bi’so mooyaane, hadii aad bargoysana in ay bayrto how filine, bog haddaad rogtaba baal kalay kaaga soo bixiye).

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment